Home » Warar »

Afar toddobaad ayaan ku soo bandhigi doonaa dhammaan heshiisyadii lala galay DFKMG kuwa la ogyahay iyo kuwa qarsoonba….

Farmaajo oo Sheegay in Cumar C/rashiis warqad u qoray Saracen Internation ku saabsan Heshiiska lala galay shirkadda

Maxamed C/laahi Farmaajo oo hortegey Baarlamaanka, sharraxaadna ka bixiyey heshiiskii Shirkadda Saracen ee DFKMG la gashay…

15-kii May 2010 ayaa ra’iisulwasaarahii hore waxaa uu warqad u qoray shirkadda Sarecen International, taas oo ku sumadaysnayd:  OP/ IT/006490510,

Khamiis (December 30, 2010): Ra’iisul wasaaraha DFKMG oo la hadlay baarlamaanka ayaa sheegay in uu hayo warqad uu ra’iisul wasaarahii hore u diray shirkadda Saracen International, taas oo asaas u ah heshiiska. Waxana uu baarlamaanka ka dalbaday in la siiyo Afar (4) toddobaad si uu u soo bandhigo warbixin buuxda oo ku saabsan dhammaan shirkadahii ay DFKMG heshiiska la gashay, kuwa la ogyahay iyo kuwa qarsoon. Waxaana kulankii u dhacay sidan:

Halkan ka dhegeyso Kulankii siduu u dhacay

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/saracen_som_2010.mp3]

Ugu horayn, Xildhibaan Cumar Islow oo kulanka ka hadlay ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG sheegay in baarlamaanku dalbanayo in uu sharraxaad ka bixiyo waxa uu ka ogyahay heshiiskii shirkadaha ay ka mid yihiin: Saracen International, SKA, R.K. International, BurCraft, VyNaCom, Black Water iyo shirkadda Japan ee laga iibiyey Domainka Soomaaliya. “waxaan rabnaa in aad warbixin naga siisid shirkadahaan waxaad ka ogtahay,” ayuu yiri Xildhibaan Islow.

Maxamed C/laahi Farmaajo, ra’iisul wasaaraha DFKMG, ayaa ku jawaabay: “kaddib markii aan raadiney macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan shirkadda Sarecen International waxaa noo soo baxday in 15-kii May 2010 waxaa jirtey warqad uu ra’iisulwasaarahii hore mudane Cumar C/rashiid uu u qoray shirkadda Sarecen International, taas oo ku sumadaysnayd: Office of Prime Minister: OPM/ IC/006.49/05/10, laguna hagaajiyey Mr Lafras Luitingh, Saracen International, oo address-kiisu yahay Lubnaan, warqaddaasi uu diray ra’iisul wasaarahihii hore waatan, waxaana codsanayaa guddoomiyuhu in uu baarlamaanka siiyo.”

Warqaddaas waxaa ku qoran, ayuu yiri Farmaajo “DFKMG waxay ogolaatay in ay heshiis la gasho shirkadda Saracen International, Lubnaan, Registartion Number # 1804078 Lubnaan”. Waxana uu tibaaxay in warqaddaas tahay asaaska heshiiskaas, taas oo awood u siinaysa shirkaddaas in ay ka hawl gasho dalka. Haddaba maadaama uu heshiiskaasi naga horeeyey, ayuu yiri, waxaan go’aaminey in heshiiskaas aan dib u eegid ugu samayno, oo soo baarno qodobada heshiiskaas, ayuu yiri ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed Farmaajo. Waxana uu sheegay in ay dib u eegid ku samaynayo dhammaan heshiisyadii ay gashay DFKMG.

Hadalkiisii Farmaajo markii uu dhamaystay waxaa maagarafoonka ku soo laabtay Xildhibaan Islow oo codsaday in warqadda uu ra’iisul wasaaruhu tilmaamay in baarlamaanka loo qaybiyo, waxa kale oo uu weydiistey in haddii uu jiro heshiiskii shirkaddaas uu ra’iisul wasaarahii hore la galay oo saxiixan, waayo ayuu yiri tani waa warqaddii ninkaas loo qoray, ee waxaan rabnaa heshiiska naftarkiisii oo saxiixan, waxana uu dalbaday in muddo loo qabto jawaab arrintaas lagu helay.

Farmaajo ayaa hadalka ku soo laabtay oo sheegay in arrimaha laga dalbaday uu fulin doono oo keeni doono heshiiskaas iyo kuwo kale oo uu sheegay in ay qarsoon yihiin.

Xildhibaan Islow ayaa markaas haddana dalbaday in jawaabta ay ku helaan saddex maalmood.

Farmaajo ayaa ku jawaabay “haddii aad doonaysaan in aan idiin keeno warbixin dhamaystiran waxaan codsanaynaa in aad na siisaan afar toddobaad“.

Waxaa markaas baarlamaanka laga soo jeediyey in shirkadahaas shaqada laga sii joojiyo inta uu ka soo baarayo, oo baarlamaanka ka hor keeneyo. Muddadii aad qabsatayna waa lagu siiyey, ayaa baarlamaanku go’aamiyey.

Waxaa jawaab dhammaystiran oo ku saabsan heshiisyada qarsoon ee ay gashay DFKMG laga sugayaa Farmaajo marka la gaaro Khamiis, Janaayo 27, 2010, insha Allah.

Halkan ka dhegeyso Hadalkii Famaajo u jeediyey Baarlamaanka (Dec 30, 2010)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/saracen_som_2010.mp3]

___________

Warbixinadii hore ee shirkadaha ay heshiiska la galashay DFKMG hoos ka akhri

Lubnaan oo sheegtay in aysan jirin shirkad leh magaca Saracen International oo ka diiwaan gashay dalkaas iyo  Hub u socday Soomaaliya oo lagu qabtay Koonfur Afrika —

Dhawaan ayey ahayd markii ay soo shaac baxeen wararka tibaaxayey in shirkad lagu magacaabo Saracen International ay heshiis ku saabsan dhanka ammaanka la gashay Soomaaliya. Waxaana wararku sheegeen in shirkaddaasi ay xarun teedu tahay dalka Lubnaan.

Laakiin, sida ay qortay wakaaladda Wararka AP, December 28, 2010, waxay Lubnaan sheegtay in aysan jirin shirkad magacaas leh oo ka diiwaan gashay dalkaas.

Warbixintaas iyo warar badan oo ku saabsan shirkadaha heshiiska la galay Soomaaliya ka akhri hoose, waxaana warbixintu ku bilaabanaysaa Xildhibaano ka Tirsan Dowlada Federaalka oo u soo jeediyey Shirkadaha Shisheeye in ay si dhaqsi leh  uga baxaan dalka Soomaaliya…

Xildhibaano dhaliil kulul usoo jeediyey heshiis ay DFKMG Soomaaliya la gashay shirkado shisheeye, kuna tilmaamay heshiisyo sharci darro ah –

  • Shirkadahaas oo kala ah SKA AIR OPORATION , SARECEN INTERNATIONAL , BURNCRAFT, R A INTERNATIONAL iyo shirkada iibsatey .SO, 252 oo ah furayaasha dalka dhinaca isgaarsiinta .

Ku Dhawaad  50-xildhibaan oo maanta (Dec 28, 2010) shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa dhaliilay heshiis ay dowladda FKMG Soomaaliya la gashay shirkado shisheeye, kuwaasoo ay sheegeen inaan lagala tashan golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannadan, waxay sheegeen in shirkadahan qaarkood heshiisyo sharci-darro ah lala galay, sidoo kalena ay jiraan shirkado kale oo  dibadda looga iibsaday hantidii Qaranka Soomaaliyeed, iyagoo nasiib-darro ku tilmaamay in shirkado caalami ah ay qayb ka qaataan boobka hantida Soomaaliya oo burbursanayd muddo labaatan sano ah.

“Heshiisyada, ay xukuumadda Soomaaliya la gashay shirkadaha shisheeye ma ahan kuwo waafaqsan sharciga iyo mabaadi’da dalka u dagsan, waxaana ra’iisul wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo ka codsanaynaa inuu baarlamaanka horkeenno uuna soo bandhigo heshiisyada ay xukuumaddu gashay, kuwii hore iyo kuwii dambe,” ayuu yiri xildhibaab C/raxmaan Jimcaalo oo ku hadlay afka Mudanayaashii shirka jaraa’id qabtay.

Xildhibaanku  wuxuu ugu baaqay in shirkadahaas ay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada inta ay ka caddaanayaan in heshiiskoodu yahay mid sharci ah iyo mid aan sharci ahayn, wuxuuna beesha caalamka iyo cid walba oo ay quseyso arrintaan ay ka hortagto.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd, oo ka mid ahaa mudanayaashii shirka  jaraa’id qabtay, ayaa sheegay in xukuumaddii hore ay gashay heshiisyo sharcidarro ah, cid ay ka yeelayaan inay gasho heshiisyo qarsoodi ah iyo kuwo muuqdana aysan jirin, iyadoo aan lasoo marin baarlamaanka.

“Waxaan ka shaqeynaa  ilaalinta danta shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri mudane Xayd, isagoo ka codsaday xukuumadda inay hortimaaddo baarlamaanka si ay sharraxaad uga bixiso heshiisyada ay la gashay shirkadaha gaarka ah.

“Wasiirro iyo xubno kale, oo dowladda ka tirsan ayaa isku dayay inay difaacaan arrintii badda, wayna u suuroobi wayday. Baarlamaanku go’aan wuu diiday, wax walba oo la mid ahna waxaa naga go’an inaan diidno,” ayuu mar kale yiri mudane Xayd.

Ugu dambeyn, waxaa shirka jaraa’id ka hadlay xildhibaan C/llaahi Maxamed Aadan (C/llaahi Farey), wuxuuna sheegay inay jiraan diyaarado ay shirkadaha heshiiska lala galay kasoo dajiyeen dalka, wax ku jirana aysan xubnaha baarlamaanku la socon.

Sidoo kale kulan ay yeesheen Musuuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha ayey ku  sheegeen  in ay aad uga welwalsan yihiin Shirkadaha shisheeye ee Dalka ku soo qulqulaya iyagoo sheegey in Howl ay dad soomaali ah ay qaban karaan in ay Dowlada u yeeratao Dad shisheeye ah waa mid aan ummada Soomaaliyeed aan qaadan karin

Dhinaca kale shirkada SKA Logistic ayaa sheegtay in ay heshiis xagga garoonka diyaaradaha la gashay DFKMG  ayaa waxaa lagu waramey in ay kordhisey Qiimihii Duulimaayada Garoonka. Afhayeen u hadlayey Shirkaddaas ayaa yiri “Heshiiskani waxa uu ka dhigan yahay nin makhaayar furtay oo u yeertay Kooke iyo kabalyeeri, oo kookaha iyo kabalyeerigu ay cuntadii u karinayaan.” Sidaas waxaa yiri Yuusuf Sheikh Cali oo ah Afhayeenka Shirkadda SKA uga ah Soomaaliya.. DHEGEYSO… Sidaas waxa uu yiri December 28, 2010.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/kabalyeeri.mp3]
  • 28 Oct 2010 ayey ahayd markii shirkadda SKA ay sheegtay in ay hawlgaladeeda Muqdishu u raadinaysay in ay shaqaalaysiiso saaraakiil u dhashay Jasiiradda Fiji ee ku taal Koonfurta Badweynta Pacific, waxayna xayaysiiska ku qoreen sidan “we are looking to hire Fijian National security officers for our operation in Mogadishu, Somalia. SKA will provide accommodation and tax free salary“…  Sidoo kale SKA waxay 26 Oct 2010 raadineysey qof ay ka dhigto maamulaha/maareeyaha Dekedda Muqdisho “Sea Port Manager Mogadishu, Somalia…

December 28, 2010 sida ay werisey Hay’adda Wararka ee AP, waxaa Koonfur Afrika lagu qabtay hub u socdey Soomaaliya oo uu kamid yahay aalada lagu aamusiyo rasaasta (silencing devices), taas oo sida AP sheegtay loo wadey la dagaalanka burcad badeeda, hubkaas oo xad-gudub ku ah cunaqabatayntii hubka ee Qarammada Midoobay saareen Soomaaliya. Hubkaas oo la qabtay Dec 23 waxaa warbixintu sheegtay in uu u socdey shirkad gaar loo leeyahay ama dawladda Soomaaliya.

Waxaana warka AP tibaaxay in saraakiil badan oo Soomaaliyeed ay sheegeen in shirkadda Saracen International oo xarunteedu tahay Uganda ay tahay shirkadda bixinaysa tababarka mashruuca la dagaalanka burcad badeedda, laakiin Bill Pelser oo ah madaxa sare ee Saracen International arrintaas waa beeniyey, waxana uu sheegay waxa arrintaas ku lug leh waa shirkad kale oo magacaas mid lamid ah wadata oo ka diiwaan gashan Lubnaan. Laakiin dawladda Lubnaan saraakiil ka tirsan waxay sheegeen in aysan hayn wax diiwaan ah oo ay leedahay shirkad magacaas leh.

Shirkadda Saracen waxaa 1994 kaddib lagu soo asaasay Koonfur Afrika, Waxaana shirkadda sannadkii 2000  laga cayriyey Rwanda oo loo qabtay muddo 24 saac in ay uga baxaan Dalkaas Ruwanda, sidaas waxaa waraysi ku sheegay Sooyaan Cali Cumar oo katirsan shirkad qaabilsan xagga amaanka oo ka jirtay Rwanda, waxana uu tibaaxay in laba shirkadood aysan la bixi karin magac isku mid ah… Waxa kale oo waraysi uu bixiyey ra’iisul wasaarahii hore ee DFKMG Cumar C/rashiid uu sheegay in xukuumaddiisu aysan waxba ka ogeyn heshiiska lala galay shirkaddaas.

Xildhibaan C/raxmaan Jumcaale Cusmaan oo ka hadlayey shirkii jaraa’id ee Dec 28 ayaa sheegay in dalka ay soo galeen shirkaddo aan dadka Soomaaliyeed si rasmi ah uga warqabin “Taasina ay u ekeetay in dalkii oo dhan la kireeyey,” waxana uu ra’iisul  wasaaraha DFKMG ee hadda, Maxamed Farmaajo ugu baaqay in uu wixii arrimahaas ku saabsan soo bandhigo oo baarlamaanka horkeeno… DHEGEYSO….

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/kiraysii.mp3]

Isniintii shalay (Dec 27) ayaa xildhibaanada baarlamaanku ay soo gudbiyeen mooshin ay xukuumadda kaga dalbanayaan in ay baarlamaanka horkeento heshiisyada ay la soo galeen shirkadaha shisheeye.

Shirkii Jaraa’id ee maanta (Dec 28) waxay xildhibaanadu kusoo baandhigeen warsaxaafadeed ku saabsan shirkadahaas, HOOS ka akhri warsaxafadeedkaas:

Halkan ka daawo sawirada Shirka Jaraa’id

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Wuxuuna u qornaa Warsaxaafadeedkii ay soo saareen Xildhibaanada Sidantan

JAMHUURIYADA SOOMAALIYA

Muqdisho                                                                                       Tr.28/12/2010

UJEEDO : WARSAXAAFADEED KASOO BAXEY XUBNO KA ,MID AH     BAARLAMAANKA  FKMG  AH

HESHIISKASTA  OO SHIRKADO AJANABI AH  LALA GALO OO AAN BAARLAMAANKA LASOO MARSIIN WAA SHARCI DARO

Waxaa waayadaan soo if baxaayo shirkado Ajanabi ah oo dalka  ku jooga  si sharci daro ah iyo kuwo dibada looga iibsadey hantidada qaranka  soomaaliyeed  waxaana nasiib daro ah ineey shirkado sheeganaaya International  ineey dalka soomaaliya  oo bur bur ku jira mudo labaatan sano ah ay ka qeyb qaataan  boobka hantidiisa  gaarka ah  .

Shirkadahaas oo kala ah   SKA  AIR OPORATION , SARECEN  INTERNATIONAL , BURNCRAFT,  R A INTERNATIONAL iyo   shirkada iibsatey .SO, 252 oo ah furayaasha dalka dhinaca isgaarsiinta .

Baarlamaanka soomaaliyeed waxuu isha ku haayaa shirkadaha iibsaday . SO iyo 252 iyo kuwa  lala galey heshiisyada qarsoodiga ah  sida BURNCRAFT,  R A  INTERNATIONAL iyo shirkadaha  dalka ku jooga  sida sharci darada   ah oo  ay  ka mid yahiin  SKA AIR OPORATION oo iyada  lagu sheegey ineey ka howl galeeyso garoonka dayaaradaha  iyo  dekeda muqdisho  shaqadaas oo ah mid aan nidaamka iyo sharuucda dalka waafaqsaneyn  waxaan cadeyn u ah in shirkadaas aan lasoo marsiin heshiiskeeda baarlamaanka soomaaliyeed.

waxaa kale oo jira shirkado wadani ah oo awood u leh fulinta   hoowlaha  adeega garoonka iyo dekeda  muqdisho oo aan wax tix gelin ah laga siinin hoowlaha  ka socda dalkooda .

SARECEN INTERNATIONAL waxey ka mid tahay  shirkadaha dalka sharci darada ku jooga oo aan lasoo marsiin baarlamaanka soomaliya  taasna ay  tahay nasiib daro dalkaan ku dhacdey ayna masuulayadeeda  qaadi dooonaan shaqsiyaad sheeganaaya xilal ay ka hayaan qaranka  SARECEN waxaa lagu sheegey ineey tababaro siineyso  ilaalada madaxda  dalka  taas oo aan cadeyn qiyaanooyinka ku hoos jira in xiligaan loo baahdo shirkad ajanabi ah oo ilaalada  madaxda   noo tababarta

Baarlamaanka soomaaliya waxuu  ogolaadey ineey dalka joogaan CIIDAMADA AMISOM oo kaliya  kuwaas oo ka qeyb qaadanaaya  nabad kusoo celinta dalka iyagoo qeybna ka qaata gargaarka shacabka iyo ilaallinta madaxda qaranka iyo  goobaha muhiimka u ah umada soomaaliyeed .

Hadaba xildhibanaada soomalaiyeed ma ogolaan karaan waxii  AMISOM  ka baxsan oo dalkaan ka howl galaayo oo aan lasoo marsiin sharciga dalka  waxaa kale oo nasiib daro ah ineey  shirkadahaan nooga faa’iideystaan bur burka dalkeena soo gaarey mudo 20 sano ah  waxaana  kasoo horjeednaa  dhaq dhaqaaq kasta oo sharci daro ah .

DIGNIIN

1,shirkadaha aan magacyadooda kor kusoo sheegney  waxaan fareeynaa ineey dalka isaga baxaan  ayna joojiyaan howlaha ay faraha kula jiraan oo sharci darada ah  ama ay  raadsadaan wado sax ah oo ay soomaaliya  uga  shaqeeystaan

2.shirkadaha dibada lagula galey hashiisyada qarsoodiga ah   waxaan uga digeeynaa ineey hantida umada soomaaliyeed  ku qaataan si sharci daro ah

3.wasiirka koowaad waxaan ka codsaneynaa inuu ka hortago shirqooladaas cusub oo ay soo maleegeen shaqsiyaad  ka mid ah xakuumadiisa .

UGUDANBEYNTII

Waxaan Shirkadahaan SKA AIR iyo SARECEN  INTERNATIONAL, BURNCRAFT,  R A  INTERNATIONAL iyo kuwa iibsadey  SO, 252 , ugu digeeynaa  ineeyan hantidooda iskaga shubin shaqsiyaad jeebkooda,  hantida qarankana ayan ku qaadan si sharci daro ah waxaana  shirkadahaas xasuusineynaa  baarlamaanka  soomaliya inuu u taagan yahay ilaalinta sharuucda dalka  uuna gaashaanka ku dhufan doono  heshiis kasta oo sharci daro ah waxaadna ku xasuusan kartaan sida heshiis ku sheegii Bada Soomaaliya  waxaana masuul kasta oo xil kas ah  ka saran inuu ka hortago boobka hantida qaranka  sida looga    hor tagey  shaqsiyaadkii iibsadey safaaradii soomaliya  ee dalka  Kenya, sharcigana  ma hurdo shaqsi kastana waxaa lagula xisaabtami doonaa sharciga hortiisa.

###

JAPAN – ONE OF THE TOP PIRATES IN SOMALIA – From Fish-Poacher To Domain-poacher

###

Cumar C/rashiid oo beeniyey in Xukuumaddiisii ay Heshiis la gashay Shirkadda Saracen international

— Shirkado badan oo la sheegay in ay qaabilsan yihiin dhinaca ammaanka oo isku haysta Soomaaliya

IIBINTA DOMAINKA .SO: https://somalitalk.com/tag/domain/

Ninka madaxda ka ah shirkadda ay DFKMG ka iibisiey Domainka oo magaciisu yahay Hiro Tsukahara oo waraysi bixiyey ayaa isagoo ka hadlayey lacagta ka soo baxda diiwaangelinta .SO waxa uu yiri “Maadaama Soomaaliya ay tahay dal ku negaadey in uu caawinaad uga baahan yahay dhinacyo badan, waxaa GMO ay ugu deeqeysaa qaar kamid ah dakhliga ka soo gala si u siiso caawinaad, gaar ahaan carruurta.” AKHRI https://somalitalk.com/2010/11/12/so/

DIFAACA BADDA SOOMAALIYA:

– “Norway Faraha ha kala baxdo Badda Soomaaliya”: Saraakiishii Mileteriga Soomaaliya ee ku sugan Italy

– Warbixin iyo Baaq ku socda Soomaalida oo Idil

– Xukuumadda Farmaajo maka badbaadi doontaa shirqoolka la doonayo in lagu maja-xaabiyo xeerka Badda Soomaaliya ee No.37

###

S.African police find weapons bound for Somalia

Numerous Somali officials have identified Uganda-based Saracen International as the security contractor doing the training. But Bill Pelser, the chief executive of Saracen International, has denied his company is involved and says it is another company of the same name registered in Lebanon. Lebanese authorities say they have no record of such a company. READ HERE

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Afar toddobaad ayaan ku soo bandhigi doonaa dhammaan heshiisyadii lala galay DFKMG kuwa la ogyahay iyo kuwa qarsoonba…. "

  1. Warsan says:

    Ma Ina C/rashiid ayaa inkirsan heshiiska mise Farmaayo ayaa dowladiisa shaqsiyaadka heshiiskaas ku lugta leh ceeb saliim rabo inuu ka dhigo.
    Wareysigii Ina C/rashiidna waa maqalney, farmaajana isaga ayuu ku eedeeyey oo yiri “Ra’isul wasaarihii hore ayaaba saxiixey oo heshiiskaan wax ka ogaa”.

    War jiraaba la arki doone.

  2. naasriin says:

    waa loo baahanyahay in laga feejignaado wixii dalka wax u dhibaya laakiin in iyadoon waxba lahubsan xamaasad lala boodo meesha kuma jirto.

    anigu waan arkay hadalkii afhayeenka SKA muqdisu, waxaana uu ahaa mid macquul ah, mar haddii uu yiri airporka shirkaddani wey casriyeyneysaa weyna qalabeyneysaa maamulkiisana dowladda ayaa heyneysa oo shairkadani shaqadeedu waa iney airporka la soo sintu airpoorada kale maaha iney maamusho, anigu taas wax ku jaban ma arko, waana loo baahanyahay baan qabaa. ee yaan wax kasta hubsiina la,aan lla baa bin. wadanku maalgashi waa u baahanyahay.

  3. Maakhiri says:

    Waa la yaab, Kuwa saxiixa la galay baanba war fiican ka helin cida ay la gelayaan heshiiska, Qalin boobka waa la eeday, iyo dhiiranaanta saaidka, iwaxaana ugu wacan faqriga, gaajada, iyo musuqmaasaqa baahsan kaasoo kuwa masuulka sheegta aynaba xil iska saareeyn masuuliyada saaran, sheegaduna ka tahay in ta aan lagu bedelin intee jeebka ku shubataa? Waxaan ka biqi maaalin dhowna in aanu maqalo magaca wadanka waa la iibshay?

  4. Magan says:

    Somalitalk waad ku mahadsan tihiin juhdiga aad wadaan iyo dadaalka dheeraadka ah ee aad Badda somaliya iyo wadanka oo dhan aad ugu jirtaan. Taasi waa taas Waxaad moodaa in waxyaabo badan in ay is daba marsan yihiin oo dawladii hore iyo dawladaan cusub dhexyaala sidda .SO
    yaa ka masuul ah suuq gaynteeda ma dawladan mise dawladdii hore ?
    taa waxaa looga fadhiyaa baarlamaanka xaqiiqadeeda.
    shirkadahan ajnabiga ah waxay aniga ila tahay inay khalad wadanka ku joogaan oo danahooda iyo dad gaar ah dano ay leeyihiin ay u joogaan markaa waxaan dhihilahaa sidii baarlamaankuba yidhi iska taga. wadankaan dad gaajaysan baa ku haray oo aan u baahnayn calooshood u shaqaystayaal madfac ugu sii dara.

  5. Osman says:

    Qandaraas hoosaad in lagu siiyo shirkad hawl ay aqoon dheer u ledahay ceeb ma aha.
    Laakiin shirkado aananba la aqoon wax cad oo ay qabtaan iyo xafiiskooda dhabta ah aanay jirin dawlado sharci ahaan ay si sax uga diiwaan gashan yihiin oo masuul ka ah. in lagu aamino ilaa xad madaxtooyada qaranka nabadgelyadeeda waa arrin aad u yaab badan.
    Waxaa naxdin kale igu noqday markaan maqlay hubki lagu qabtey Konfur Afrika inay ka mid ahaayeen qalanka aamusiya dhawaqa xabbadda kaas oo aysan qaadan cid aanan ka ahayn dadka mishinnada afduubka iyo qaarijinta sameeya. nin nabad gelyo caadi u sameeyanaya uma baahna qalabkaas waayo xabadda uu ridayo waxzaa u ku ridaa meel sharcigu u oggolyahay.
    Madaama uu raiisulwasaarihi xukumadda ka ahaa xilligi hayadaha qaar qandaraaska la siinayayey iska beri yeelay waxa habboon guddi nabad gelyo qaran in loo saaro loona yeero cidda ku saxiixan heshiiska lana weydiiyo meesha arrinku ka yimid min billow ilaa dhamaad lana weydiiyo waxa uu ka yaqaan asalka iyo shaqada shirkaddaan.