Home » Warar »

Ciidamada Itoobiya oo Hub ka dhigis ku sameeyey Ciidamadii Dowlada FKMG iyo Kuwii Ahlu Sunna ee ku Sugnaa Dooolow

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Geddo ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Dowlada FKMG iyo kuwii Ahlu Sunna ee ku sugnaa Deegaanka Doolow ay Hub ka dhigis ku sameeyeen Ciidamadii Itoobiya ee ay wada joogeen Deegaankaas.

Ilaa iyo Hada lama oga sababaha Hub ka dhigista loogu sameeyey Ciidamaadaas hase yeeshee warar ayaa sheegaya in Dowlada Itoobiya ay ka carootey Hub Ciidamada Dowlada FKMG iyo kuwa Ahlu Sunna laga soo siiyey Dalka Kenya isla markana halkaas kula soo kulmeen Beesha Caalamka oo iyagu ka dambeeyey in Hubkaas Bixiyaan si lagula Dagaalamo kooxaha ka soo horjeeda Dowlada Federaalka.

Xukuumadda Itoobiya ayaa waxay dooneysaa in wixii soomaaliya lala doonayo in dhankeeda loo soo marsiiyo oo aysan Dowlad kale ku lug yeelan.

Ciidamad Hub ka dhigista lagu sameeyey ayaa waxay tiradoodu gaareysaa ilaa 300 oo Askari waxaana lagu waramey in dowlada Itoobiya ay aad uga shakisan tahay in Hubka la soo siiyey Ciidamada Dowlada FKMG iyo Kuwa Ahlu Sunna in uu gacanta u galo Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka islamarkaana uu dib ugu soo laabto Dhulka Itoobiya si dagaalo loogu oogo.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada FKMG ayaa sheegey in Itoobiya aysan Xaq u lahayn in Hub ka dhigis ku sameeeyaan maadaama hubka ay ugu deeqeen Beesha Caalamka wuxuuna ka codsadey in Dowlada Itoobiya ay deg deg hubkaa ugu soo celiso Gacantooda.

Sidoo kale Dowlada Itoobiya Waxay la sheegay in ay ka carootey Ciidamo farabada oo loo soo tababarey Dowlada Federaalka ay dib ugu biireen Kooxaha ka soo horjeeda Dowlada Federaala islamarkaana waxay dowlada Itoobiyaay aad ugu Xumaatey markii Ciidamada Dowlada ay si fudud looga soo saarey Degmada Buulo Xaawo oo ay qabsadeen kal hore.

“ Muuddo laba sonno ayaa Tababareyney Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka waxaana siiney wixii Hub ahaa ee ay u baahnaayeen hese yeeshe ma fileyn in si fudud uga soo baxaan deegaanka Buulo Xaawo”ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iyo kuwa ka tirsan Dowlada Federaalka ay ku dagaalameen Deegaanka Kala Beyr ee tirsan Gobolka Hiiraan ka dib markii Cidamada Dowlada FKMG Soomaaliya ay aad uga Carooden nin Ciidamadooa ka tirsan ay Xabsiga dhigeen Ciidamo Itoobiyaan ah waxana dagaalkaas ku dhintey 3 qof oo labada dhinac ah taasi waxay keentey in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Kala Beyrka.

Ciidamada Itoobiya ayaa xirxirid kula kaca Dadka soomaaliyeed ee ku nool Xuduud beenaadda Soomaaliya ay la leedahay Itoobiya, dadkaas qaarkood weli waxay ku jiraan Xabsiyada Dalka Itoobiya kuwaas oo la sheegey in ku jiraan Dhibaato aad u daran iyadoo la wada og yaay in Ciidamada Itoobiya ee soo galeen Soomaaliya dabayaaqadii Sannadkii 2006 mar ay taagerayeen Dowladii FKMG ee Cabdulaahi Yuusuf hase yeeshee waxay la kulantey Dagaalo qaraar waana mida soo dedejisey in ay ka baxaan Soomaaliya, sidoo kale Xiligaan Dowlada Itoobiya waxaa la sheegey in faraha kula jiro Maamulada Soomaaliland iyo Puntland waxaana madaxda Maamuladaas Safarkoodu ku badan yahay Caasimada Itoobiya ee Adis-Ababa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Ciidamada Itoobiya oo Hub ka dhigis ku sameeyey Ciidamadii Dowlada FKMG iyo Kuwii Ahlu Sunna ee ku Sugnaa Dooolow "

  1. said sheikh says:

    Xuduudbeenaad inay tahay waxaad ku ogaanaysaa qaabka ethiopia ay usamaysatay xuduudahaas. sida aad lasocotaan ethiopia waxay daqiiqado gudohood ku kalaqaybinkaraan gobolo badan oo dalka kamida si sahlan ama ay ku qabsan karaan.inkastoo haddaba ay gacanta ku hayaan gobolo badan oo soomaaliya katirsan maadaama ay maamulaan dad iyaga ka amarqaata.waxaanan idiin sheegayaa in hadii kuwaas meesha kabaxaan ay si toos ah usoo galayaan magaalooyin farabadan!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! S/C

  2. Faa,id says:

    Wallee waa wax aad u xun Itoobiya waxay isku aamini weyday xooggaa yaraa ee askarta ahaa ee ay tababari jirtey waxayna ka baqeen in mustaqbal ay iyagu ku soo laabtaan oo dib ula diriraan awalna cadowgaaga oo ku hubeeya oo dad kaa dhiga lama arag, uun waxuu ku xisaabtamaa imasaa soomaali ka dhimatey.

  3. Adam Zaki says:

    Erayga Xuduud Beenaadka ayaa si gaara iisoo leexiyay Mahad sanid Amin yousuf in badan oo wax qora Juquraafi siyaasadeedka Somalia war uma hayaaan qiimaha uu eraygaas leeyahayna wada dareemi maayaan