SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wafdigii Ururka SDSI oo si weyn loogu soo dhaweyey Holland iyo sanad guurada ururkaasi oo lagu qabtay Magaallada Denhaag.

Jaaliyada Beelaha Sade ee kunool Wadanka Holland ayaa waxay maanta si weyn usoo dhaweeyeen Wafdigii balaarnaa ee uu hogaaminayey Guddoomiyaha ururka SDSI Mudane, Abdinuur Sheekh Abdisalaan Aw-Maxamuud,kuwaasi oo kasoo kicitimay Wadanka UK,halkaasi oo ay ku sugnaayeen maalmihii ugu danbeysay ee todobadkan.

Shirweyne si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa uu Magaallada Denhaag ku dhexmaray Madaxdasi iyo Jaaliyada Beelaha Sade ee Holland,kaasi oo lagu gorfeynayey sidii looga wada hadli lahaa xaalada Somalia iyo beesha saameynta ay ku leedahay waxa ka dhacaya Dalka Somalia,waxaana taasi barbar socday doorka Qurba joogta Beelaha Sade kuleeyihiin arimaha Nabadeynta iyo Maamul u sameynta deegaanadii ay ka yimaadeen.

Shirka ayaa waxaa daadihinayey Abdiweli Garbo-cune ,waxaana uu sheegay in jaaliyada maanta u madlaneyd sidii ay u qaabili lahaayeen Madaxdooda oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Ururka SDSI Abdinuur Sheekh Abdisalaan Aw-Maxamuud ,waxana intaasi kadib halkaasi laga akhriyey aayado quraan ah oo furfurashada hadalka gundhig looga dhigayey.

Xamsa Sheekh Xuseen “Hanoolaato” oo ah Guddoomiyaha Ururka SDSI ee Qaarada Yurub isla markaana aheyd qofkii ugu horeeyey ee lagu soo dhaweyey inay halkaasi khudbad ka jeedisay ayaa ku dheeraatay xiliyadii kala duwanaa ee uu ururkan ka hirgelintiisa Holland soo maray,waxaana ay sheegtay indhamaan jaaliyada Sade ee Holland garowsan yihiin la shaqeynta iyo garab istaaga ururka SDSI ay u tahay midii guul deg deg ah oo beesha Sade gaarto lagu gaari lahaa.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Waxaana intaasi ay kusii dartay in Beesha Sade ee Holland degan ay farxad u tahay soo dhaweynta Madaxdii Ururka SDSI ee uu hogaaminayo Abdinuur Sheekh Abdisalan Aw-Maxamuud iyo in Holland lagu qabto sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii laáasaasay Ururka SDSI,taasi oo u muuqata in kaalin mug leh ay beesha Sade kaga jiraan Jaaliyada Holland.

Dhinaca kale Cali Jama “Cali Kawaan”ooi sagana ku hadlayey codka odayasha Beelaha Sade ee Holland ayaa waxa uu sheegay inay ku qanacsan yihiin dhamana hanaanka maamul iyo howl ee uu ku socdo Ururka SDSI,waxaana uu intaasi raaciyey inay balan qaadayeen la sii shaqeynta ururkaasi iyo ka miro dhalinta himilada fog ee laga leeyahay,Laakiin waxaa uu intaasi dhinac dhigay fariin uu u gudbinayey dhamaan Beelaha Sade inta Dibada joogta iyo inta gudaha joogtaba,taasi oo ah in manta fursada la heystaa ay tahay taageerida iyo la shaqeynta Ururka SDSI.

Ahmed Dhagaxtuur oo ah Guddoomiyaha dhalinyarada Beelaha Sade ee nool Wadanka Holland oo halkasi ka muujinayey doorka dhalinyarada ayaa sheegay inay ka dhalinyaro ahaan soo dhaweynayaan wafdiga maanta yimid Holland,waxaana uu hadalkiisa ku xusay arin muhiim aheyd oo ay wada garowsadeen dhamaan ka qeybgalayaashii,taasi oo ah in dhalinyarada qaadi doonaan wadada ay u jeexaan aabayaashooda,haddii ay xumaan noqdaan wadada ay u falaan,waxa uu sheegay in dhalinta wixii laga sugaa ay xumaan noqon doonto,haddiise ay wanaag iyo wado toosan u tilmamaan inay dhalinta uu afkooda ku hadlayo ay noqon doonto wixii laga filaa wanaag iyo Horumar ay dadkooda gaarsiiyaan.

Intaasi kadib waxaa Hadalka uu usoo wareegay Madaxdii Wafdiga SDSI ee maanta soo gaaray Wadanka Holland,waxaana ugu horeyn hadalka qaatay Guddoomiyaha Ururkaasi Mudane,Abdinuur Sheekh Abdisalaan Aw-Maxamuud,isagoo oo dadkii soo dhaweeyey iyo intii soo qabanqaabisay shirkan uga mahadceliyey,waxaana uu inbadan ka sheekeeyey tariikhdii ururka SDSI iyo socdaalkiisa qaarada yurub,waxa uu hadalka ku hayo.

Guddoomiye Abdinuur Sheekh Abdisalan Aw-Maxamuud ayaa sheegay in socdaalkiisa uu uga gonlahaa sidii jaaliyada Beelaha Sade ee Qaarada Yurub ay ula qaadan lahaayeen kulamo,kuwaasi oo la isku dhaafsanayo wixii talo iyo tusaane ah oo ku wajahan Deegaanada Gedo,Galgaduud iyo Jubbooyinka,Laakiin socdalka Holland ay ku yimaadeen uu ka duwan yahay socdaalkii ay kusoo mareen UK,sababtoo ah buu yiri wax Holland ay si wada jirka ugu qabanayaan shir wada tashi iyo Sanadguuradii Ururka SDSI markii dhidibada loo taagay,isagoona sheegay inay intabadan kulamada ay jaaliyadaha ay ku soo dhamaadeen guulo la taaban karo oo usoo hooyatay ururka SDSI.

Dhinaca kale markii ka hadlayey himilada Ururka SDSI ayuu sheegay inay tahay sidii ay u kobcin lahaayeen dhaqaalaha deegaanada beeshu ay degto,sidii ay u xoojin lahaayeen dhamaan dadaalada dib u hishiisiineyd ee ka jira degaanka beesha iyo mida ugu muhiimsan oo ah sidii Miisaan mugweyn loogu sameyn lahaa Siyaasada Beesha ay leedahay ee ku wajahan guud ahaan Dalka Somalia,taasi oo furo u noqon doonta kaalinta ay kaga jiraan bulshada Somaliyeed.

Mar uu ka hadlayey Khilaaf la sheegay inuu ka dhex jiro Ururka uu Hogaamiyaha u yahay isaga iyo sidoo kale in socdaalkiisa Qaarada Yurub uu ku wajahan yahan carqaladeynta Shir la sheegay in beesha sade ku leedahay UK ayuu waxa uu Hangool dheer isaga fogeeyey dhamaan waxaasi oo dhan,isagoona ku tilmaanay inay arimahaasi iska yihiin dacaayado raqiis ah oo ay wadaan,dad uu ku sheegay inay yihiin kuwa aan aqoon dantooda iyo danta Beesha guud ahaan ay leedahay,Ururka SDSI ayuu ku tilmamay inuu yahay mid leh sharci,kaasi oo qofkii ku xadgudba dhigaya qaabka ugu sahlan ee uu ururka uga baxayo,waxana uu sheegay in qofkii uu sharcigaasi qabto uusan la macno aheyn in ururka uu khilaaf ka jiro.

Col,Cabdi Cisman oo ka mid ahaa Madaxdii Dowladii dhexe ee uu hogaamin jiray Allaha u Naxariistee Gen,Maxamed Siyaad Barre isla markaana hada ka mid ah Jaaliyada Beesha sade ee ku nool Dalka UK,iminkase la socday Wafdigan soo gaaray Wadanka Holland ayaa waxa uu sheegay inay ka jaaliyad ahaan maanta ka tooseen hurdo ay mudo dheer ku jireen,waxaana uu tusaale usoo qaatay in mudadii ka danbeysay Xukunkii 21 Oktober ay dalka ka dhaceen isbadalo waji xun yeeshay,kuwasi oo dadkii isku dayey inay ku baratamaan ay kusoo wada fashilmeen,Laakiin buu tiri Beesha Sade maanta Somalida ay ka dhowreyso inay isbadal kaasi dhaama keenta,waxaana uusheegay in wadada arintaasi loo mari karo aytahay,iyaddoo la taageero isla markaana lala shaqeeyo Ururka SDSI.

Fadumo Jaraafo oo Wafdiga kasoo raacday Magaallada London isla markaana jeedisay hadalo runtii goobnaa,laakiin marka aad fiiriso nuxurkiisu uu ahaa mid miisaan leh ayaa ku dheeraaty la hadalka Haweenka iyo kaalinta ay maanta ku leeyihiin nolosha bulshada,waxayna ay sheegtay in haddii ay yihiin Ururka Haweenka Beelaha Sade ay taageersanyihiin SDSI,dhinaca kalana ay dhawaan furayaan sanduuq dhaqaale loogu ururinayo sidii wax loogu qaban lagaa deegaanada jaaliyadahan ay kasoo jeedaan.

Falastiin Ahmed Dhoore oo ka mid ah dadka urur firfircoon Jaaliyada Beesha Sade ee Wadanka Holland horeyna ula soo shaqeysay Maamulkii Dowladii Maxamed Siyaad Barre ayaa kulankii maanta ku tilmaantay mid niyada dadka Beesha Sade qaboojinaya,marka loo eego sida dadka niyadasan ay isugu yimaadeen,Laakiin waxay sheegay in farxada maanta la joogo laga soo maray dadaal iyo juhdi badan oo ay galeen xubno beesha Sade ka tirsan oo ay iyada ku jirto.

Ciyaaryahanka Caanka ah ee Magan Dahir oo isaga ka mid ahaa dadkii kasoo qeyb galay shirkan ayaa isagana dhankiisa sheegay inay isbadal loo helaa deeganada Jaaliyada Maanta isku timid ay la mid tahay horumar deg deg ah oo la bidhaansaday,waxaana uu isaga shaqsiyan sheegay inay maanta u muuqato Tooshkii iftiinka oo u shiday dadka Reer Gedo,Galgaduud iyo Jubboyinka,si gaar ahna waxa uu u sheegay in Madaxa Ururka SDSI iyo dhamaan xubnaha ururkaasi ay la yimaadeen inta yar oo ay dhisnaayeen.

Ugu Danbeyntii hadalkasi,waxaa suáalo lagu weydiiyey Guddoomiyaha ururka SDSI,kuwaasi oo aan sidaasi u badneyn,waxana intii isugu timid shirka maanta hoosta ka wada xariiqeen in midnimo iyo wadajir shirkan lagu gudoonsaday,waxaana lagu soo xiray Buraanbur aad u qiimo badnaa oo ay halkasi ka tirisay Gabadha lagu magacaabo Farxaan oo ka mid ah Jaaliyada reer Sade ee Holland.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu weynaa oo abid Beelaha Sade ku dhexmara Wadanka Holland,marka aad fiiriso tirada dadka kasoo qeyb galay iyo Madaxda kasoo qeybgashay miisaanka ay leeyihiin,waxaana uu ahaa qofkii yimidba ku dhaliyey yididiilo hor leh oo u galeysay in shirarka noocan ah iyo wadatashida la badiyo.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah


Cali Dahir Ciid.
Denhaag,Netherlands.
 

La xiriir: garyare139@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com / June 1, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS