Home » Warar »

Cabdiraxmaan Faroole oo sheegey in Qabashada Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya ee Pundland ay ka Tarjumeyso in Pundland ay….

martigelin karto Shirar Dib u heshiisiinta Soomaaliya —

Waxaa magaalada Garoowe ee Maamul Gobaleedka Puntland ku soo gebagaboobay tartankii 18-aad ee cayaaraha gobolada oo sanadkaan ka qaybgaleen 15 gobal, waana markii ugu horeysay oo tiri inta la eg tartanka cayaaraha gobolada ee dhinaca K/cagta, waxaana cayaarta kama dambeysta ah isugu soo baxay Gobalada Bari iyo Banaadir, waxayna cayaartaasi ahayd mid aad u adkeed waxaana daaasheeda ka soo qaybgalay madaxweynaha maamul goableedka Puntladn C/raxmaan Faroole, Guddoomiyaha Gobalka Banadir Maxamuud Max’ed Tarsan iyo mas’uuliyiin kale oo fara badan iyo dadweyne kala taageerayey Gobalada Bari iyo Banaadir waxayna cayaartaani ahayd mid xiiso badan, waxayna labada gobal soo bandhigeen cayaar aad loo jeclaystay, waxaana 1-0 guushu ku raacay Gobalka Banaadir oo isagu muujiyey Cayaar aad u sareysay halka gobalka uusna soo bandhigay cayaar iyana wanaagsan.

Halkan ka daawo sawirada

Cayaartooydii Gobalka Banadir ayaa waxaa Koobka guddoonsiiyey Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland C/raxmaan Faroole oo isagu u hambalyeeyey gobalka Banaadir, sidoo kale waxa uu u mahadceliyey Xiririka Soomaaliyeed ee K/cagta oo isagu suurageliyey in uu qabsoomo tartankaan juhdi badana geliyey.

C/raxmaan Faroole waxa uu sheegay in qabashada Cayaaraha gobalada Puntland ay ka tarjumeyso in maamul gobaleedka Puntland in uu yahay deegaan nabdoon isla markaana martigelin kara shirarka dib u heshiisinta Soomaaliyeed, isla markaana laga maarmi karo in shirarka dib u heshiisiinta lagu qabto dalka dibaddiisa.

Gobalka Banaadir ayaa lagu abaalmariyey bilado iyo lacag gaareysa 60 Milyan oo Shillin Soomaali ah, sidoo kale Gobalka Bari ayaa isna la guddoonsiiyey Bilado iyo Abaalmarino kala duwan iyadoo la filayo in gobalka Banaadir xaflad soo dhaweyn ah loogu qabto Magaalada Muqdisho,maadaama ay soo hooyeen Koobkii K/cagta ee Gobalada, iyadoo 16-kii maalmood ee uu socday tartankaasi Magaalada Garoowe noqotay meel ay ku soo qulqulaan cayaartooy fara badan oo isugu jira kuwii hore iyo kuwii dambe, sidoo kale guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaanbe iyo Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta C/qani Siciid Carab ayaa u mahadceliyey maamul gobaleedka Puntland iyagoo sheegay in la’aantood uusan tartankaasi qabsoomik lahey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

ER-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

……………….

War Saxaafadeed 001/2011

Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo Banaadir ugu hambalyeeyay Horyaalnimada Koobka Gobollada

(Muqdisho – 01 Jannaayo 2011) – Raysal-wasaaraha Xukuumadda Ku-Meel-Gaarka ah, Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, ayaa ugu hambalyeeyay kooxda Gobolka Banaadir hanashada koobka gobollada Soomaaliya, kaddib markii ay 1-0 uga badiyeen kooxda Gobolka Bari. Wuxuu sidoo kale ammaanay kooxihii kale ee ka qeybgalay tartankaas.

Illaa 15 gobol, oo ka mid ah 18ka gobol ee ay Soomaaliya ka kooban tahay, ayaa ka qeybgalay tartankaas.

Raysal-wasaaraha ayaa yiri:

“Iyadoo uu yahay tartankii ugu horreeyay ee la qabto muddo 20 sano ah, waxaan aad ugu faraxsannahay waxa tartankaas uu u taray dhallinyaradeena iyo shacabka Soomaaliyeedba. Wuxuu horseeday is-dhex-gal bulsho – sida adkeynta nabadda iyo is-fahamka dhallinyarada iyo horumarinta xirfadda kubadda cagta maadaama tartankan uu naga saacidayo sidii loo xulan lahaa ciyaartoyda heerka sare.

“Tartanka 2010 wuxuu guul u ahaa shacabka Soomaaliyeed. Waxaan u hambalyeyneynaa, una mahadnaqeynaa madaxda iyo shacabka Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland inay si sharaf leh martigeliyeen koobkan qiimaha badan. Waxaan sidoo kale u mahadnaqeynaa Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta oo soo qabanqaabiyay tartankaas.

“Xukuumaddeydu waxay u aragtaa cayaaraha iyo tartannada noocan oo kale ah hab dhallinyarada looga dhigi karo kuwo waxtar leh. Qabanqaabiyeyaasha ha ku xisaabtamaan taageeradeena buuxda marka mustaqbalka la qabanayo tartannadan sanadlaha ah.”

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Cabdiraxmaan Faroole oo sheegey in Qabashada Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya ee Pundland ay ka Tarjumeyso in Pundland ay…. "

  1. Waa guul u soo hoyatay umada Soomaaliyeed in la qabto cayaaraha gobolada. thank you Garowe