Home » Warar »

“Waa in Muqdisho laga Raro Caasimadda Soomaaliya”: Wasiir Ku xigeen Puntland

CabdiShakuur Mire Aaden: Dawladda la soo dhisayo ma aha in laga doono Muqdisho –

“Danta aan leenahay ka sugi meyno Muqdisho, 20 sano kaddib looma luga xirnaan karo loomana jilba xirnaan karo in la yiraahdo Muqdisho. Waayo iyaga maxayba hayaan waa 4 kiilo mitir. Taasi waa hawaawirka beenta ah ee dhibka ku ah ummadda Soomaaliyeed in dawlad aan dhawr kiilomitiri xakumin la yiraahdo waa dawlad.” …” maamulka TFG waa maamul dadka Soomaaliyeed loo sameeyey, wax laguu sameeyeyna kuma matalo,”…. “Waana in caasumadda laga raro Muqdisho…” Sidaas waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud ee Puntland, CabdiShakuur Mire Aaden oo magaalada Jabuuti waraysi ku siiyey SomaliTalk.com:

Halkan ka dhegeyso Waraysiga oo dhamaystiran

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

CabdiShakuur Mire Aaden, oo magaalada Jabuuti kaga qayb galay kulan ay yeesheen ururka Maskax-Maalka Soomaaliyeed (PEN) oo aan waraysi la yeelanay ayaan wax ka weydiiney qoraaladii iyo buugaagtii uu qoray iyo arrimo siyaasadeed oo la xiriira DFKMG, Puntland iyo Somaliland iyo sida uu  u arko xalka Soomaaliya oo uu  sheegay waa in ay ugu horayso in aan xalka laga raadin Muqdisho.

C/shakuur Mire waxa rumaysan yahay in xalka Soomaaliya uu ku jiro nidaamka Federaaliisma, iyo in caasumadda Soomaaliya laga wareejiyo Muqdisho.

Wasiir ku xigeenku waxa uu hadalka ku adkeeyey in Puntland aysan doonayn in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’do, isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri “Yaan ka goosaanaa, yaanse u goosanaa, Soomaalinimada ka goosan meyno.”

Waxana uu yiri “Soomaalinimada waxaa laga diidan yahay waa Muqdisho.” … “Soomaaliya halka ay ka jirran tahay oo ka soo kaban la’dahay waa Muqdisho,” ayuu yiri.

“Soomaalinimadu waxay ka dhowdahay Hargeysa, ee Muqdisho kama dhawa. Meesha wax laga raadinayo in Soomaaliya dawlad noqoto, in ay horumarto, in caqligii soo noqdo, ma aha in aan Muqdisho ka raadino, dad gaar ahna riixi maayo, waa in laga doonaa Baydhabo, Kismaayo, Hargaysa, Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo laga doonaa, ee ma aha in Muqdisho laga doono, labaatan sano ayaa lagu hungoobay, oo waxba ka soo bixi waayeen, in garashada, Soomaalinimada iyo soo noqoshada Soomaalinimada, iyo sharaftii maha in laga doono Muqdisho, ee waa in laga doono magaalooyinka kale.”

“Waxaan kuu sheegayaa, oo ku celinayaa markale, in Soomaaliya nabadeeda aan laga sugin Muqdisho, oo aan laga soo bilaabin Muqdisho, dadka siyaasadda u horseeda ee Muqdisho ayagaa diidey, Soomaaliya halka ay ka socon la’dahayna waa inta la leeyahay Soomaaliya waa Muqdisho, Muqdishona waa Soomaaliya,” ayuu yiri C/shakuur Mire.

C/Shakuur Mire oo Waraysi siinayey Maxamed ALLMAN, SomaliTalk jabuuti

Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud ee Puntland waxa kale oo uu xusay in Maamulka Galmudug uusan ahayn maamul “base” leh oo sida Puntland oo kale u dhisan. Waxana uu tilmaamay in maamulka Galmudug uu yahay “Qayb ka mid ah magaalada Gaalkacyo iyo magaalada Hobyo.” Waxana uu xusay in Soomaaliya ay ku soo bateen waxa loogu yeero maamul samaysi oo laab la kac ah, waa sida Jabhabadihii Soomaaliya ka samaysmay, ee la wada baxay S-ta, ayuu yiri.

Waxana uu si xooggan ugu dooday in xalka Soomaaliya uu yahay nidaamka Federaaliisamka.

Waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha ay isku hayaan Puntland iyo Soomaaliland in ay ku dhamaysanayaan wada hadal oo aysan ku dhamaysanayn dagaal. Waxana uu sheegay in la adeegsanayo caqliga.

C/shakuur Mire Aaden, Jabuuti Dec 2010

Waxa uu xusay dad hore looga celiyey Puntland isagoo sheegay in kumaanaan qof oo koonfurta Soomaaliya ka soo barakacay ay ku nool yihiin Puntland, waxaase la celiyey dhalinyaro da’doodu u dhaxayso 15 jir ilaa 30-jir oo looga shakiyey in ay tababar yihiin, ayuu yiri.

Mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd in heshiisyada ay gelayaan ay u soo maraan Dawladda Federaalka iyo in kale, waxa uu yiri “Danta aan leenahay ka sugi meyno Muqdisho, 20 sano kaddib looma luga xirnaan karo loomana jilba xirnaan karo in la yiraahdo Muqdisho. Waayo iyaga maxayba hayaan waa 4 kiilo mitir. Taasi waa hawaawirka beenta ah ee dhibka ku ah ummadda Soomaaliyeed in dawlad aan dhawr kiilomitiri xakumin la yiraahdo waa dawlad.”

C/shakuur Mire Aaden waxa uu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in Muqdisho laga raro caasimadda Soomaaliya. Soomaaliya soo noqoshadeeda Muqdisho waxaa uga dhow Hargeysa oo ay joogaan dad Soomaaliyeed oo dhahaya Soomaaliya ayaan ka go’nay, marka ma aha in waqti badan lagu lumiyo Muqdisho iyo dadka jooga. Balse waxaa weeye si Soomaaliya loo helo waa in waqti lagu lumiyo Hargeysa iyo dadka jooga ee dhehaya waanu ka goosanay,” ayuu yiri.

“Maamulka Somaliland waxaa samaystay dadka Somaliland, maamulka Puntland waxaa samaystay dadka Puntland. Laakiin maamulka TFG waa maamul dadka Soomaaliyeed loo sameeyey, wax laguu sameeyeyna kuma matalo,” ayuu yiri.

C/shakuur Mire Aaden oo hore u ahaan jirey wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland, haddana ah Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud ee Puntland, oo ka hadlaayey Saxaafadda iyo Puntland ayaa yiri “hadda ma jiro hal weriye oo ku xiran Puntland.”

Halkan ka dhegeyso Waraysiga oo dhamaystiran

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Waxaa waraysiga Qaaday


Maxamed Macallin Cismaan ALLMAN | SomaliTalk Jabuuti

Email fatxumaalik [@ at ] gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

39 Jawaabood " “Waa in Muqdisho laga Raro Caasimadda Soomaaliya”: Wasiir Ku xigeen Puntland "

  1. anas says:

    Assalaamu caleykum waraxmatulaah.

    salaantaas qiimaha leh kadib anigoo ah muwaadin soomaaliyeed jecelna dadkiisa iyo dalkiisaba waxaan halkaan ka dhiibanayaa ra’yigeyga ugu horeyn waan ka xumahay hadalka aadka u adag kana fog soomaalinimada dhiira galinayana qolo gaar ah iyo gobol gaar ah ee uu ku hadaaqay wasiir ku-xigeenka puntland intaas kadib hadii aan ka soo qaato qodobada xasaasiga ah ee hadalkiisa waxaan mudnaanta koowaad siin lahaa oo aan ku bilaabi lahaa oraahdiisa ku aadan caasimada soomaaliyeed ee muqdisho iyo waliba dadka sharafta leh ee ku nool caasimada muqdisho iskuguna jira soomaali oo dhan aniga waxaan u arkaa hadalkaas mid uu ugu gafay

    1-mid kamida astaanta qaranka soomaaliyeed maxaa yeelay muqdisho maantay waa mid kamida astaanka qaranka cidii sidaas u xurmeyn waysana waa cid ka soo horjeeda qaranimada iyo midnimada soomaaliyeed marka wasiirka ha ogaado in qaranimada soomaaliyeed ee uu leeyahay puntland baadi goob ayeey ugu jirtaa in uu isaga cagta ku sii dhufanayo hana garto in qof sidaas u dhaqmaya oo naceyb sidaas u adag u qaba qeyb kamida umada soomaaliyeed in uusan aheyn shaqsi umada wax ku soo kordhin kara inuu sii lumiyo mooyaane,

    2- dadka dega caasimada soomaaliya ee muqdisho waxa uuna ku sifeeyay dad dhiig miirasho wada ah tuugo wada ah soomaalinimada ka fogtahay waxa uuna carabka ku adkeeyay in reer muqdisho ay soomaalinimada ugu dhawyihiin reer hargeysa iyo puntland oo maantay midna yiri soomalia waan ka baxay midna hada jidkaasoo kale uu hayo runtii arintaasna waxaan ku sifeen lahaa oo kale nin yiri sibirka waxa uu ka macaanyahay malabka. hamigiisa ah in muqdisho caasimada laga badalo waxaan ka dhihi lahaa caasimada soomaaliyeed ee muqdisho waligeed waxa ay ahaaneysaa caasimada umada soomaaliyeed maxaa yeelay waxaa ku nool umad kala duwan kala soocinna soomaalida inteeda kale waa meel istiraatiiji ah waa meel ka fog cadawga umada soomaaliyeed markii ugu horeysay taariikhda ee uu cadowga umada soomaaliyeed yimaado muqdishana waxaa hormuud u ahaa shaqsiyaad ka soo jeeda degaanka puntland marka wasiirka hadii uu ku fakirayo kaliya nabada uu puntland ka jirta in ay u horseedi karto in caasimada loo soo raro waa mid riyo ah puntland hadii ay nabad tahay dadkeeda ayeey nabad u tahay waana nabad ay ethiopian-ka korka ka ilaaliyaan ee meel soomaali wada leedahay maahan taasna waxaa daliil u ah in maalin walba umada aan ka soo jeedin degaankaas lagu dhibaateeyo mid la xiro iyo mid la musaafuriyo laga dhigay iyo waliba mid cadawga umada soomaaliyeed loo gacan galiyo..

    qodobka labaad ee aan jeclaan lahaa inaan farta ku fiiqo waa federalism-ka wasiirka inta uu hadlayay waxa uu wariyaha wareysiga ka qaadayay ku yiri waa inaad sharciga federalism-ka si fiican u eegtaa balse aniga waxaaba dhihi lahaa adiga ayaa mudan inaad si wanaagsan u barato sharciga awood balaarinta ah sida aan wada ognahay ilaa iyo hadana xaqiiqda ah waa in puntland ay tahay maamul goboleed hoos taga dowlada soomaaliyeed ee kumeel gaarka ah hadaba hadii ay sidaas tahay xagee ayuu ku dhiganyahay sharciga maamulka puntland u siinaya awood in ay xiriir la yeelato dowlad kamida dowladaha caalamka, wadamo badan oo caalamka ah ayaa ku dhaqma qaabka federalism-ka walina lama arag maamul goboleed kamida federaalism oo la kulmaya ama wax la wadaagaya dowlada kale maxaa yeelay maamulka gobolada waxa uu sharci u leeyahay bes inuu xiriir la sameeyo maamulada kale ee gobolada iyo hey’ado yar oo xadidan marka puntland intaas wax ka badan hadii ay dooneyso oo ay rabto iyada iney cid walba la macaamisho waxaan dhihi lahaa gooni ha isku taagto oo wadan cusub oo caalamka ku soo biira noqda si aad u heshaan hamigiina ku dheehan aniga kaligey aan wax helo…

    ugu dambeyntii waxaan xusi lahaa in wasiirkan uusan dhaafin cidna cid walbana uu i haaneystay aadna u liiday intaan ka aheyn dadkiisa iyo maamulka uu ku jiro balse waxaa ilaahey mahadiis ah in maantay ay umada soomaaliyeed inteeda badan garanayaan fahmayaana dhagarta iyo hamiga gaaban ee ku saleysnaa hadalada wasiir ku-xigeenka iyo waliba kuwa lamid ka ah isaga wax walbana waxaa qori doonta taariikhda cid walboo si adag u hadasha cid walboo muujisa xaqdiga iyo xaasidnimada ay umadooda u qabaan maalin ayeey meel cidlaa ku soo dhici doonaan, waxaan ugu nasteexeen lahaaa aqiiran wasiirkaas in uu ka noqdo hadalkaas beri saameynta ku yeelan doona cid walboo soomaali ah oo dhageysata waxaana ku dhiiro galin lahaa inuu cafis waydiisto cid walboo uu u gafay hadii kale waxaa dambeysa maalin wax walba la xisaabin doono. wabillaahi towfiiq

  2. Bashiir Isse Barre says:

    waxay ilatahay in dadka somaliyeed halcod oo isku dhinac ujeeda aan laga wada helayn marka arin laga hadlayo,
    sidaas daradeed waxan kutalin lahaa qof walba si nadiif ah oo aan qabyalad kujirin ha ucabiro fikir kiisa saliimkaa.

    muqdhisho waa casimadii somaia hada iyo mar horaba, masiibada dhacdayna waxay lawadaagtaa guud ahaan somalia, waxaa jirtay in muqdisho ay mar ahayd casumadaha Africa kuwa ugu horeeya xaga quruxda,amaanka iyo dadkaba, wayna sonoqonkartaa hadii lahelo dawlad iyo kala danbayn,markaas ayaana laga hadli karaa in muqdisho casumada laga badalo iyo in loo dayo, inta kahoreeysa waxay ila tahay in aysan macquul ahayn in wax labadalo iyo in kale, waase lasamayn karaa casumad ku meel gaar ah,

    waad mahadsantihiin

  3. Dahir Farax Guray says:

    markii horeba muqdisho in casumad lagadhigo maahayn waayo dadka hada kuxeeran waa dad aan fahmin micnaha ay casumadu leedahay una haysta in ay casumada ku mutaysteen mudnaan ka dheer tan umadda soomaliyeed inteeda kale waana tan ay illaa imminka ugu dhadhabayaan muqaddasnimada in muqdisho tahay caasimaadda aan la baddali, xagga bilicda, baaxadda & da’da tan straatiijiyadda Muqdisho ma aha Amaan waayo waxaay saarantahay xeeb aan cidna xadidi karin hadii cadaw badeed weeraro taasina waa riyo waa ka baryay, beeneey waa run. haddan si kale u iraahdo ma noqoto caasimaddu meesha ugu dadka iyo uryaha badane, bal fiiri Washigton DC wa magaalo yar waxana ku nool in ka yar 3m, Losangles (23m), Chicago (17m). haddana fiiri Dalhi (less than 4m) iyo Bombay (18m), haddana fiiri Abuja iyo Lagos marka ha ku riyoon caasimad wlaal inaad ku haysato afduub magacii soomali wayn kuna haysato magaalo aad baabi’say 75% dadkiin aad ka qixisay adna aad iska qixisay. caasimad yaa ah aniga aragtidayda? ma ahan kuwa u haysta inay tahay magaalo wayn oo bilic badan laakin waxaan u haystaa magaalo amni ah lagana dhigi karo mid bilic leh si xor ahna loo imaan karo dadka ku xeeranina aanay ahayn bahal dadka cuna oo aaminsan inay saas guul ku gaari doonaan.

  4. Onkod says:

    walee, dadka waxaysan kala aqoon magaalla madax & tuullo, muqdisho magaal cumrigeeda gaaraya 1000 sanno, baaxada & bilicda, ay leedahay, aaan laga haleen dalka soomaaliya meel la mid, ah, marka sida Guuleed ba sheegay, puntland magaalla ka mid ah tan 10.aad xitaa umma ahan dalka soomaaliya, marka sidee tuullooyinka puntland ku yaalla, loo oran karaa caasimadda ha laga dhigo, boosooso, waxaa ka wayn xaafadda madiina ee degmadda wadajir, kana dhisma fiican kana dad fiican, marka meel xaafad la mid magaaladda muqdisho la eg maa caasimadd laga dhigi karaa, ?? tani waxay ka turjumaysaa cilmiga Qabyaaladda la yiraahda Ee reer puntland dishooday ! laakiin aniga Uma arko haddii magaaladda Muqdisho laga raro, caasimadda soomaaliya la Geeyo meel la xoogaa loo qaadan karro ama Bulshadda caalamka aysan nugula yaabeen, meeshaan aan sheegay ay Macquulka ahna , puntland sow ma gasho, koleey dal aqoonna waa ahay, istarajiidiyadda & cilmina alle wuu isiiyay, magaalada waxaa la rabaa dhowr wax oo sow jiidasha leh, in laga hello, Nabad ay reer puntland la wareegayaan, ma ahan, istiraajiidiyadda dadka indhahooda sow jiidato, meeshana haddey nabadeeysteen, waa meel ay iyagga, aysan ka badnayn, dadka ka tuugsada ee danyarta ah, ayaa laga ceyriyaa, luguna dhibaateeyaa, xagee marka joogtaa dowladda, & nin masuul in rajjo ka gasho in tago, waxii la doono ayaa liska sheegayaa.

  5. mr says:

    wasiirka waan ku raacsanahay anigoo ah somalida ethiopia waxaan u arka dhibka somali inuu hormood ka yahay muqdisho.

    waxaana lama huraan ah in Caasimada laga badelo muqdisho si somali lo badbaadiyo. muqdisho caasimada ma noqonkarto waayo caasimadu waa in yeelato amaan, iyo kala danbayn isla markaasna dadku ku nolaan karaan.

    muqdisho boqolaal indho cade ah ayaa ku nool Dawladii timaadaba sheedh cusub ayaa loola soobaxayaa ha haato mid diineed ama mid qabiil.

    Runta hadii laysku sheego somali dad aqli gaab ah ayaa la haray waana dadka muqdisho degan

  6. Guled M M says:

    waa la yaabay waa la yaabay, war ninkan ma nin waalan baa mise hadda ayaa loo sow socdaa ! caasimadda 1 aad ee soomaaliya waaa Muqdisho, tan 2aad na waa Hargaysa, tan 3,aadna waa Kismaayo tan 4,aadna waa baladweyne , tan 5,aadna waa baydhabo, tan 6,aadna waa marka cadeey, xagee marka iska sow gallaan puntland ha laga dhigo caasimadda soomaaliya, xarunta maamul goboleedka puntland waa Garowe, 5 hoteel oo la seexdana kuma yaalaan, meesha maamulka ka jira , maa la mooday in ay ku noqotay xamar ama hargaysa, fadlan tani waxaan u arkaa hadal la raba in dadka looga qosol siiyo, oo si funny ah, looga dan leeyahay, arrinta ninkan ka hadlayana xoolaha, xitaa wax ay yeelayaan ma ahan bini aadamka , iska daay, ilaahay caqli ha na siiyo, meesha uu sheegayna 100 sanno oo hadda ka dib ah, na ma noqon karto caasimadda 3,aad ee soomaaliya tan 2 aad 1, aad warkeedaba daay, marka waxaan leeyahay arrintan iyadda ah, ninka ay ka sow yeertay bal ha la geeyo, isbitaaladda dadka waalan lugu daaweeyo, si looga hello daawooyinka dhimirka, waayow waalida ma ahan mida dharka la tuuro oo kaliya waxaa jira waali la yiraahdo, tan dhaqanto, taasow qofka dharka wato lkn ay ka sow yeeraan hadal , dadka dhimirka leh aysan isku quurun in ay ku hadlaan waa sida ninkan oo kale ah, marka bro, and sis, waad ku mahadsantahiin,sida aad fakirkiina ugu dhiibateen, lkn mid waa iga xasuus, 250 kun oo qof kuma noolo magaala qura oo ka mid maamulka puntland, Gorowe & boosaaso ayaa ugu wayn, waxaan jeclaan lahaay, in tiri koobkooda la keeno, si ninkaas, & dadka ku ma’wda ah, ay qancaan, dhisma & bilic magaalana, warkeedaba iska daay, mid aniga waan yeelli lahaaay , haddii uu Oran lahaay, warshadda ugu wayn ee kalluunka soomaaliya lagu farsameeyo, halaga taago puntland sababtow waaa dad inta badan kuluumaysiga yaqana, may be waxay noqon lahayd suurta gal.

  7. WADANI says:

    WAR ILLEYN BALO!!!!!
    Ar Yaa Maqaal Kale oo shakhsi reer Puntland ahi uu qoray halkan ku soo qora mar kale?????
    WAA YAAB, war dadkani maxay ahaayeen naceyb Puntland loo qabo maa intaan oo qof qalinka u soo qaadatay….. kuwo xitaa waxaan arkaayay kuleh cayaaraha gobolada maxaa Garoowe loogu qabtay?
    Adeer wasiirku hadal SAX ah ayuu idiin sheegay Soomaali waanada ma qaadato hadhowna ma adkeysato. Adeer waxaan idiin sheegayaa Puntland maslaxadeeda oo ay taqaanno haddaad ku nacdeen wallee cudurkaas weligii wuu idinku jiri Allena idinkama saaro, oo anaaba hadda idin leh si aad maalin-walba cuqdadiina aad dadweynaha u tustaan.
    WAR ILLEYN TANOO KALE!!!!!!
    Caasimadda cusub ee dhawaan sida qorshuhu yahay lagu dhawaaqi doono waa GAROOWE, markaa sideed yeeleysaan? Taa ka sii fakara oo qorshihii aad ku af-lagaadeyn laheydeen sii diyaarsada…
    Waxaanba is-leeyahay inta kaliya ee aan ku dhaq-dhaqaaqeynu waa caloosheena oo SAAFI, ar dadkani maxay cuqdadi dilootay!!!

  8. am says:

    asc wr wb

    anigu reer xamar ma ihi, laakiin waxaan ahay muwaadin soomaaliyeed, xamarna waa magaalo madaxdii soomaaliya, lagama hadli karo, midnimada, calanka, astaanta qaranka, magaalo madaxda intuba waa astaamaha qarannimada soomaaliyeed, shisheeye & danaystayaalna waxba laga weydiin maayo, su’aashaasna dib la isuma weydiin karo, nabadeey !!!!!!!!

  9. abdi says:

    asc aniga aragtidayda waxay ilatahay meesha ay soomaliya ka degi ladahay in ay tahay puntland dadka muqdisho degena ay yihiin dadka ugu soomaalisan waana meesha kaliya ee marka la eego nolol ahaan iyo khayraad ahaanba qaadi karta dadka sababtoo ah waxa ka dagaalamayaa marka koowaad maanhan reer muqdisho ee waa dad ka yimi puntland iyo soomaaliland sida ina godone iyo fuad shangale waa dadka xan baarsan fikirada islaamiga ah ee dadka ku laynaya muqdisho labaduba waxay ka kala yimadeen pl iyo somaliland tan kale hadaynu eegno dhanka siyaasada waxaa cad in markii abdilaahi yusuf uu madax waynaha ahaa miisaaniyada puntlan 50% loo diri jiray dawlada ku meelgaadhka ah markii shariif qabtayna iska dhaafe uu faroole yiraahdo taageeri mayno hadii cid aan pl ka soo jeedin pri-minister loo dooorto isla markaa waxaa cid waliba ogtahay iyadoo koonfur soomaali oodhami joogto oon cidna qabiil loo eegin in abdirixmaan faroole waa madax waynaha puntland e uu yiraahdo cida aan punland u dha;lan waa shacabka soomaaliyeed ee ka soo barakacay muqdishee dalkayaga ha ka bexeen oo waxna xidh xidhay waxna baabuur ku guray oo ku daadiyay koonfurta gaalkacayo waa arin qofkasta oo soomaali ah oo wax garanaya damqaysa xataa wadamada aynu u qaxnay ee ajinabiga ah ayaanan samayn karin sidaa sida aan qarsoonayn cidkasta oo soomaliya punland waxy ku tageertaa qab yalad iyadoo is ka dhigaysa pawer qabiil lakiin aan waxba ka jirin arinkaasina waxay ku suuro galaysay ixtiraamka soomalida kale iyo iyagoo tanaasul muujinaya oo is leh in soomaali nimo lahelo ayaa loo yeelayay wax badan lakiin taasi wax dawa ah ma keenin waxaa cad had iyo jeer haday punland ka waydo sad bursi in ay tiraahdo kalsoonidaan kala noqonaynaa markaa waxaan ku soo gunaanadayaa hadii xaqiiqada laga leexdo oo ninka wax qaribayaa uu iska dhigo ka wax hagaajinaya oon meel looga soo wada jeensan oo layska qaban saas bay ku sii soconaysaa wallaalahayaga koonfur degana anigu waxaan qabaa waa dadkaugu wanaagsan waana dadka qabil laan lagu dhex noolaan karo ANnigu waan maray 18 gobol ee soomaaliaya gobolada waqooyi iyo waqooyibabri hadii ad mudo joogtid khasab waa in la ogaadaa qabiilkaaga ama lagu yiraahdaa qolomaad tahay lakiin koonfur kuma arag arintaa wasiirkuna cadaalada ayuu ka fog yahay waxaan u arakaa macnihiisa in uu uga jeedo casimada garoowe ha laga dhigo

  10. Caasimada Soomaaliya waa Muqdishu cid badeli kartaa ma jirto wadankana nabad waxaa uu noqonayaa markii dad xalaal quudato ah ay hogaanka qabtaan .

  11. c/risaaq says:

    waa salamaya dhaman somalida daalacat webkan aadka ugu adeega dib usoo celinata dalka soomiya iyo dhiirigelinta shacabka marada qoyani saran tahay
    intaa hadaan kag baxo somali horta mays waydisay maxaa halka keeney oo sidaa ay ka yihiin dunida ka dhigey runtii dadka meel laga haysto alla garan marka waa jaahil baynu lee nahay lkn maha waayo intee aqoon yahan jira oo aan dhaamin jaahilka waxaa keenay heerka uu bulshad ka joogo banu aqoon marka waxn kula talinay dadka aqoonta leh war fahma heerka aad ka joogtan bulshad waayo umadi markay wax barato bay horumarta hadiikuwii wax bartey ka hooseyaan ku jaahilka ah de wa nasiib darro ku dhacdey dadka iyo dalka
    tankale oo aan arkey wa somalidu waa dad aad u hangaban hadii loo eego umahada kale waayo sidey dibad ku yihiin ways arkaan sidey dalka ku yihiina ways arkaan mana jirto cid si daacad ah uga tiiraan yootey oo latimi wax lagarn karo kan ugu roonb wa ninkii idacad ka yiraahda somali wa burbursan tahay runti waxaasi wax loo bahan yahy mahan aduunka dhan ba soo marey burbur lkn dadku way u fekeren sidey uga bixi lahayeen e hadal wax mataro waxan lee yahay wllhyga somalida ah (cirka fiiriya hafiirinina ciida ) inshalh waxaan ka dameyn barwaaqo raagtya hadii alle iska keen daayo iyo amni iyo horumar kuwan isu jwabayan waxn lee yahay wa ceeb in qof wuxuu yidhi manta dhan la kal guro ama taalo keen ama iskadaa hadalka badan oo mesha xun kula gelaya kan hadaye lahaa masaajidada iyo maqaaxiyaha ba fadhikudirirkii loha yimi wan u duceynaynaa alle ha soo hadeyeyo wayo masaajid kii alle buu le yahay wa fadhi ku dirir alle kuligeen haynoo danbi dhaafo

  12. Fanax Somali says:

    Qaaddiyaddu ma aha in xamar laga guuro iyo lagu nagaado. Qaddiyaddu waa in Somalia talo loo helo. Waxaa mudnayd in Wasiirku ka hadlo sidii somali loo badbaadin lahaa, macaa xamar. Puntland waa inay Somali gogol u fidisaa sidaa ay dhawaan soo hadal qaadday, meeshaas lagu unkaa dawlad somaliyeed ee somali soo samaysatay, iyo baarlaaman kooban ee ummadda mathala – maya rag boorsooyin garabka ku wata ee aan cidna mathalin. Haddi baarlamaan daacad ah la helo, ee aan ahayn kan MOTIONka ku shaqaysta, waxaan qabaa arrimaha laga doodayo sida caasumadda ayagaa lahaan lahaa taleedada. Meeshii somali isku raacdo bay markaas noqon lahayd (dadka mathala somali). Waxa anigu aan jeclahay ama abdishakuur (oon isku gobol ka soo jeedno), ma iska fikrad, mana mudna inay madaxwareer keento. Nin waliba xaq buu u leeyahay fikirkiisa – kan dad la soo doortay baa muhim noqon kara. Wa salaama

  13. BULO says:

    ASC WAXAAN AAD UGU HANBALYEYN KALSOONIDA IYO WADININIMADA REER PUNTLAND WASIIRKAN RUNTUU KA HADLAY QOFKASTANA WAA ARKAA

    wasiirka mid baan leeyahay horta intadan oran somaliland ma yihiin beesha go i taanka ku dhawaaqday e waqoyi somaliya degtaa kuwo sida maamulkan puntland kalsooni isku qaba inay somali wax la qaybsadaan waa maya

  14. Ina Xuseen says:

    Salaamu-laah

    Waxaa nasiib xumo ah meel walba inaan kadhigno fadhi kudirirada kajira masaajidada kuyaal Galbeedka iyo makhaayadaha kuyaal dunida daafahadeeda ee Somalidu iskugu timaado, halkaas oo aan u kala baxno qolo-&-qolo, kuwo taageeraya qof maslaxad gaara watta iyo kuwo kale oo taageeraya qof kale oo maslaxad kale watta oo aan labada qolo ee wax taageeraysa midna maslaxad ugu jirin. Markaa natiijaduna noqotay inay afkana hawo naga buuxsanto, shaah badana nalaga iibsho, shaqo la’aana nagu wada dhacdo, isla markaana afafka iyo luuqadaha dadka aan u nimid baran, markaana meel walba nalagu caayo. Hadalkoo kooban inaan maslaxadeena dayacno oo aan dibad iyo gude ku ilaalino masaalix shakhsiyaad doonaya inay ku hadlaan hadalo iska horkeen ah oo ay iyagu isku soo saarayaan.

    Tusaale waxaa kuugu filan, dadka halkaan ku andacoonaya Waziirku run buu sheegay!!! Markaad aragto in umaddu Soomaliyeed wali kabuuxdo caadifad, xiqdi, caro iyo caamo iska hadlaysa, iyo taageerid shakhsiyaad doonaya inay iyagu isa soo saaraan, si ay wax u noqdaan, 20 sano oo imtixaan ah kadib, waxaa yaraanaya rajada aad kaqabto Soomaliwayn iyo wadan soo noqda.

    Markaana waxaad iswaydiinaysaa hadii aad fadhi kudiriradii masaajidda iyo makhaayadaha iskaga timid, oo la keenay website-yadii aan islahayn inta ugu caqli roon ayaa joogta, halkee qabanaa? Markaa waa inaan iskaga koobnaan inaan akhrisano TheGuardian, New York Times iyo WashingtonPost, dalkaan iyo dadkaana sugnaa intii Rabbi ciid rogayo oo kasoo saarayo dad qalbi fiyow, si qumman u fakari kara, oo aan adoomo u ahayn shakhsiyaad marna hadalo macaan kuqora buugaag ay soo min-guuriyeen, marna umadda iska horkeena, barina la arkayo iyagoo fulinaya waxay shalay lahaayeen cagsigeed, (Waa wada-indhe-cadayaal) masaalix gaara watta. Hadii kale taas, waxaaba kasoo hormari kara dunida inuu Ilaahay keeno dowlad islaama oo cilmiga iyo caqliga qiimaysa oo dadyowga dunida wax laqaybsan taqaan, markaana waxaaba yar qiimaha ay leedahay Somalinimo caqligeedu yahay qabiil, gobol iyo caadifad.

    Ilaahow, waan ku barine, yaysan sidii dameeradii na raran dadka ku guura dadka caamada ah ee danahooda gaarka watta, aamin. Ilaahow, umadda Soomaliyeed caqligooda usoo celi oo ka weeci indho la’aanta ay kutaageerayaan wax aanan maslaxad ugu jirin, aamin.

  15. Othman says:

    Asc. walalayaal arinta uu ka hadlay wasiirka ma aha mid ku cusub umad somaliyeed maxaa yeelay Pl waa amaan sl waa amaan laakiin somali ma iswaydiisay yaa Muqdisho u diidan amaanka , waxaa hubaal ah Muqdisho culayska heysto haddi saacad ama laba saac la saari lahaa puntland ama Somali Land ma xamisheen , waxaase tusaale idiinkugu filan 6bilood ee Maxkamadaha yaa burburiyay ma reer Muqdishaa burburiyay , kalaa runtii wasiirka waa ogyahay haddaanu is indho tirayn , amaanka Puntland waxaa haya Ethopiya aa balan qaaday Dastuurka puntland ayay ku jirtaa in ethopia difaacdo haddii P/Land ama somali land la soo aado , waxaana la hubaa in Muqdisho cadaadis caalamiya uu saaran yahay , waxa kaloo iska cad dadka Muqdisho ay madaxdooran karin in dibada looga keeno ma ahee.\
    calaa kuli xaal somali waa ogtahay pl & sl in ethopia ay ka tirsan yihiin
    waxaa xor ah maanta waa koofurta oo Ethopia ka madax banaan & gaalo.

  16. puntlander says:

    afkaaga caana geel lagu qabay

  17. cabdi says:

    Ninkan wasiirka ka ah puntaland nin si cadaalad u daqmu ila maaha. Waa maxay daqankan iyo aqligan oo u hada lasoo baxay oo hada 6 bilood kahore usanlahanjirin? Mise waxa weeya meesha dan teeyda kujirta unbaan kashaqeeyn!

  18. Magan says:

    Aniga waxay ila tahay Xamar haloo daayo magaalo madaxda dalka wooyo
    Maadaama hadaanu somali nahay qabiilku dhiigeena la shaqeeyo uma baahnin magaalo kale oo inta la dhiso hadana la burburiyo oo dhiig kale nooga daato run ahaantii hadaad eegto magaa looyinka nabadda ah waa meelaha qabiilka qura uu u badan yahay lagamana yaabo inay dagaalamaan haddii dagaal dhacana odayaasha ayaa qaboojinaaya markaa caasimad ma noqon karaan. Markaa waxaa fiican in xamar dibloo dhiso maadaama ay muddo labaatan sanno ah dhibaato ka dhacaysay dhiig badana uu ku daatay haddii la dhiso ilama aha in dibdambe loogu dag dagayo in la burburiyo waana meesha kaliya ee somali oo dhami isugu imaan karto haddii la heshiiyo qabiilkana laga tago.

  19. ilkacase says:

    asc. kuma raacsani aragtidiisa midakale maamulka punt-land waxay ka midyihiin dawladaan hadda jirta waxay na kaga midyihiin inay geeyeen boorsooyin guno lugu doonayo iyo qaylo iyo buuq joogtaa & kuwa ka tirsan al-shabaabka oo ladagaalama, aaway xoogii ciidan ee ay uga midnoqdeen culays mooyaane wax kale kuma hayaan caasimada iyo dawlada. mida kale maamulaka punt-land waxay tarxiilayeen dhawaanahan dad masaakiina oo gobolada konfurta kasoo jeeda oo kusoo cararay,waa wax laga xishoodo oo aan ka dhicin meelkale oo soomaliya ka mida mantana qadyad soomaaliyeed oo ay dadkeedii raafeen ayay ka hadlayaan! fikirkooda &maamulkooduna ma dhaafsana qabiil & jifo, bosaso amaankeedu ma suganyahay?. somaliland waa maamul dawladwanaag lagu yaqaan laakiin punt-land ha iska go’aan waan u ducaynaynaa ye caasimada soomaaliya lama belayo ee way hagaagi markii ale ugutalo galo inshalaah. idanka alle ayay sugi.

  20. garoowe gaalkacyo laascaano iyo meeshii nabad ah ayaa ku fiican caasimadda mustaqbalka

  21. mugdisho waa casumadii somalia,wana kaxunahay in ay saas noqoto,meel kaga haboona majirto. hadiise aynoqoto in laga badalo
    Anigu waxaan Qabaa in Galkacyo Lagadhigo casumada somalia ,
    sababtuna waxaa weeye waa meel kutaala bartanmaha somalia wana meel lawada daganyahay,

  22. dahir says:

    waziir waxa uu ka hadlay rag’giisa hadalkiisna waxaa ka muuqda mid wax kal qybinaayo balse waxaan oran lahaa siyaa siyiinta soomaaliyeed ayuu kamid yahy waxa uu ka hadaly waa hadal taariikha waxaana sheegtay in uu yahay qoraay wixii wanaag san ee umada soomaaliyeed ee dhaxal gal ah oo aan eex iyo deegan na ceeb kaaga jirin ajar alaah kaasiiyo balse waziirka waxaa ka muuqatay hadalkiisa deegaan naceeb gaar ahaan dad ku abtirsada muqdisho hadii aad siaad u nacday rer mogdihu mudane iskaba daa laakiin dad badan ayaa siadd moqdishu u nacay hadan xxil karaadiya marka waxaa nasiib daro ah waziir in aan aragno mustaqbal adoo muqdisha jooga isl markaan ilbaabay hadal taariiqiga ee aad ku faquuqeyso rer muqdisho marka siyaasiga soomaaliyeed malaahan argti fog hadii aad boosaaso aad mas uu katahy micnaheed waxa weeye adoo soomaali mas uu ka noqday kan kunoo lloyacade iyo kunool raas kanbooni waayo putland haday nabdtahy waa dhul soomaaliyeed oo nabad hadii qof soomaaliyeed uu ku badbaado putland waa soomaaliya oo badbaado weeye waziirka cabdi shakuur mire waa waziir soomaaliyeed in uu u hadlaad dadka soomaalieed ee dhibaatad haysata kaliyan waziir umahan putland mahana in uu yiraahdo muqsdish dadkeeda ayaa qaribay dalka mar waxaan lee yahy waa la doogi yaan la dacarron moqdishan hadii laga badlo caasimada soomaaliya ceeb malan waa la badil karaa lakiin waziir hadlkaagii waxaa ku jira soomaalinimad muqdishu laga keeni karo ee waxaa laga kenayaa ama hargaysaa soomaalinimad kaga dhaow hadalkaasa ayaa waxa uu yahy kala qeybin marka mu maleynaayo nin hadlkaaga umahan umada xal waqtiga ayaan dadka xukuma waa arkaynaa adoo taagan muqdishu waxaana mudan in hadalkaaga lagu xasuusiyo ee ku dhisan deegaan iyo iris naceeb waliaahi towfiiq

  23. SomCitizen says:

    Wasiir ku xigeenka Mr. A/shakur waxaa uu ka hadlay wax jira 100% waana ku raac sanahay fikradiisa. Sida iiga muuqata ra’yiga guud ee lagusoo ban dhigay halkaan wuxuu cabirayaa 90% ama kabadanba in Soomaalidu ay ka daaleen in loo lug xirnaado Muqdisho. Wakhtigii dagaaladu ay billaameen waxaa laga joogaa 20 sano oo juusto ah. Sidaa ooy tahayna xal wali ma dhawa maxaa yeelay Muqdishu uma bisla nabada inay ka shaqayso iyo in Soomaali weyn la baadi goobo. Balse waxay wali diyaar usii tahay in ay kusii nagaato sida ay hadda tahay iyo si kasii liidata iyada oo quud-daraynaysa ama is leh faa’iido ayaad ku kasbanaysaa. Marka aan sidaa lee yahay ma ahan in Muqdisho ka magaalo ahaan ay tahay meel xun ee waxaan u jeedaa dadka hadda kunool magaaladaas inaysan aheen dad ehel u ah magaalada oo dadkeedii waa horeey isaga qaxeen, mana kala jecla kuwan haday silic ku raagto iyo haddii kale.

  24. husen says:

    Jahliga waxaa ka mid ah waxa eey soomaali isku heesato oo waxaa ka mid dadka mawa garanayaan sida loo doodo asluubta. loo baahan yahay. Dadbaa gobol iska ceeynaya war horta gurigaaga soo suubso kadib walaalahaa ama dariskaaga wax la qabo Runta midka la baxay orod oo taada raaco .

  25. QAALIMOOW says:

    Waxaa dhihi lahaa aniga wasiir waan aragnay koonfurta walaahi qurbaha ciil baan la joognaa yaa soomaali ka dhigay ayeey naga keeneen kuwaan habeen iyo maalin isku dilaayo macna darada ee riwayad aan dhamaan wada. Waxaan dhihi anaga waa nagu dhacdee reer banaadir ee idinka dantiina raacda reer Puntland iska go’a meeshaad rabtaan iska aada ka tashada , somaliland idinkana iska go’a . Anagaa hooskeena la sii dagaalameeno. Hooskeena aan madfac ku garaaceenaa , ciyaarta saas waaye. xamar balaaya aa joogto ha u wacanin caasimadood na maahinee iska dhaafa. Dad majoogaan meeshaan oo dareen wadaniyad ku dambeeso

  26. Ina Xuseen says:

    Salaamu-laah

    Ma hadaan iska wadayn caadifadda aan 20 sano kusoo jirnay, mise hadaan maskax xayyi ah ka hadalno? Tan danbe hadaan doorto, Waziir ku xigeenku wuxuu ku hadlay waa arin ‘controversial’ ah oo aanan umadda Soomaliyeed isku soo dhawaynahay. Xalka iyo maslaxadduna waxay kujiraan in la iskaga fogaado wax walba oo dadka sii kala gayn kara. Maadama aanan lahayn Soomali Wanaagsan oo Maskax-Maala oo intii ay meel dageen, muujiyay wanaag iyo cadaalad looga daydo oo dadka intiisi kale ugu sii hiyadaan.

    Markaa, hadii wadankiiba qoqoban yahay oo qoloba meel looga taliyo, dadkiina wali dulmi u wada garba duuban yihiin, u malayn maayo in walaalaha qaarkood oo la maago ay xal soo dhawaynayso, balse caadifadooda ayay sii kicin, markaana waligeen waxaan u kala hiilinaynaa rag doonaya inay xukunkooda nagu sii ilaalsadaan 20 sano oo soo socota.

    Cabdishakuur haduu siduu sheegayo Maskax-Maalka kamid yahay, haka hadlo maskaxda ee yuusan ka hadlin caadifadda, daandaansiga iyo dareen kicinta shacabka Soomaliyeed.Hadii kalana, kalmadda ha daayo dadka ehelka u ah ee madasha la jooga.

  27. jamaal says:

    Waan kuraacsanahay in nagaalamadaxga Soomaaliya Muqdisho lagararo. Waa in aan sodaan katashanaa 20 kale oo dagaal maalaayacni ah Laguma jirikaro waana waajib anagoo dhan nawada saaran in aan siwalba oo aan dhiigaan umadeena oo iskaqubanaya aan joojino.
    Hadii magaalamadaxda Muqdisho lagabadalo waxaan aaminsanahay in dagaalka xal looheli lahaa.
    Waa in aan sida aan jeclaan laheyn hadii ay noonoqon weyday sida ay wax noogu hagaagaayaan suubinaa.

  28. GAASHAANLE says:

    RUN AHAANTI WASIIRKU WAXA U KA HADLEY XAQIIQO MESHA TAAL EE SOOMAALIYEY XAQIIDU SIDA Y TAHAY MA WAJAHNA MISE XALKA WAXA AYNU DOONA MEEL UUSAN JIRIN?

    AAD BAAN UGU RIYAAQAY HADAL KA WASIIRKA , WAA ARIN SAX IN MUQDSHO XALKEEDU UUSAN DHAWEYN OO AY TAHAY FAANOOLE FARO KAMA QODNA ..

    NIN FRENCH AH WAX UU YIRI MUQDISHO WAXA AY KU FIICAN TAHAY INAY AY NOQOTO MADXAF LAGU XUSO DADKI KU GEERIYOODAY OO LOO DAAWASHO TAGO EE MA IS TAAHISHO CAASUMAD..

    SHACABWEYNAHA SOOMAALIYEED RUNTI WA KA DAALEN XAL U HELIDA MUQDSHO WA IN SOOMAALIDYU ISKU TAGTA MARKALE OO CASUMAD CUSUB SAMAYSATA..

  29. Adam Abshir says:

    Massulku hadal macquul ah oo cilmiyeysan buu ku hadlay, waana ku raacsanahay. Halka boogtu ka quruntay hadaan la tilmaamin waxba hagaagi mayaan. 20 sano waa xili aad u dheer in laga xaal sugo hal magaalo oo kaliya dalkoo dhanna uma lug xiraan karo. Isbadalo badan ayaa ka dhacay dalka ilaa iyo 1991kii Muqdisho muhiimadii ay lahaan jirtay ka hor burburkii dowladii dhexe haba yaraatee hada maleh.

  30. Abdirisaq says:

    ASC.
    Waan ku ammanayaa Somalitalk oo bandhigidda araada kala duwan iyo wacyi gelinta umaddaba.
    Mawduuca Caasimadnimada Muqdisho iyo dhibaatada baaxadda leh lasoo gudboonaatey Muqdisho muddada dheer ma aha wax hal fikrad ama hal qoraal lagu soo koobi karo. Waa arrin dood dheer iyo falanqayn cilmi ah u baahan.
    Anigu Muqdisho ma eedeynayo dadkeedana ma eedeynayo kumana waafaqsani rayigiisa ku aaddan Muqdisho iyo Somaliland isbarbar dhigiisa iyo rayigiisa Galmudug toona.
    Laakiin waxaan ogahay inta magaalo oo uu sheegay inaan midna u arkin caasimad Somalia inay noqoto.
    Waa in aan xaqiiqda Somalia derisnaa dhibkeedu waxa uu ka yimid qabiil lagu eedeeyey inuu marooqdsadey awooddi dalka, iyo qabaailka waweyn oo mid mid hub u qaatey si ay uga maroojiyaan xukunka kaddibna isu beddelay xoog isu sheegasho qabaailka waaweyn ilaa la gaarey qaar inay goonni isu taagaan qaarna maamul u gaar ah sameysteen.kuwi aan ayagu si aad ah u lahayn xaduudo qeexanna sida muqdisho madaxa ay isla galaan.
    Haddaba caasimaddi qaranka oo ilaa waqtigii gumaysiga dadku wada degganaa maanta ay sheeganayaa qabaailki u degaanka badnaa oo hore iyo gadaal loga socon waayay ma qabiil barax la meel uu degganyahay ayaad u rari lahayd caasimad.
    Anigu waxan qabaa meel cusub oo aan ahayn dhulka qabaailka waaweyn deganyihiin oo deked iyo airport fiican yeelan karta in laga sameeyo caasimad marka waqtigu saamaxo.Haddana Xamar la isaga sii wado hawhsa.

  31. runta says:

    Puntland waa saxare lamadegaan ah dad yarna waa degan yahay waana ku qasab in mugadisho looga taliyo. laakin somaliland waa u qalantaa in somalia ka go do. waana ku raacsanahay waayo somaliland ayaga ugu horeeyay wax xoriyo qaata si xuna waa loola dhaqmay ayadoo sida la socono in 60kii la khiyaameeyay umana arko in soo noqonayso.

    diredawa

  32. Yusuf Cogor says:

    Waa run “Mugadishu” caasumad soomaaliyeed ma noqon karto, waxaana fiican in ay soomaalidu runta isu sheegto oo doorato caasumad cusub.
    Ma ahan inay Puntiland iyo Somaliland noqonayaan caasumad laakiin ha laga doono Magaalooyinka u dhow, sida Marka, Qoryooley, Baraawe.
    Ma ku raacsani wasiirku xigeenka inay caasumad noqdaan Boosaaso, Baydhabo, Hargeysa ama Gaalkacayo. Waa arin soomaali oo dhan u taalo ee maha wax hal qabiil uu go’aankeeda leeyahay.
    – waan wada ognahay wixii Muqdisho ka dhacay oo aan loo baahnayn in ay dhacaan mar kale.
    – Xamar waa qabuuro maanta oo caasumad ma noqonkarto.
    – Arin cusub maha in caasumada la bedelo, waxaa ka mid ah Pakistaan.
    – waa cusub aan galno.
    caasumad waa inay noqotaa meel aan qabiil lahayn oo uu cid walba degi karto, dhisan karto,

  33. L. UK says:

    “Maamulka Somaliland waxaa samaystay dadka Somaliland, maamulka Puntland waxaa samaystay dadka Puntland. Laakiin maamulka TFG waa maamul dadka Soomaaliyeed loo sameeyey, wax laguu sameeyeyna kuma matalo,”

    Hadalkaan ka soo baxay wasiir ku-xigeenka waxey qeyb ka tahay mashaakilka dalka ka jira. Xalkeeduna ama jawaabteeda saxda ah haddi la helo – waa nabadii oo soo dhowaatay. Jawaabteedana akhristayaasha ayaan u daayey.

    Waxaana idin weydiinayaa suaasha hoos ku qoran.

    Qeybta dambe ee hadal kor ku xusan waan fahmey waana runti. Labada sentence ee ka horeeya laakiin – qeyb ayaa wax ka jiraan. Hadana, waxaa is-weydiin mudan:

    1- intee in le’eg ayeey uga duwan-yihiin qolada TFG’da loogu magac daray?

    2 – Ma la oran karaa in eyagu si rami ah ummadda ay sheeganayaan hoggaankood in ay si buuxda u matalaan?

  34. bismilaah,alxamdulilaah,wasalaati wasalaamu calaa rasuuli laah.

    hadalka wasiirka kasoo yeedhay,waxay daliil cad utahay,oo aan daahsaarnayn in siyaasadda maamulka PL ay tahay,haddaanay helin labada xil ee soomaaliya ugu sareeya midkood in aanay muqdisho kuxidhnaan doonin.

    maamulka PL,shalay waa kii xamar kuxidhnaa,taageeri jiray,ogolaa in ay kudhintaan markay cabdilaahi yuusuf iyo ina cabdirashiidba hogaanka hayeen,maxaa maanta keenay in ay xamar kadidaan,oo ayba kubaaqaan in ay kabaxayaan oo aanayba ogolaan doonin.soomaaliya caasimmadeeda waa muqdisho,waana lama taabtaan.cidda dhibka kawada dee shacabka reer muqdisho maahane,waa siyaasiyiin dhankasta leh.aniga oo ah shakhsi deegaanada waqooyiga soomaaliya kasoo jeeda,una dhaw dhanka garoowe ama carro daraawiish,waxaan cadaynayaa hab nidaameedka maamulka garoowe usocdaa in aanay ahayn mid loo dulqaadan karayo.

    wasiirku wuxuu sheegay in ay maamulo yar yari soo badanayaan, mudane wasiir waa in aad maskaxda kuhaysaa in ay PL-ba tahay,SSDF oo ay hooyadii dhashay ayba ahayd jabhaddaas.somaliland-na dee waa SNM. markaa idinka oo shaadhadhkii un bedeshay,xal soomaaliya ma ukeeni karaysaan,maadaama aad shalayba duminteeda kaalmaha koobaad kaga jirteen.caasimmadda muqdisho laga rari maayo!!,haddiise la raro dee magaroowaad ladooni mise,waxaad ladooni boosaaso,dee shacabka in aad ubayaamiso ayaa ay ahayd mudane wasiir.

    waxaan qabaa,in labada maamul ee SL iyo PL soomaalidu ilgaar ah ay u eegto.PL madoonayso nabad soomaaliya kaxasisha,haddaanay sadbursiinyadii ay qoriga uqaadatay helin.SL waa taasoo kaloo dhulka ayaa ay iyaguna doonayaan in ay kala dhantaalaan ee ha iska eego.

    XALKA WADANKA:-madaxa oo qofka xanuunaya ama buka suuragal maahan in uu jidhkaagu shaqeeyee,soomaaliya inteeda kale maadaama ay madaxii oo muqdisho ah uu buko waa in laga shaqeeyaa sidii madaxa kaarjabintii loogu heli lahaa oo ah nabaddii.markaa kadibna laga shaqeeyaa wada dhalashada shacabka ,dowladda hadda jirtana wakhti ay kuqabato lasiiyaa.layskana ilaaliya qolyahan aamin sida ay walaashayda iga horaysayba sheegtay (AILA),ducadaanan oran aamiin,aqbal maahan ama cadkaa cunay ama ciideeyaye oo ah maamulaha PL iyo SL. wasiirkan uu damacu hoose wadaana layska qabtaa,baal hoosena diiwaanka taariikhda laga geliyaa.soomaaliya soomaalibaa lehe,yaan waxba lagu wareegin federalism ee waa in ay iyadu danaheeda kashaqaysataa.damaca waalanna layska daayaa,iyo gooni cuntada halaygu guro.

  35. ali says:

    Xamar waxa laga yeeli lahaa in ay sii noqonayso caasimad somaliya waa suaal taagan – arintaas na waxay u taal somali oo dhan .
    Xamar dad aan ehel u ahayn ayaa magacii iyo maamuuskii ay lahayd ka qaaday . Miskiin Xamareey .

  36. said says:

    Anigu waxaan qabaa in muqdisho caasumadda laga baddalo, waxba kuma jabna, balse yaa u diyaar ah inuu muqdisho baddalo sharkeeda!!!

  37. Qasimoow says:

    waa iga qosliseen si aad iyoad ah kadib waxaan ku fariistay kursiga, waxaan is weeydiiye su’aalo baddan war dadka see wax ka yihiin. Wasiirka waxuu sheegay dhan waa runtiis marka xaqiiqda la raaco hadaan reer Banaadir nahay asaga camal ayaan u xanaaqsan nahay waa run waxuu sheegay, meeqa sanno aa la baryaaye reer Muqdisho war magaaladiina amaan ka dhiga lakiin ayaga waxeey umaleeyaan in magaalada laga qaadanay waa taas xamar , aa ka dhigteen xamareey yaa arkay, marka nin dhib rabo maleh. Wasiiroow Puntland xamar iyo shidadeeda ha u yeerin hadii kale mushkila kaa maan mala raadsado.
    Sax waaye qofkasta waxaas dhahaa maxa ayaga ka qaldan koonfurta wax la fahmi waaye dadkaan hooskooda la dagaal maayo oo xamar joogo

  38. laila says:

    Waxan Rajaynayaa Ra’yigaan inuu ku gaar yahay ninka magaciisu ku xusanyahay oo shacabka iyo maamulka Puntland aysan la qabin.
    Waxanse halkan ka dhadhansanayaa marki aan dib u jalleeco sidi Puntland ay ugu jajabnayd ciidan iyo calafba inay ku taageerto dawladda Somalia markay madax ayada ka yimid u talinayeen muqdisho.oo diyaar ugu ahaayeen muqdisho iyo villa Somalia in ay ku dhintaan oo difaacaan naf iyo maalba dawladda xamar joogta.
    Marki aan u fiirsadey inti raiisulwasaarihi ka horreyey kan uu meesha ka tegey sidi ay u dhaqmaysay puntland iyo hadalladi qaylo dhaanta, eedaha, iyo hanjabaadaha goi’taanka xambaarsanaa ee dhawaanahaanba kasoo yeerayay.
    Waxan anigu aamini karaa xaalka puntland inuu mar walba yahay ducadi aanan anigu aamiin oran aqbal ma aha ama cadkaanoow ama ku cunay ama ku ciideeyey.
    Somalia dhib badan oo aad sabab rag idinka soo jeeda ay keeneen ayaa soo marey mar dambena diyaar uma aha khilaaf aad sabab u tihiin in ay dhib kale ku mudato.
    Wax badan baan maqalnay gobollo ku hanjabaya waa go’aynaa balse Puntland waxaan u sheegayaa haddi aysan asluubaysan oo qumaati umadda Somaliyeed dhinac uga raacin waxay Somalia ku qasban tahay in ay gobolkaas ka cayriso kasii mid ahaanshaha qaranka Somaliyeed oo qasab looga goyn doono dalka ayagu waa goaynaabeyba ku hanjabayaane. si looga nasto xukun jacaylka maro ku dhegga ah ee noo soo jiiday inaan weligeen khilaaf ka bixi weyney.
    Somalitalk anoo og waddaniyiin dhab ah inay yihiin haddana yaan la iga taaban rayigeyga sida aan wareysigaan xajiinta lehba aan loo taaban.
    waad mahadsantihiin.

  39. Inigu xamar ayaan ku dhashay. Naf iyo maalna waa nooga dhumeen xamar. Hadii aysan magaalo madax ahaan lahayn xamar, waxa qoys-kayga ku dhacay kuma dheceen. Balaayaba waxay ka timid – magaca magaalo madax. Halaga raro xamar. Xagee ayaase laga dhigi doonaa – Boosaaso? war balaayo ha u yeeranina. Meeshii doorata in loo keeno – balaayada xamar kasoo guureeysa; iyadaa cirka roob ku og. Somaliland; iyadu waa go’day. Puntland-na waxaa u fiican in ay danaheeda garato, oo ay go’do; Laakiin ogow Puntland-neey, timirtii horeba dab loo waa; Somaliland jiritaankeeda maqaayadaha lagu sheekeeysto ma dhaafsiisana. Marka ugu dambayn; xamar waa balaayo, lagama go’i karo, ee maxaa inoo dan ah.