SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof: UN

"Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012..." Warbixin Qarammada Midoobay..

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | June 7, 2010

Cilmi baaris aad u qoto dheer oo Qarammada Midoobay ku samaysay dadka Soomaaliyeed ee qaba cudurka HIV/AIDS ayaa soo bandhigtey akhbaar aad u argagax badan oo muujinaysa sida cudurkaasi uu xawliga ugu dhex fidayo shacabka Soomaaliyeed (Boosaaso, Hargeysa, Muqdisho, Garoowe, Berbera, Galkacyo, Jawhar iwm).

Cilmi baaristaas oo ka kooban 64 bog oo la faafiyey May 13, 2010, waxay jaaha saartay Woqooyi-Galbeed (Somaliland), Woqooyi-bari (Puntland) iyo Koonfurta-dhexe ee Soomaaliya.

Tirakoonkii ugu horeeyey ee la sameeyey 2004 waxay muujiyeen in dadka halista ugu jirey cudurka HIV/AIDS in ay ahayd gobolada Koonfureed (boqolkiiba 0.6%), Puntland (boqolkiiba 0.9) iyo Somalilanad (boqolkiiba 1.4%). Warbixintaas ayaa sheegtay in baaritaano dheeraad ah oo la sameeyey muujiyeen in meesha ugu badan HIV ay ahayd magaalada dekedda ah ee Berbera oo uu gaarayey boqolkiiba 2.3%.

Markii la soo gaarey sannadkii 2007 tirakoob la sameeyey waxa uu muujiyeen in uu guud ahaan cudurkaasi uu ku sii kordhay dalka, taas oo uu gaarey boqolkiiba 1.5% Somaliland. Sidoo kale waxaa soo shaac baxay in sannadkii 2008 in magaalooyinka Berbera, Boosaaso, Haregysa, Burco iyo Galkacyo uu aad kor ugu kacay halista cudurkaasi.


Eeg bogga 12 ee cilmi baarista.

Warbixinta QM waxay tibaaxday in cudurka HIV ee Soomaaliya uu labaatan jirsadey (20 sano).

Somaliland

Tirakoobka lagu sameeyey Somaliland waxay muujiyeen in cudurka HIV uu sii faafayey Boorama (0%) ilaa Berbera (2.7%), halistaas oo sii fidaysay laga soo bilaabo 1999 oo uu ahaa boqolkiiba eber (0.0%), waxana uu sannadkii 2004 gaarey boqolkiiba 2.3%, ilaa uu sannadkii 2007 gaarey boqolkiiba 2.7%. Warbixintu meel kale waxay ku muujisay Boorame in uu gaarey 1.1%.

Puntland

Qiyaastii la sameeyey waxay muujisay sida cudurkaasi kor ugu kacay laga soo bilaabo 2004 ilaa 2007 oo uu ka soo bilowday boqolkiiba 0% ilaa boqolkiiba 2.2%. Sannadkii 2004 marka la eego magaalooyinka sida ay ugu kala daban yihiin cudurkaasi waxa bilowgii la qiyaasay Gaalkacyo (boqolkiiba 1.4%), Boosaaso (boqolkiiba 0.9%) iyo Garoowe (boqolkiiba 0.7%). Markii dambe uu aad ugu fiday Boosaaso.

Koonfurta-dhexe

Dhanka koonfureed ee dalka nabadi kama jirin laga soo bilaabo 1991. Qiyaas fiicana lagama hayo oo si rasmi ah loogu ogaan karo sida uu isu bedeley faafidda cudurka AIDS. Qiyaaso la sameeyey 2004 ayaa muujiyey in uu cudurkaasi u dhexeeyey magaalada Marka (boqolkiiba 0%) ilaa Muqdisho (boqolkiiba 1.2%). Halka HIV ee Jawhar iyo Xudur uu ahaa boqolkiiba 0.3%. Dagaalada ka jira Muqdisho ayaa sabab u ah in aysan xaaladdu saamaxin in lagu sameeyo tira koob rasmi ah oo lagu ogaado sida cudurkaasi u fiday.

Soo koobid

Inkasta oo aysan jirin xog (data) guud oo Soomaaliya oo dhan ah, haddana waxaa muuqata in cururka HIV/AIDS uu u faafayo qaab is dhinac socda oo saddex dariiq ku socda (Somaliland, Puntland iyo Koonfur).

Sida ay faafiyeen hay'adda UNAIDS iyo WHO qiyaastii ay sameeyeen sannadkii 2009 waxaa cudurka HIV qabey 35,175 qof oo Soomaali ah oo ku kala dhaqan Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya, oo qiyaastii celcelis ahan da'doodu u dhaxaysay 15-jir ilaa 49-jir. Faraq weyni uma dhaxayn rag iyo dumar, tirada cudurkaas qabtey ee dumarka ah waxay ahaayeen 18,505 (waa boqolkiiba 52.6% ee tirada guud ee qabta cudurkaas) iyo ragga oo ahaa 16,670 (waa boqolkiiba 47.4%). Qiyaastu waxay samaysay in xaaladaha cusub ee cudurkaasi uu dhowaanta ku dhacay ay ahayd 3462 (51.5%) oo dumar ah iyo 3250 (48.5%) oo rag ah, taas oo isku darka dadka uu dhawaanta cudurkaasi ku dhacay ka dhigeysey 6,712 qof.. Sidaas haddii arrintu ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012, ayey tibaaxday cilmi baaristu.

Waa tiro ka badan nus-malyan, ayadoo guud ahaan tirada dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqanaa dalka gudihiisa sannadkii 2008 lagu qiyaasay 8.1 million, kuwaas oo boqolkiiba 50% ay da'doodu ka yaarayd 15 jir. Halkaas waxaa ka soo shaac baxaya halis iyo dabar go' aad u baaxad weyn haddii aan si degdeg ah looga hor tegin.

Shaxda hoose waxay muujinaysaa dadka laga baaray cudurka HIV intii u dhaxaysay 2006 - 2009 iyo inta qof ee dadkaas laga helay cudurkaas oo noqday kuwo qaba HIV (+ve). Waxaa halkaas ka muuqda in la baaray 13,022 qof, waxaa tiradaas ka soo baxay in cudurkaas ay qabeen 2,341 qof, taas oo ah in boqolkiiba 9.6% dadkii la baaray ay qabeen cudurkaas.


Eeg bogga 19 ee cilmi baarista

Yuu ugu badan yahay halista cudurkaasi:

Cilmi baarista ay ka qayb qaateen hay'ado badan oo Qarammada Midoobay waxay tibaaxday dadka iyo meelaha halista u ah in cudurka HIV/AIDS uu sida xawliga ugu faafayo. Waxaana arrinta ugu weyn ee ka qayb qaadanaysa fididda cudurkaas ee la tibaaxay ay tahay dumarka ka soo safraya Ethiopia, Jabuuti iyo Eretria  ee imanaya dhulka Soomaaliyeed (Somaliland, Puntland iyo Koonfur-dhexe) iyo ragga Soomaaliyeed ee u safraya Itoobiya, Jabuuti iyo Bariga dhexe  - Magaalooyinka halista ugu weyn ku wajahan tahayna waa Boosaaso iyo Hargeysa.

Gaar ahaan warbixintu waxay tibaaxday: Dareewalada, Qaadwalayaasha, maqaaxiyadaaha lagu gado shaaha ee habeen iyo maalin furan iyo naagaha jirkooda ka ganacsada. Waa arrimo aad iyo aad looga calool xumaado ayadoo Soomaalidu ay yihiin dad Muslimiin ah in sidaas lagu qeexo.

Boqolkiiba 62% dareewalada gawaarida xamuulka (Truck Drivers) ayaa warbixintu sheegtay in ay leeyihiin wax ka badan hal haween ah oo gogol-dhaaf ah. Raggaas oo 60% ay si caadi ah xaasaskooda uga maqan yihiin muddo ka badan hal bil. Raggaas oo warbixinta lagu waraystay waxay dhammaantood sheegeen in ay u safreen Ethiopia, Jabuuti iyo Bariga dhexe. Sida caadiga ah da'doodu waxay u dhaxaysaa 15-jir ilaa 25-jir. Dareewaladaas cilmibarista ka qaybgalay waxaa cudurka HIV qaba boqolkiiba 37%. Dareewaladu waxay sheegeen in badanaa waqtigooda nasashada ay aad u isticmaalaan Qaadka oo ay calashadaan. Qaadka oo ka yimaada Itoobiya. Dadka qaadka gada waxaa cudurka HIV laga helay boqolkiiba 21% (waa tiro aad u argagax badan - ka warran qof qaba HIV/AIDS haddana kaa iibinaya qaad, maxaa qaad-calashadayaashu sugayaan).

Waxa kale oo warbixinta lagu ogaadey in maqaaxiyadaha lagu gado shaasha. Maqaaxiyadahaas shaaha ee ku yaal magaalooyinka waaweyn sida caadiga ah waxay shaqeeyaan 24 saac.

Dhanka kale, Warbixintu waxay sheegtay in cilmi baaris aan rasmi ah weli la faafin ay muujinayaan in magaalada Boosaaso ay ka soo shaac baxeen dabeecado halis ah oo ka imanaya xagga ka ganacsiga qaadka soo gelaya magaalada. Waxa kale oo warbixintu sheegtay in Burcad badeedu ay soo jiidatey dumar jirkooda ka ganacsada oo ka imanaya dalalka deriska ah sida Ethiopia, Jabuuti iyo Eritrea. Taas oo warbixintu sheegtay in dabeecadahaas halista ah ay Puntland ku kordhinayaan in uu si xawli ah u laba kacleeyo faafidda cudurka HIV/AIDS.

Magaalooyinka kale ee sida gaarka ah ay warbixintu u xustay waxaa ka mid ah Berbera, Lowyacado iyo Togwajaale.

Warbixintu waxa kale oo ay tibaaxday in baaritaas ay sameeyeen 2008 ay ka qayb qaateen 237 oo ay warbixintu ku tilmaantay in ay yihiin dumar jirkooda ka ganaacsada oo ku sugnaa Hargeysa, baaritaankaas oo laga ogaadey in boqolkiiba 5.2% ay qabeen cudurka HIV taas oo ah tiro laba laab ka badan qiyaasaha kale ee la sameeyey. Waxaa intaas dheer in la sheegay in dumarkaas ay boqolkiiba 3.1% qabaan cudurka Soomaalidu u taqaan Isfiilato (syphilis).

Waa arrin naxdin ku ah shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Isku soo duub oo cilmi baaristu waxay sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee qaba cudurka HIV ee ku sugan gudaha (Somaliland, Puntland iyo Koonfur-dhexe) in ay u kala qabsan yihiin boqoliiba: Dareewallo (37%), Qaadwalayaal (21%), Ka Shaqeeya Maqaaxiyaha Shaaha (15%), Gurijoogto (14%), Dumar ka yimid Jabuuti oo guryaha ka shaqeyn jirey (6%), Askar hore (2%), Dukaamaley (1.8%), Ka ganacsada Xoolaha Nool (0.2%), iyo kuwo kale (5%).. Eeg shaxda hoose.


Eeg bogga 21aad ee warbixinta

Warbixinta waxaa lagu xusay in dalka Soomaaliya intii u dhaxaysay 2006-2008 in lagu faafiyey oo laguna qaybiyey 2.2 million oo Galcaar ah. Sannadkii 2009 in tirada galcaarka lagu qaybiyey ay ahayd 300,000. (Waxaana xusid mudan in sannadkii 2004 in Boosaaso lagu gubey 12 kartoon oo galcaar ah).

Sidee looga hor tegi karaa Cudurkaas

Ugu horayn warbixinta Qarammada Midoobay waxay sheegtay in Soomaalidu ay hadda haystaan fursad aad u weyn oo ay ku joojinayaan cudurka HIV/AIDS ka hor inta uusan gaarin heer uu faraha ka baxo oo aan wax laga qaban karin. Waxaana warbixintu intaas raacisay in Soomaalidu aysan arrintaas weli uga jawaabin sidii la rabey si cudurkaas halista ah ee dilaaga ah loo xakameeyo.

Xagga dhiiga qofka lagu shubo waa in taxadar weyn laga muujiyo oo marka hore dhiigga lagu deeqay si weyn looga baaro in uu sido cudurka HIV/AIDS. Waxaana warbixintu ka digtey gaar ahaan dhanka Koonfureed ee Soomaaliya maadaama uu dagaal ka jiro oo dhiigga degdeg loogu baahan karo in taxadar weyn la muujiyo.

In la badiyo la talinta iyo baaritaanka: Taas oo tusaale ahaan warbixintu sheegtay in ay ka qayb qaadanayso baraarujinta iyo in si degdeg ah loola taliyo dadka uu ku dhacay cudurkaasi si uusan u sii faafin. Tusaale ahaan warbixintu waxay sheegtay laga soo bilaabo sannadkii 2006 in lala taliyey dad tiradoodu gaarayso 24,284 qof, kuwaas oo la ogaadey in 2,341 ay qabeen cudurka HIV taas oo ah boqolkiiba 9.6% dadkii la baaray. Waa tiro argagax leh.

In Soomaalidu bedelaan dabeecadahooda iyo hab dhaqankooda, wixii dhaqan xumo ahna suuliyaan.

Cilmi baarista Qarammada Midoobay waxay muujisay sida ugu weyn ee cudurkaas lagaga hor tegi karo waxay tahay KHAALIS-NIMO (Faithfulness) iyo in laga fogaado gogol-dhaafka / sinada oo laga dheeraado (Abstinence) iyo in aan la wada isticmaalin aaladaha afka badan gaar ahaan (gar-xiirta, makiinadaha iwm).

Dabcan, maadaama aan nahay ummad Muslimiin ah oo aamisan Allah, waxaa muhiim ah in rabbi loo noqdo oo laga dheeraado wixii Allah xarimay, oo la raaco dhaqanka suubban ee diinteena Islaamka.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa taladii Prof. Yusuf Hersi Ahmed ee 2004 ee uu yiri waxaan: rabaa inaan halka ku soo gudbiyo dhawr talo oo la xiriira fulinta dhaqantoosinta iyo la dagaallanka HIV/AIDS-ka:

  • a) Dejin qorshe qaran oo qeexan oo ku salaysan tillaabooyin isdabajoog ah
  • b) Iskaashi dhab ah ee dawladda, culimmada, aqoonyahannda, iyo dadweynaha.
  • c) Abuurid xarumo dhaqancelin oo laga dhex fuliyo wacyigelin diimeed, akhlaaqeed, bulsho iyo tababar xirfadeed oo qofku marka uu ka soo baxo u oggolaan kara inuu shaqaysan karo.
  • d) Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah
  • e) Soo dhoweyn cid kasta oo si daacad ah gacan inooku siinaysa fulinta qorsheheenna.
  • f) Dumin bartilmaameedyada dhaqanhabowga iyo cadaadin dadka falkaas ku dhex jira oo la rabo in jir iyo maskaxba laga toosiyo.

Linkan ka eeg cilmibaarista oo dhamaystiran,
cinwaankeeduna waa: United Nations General Assembly Special Session on HIV/AIDS: COUNTRY PROGRESS REPORT 2010
http://data.unaids.org/pub/Report/2010/somalia_2010_country_progress_report_en.pdf

Si aad wax uga ogaatid Cudurka AIDS akhri Qormadii: Faarax Axmed Muuse

Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:

MINNESOTA: 18 Soomaali ah ayaa Qaba Cudurka AIDS-ka.. GUJI...

Digniin Hore oo Laga  Bixiyey Cudurka AIDS-ka oo Ku Faafaya Soomaaliya::

JAWHAR::: Waraysi: Gabar Soomaaliyeed oo Qabtey AIDS& ka Akhri Halkan

Faafin: SomaliTalk.com / June 7, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS