Home » Archive Bisha December, 2010

Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho oo wada Qorshe ay dib isugu soo Abaabulayaan

Dec 18, 2010
Hogaamiye kooxeedyadii mar ka talin jiray Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay wadaan qorshe ay dib isu soo abaabulayaan waxaana maalmahan socday shirar ay ku yeelanayeen Magaalada Muqdisho kaas oo ay uga arrinsanayeen sidii ay mar kale dib uga soo muuqan lahaayeen Siyaasadda Soomaliya. Hogaamiyayaashaan ayaa waqti ka mid ah waqtiyadii soo maray Soomaaliya waxay ahaayeen kuwo si aad ah looga yaqaanay... 
Halkudheg:

Soomaalidu diyaar ma u tahay 20 sano oo la mid ah 20-kii sano ee la soo dhaafay..

Dec 17, 2010
20 Sano oo Caddalad Darro, colaad & dagaal, barakac & qaxootinimo ah oo u buuxsamey Soomaaliya — Bishan December 2010 waxaa Soomaaliya u buuxsamaya 20 sano oo dawlad la’aan ah, oo uu ka socdey dagaal galaaftay in badan oo aan waxba galabsan, islamarkaasna halakeeyey shacab Soomaaliyeed oo aan tiradooda la qiyaasi karin, saamayna ku yeeshay hab-nololeedkii guud ahaan qowmiyadda... 
Halkudheg:

Taratankii 18aad ee Ciyaaraha Gobolada oo ka furmay Magaalada Garoowe

Dec 17, 2010
Waxaa Magaalada Garooowe oo ah Magaala Madaxda Maamulka Puntland  ka furmey Tartanka 18 aad ee Ciyaaraha Gobolada oo Muddooyin aan la qaban arrimo la xiriira Nabadgelyada waxaana lagu wadaa in tartankaan uu ka duwanaado Tartamdii Hore maadaama ay ka qaygalayaan Ilaa 15 Gobol oo kala ah Bari, Nugaal Sanaag , Sool , Mudug , Galgaduud , Hiiraan, Shabeelada Dhexe , Shabeelada Hoose , Baay, Bakool , Geddo,... 
Halkudheg: ,

Shirweyne Nabadeed oo Lagu soo gabagabeeyey Deegaanka Meygaagle ee G/Nugaal

Dec 17, 2010
Meygaagle:- Waxaa Maanta Deegaanka Meygaagle oo Qiyaastii 52-Km dhanka Waqooyi bari uga beegan degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey Shirweyne Nabdeed oo Labadii Bilood ee lasoo dhaafay halkaas uga socday Beelo wada dega Deegaankaas oo kasoo wada jeeda Puntland. Xiritaankii Shirkan Nabdeed ayaa waxaa ka qeybgalay Dhamaan Ergadii ka kala socotay labadan beeloo,Dhexdhexaadiyeyaal... 
Halkudheg:

Maxey Hay’adaha Qaramada Midoobey ka qabtaan Soomaaliya?

Dec 17, 2010
Dr. Huseen Cali Cilmi Tan iyo markey dhacday Dowladdii ugu dambeysay Soomaaliya ee uu Jeneraal Max’ed Siyaad Barre uu madaxaweynaha ka ahaa Janaayo 26, 1991 waxaa Soomaaliya maamulanayey Hay’adaha UN-ka iyo kuwa shisheeye(UN Agencies & Foreign NGOs). 1993-dii Hay’adahaasi waxay kulan ku yeesheen Caasimadda dalka Itoobiya ee Adis-Ababa waxayna sameeyeen dalad ay ku magacaabeen Somali Aid... 
Halkudheg:

Wasiirrada Caafimaadka DFKMG iyo DGPL oo wadajir usoo saaray Bayaan Istiraatiijiyada Nafaqeynta Soomaaliya

Dec 16, 2010
iyo Shir ay isugu yimaadeen Ururada Bulshada rayidka Somaliland iyo Puntland oo ka socda Hotel Kempinski ee  Jabuuti – Waraysi Wasiirka Caafimaadka DFKMG…. Shir looga hadlayo  Istratijiyada Nafaqeynta Somaaliya   2011 – 2013 oo ay si wada jir ah iska kaashadeen Urur Goboleedka IGAD iyo Hay’adda WFP, islamarkaana ay ka soo qayb galeen xubno uu horkacayo Wasiirka Caafimaadka DFKMG... 
Halkudheg:

Video: Barnaamij ku saabsan Sheikh Maxamed Khadar oo dhawaan lagu xiray Maraykanka

Dec 16, 2010
Barnaamin Video ah oo ku saabsan Sheikh Maxamed Khadar oo ah iimam Masjid oo dhawaan lagu xiray Maraykanka DAAWO  Read More →
Halkudheg:

Maxaad ka taqaanaa ganacsiga elektarooniga ah , ( E – commerce ) ?

Dec 16, 2010
Hordhac Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Qormadaan ayaan waxaan hadii eebe idmo aan kaga hadli doona moowduuc yar oo kusoo biiray cilmiga ganacsiga kaa oo ah ganacsiga elektarooniga ama (ELECTRONIC COMMERCE ) , Qormadaan yar ayaan  waxaan isku dayi doonaa in aan kaga hadlo waxa uu yahay ganacsiga elektarooniga ah , Taariikhdiisa... 
Halkudheg:

Xaflad Balaaran oo loo sameeyey Sannad Guurada 50 aad ee Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha

Dec 16, 2010
Munaasabad lagu xuseyey Sannad Guurada 50 aad ee ka soo wareegtey  Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa lagu qabtey Xarunta Safaarada Shiinaha uu ku leeyahay Magaalada Nairobi waxaana ka qaybgaley Madax ka socotey Hayadaha Caalamka , Dowlada Federaalka, Dibolamaasiyiinta Shisheeyaha, Masuuliyiinta Safaarada Shiinaha ee dalka Kenya iyo marti Sharaf kale oo lagu casuumey Xafladaas Halkan ka daawo... 
Halkudheg:

Farmaajo oo lagu Fariisiyey Kursigii…

Dec 15, 2010
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG, Maxamed Maxamed ayaa December 14, 2010 waxa uu magaalada Addis Ababa kula kulmay ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi. Farmaajo waxa uu Addis Ababa tegey Isniintii (Dec 13). SII AKHRI...  Read More →
Halkudheg:

Waraysi: Prof. Afrax, Gudoomiyaha Naadiga PEN ee Qalinleyda… Q.2aad

Dec 15, 2010
iyo Hal–abuurka Soomaliyeed oo Wareysi Dheer oo Dhinacyo Kala Duwan Taabanaya Siiyey SomaliTalk Gudoomiyaha Naadiga Pen ee Qalinleyda iyo Hal –abuurka Soomaliyeed, Qoraa sare Prof Maxamed Daahir Afrax, islamarkaana ah aas aasihii naadiga PEN oo aan kula kulmey Xafiiska Wargeys xiliyeedka dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed ee uu tifatiraha ka yahay, ayaa ka hadlay mudadii uu xilka Naadiga PEN... 
Halkudheg:

Maalinta Caashuuraa oo ku beegan Arbacada Muxaram 10| December 15,2010

Dec 15, 2010
Bisha Muxaram waa bil fadli badan, sagaalaadka iyo tobnaadka oo Caashuuraa ah waxay ku beegan yihiin Dec, 15,16, 2010 waa Arbacada iyo Khamiista, aan kawada faa’iidaysano. W.Q. Xasan Dhooye [abu xafso] dhooye@hotmail.com Caashuuraa Waa Maalin Fadli Badan Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu Bislaahi Raxmaani Raxiim ::: 1432 Walaalayaal marka hore Ilaahay baa mahad dhamaanteed usugnaatay... 
Halkudheg: , ,

Khudbadda Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire

Dec 14, 2010
Uu ka jeediayay Hotel Barakaat oo uu kula kulmay Warbaahinta Soomaalida. Bar-kulan Waa idaacadda ugu Musuqmaasuqa badan Soomaaliya, Waxaana Taageera Qaramada Midoobay Hordhac Ugu horeyn Bismilaah, Mahad dhamaanteed ilaahay ayay uu sugnaatay, waxaana qirayaa inuusan ilaah jirin marka laga yimaado ilaaha xaqa ah ee macbuudka ah oo sida sharciga ah koonkan u taagay islamarkaana ku abuuray, ku irzaaqay,... 
Halkudheg:

Shirweyne looga hadlayo Nooca ay Noqoneyso Dowladda soo socota ee Soomaaliaya oo Todobaadka soo socda ka furmi doona Dalka Jabuuti

Dec 14, 2010
Waxaa la filayaa in 18-ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah dalka Jabuuti lagu martigeliyo shirweyne looga hadlayo arrimaha Soomaaliya waxaana lagu martiqaaday ilaa iyo 200 oo ergo oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana la filayaa in ergadaas ay ka kala yimaadaan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxaana shirweynahaan qabanqaabinaya Machad lagu magacaabo Machadka Daraasaadka Istaraatiijiyadda... 
Halkudheg:

Farmaajo oo safarkiisii ugu horeeyey ku tegey Itoobiya, Jabuutina kula kulmay Madaxweynaha Puntland

Dec 14, 2010
iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo si booqasho degdeg ah ku tegey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.. Ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi farmaajo ayaa booqasho aan hore loo sii shaacin waxa uu ku tegey (Isniin Dec 13, 2010) magaalada Addis Ababa, taas oo ka dhigeysa safarkiisii ugu horeeyey tan iyo markii ra’iisul wasaaraha loo doortay in uu ku tago magaalada Addis Ababa... 
Halkudheg: ,

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Khudbad uu Ka Jeediyey Xiritaankii Shir weynaha Afraad ee Naadiga PEN

Dec 14, 2010
“Fartan Soomaaliga Ah ee Jadiidka Ah ee Dh owaan Dunidu ku Soo Biirtey, Ha Isugu Yimaadaan, Haku Bahoobaan, Hore Ha Ugu Maraan, Haku Shaqeystaan…” Xaflad lagu soo xirayo shir weynihii afraad ee Naadiga Qalinleyd iyo Hal- abuurka Soomaaliyeed oo ay ka qayb-galeen Madaxweynaha dalka Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd, Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti... 
Halkudheg: ,

Cashuura maalin Mudan in la xasuusto

Dec 14, 2010
Bishan aynu ku jirnaa waa bishii Muxaram. Muxaram waa bil ka mida bilaha Islaamka ee uu Ilaahay sida khaaska ah u sharfay. Waa bisha uu sandka Islaamku ku bilaabmo. Waxa ku irta bishan maalin wayn oo la yidhaahdo maalinta Cashuura. Hadaba  Maxay tahay Cashuuraa? Fadligeedu muxuu yahay? Casharadee baa laga faa’idaysan karaa? . Jawaabaha su’aalahaas ayaan hadii Alle yidhaado ku eegi doonaa qormadan. Cashuura... 

Ing Sidow Xasan Mahdi: Waxaa Beesha Caalamka ugu baaqayaa in ay sameeyaan Guddi soo baara Tacadiyadii ka dhacay Soomaaliya

Dec 14, 2010
10-ka Desember waa maalin uu caalamka u aqoonsadey maalinta Xaquuqda Aadanaha ee Adduunka iyadoo taasi jirta ayaa waxaa Xafiiskiisa Shir Jaraaid saakey ku qabtey Gudoomiyaha Ha’yada Xaquuqda Aadanaha ee Wanla weyn Ing Siidow Xasan Mahdi wuxuu sheegey in Hayadiisa ay ururrisey Tacadiyo fara badan oo ka dhacay Somaaliya 20 kii sanno ee ugu dambeysey kuwaas oo uu shjeegey ijn ay isugu jiraan Dil,... 
Halkudheg:

Machad cusub ee Hay’ada Tadamun oo lagu baran doono xanaanaada xoolaha ee magaalada Gaalkacyo oo la dhagax dhigay

Dec 14, 2010
Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta oo maanta dhagax dhigay Mashruuc lagu dhisayo Machad lagu baranayo Xanaanada Xoolaha iyo beeraha (Daawo Sawirada) Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dhagax dhigay Mashruuc aad u weyn oo laga hirgelinayo Magaalada Gaalkacyo... 
Halkudheg:

Weriye Shaqadiisii ku waayey barnaamij uu ka diyaariyey Domainkii SO ee la iibsadey – Idaacad ay maalgeliso UN

Dec 14, 2010
“Bar-kulan Waa idaacadda ugu Musuqmaasuqa badan Soomaaliya, Waxaana Taageera Qaramada Midoobay” Sidaas waxaa Khudbadda ku jeediyey Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire, kana jeediayay Hotel Barakaat oo uu kula kulmay Warbaahinta Soomaalida.. SII AKHRI  Read More →
Halkudheg:

Ciidamo uu horkacayo Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux oo xirey Dekedda weyn Magaalada Muqdisho

Dec 13, 2010
Ciidamo aad u hubeysan oo Wata laba gaari oo Tekniko ah ayaa Gebi aan Xirey Howlahi Dekedda weyn  Magaalada Muqdisho waxaana la sheegey in Ciidamdaas ay Daacad u yihiin Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux waxaa Ciidamadaas ay geleen Gudaha Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho waxayn ku amreen Shaqaalihii Dekedda in ay isaga Baxaan Dekedda Gudaheeda Ilaa amar  Dambe Waxaa lagu waramey in Xildhibaan Maxamed... 
Halkudheg: , ,

Howlawaadeeno ka Tirsan Safaarada Soomaaliya Suudaan oo lagu xirey Dalkaas

Dec 13, 2010
Ilaa Afar ka mid ah howl Wadeenada Safaaradda Soomaalida ee Wadanka Sudan ayaa lagu soo waramayaa in xabsiga la dhigay,kadib markii ay wax kama jiraan ku tilmaameen qoraal kasoo baxay 20/9/2010 wasaarada arimaha dibadda ee soomaaliya. Siihayaha Safaaradda Soomaalida ee Wadankaan Mudane Yuusuf Calasow Maxamuud oo aan maanta wareysi kula qaatay xarunta Safaaradda ayaa waxaa uu ii xaqiijiyey in howl wadeenadaasi... 

Nin u dhashay wadanka Canada oo “u soo dalxiis tagay” Magaalada Muqdisho

Dec 12, 2010
“Markii Mike Spencer Bown uu ka soo degey diyaarad uu ku yimid Muqdisho toddobaadkan, islamarkaasna isku sheegay in uu yahay dalxiise, waxaa saraakiisha Soomaaliyeed ee socdaalku ka fekereen in ninkan reer Canada in uu waalan yahay ama Jaajuus yahay” Sidaas waxaa Axad Dec 12, 2010 qortay Jariidada Ottawa Citizen oo k asoo baxda Canada… Iyadoo dagaalo iyo nabadgelyo daro ka jirto Magaalada... 
Halkudheg: ,

Weerarka Internetka dhankeyguu iga heley: Digniin

Dec 12, 2010
Assalaamu Alaykum. Passwordka oo aad garanwaydo waxaa kaxanuun badan marka lagaa xado…Xanuun badana marka uu qof magacaada sida uu doona kayeelayo oo aadan waxba kaqaban karin … waa dagaal nooc kale oo ubaahan in loo diyaar garooba. Mushkiladu waxay sii labo jibaarantahaa marka  lagu soo Waco oo lagu yirahdo: Maxaad noogu ciyaaraysa oo Emailada noocaan ah noogu soo direysa? Ama qolo kala kuyirahdan:... 
Halkudheg:

Barafkii ugu xoogga weynaa muddo 20 sano ah oo ka da’ay Gobolka Minnesota

Dec 12, 2010
Barafku waxa uu dumiyey saqafkii garoonka ciyaaraha ee ugu weyn Minneapolis (Metrodome) kaddib markii saqafku xamili waayey culayska barafka – Magaalooyinka mataanaha ee St.Paul iyo Minneapolis ayaa waxaa Sabtidii ka da’ay barafkii ugu xoogga weynaa oo soo mara Minnesota muddooyinka dhow. Barafkaas oo watey dabayl ayaa sababay in aan meel dheer wax laga arki karin, oo uu noqday sidii... 
Halkudheg: ,
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...