Home » Warar »

Video: “Farmaajo Waxa uu Ra’iisul Wasaare u yahay dal tirada dadkiisu tahay 2-million” sidaas waxaa yiri TV-ga Itoobiya

DFKMG oo aan weli ka jawaabin arrintaas —

Telefishanku waxa uu ka warbixinayey Kulankii Farmaajo iyo Zenawi ee Dec 14, 2010

Telefishanka Itoobiya ayaa soo bandhigay video kooban oo uu ku muujinayo kulankii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Meles Zenawi, December 14, 2010. Warbixintaas kooban waxa uu TV-gu yiri:

“Meles Zenawi waxa uu yiri Itoobiya waxay sii wadi doontaa isku daygeeda ayada oo kaashanaysa Midawga Afrika iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo nabad gelyo waarta iyo xasileeni gudaha Soomaaliya, waxana uu yiri nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya oo la xaqiijiyo waxay muhiimad aad u weyn u leedahay gobolka Geeska Afrika. Meles waxa uu xusay golaha wasiirada cusub ee laga sameeyey Soomaaliya in ay ka go’an tahay nabadda iyo xasiloonida dalka aan degganayn ee dadkiisu yahay labo (2) million oo qof.” (Daawo Video hoose).

Marka laga soo tago qaab fadhiga uu ra’iisul wasaaraha DFKMG ula fariistay Zenawi oo jees-jeesaya, waxaa warkaas ka muuqda sida warbaahinta Itoobiya ay uga go’antahyay in ay jaahwareeriso adduunka una tusto Soomaalidu in ay yihiin dad tiro ahaan aad u yar.

Qar iska xoorka warbaahinta Zenawi, iyo ula kaca xiqdiga wata, waxaa daliil u ah sida ay xitaa isaga indha tirayaan in tirakoobkoodii uu Zenawi sameeyey 2007 oo ay u samaysay hay’adda uu ula baxay “Central Statistical Agency of Ethiopia (CSA)” in uu xilligaas ku sheegay tirada Soomaalida uu gumaysiga ku haysto oo uu ugu yeero (Somali Region) ee Soomaali-galbeed in ay ahayd 4,439,147 qof, oo isugu jira 2,468,784 rag ah iyo 1,970,363 dumar ah.

Warkaas lagu xusay in Farmaajo Ra’iisul Wasaare u yahay dadka Soomaalida oo tiradoodu tahay 2 million oo qura, waxaa TV-ga Itoobiya faafiyey intii Maxamed Farmaajo uu ku sugnaa gudaha Itoobiya, mana jirto jawaab ay arrintaas ka bixisay Wasaaradda Arrimaah Dibadda DFKMG (oo wasiirkeedu goob joog ahaa Addis) iyo Wasaaradda Warfaafinta ee xukuumadda FKMG iyo xafiiska Farmaajo toona.

Itoobiya oo Shaacisay Video kooban oo ku saabsan Kulankii Zenawi iyo Maxamed Maxamed

Soomaalidu diyaar ma u tahay 20 sano oo la mid ah 20-kii sano ee la soo dhaafay..

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

39 Jawaabood " Video: “Farmaajo Waxa uu Ra’iisul Wasaare u yahay dal tirada dadkiisu tahay 2-million” sidaas waxaa yiri TV-ga Itoobiya "

  1. abdul haq says:

    laxwalba shilalkey isdhigtaa lagu qalaa,soomaali iyadaa gacmaheeda isugu geysay sidii ay u burburin lahayd jiritaankeeda loona hoos geynlahaa gumeysatada itoobiya,marka haddii 1 milyan la dhaho ama 500,000 la dhaho waxba yaan laga diirin nin geeliisii dhacaya lagama soo ridi karo… meliz iyo cawaanta dba taagan waxaa macasha u haya umada soomaaliyeed rag soomaali ah oo la wada yaqaano munkin , ragbadan oo fikirkooda halkan ku mujinaya inay ka xun yihiin warka laga sii daayey TV itoobiya hadana ay taageersan yihiin raga qalaya ama kala dilaya umada soomaaliyeed dalkiina burburiyey,soomaalidu waxay tidhaahdaa:- hashu iyadaa geela cunaysa hadana cabaadeysa,
    ma waxay idinla tahay in soomaali ay tahay dad muslim ah ?
    ma waxay idinla tahay in qaran soomaaliyeed iman karo inta shaadariga qabiilku jiro?
    ma waxay idin la tahay inta uu socdo iigu shub aan kuugu shubee ( business deal ) in dowlad soomaaliyeed la helayo
    ma waxay idin la tahay inta cadifad qabiilnimo ay jirto in qaran soomaaliyeed la helayo
    jidbada iyo dowlad hebel ayaa dhibkaas inagu haysa ha la iska daayo.soomaali iyadaa gacanteeda isku galbinaysa

  2. Mohamed Haji says:

    ^Sow lagam yaabo in uu u jeedo 2da milyan(qayas ahaan) ee ku dhaqan koofurta oo ah meeshu dhibatada dagaalka ah ka taagan tahay maanta.

    Kolley Milez waa nin xun oo aan cadaawadiisu geed ugu gamban, laakin anagana ma ahan in aaan yaa na taabto uun noqono. Howl badan iyo hadal yar Soomaaliyeey.

  3. Mohamed says:

    nin is karaamayn waayay ma aha inuu garaamo dadkale ka Doono!!
    Si kasta oo Somali Loola Dhaqmo iyadaa Isu Nixi wayday iska Nixi wayday

  4. Muxsin says:

    Aniga waxay ila tahay in uu weriyuhu ka il-duufay oo uu si khalad ah u adeegsadey ereyga Nation oo aan is leeyahay wuxuu la jeedaa Mogadishu, sidaasey u badan tahaye yaan waxba dhiigga la isku karin. Waxayse ahayd nimanka mas’uuliyiinta sheeganaya ee Addis markaa joogey iney ka daba tagaan warkaas oo ay saxaan, kuna khasbaan in TV-gu raalli gelin ka bixiyo.

    Ogaadey, tirada dadka Soomaaliya cidina kama been sheegi karto waa wax cad oo la wada og yahay, Tusaale haddaan iraahdo bedka waddanka Ethiopia waa 1000km oo isku wareeg ah ma cid baa iga akhrisaneysa waa sidaas oo kale. Sidaa darteed warka TV-gu waxna soo kordhin maayo waxna dhimi maayo.

  5. hassan onlf says:

    waan salamayaa dhamaan walaalaha somaaliyee walaalayal arin kan aad ka ku lu lateen waxaan filayaa wax ay itoobiya umada somaliyeed kuhayso mar ka loo fiiriyo waa arin aad u yar itoobaya shalaya ayay ahayd mar kii ay idiin ku timid xamar ee hooyooyin ka ay gu maadaysay miyaad iloow deen itoobiya wada dhig tay somali 20 sanadood oo dawlad la aan ah miyaad ilaw deen itoobiya waacadaw soo ajireen ah oo ku ah umada soomaliyeed guud ahaan miyaad iloowdeen intaas oodhan waxa ii dheer naag ayaa laba digaagadood lahaan jir tay ama dooro kolba saa u taqaano maalin ayaa mid laga dilay way is ka aamus tay maalin kii dan be ayaa kii kalana ladilay waxa ay ku ooy day hadaan kii hore kadagaalamilahaa kan dan be wuu iibad baadi lahaa al cumuum hadaad wadan kiina maqan ee ay soomaliya u bur bur tay aad xoray lahaydeen maanta tani ma taag naan lahayn lakiin waxaan aad ugu kal soonahay wax la soo hadal qaado in aad ugu neceb tihiin wadan ka ay itoobiya haysato waa ogadeeniyee in ta wax tar is ka daaye aad saa u neceb tihiin tiro ayaad maan ta ka xanaaqsanahaye ee waa itoobiya wadan kaas oo wa soomaliya la yiraah daama jiraan ayaad mar dhaw maqlaysaan soomaliyeey awoodu gacan tiina ayaay ku jir taa wahadaad wax garanay saan hadii kalana yeell kiin

  6. Carab says:

    Waxa laga yaabaa in Meles uu Somalia, u yaqaano Xamar oo keliya.

  7. Dhammaantiin Asalaamu Calaykum. Salaan kadib waxay ila tahay in PM Framaajo xaaladdaa laga naxo ay ugu wacan tahay dhawr arrimood:
    1. Waa nin wax doon ah oo u yimid ninkuu wax ka doonayey- marka waa in uu si edeb leh ula dhaqmaa.
    2. Waa nin laga adkaaday oo ninkii ka adkaaday u yimid – marka waa in uu cabsi muujiyaa.
    3. Waa nin aan cudud iyo ciidan ka danbeynin – cadowgiisiina horfadhiya.
    4. Wuxuu kaloo ogyahay hubaana in Melez akhrisaday Thesis-kii uu qoray sannad ka hor ee Ethiopia iyo taariikhdeedii hore, dhexe iyo dhawba uu uga hadlay. Sidaa darteed marka Melez kuurkuursanayo ee indhaha ku gubayo wuxuu leeyahay – soo adiga ma ahayn ninka qoray waxaan akhriyey!!

    Ninkastoo Somali ah oo xil Soomaaliyeed sheegta ama xanbaarsan waxaa la gudboon in uu qaado masuuliyadda, sii diyaargaroobo marka uu tagayo Adisababa- waa dal nooceeya dalku, waa qof nooceeya qofka uu la kumayo, waa taariikh nooceeya taariikhda hortaal ee uu sadar cusub ku darayo. Haddii aan dareenkaasi jirin waxay ku sifoobayaan afareydii aan u tiriyey ninkasta oo Soomali ah ee madaxnimo sheegta ee isagoo isma-oge ah Itoobiya ku dhexdhaca: waxaan iri:
    1. Car bal yaa Itoobiya tagoon Rabbi ku ceebaynin?
    2. Ciso iyo itaal yaa bidoon caaqibada seegin?
    3. Cagihiyo gacmaha yaw dhaqoon cirib xun aan yeelan?
    4. Car bal yaa u ciidamiya oon jeelka lagu cuuqin?

  8. hodaneey says:

    asc wr wbrt.soomaaliyey sidana manoodambeysey maxaa nooharey aawey aqoonyahankeenii .cid damiir soomaalinimo leh naguma jirto miyaa ;Fadhiga aan ka kacno .gumeysiga aan iska xoreyno,markaan anaga isdulasanay oo aan is xaqirney ;looma ooyaan ayaan isniri iyo looma aaraan waata cid noo ooyeysa ama noo aareysa jirin waataa nala xaqirey alle aan u laabano cafisweydisano dhamaanteen meel kasto oo aan joogno wan ku dhibaa teysanahay madax kusheegteni wa taa iyadiina duleysen .runti waxa aan qorayo magaranayo ,Alle hana cafiyo dhamanteen,sharafteenii iyo karaamadeeni allaha noo sooceliyo.soomaali hadaan nahaya alle hais keen jelaysiiyo,dalkeenana Allaha na jeclaysiiyo iyo diinteenaba

  9. dimbil says:

    Assalama calaykum,

    Walaalayaal itoopiya weligeed ayay dhihi jirtay soomaaliya waa qayb ka mid ah itoopiya from menilik to zenawi la yaab ma leh waa bahal ceeriin ma daayo itoopiyana caadadeeda ma deyso, midda kale ogaada beenloow waa fulay sida zenawi oo kale, waxaase zenawi ka liita kuwa madaxda somalida sheekta ee maalin kasta u sii cararaa cadowgooda oo ka doonaya aqoonsi siyaasadeed ” EELKA KII DHIAGAY U DACWOTOY” ka waran hadaada u dacwooto ninkii dhibkaaga ka shaqaynayay? ka waran hadaad u dacwooto ninkii dhibkaaga ka shaqaynayay?

    Mahadsanidiin

  10. Xabiiba says:

    Hadalka Meles ma aha wax layaab leh, waxaanse ka xumahay Mr. Faramajo oo buugiisii Qalin Jabinta ku qoray in Ethiopia ay cadawga Soomaaliyeed tahay in uu tago Ethiopia oo waji fiican ka helo. Ma Umulbaa umulaha ayaa Ilaawa xanuunkii soo maray. Mr. Faramaajo iyo Soomaali Guud ahaan waxaa haysta Inkaartii uu Faramaajo ka galay Gabadhii uu kufsaday ee Ina Carays Ciise Kaarshe, oo laga wada aamusay.
    Soomaaliya hadalka Ethiopia ku niyad jabi mayso, waxaase niyad jab ah in hadalka lagu sheegay nin Soomaali mataliya hortiisa.

    Xabiiba
    London, UK.

  11. CABDALLA says:

    nin aduun joogoow maxaa aragtikuu laaban waxaan sugnaa itobiya oo muqdisha si cad ushegato

  12. Abdullahi Jamac says:

    ACWB:Awalan ilahay ayaan ka baryayaa sida aynu nahay si ka wanaagsan inuu inoogu bedelo tan kale itoobiyaan inta aanan eedin sow ma haboona mar un in aynu inagu is eedno.Waxaa waddankii loo burburiyay waxaa ay ahayd maanta sida uu yahay inuu ahaado.Waxaa jira Somali sida ninkaasi sheegay ka daran aamin san wadankeena inagaa iska burburinay waxaan ka qoomameyaa mucaaradkii aan ku ahaa dawladii dalka ka talin jirtay(M S Bare)haddii uu maantay nolaan lahaa waxaan ku dhaaranayaa magaca illahay halka uu joogo ayaan ugu tagi lahaa weydiisan lahaa CAFIS illahay ha inoo gargaaro waxan ayuu dalka ka hayay qofka 21 sanno dadkan soo hayay qof caadiya maa han waxaa is weydiin muddan siduu ku hayay dadkan.

  13. wiil cadaado says:

    ninkii hurdee hadda soo baraarugee ay ugu hortahayow ogow halka aanu isu jirno wayaalaha, waa waxay sheegtaan in Soomaaliya iyo Dboutiba ay ka tirsanyihiin kamana sugayno ixtiraam iyo aqoonsi umana hayno,ee ninkii aaminsanaa in dalgaalkii dhamaadee itoobiya iyo Soomaaliya ay saaxiibyihiin aminka ha ka kaco hurdada uu ku jiro.

  14. Mahad Gelle says:

    Maandeeq ma magac xumadaas iyo waa labo Milyan ayaa u danbaysay?!

    Maanta in Suxufi Ethiopian ah sidaas u hadlo waxaa u saamaxay halka ay Somalia taal. wiilka Ethiopianka ah maxaan ula yaabaynaa meeqa Madaxweyne ayey Maanta Somalia leedahay? Siilaanyo ( Somaliland ) waxuu horjooge u yahay Somali Saddex Milyan ah, Ina Faroole sidoo kale waxuu horboodayaa Puntland State of Somalia oo shacabkeeda dhawaan lagu sheegay More than 2 milyan, Mohammed Ahmed Alin waa Madaxweyne kale Galmudug State, waxaan meesha ka marnayn Hiiraan State, waxaa sidoo kale jidka kusoo jira Jubaland State, Maakhirland, Banaadir State and many more.. Labada Milyan ee wariyaha Ethiopianka ah ee Video-ga kahadlayo sheegay waxaa loo qoondeeyey Sheikh Shariif iyo Farmaajo sida meesha ka muuqada, taas waxaa cadayn u ah jawaab la’aanta iyo aamusnaanta ay meesha lasoo fadhiyaan!

  15. Soomaaliwayn marka lagu daro NFD iyo Ogaadeenya waa 17.5 milyan. EthiopianTV waxaa uu ula jeedaa inta Soomaalida ah ee na taageersan waa 2milyan inkastoo numberkaas aan la hubin aniga waxay ila tahay ilaa 900 kun oo soomaali ah baa taageersan gumaysiga xabashida islmarkasna la shaqeeya si loo gumaysto dalkooda iyo dadkooda.

  16. ASCWW DHAMAANBA UMMADDA SOOMAALIYEED EE SHARAFTA LEH.

    in ay itoobiya maanta sidaa noola hadasho ama ay sidaa noo quudhsato waxaa sabab u ah qodobo dhawr ah:-

    1.soomaalida oo aan weli garan danteedu halka ay kujiro iyo dowladnimadu qiimaha ay leedahay,waana sababta ugu weyn ee aan odhan karaayo, waa waxa cadowgeena noo jabiyey.

    2.madaxda wadankeena oo aan ilaa hadda garawsan in ay qiimo kudhexyeelan karaan,jacayl ay shacabkooda umuujiyaan iyo iyagoo cadowgooda isku adkeeya,markay lakulmayaan.mr.farmaajo waa nin runtii soomaalidu aad ugu hanweynayd,looona filaayey in uu la imaan karaayo habdhaqan kaduwan kuwii hore ee soomaaliyeed.

    3.aqoonyahanaddii,saxaafaddii,madaxdhaqameedyadeenii iyo intii caqliga usaaxiibka ahayd oo gabtay hawsheenee qaranimo waana ta keliya ee looga aarsan karaayo cadowga.

    Itoobiya dadkan ay kusheegayso in ay 2milyan yihiin,waa kuwii baray waxay yihiin ee adiis qarka ufuulay,allese uu uga soo diray qolyihii ay weligoodba uqaylo dhaansan jirtay.waxaan leeyahay,liidnimada kamuuqata madaxdeena waa mid sumcad daro inoo ah,insha allaahse way soo bixi kuwo aan ulibiqsanayn cadowga itoobiya,runtaba aan kala gabayn.

    TALLO KUSOCOTA SOMALITALK:-

    aadbaan idiinka mahadcelinayaa ,sida aad hawsha uwadaan.lkn inta badan hagardaamada laynagu hayo waad kawarantaan maxaa idiin diidan in aad isku daydaan in aad xalkeeda kashaqaysaan.oo dadkeena wanaagga ay leedahay dowladnimada aad usheegtaan,maqaalo badan nabadda kaqortaan,midnimada ummadda sida ay uwacan tahay kuwacyi gelisaan idinkuna haddaad wax hagaajisaan ajar iyo xasanaad ayaa kahelaysaan,lkn inta xumaanta un lasharaxayo lagama guulaysan karaayo cadowgeena soo jireenka ah.noqda ayaan idinleeyahay kuwo qalinkooda shacabkan iyo wadankooda iyo madaxdooda kubedela oo dhanka aadka uwanaagsan uhorseeda.sidii aad isku hortaagteen iibsigii badda,isku hortaagga ayaan idil leeyahay qubashada dhiigga shacabkeena soomaaliyeed,sidaanu cadowgeenana kaga guulaysan karaynaa,dadyowga kalena kula baratami karaynaa,kagana bixi karaynaa in ay madaxdeenu hoosta eegaan markay meles iyo dhigiisaba la kulmaan. SOOMAALAAY wallaahay,kugaadhimayno sidan wanaag iyo wax lamida ee waxay kugaadhaynaa,waxqabsi,kashaqaynta nabadda,dhisidda dowladnimada, ilaalinta midnimada,iska daynta qabyaaladda iyo in shakhsiga loo abaaro qabiilka,ee waa in laga tabaabushaystaa xaalkan hadda aynu kusuganahay waxa uu dhalidoono.

  17. Suldaan says:

    This video from Ethiopian media wants to portray Somalia’s new prime minster as nervous and inferior. I’m sure the video taken from the prime minister was long. This is Ethiopian television what you expect?. I’m sure Prime minister Farmaajo is well qualified no matter what the TV shows.

  18. walaalaha soomaaliyeed marka hore salaan gudooma, salaan kadib, waa la ogyahey in Tigree iyo Xabashi oo dhami tahey Cadowga Ummada Soomaaliyeed, balse Cal-xumada Soomaalida awgeed ma fahmeysaan taas, waxaad ku daawaneysaan Cadowgaas walaalo kale oo Soomaaliyeed oo iyagu hadh iyo habeenba u jilib-dhigey Difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed ee Ogaadeeniya, runtii Cadowga Ummada soomaaliyeed mudo dheer ayuu ku haminayey qabsashada dhulka soomaaliyeed ee Xorta ah intuu ku hakan waayey midka uu Gumeysto ee Soomaalida Ogaadeeniya, si kastaba ha noqotee waxaa waajib ku ah qof kasta oo soomaali ah in la garab-istaago dhaqdhaqaaqa Xoreynta Ogaadeeniya, waa Jabhada Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya(JWXO)=ONLF, hadii kale inta iyaga la cuno unbaa intii xorta sheeganeysayna lagu darayaa,

    Mahadsanidiin, Guul iyo Gobonimo, Ummada Soomaaliyeed

  19. Ahmed says:

    Wacalaykumusalaam waraxmatullaah,

    Waxaa dhici karto in ay ku qaldameen. Cid kastaa og in ayna Soomaalidu ahayn 2 million oo qura.

  20. yaab says:

    War nimanyahow ma waxaad lee dihiin ninkaan Farmaajo maba ahan Somali dhab ah ee waa jaajuus Ethiopian ah? Mise waxaa lee dihiin waa qof garsho xun sida kuwa kale oo madax ah oo horay Ethiopia u tagay? Kuwaas oo aan garanayn godka Sanaawi Somali ku wado. Anigu waxaan qabaa qaladada aad sheegaysaan inay Farmaajo ugu wacan tahay isaga oo aan jago noocaan ah waligii qaban iyo isaga oo ag nin da’ yar oo aan aqoon iyo xirfad diplomacy toona lahayn. Waxaan kaloo qabaa in qaladkaan uu samayn lahaa haddii u tagi lahaa Masar, Sudan, Kenya, America, ama dal kasta oo kale oo uu madaxdooda la kulmi lahaa. Intii uu san tagin Ethiopia waxa uu tagay Jabuti marka bal na tusa sawiridii laga soo qaaday meeshaas iyo sida uu u ekaa markii uu la kulmay madaxda dalkaas. Farmaajo waxa uu u baahan yahay wax yar oo tababar ah waxa kale oo uu u baahan yahay rag yaqaan sida marka meelahaas oo kale la tago loo dhaqmo. Arrinka idaacada Ethiopia waa wax laga xumaado. Farmaajo iyo maamulkiisa oo kaliyana waji gabax kuma ahan ee waxay waci gabax ku tahay cid walba oo maamul sheeganaysa ee Ethiopia tagta. Walaahi waxaan jeclaan lahaa in Farmaajo uu waligii tagin Ethiopia maxaa yeelay waxaa u hartay wax 8 bilood ka yar waqtigaas oo ah mid aan looga fadhiyin inuu wax ku qabto. Marka ugu yaraan waxaa uu marka uu meesha ka tago isaga iyo taageerayashiisa oran lahaayeen waa PM kaliya ee aan Ethiopia tagin ilaa burburkii Somalia.

  21. Waa run arintaas oo Farmaajo waxaa uu Ra’isal Wasaare uyahay wax intaas kayar waayo Soomaali mideysan oo wada socota ma matalo ee waxaa uu matalaya oo Addis Ababa utagay qabiilka lagu soo doortey iyo inta raacsan. Inta kasoo horjeeda cidna uma tirsano waana tirada badan.
    Haddii aan dowlad iyo wadanka ladhisan, 2milyana ee hada la ogalyahay waxaa lagu daraya Ethiopia oo waxaa dhawaan ladhihi doona: Waa wadan aan dal laheyn.

  22. ASCWWW.
    Walaalayaal waa wax aad looga naxo in sidaas la inoo yaso iyo falak naxdin leh ee Raysulwaasaare Maxame Farmaajo oo aad moodo in uu aad uga cabsanayo Meles waa su’aal da#weyne goomu sidaas uga adkaday niku Ameerika ayuu ku noola intii uu meles katalinayey Itoobiya waa ninkan Taariikhda madow ku bilowday Guul keeni mayo ee Ameerika ku noqo ha layadhaahdo.

    Tan kale DKMG. Waa in ay bayaan deg deg ah ka soo saarta arrintan foosha xun oo ay ku saxayso ama ha caddaystaan in ay yihiin 2 milyan oo Itoobiya hoos taga

  23. keyse says:

    asalaama calaykum

    walaalayaal hadaan runta la sheegin been ayaa noo qarsooon, maanta dhibaatada nahaysa waa anaka dhexdeena adinku waxaad ka hadlaysaan tiradiina oo la xaqiray balse horay ayaa jiritaankiina loo xaqiray

    maanta dhibaatada nahaysa waa dhexdeena, waxaana noogu daran nimankaas wadaadada iska dhigaya danaha shisheeyana fulinaya, waa xaqiiqo inay ushaqeeyaan qoomiyada shisheeyo oo hadafkoodu yahay in la dabargooyo umada soomaaliyeed

    hadaba waxaan soomaalitalk iyo dadka commentiga bixinaya kuboorinayaa inay sida runtu tahay ka hadlaan oo ay dadka ku baraarijiyaan qatarta nimankaas diinta alle ku gabanaya shacabka iyo caruurta iyo haweenka iyo indheer garadka eberta ka dhigay …. waa inaad iska daysaysaan waxaan dantiina ahayn ood dadka runta ugu baaqdaan ilaahayna u baridaan nimankaas gafuurada qarsaday inuu umada soomaaliyeed ka qabto ayakana isku jabiyo

    alle waxaan ka baryaynaa nimankaas inuuu jabiyo diinta islaamka kubeen abuuranaya

    aamiiiiin aaamiiiiin

  24. ahmed says:

    Asc,

    salaan kadib, waxaan filayaa Inaan soomaalida golaha wax ku qorta aan shaki uga jirin cadaawada dawlada Ethiopia u qabto shacabka soomaaliyeed meel ay doonaanba ha joogaane, haddana ay qayb ka qaadato sidii ay qabiilba qabiil u diri lahayd , arintaas oo u suuro gashay illaa iyo hadda sidii ay ugu talo gashayna u socoto; waxaan ognahay in itoobiya:
    1) gumaysto shacab soomaaliyeed oo ku nool deegaan ballaaran.
    2) inuu ina dhexmaray dagaal lagu hoobtay xilliyo kala duwan.
    3) inay maamulada s/land iyo p/land si toosa u maamusho, safaaradana ku
    leedahay, shacabkuna ku badidiisu ku qanacsan tahay.
    4) in sidoo kale gobolada ay jabhada ahla suna iyana si toosa u xukunto.
    5) waxaan kale oo shaki ku jirin in gobolada koonfurtana jabhado u
    tababarto oo si aan toos ay dagaalada ka jira lug ku leedahay.
    haddaba raysal wasaare Farmaajo oo 2 km oo muqdisho ka mida xukuma sidee ayaynu taliska adis abeba uga sugaynaa inuu qiimeeyo ?, haddii aan is qiimayn weyney inagu oo cadaw isu aragno sidee caalamku inoo qiimayn karaa??
    waxaan oran lahaa salaanta iyo fadhiga raysal wasaaraha , wax ka weyn ayaa ina ka maqan ee halagu mashquulo, nin kasta oo la doortona sidaas iyo si ka liidata ayaa loola dhaqmayaa , haddi aynaan noqon ummad iyadu is ixtiraamta dhexdeeda, is kaalmaysa, isu cadaalad samaysa, isku tiirsan.

  25. Magan says:

    Somalitalk waad ku mahadsantihiin Hawsha muhiimka ah ee aad wadaan
    Aniga ra’yigayga markaan ka dhiibto waxaa weeye Zenawi wuxuu u hadlay sida niyadiisa ku jirto ee qofwalba oo ethiopian ahi ku riyoodo labada milyan waxaa laga yaabaa inuu ula jeedo marka laga saaro dhwrka dawlad goboleed ee jira iyo kuwa soo socda { Somaliland,Puntland,Galmudug,Ximan iyo xeeb,Waax iyo Waadi, Hiiraanland ,Jubaland ,sscland ,Maakhirland iyo in badan oo soo socda ama jira. Markaa waxaa wanaag sanaan lahayd inaanu hurdada ka kacno

  26. wacyigelin says:

    Salamu calaykum
    Marka hore waxaan u mahadcelinayaa Somalitalk sida ay ihtimaam gaar ah u siiso armiaha dalkeena iyo weliba baaritaanada xaqiiqada ku salaysan ee ay samayso si ay u daah rogto siraha ka danbeysa hagardaamooyinka loo gaysanayo dadka iyo dalka iyo weliba dhaca ka socda oo ay ugu danbaysay iibsashada domain-ka isgaarsiineed ee Soomaaliya.
    Runti anigu waxaan arkaa inaan baylah u nahay wax walba ilaa aan inagu danteena ka garanayno. Meles waxba nagama tari karo hadaanu adeegsanayn dad innaga naga mid ah sida hogaamiyayaashi dowladdi tan ka horaysay, ahlusunnah waljamaacah iyo wixi la mid ah.

    Runta hadaanaan isu sheegin weligeena meel gaarimayno marka waa maxay sababta keenaysa waxan oo dhan? Jawaabtu waa cadahay oo waa qabiil qabiilka aan ukala qoqobanahay ee midba maalin loo adeegsanayo kan kale. Waa inaan fahamnaa in qofka Soomaliga ihi uu inooga dhowyahay qofka ajnabiga ah horumarkeenuna ku xiranyahay inaan iskaashano. Mashaakilku wuxuu yahay in dad Soomaaliyeed nacayb ay qabiil u qabaan u raacaan cadawgooda taasina keento in marki danta laga lahaa laga dhamaysto dabada laga laado iyagana. Gumaysigu kalama jecla qabiilada Soomaalida laakiin kii maallinkaa dantiisu ku jirto ayuu kool kooliyaa.
    Waxaan aaminsanahay in ay dadka Soomaaliyeed u baahanyihiin wacyigelin aad u blaaran si ay u gartaan waxa ay tahay Soomaalinamada iyo wadaniyaddu iyo in jiraataanka qofka kale ee Soomaliga ah uu jiritaankiisu ku xiranyahay.

  27. said says:

    asc dhamman,
    somalidu waa 2 million !!!!! maxaa laga dhahaaa taasoo kale ???
    anigu lama yaabani in calanka somaliya meesha laga waayo. badanaa inta aan arkay madaxda markay kulmayaan badanaa madaxweynaha martidaa calankiisa khasab maahan inuu yaallo meesha .
    lkn waxaan la yaabay qaabka ra’iisul wasaaraha somaliya ula fadhiyo ninka.

  28. Ina Xuseen says:

    As.wr.wb.

    Wax uu ku farxayo qof Soomaliyeed maaha, waana arin laga xumaado, laakin hadana si kale markii loo eego nimankaan xabashida ah dalkaan (Somaliya) iyagaa u taliya, wayna kala qaybiyeen oo 4 qayb u yahay S-land, P-land, Ahlusunna-Waljamaca-land, Shabaab-land iyo Xamar. Marka nimanku meel fog kahadlayaan oo ah sidaa Hassan-Abdulle sheegay inay dowladda Farmaajo kataliso Xamar oo 2milyan ah. Maxaase Itoobiya kala yaabaynaa ma wax intaa ka wanaagsan ayaan ka sugaynay Mr Malez oo fahansan maslaxadda dalkiisa inay tahay burburka Soomaliya? Anagaa haboon inaan isla yaabno.

    Tan labaad oo aan aad ula yaabay, taasna igala daran waxaa weeye siduu Adul-Rashid tilmaamay oo ah sida Mr. Farmaajo uusan ugu muuqan sidii kamuuqatay markuu Muqdisho joogo. Hadaad u fiirsataan sawirada Farmaajo looga qaado Muqdisho, waxaa ka muuqata nin aan qoslin inuu yahay, aad u ah serious, xoogaa yara oo qaba kujiro. Laakin hadda markuu Malez u yimid, horta labo gacmood ayuu ku salaamay salaantaan oo ah mid ay isku salaamana Muslimiinta Asia ama qofku ku salaamo qofka uu ixtiraamayo oo uusan u quurin hal gacan inuu usoo taago. Tan kale siduu kursiga ugu fadhiyo waa arin cajiibkeeda leh, dhulkuu eegayaa, waxaadna moodaa inuusan wajiga siin karin, meesha Males jeesjeesayo oo marba qaab fadhiga badalanyo!!!!

    Walaahi waa arin naxdin leh. Muuqaalkaan ha dhaliilsanina oo waxbadan ayuu sheegayaa, hadii maanta uu Farmaajo ahaan lahaa R/W wadan reer Galbeed ah, maqaarka ayaa laga siibi lahaa, wax kalana diirada lama saareen. Arimahaana waa arimo aad wax loogu qiimeeyo. Tusaale ahaan joornaaliiste reer Galbeeda oo ka faaloonayay ninkii dhintay Rantiisi ee reer Falastiin (Allah yarxam), wuxuu yiri, ninkaas maqoslo, faraxna kama muuqdo markuu Yahuuda lahadlayo, meesha uu aad u faraxsan yahay markuu Falastiniyiinta lahadlayo, habdhaqankaas kaliya ayaana Yuhuudaba cabsi geliyay.

    Sidaas oo kale waxaan calal aqal filayay Mr. Farmaajo inuu sawirda/filimada uga muuqan doono sida markuu Xamar joogo, balse mar haduu soo aaday dal la wada ogsoon yahay inuu kunaaxo burburka Soomaliya, inuuba xoogaa kibir ah muujiyo, goobtaan oo kale ayuu kibirku xalaal yahee. Nasiib xumo waxaa muuqata inaan dhexdeena isku nahay dad geesiyaal ah, cadowga hortiisana kunahay dad masaakiin ah, taasna waxay calaamad su’aal saaraysaa dadnimadeena iyo kartideena!!!

  29. hanad says:

    asalaamu calaykum
    waxaan daawaday sawiro badan oo ah niman madax sheeganayo iyo melez oo wada fadhiya suaasha waa;
    MAXAA KEENAY IN AY MADAXDA SOOMAALIYEED GACMAHOODA DULSAARTAAN BOODYAHA AMA CAJIRADA MARKA AY MALEZ LA FADHIYAAN BAL EEG HAB FADHIGA LAGA SOO BILAABO XILIGII GEEDI ILAA IMINKA OO UU FARMAAJO QAABILAY ?
    FADLAN WAXAAN U BAAHANAHAY QOF II SHARXA ARINKAAN
    http://somalitalk.com/2010/zenawi/

  30. carabey says:

    waxaan idinku sallamaya salaanta islaamka bahda somalitalk iyo dhamaan aqristayaasha sharafta mudan.
    aniga shaqsiyan maba la yaabin ee waxaanba qabaa inuu il duufay somalida u sheegayo maba dhama 2malyan ee waxay ahayd inuu yiraahdo inta golaha wasiiradda iyo ku xigeenaddoodda ah iyo baaralaan la moodka inuu sheego oo uu yiraahdo somalida waaba wax ka yar 600 boqol oo qof ilayn intaas amarkiisa ku shaqaysa ayuu somali u yaqaanaahe.
    bal amuurtan iyo yaabkan markay meles ag fadhiyaan waxaad moodaa cunug macalinkiisa hor fadhiyo ,markay somalida soo hor istaagaana is joocaarin badana .
    ma meles ayaa wasiir warfaafin iyo farmaajo iyo shariifkoodda oon laga reebin dhihi kara ethopia haka fiirsato hadaladda aan soo jiidasha lahayn ee ay media u isticmaalayso ,iskaba dhaaf inay wax kaleba oo ka kulul ay yiraahdaane ,isma dhihin .
    meles waxaan ku dhihi lahaa aa kula tahay ee yaysan laba malyan adis ababa kugu imaanin ,waadna ogtahay inaan illaa naazaleed oo adis ababa u jirta 90km aan tagaye ,adigaba lagu gaadayaa gooshkan dabadeede gaagaabso oo aamus yaan gaadh lagaa qabane .
    wabilaahi towfiiiiq

  31. a c bahda somalitalk aniga xabashi ineey tahay cadowgeena mar horaan gartay laakiin soomaali waxay ku maahmaahdaa nin waliba geedkuu beertuu mirihiisa gurtaa colaadda weyn ee xabashi inoo qabto iyo carada aay nagu beertay iyadoo waliba ku maqanyihiin dhul iyo dad soomaaliyeed waxaan aaminsanahay in berrito markey somaliya soo noolaato aay xabashi burburi doonto inshaa allaah

  32. Dhab ahaantii arinto waa iska cada oo maahan wax daah saaranya!

    Etoobiyana 900 ayay ku naaloonayse in ay Soomaaliya wadankeeda ku darsato!!

    Marka waxaan aad madaxda ku sheegaysiin waaaaaaaa Magac u Yaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaalo!!

    EEEEEEE MAAAAAHAN MADAX!!!!!!

  33. carabey says:

    waxaan idinku sallamaya salaanta islaamka bahda somalitalk iyo dhamaan aqristayaasha sharafta mudan.
    aniga shaqsiyan maba la yaabin ee waxaanba qabaa inuu il duufay somalida u sheegayo maba dhama 2malyan ee waxay ahayd inuu yiraahdo inta golaha wasiiradda iyo ku xigeenaddoodda ah iyo baaralaan la moodka inuu sheego oo uu yiraahdo somalida waaba wax ka yar 600 boqol oo qof ilayn intaas amarkiisa ku shaqaysa ayuu somali u yaqaanaahe.
    bal amuurtan iyo yaabkan markay meles ag fadhiyaan waxaad moodaa cunug macalinkiisa hor fadhiyo ,markay somalida soo hor istaagaana is joocaarin badana .
    ma meles ayaa wasiir warfaafin iyo farmaajo iyo shariifkoodda oon laga reebin dhihi kara ethopia haka fiirsato hadaladda aan soo jiidasha lahayn ee ay media u isticmaalayso ,iskaba dhaaf inay wax kaleba oo ka kulul ay yiraahdaane ,isma dhihin .
    meles waxaan ku dhihi lahaa oraahdii ahayd ee yaysan laba malyan adis ababa kugu imaanin ,waadna ogtahay inaan illaa naazaleed oo adis ababa u jirta 90km aan tagaye ,adigaba lagu gaadayaa gooshkan dabadeede gaagaabso oo aamus yaan gaadh lagaa qabane .
    wabilaahi towfiiiiq

  34. Maxamed says:

    A/Calaykum, Nin baa kaddib markii walaalkiis oo doqon ahaa naagtuu isagu ku daray kuna biilayey markuu furi rabana lacag siinayey, uu dhintay ee uu dumaalay ayey ka deyn weysey: wallee hebel siduu yeeli jirey, wallee hebel isagoon bac wax noogu sidin ma imaan jirin habeenkii iwm, markaa buu yiri: Walaalkaa oo dhintayna wax loo faano ma ahan, Naagtaasi waxa ay igu haysana wax loo adkaysan karo ma ahan!

    Haddaba Aniga oo u mahad celinaya reer SomaliTalk dadaalka xad dhaafka ah ee ay naf iyo maal iyo waqti u hureen, haddana waxan xusuusinayaa in ay billaabaan barta sartu ka quruntay ee la’aanteed aanuu xalna suurtagal ahayn, intii taas oo aad iyo aad u fudud laga sameeyana rajo yar lagama qabo in aanu cadaw nugu wiirsan.

    Walaalayaan waa tuu suubbanaheennii yiri ولد صالح يدعوا له waxa kaluu suubbanuhu ku yiri asaxaabta: Waalidkiin xiriiya ntuu noolyahay iyo markuu dhintaba, waxayna yiraahdeen rasuulkii allow garannay intuu noolyahaye markuu dhinto sidaan u xiriirinnaa? wuxuu yriri suubbanuhu: cidduu xiriiri jirey xiriiriya.

    Walaalayaal oo haddana walaalayaal ilaah baan idinku dhaarshaye haba la isku khilaafsanaadee waad maqasheen qabiil walba isaga oo odayga uu ka soo jeedo u ducaynaya ama xusayaba dhehe, weligiin ma maqasheen odaygaasi habartii uu ka dhalay oo loo ducaynayo, waa maya, iska daa in loo duceeyee doofaarkaa ganaha weyn kama yaqaaniin soomaalidu habraha ay ka soo jeedaan, taasna waxay keentay inay odayaashii gam isaga dhigaan oo isku xasuuqaan ilaa ay cadaw ma naxaan ah hoos tagaan,

    Ilaahay baan idiku dhaarshee hooyadii aabbaha ka xuquuq badnayd diin ahaan, rasuulkuna swc yiri: cagaheeda hoostooda ayey jannadiinnu taal ayaan habeen iyo dharaar ehelkeedii laynaa illeen qabiilka loo dirirayana waa kan aabbe ilaa Awowgeen aadam, qabiilka la laynayana waa kan hooyo ilaa ayeydeen Xaawo e, illeen mid 3aad ma jiro oo dadku labadaas ayey ka koobanyihiine.

    Markaa sideen ku liibaannaa, ku dhisannaa, faceen ku gaarnaa, annaga oo habaar waalid kii ugu xumaa qabna, oo saacad kasta dhiig miskiin daadinayna? Caqliga ma gashaa inaan cuqubo ku noolaanno, dhiiggeenna daadinno, is xaqirno oo walaasheyna soomaaliyeedna ku xaqiro odaygii boqlaad ayaa baqti cunay, gabadha reer galbeed oo hadda baqtiga cunaysey way islaamtay qiil uga dhigayo oo xataa haddii ay islaamtay aabbaheed iyo hooyadeed ayaa ba

  35. jamal farah says:

    asalamu calykum
    waxaa jira maahmaaha oranaysa talo ninleh ayey utaal tolna waa u ergeeyaa
    waxaan ula jeedaa aduunka cid wax is tarta majirto marka aad wax qabsato ayaa ummada oo dhan u arkayaan in aad wax qabsanayso sidaas darteed ayey wax kuugu daraan waxaan oranlahaa halkaas aan ku xirno howshi dhibka kii samaynayey iyo kii aan samaynba hanoqoto wax laxirey baabkooda hana lo soo jeesto hormar calaada diinta iyo wanaaga

    mahadsandiin

  36. Hassan says:

    A/C
    Arrintaani waa inay dawladdu uga jawaabtaa si official ah, oo ayna muujisaa khaladka warbaahintaas, iyadoo caddaynaysa tirada saxda ah ee shacabkeenna xalaasha ah oo ka badan 10 million
    Arrimaha kale waa wax iska yar oo aan soo qaad lahayn aragtidayda.

  37. a/c bahda soomalitalk iyo aqristayaasheedaba waan salaamayaa,

    waxaan aniga warkaan ah “Farmaajo wadan 2 milion ah ayuu madax u yahay” kala dhax baxay in uu 2da million TVgu ula jeedo farmajo wuxuu madax kayahay xamar iyo inta ku xeeran, taasoo ka dhigan in aysan wadanka ka mid ahayn inta kale sida somali land iyo puntland iyo dhamaan inta kale ee ay damacsantahay iney dalka ka goyso, ee walaalayaal yaaanaan u fahmin in ey itoobiya iska indha tireyso tirada soomaalida balse weyba naga badiyaan aqoonta tiradeena waayo cadaw ey tirsanayaan ayaan nahay dhamaanteen.

    ciil ayaan bushimaha la qaniinayaa keyboardka aan wax ku qorayana waxaa ka qoyan dhididka farahayga ka socda, runtii waxaasna waxaa nabaday wadankeenii oo madaxa beelay sababtoo ah dad madaxa la’ ayaa inoo madax ah ilaahayoow sida noo dhaan, ilaahayoow intaan noogu sin dulinimada na haysata, ilaahayoow ciqaab intaan kabadan uma adkaysan karno, ilaahayoow noo naxariiso……………………..ilaahayooooooooow!!!!!!!

  38. Adul Rashid says:

    Waxan aad u daawaday Video-ga halkan ku duuban, waxan fahmi waayay dhawr arrimood

    1- Salaanta uu ku Salamay PM. Farmaajo,Mellez, in uu yiri ayaan u filayaa A/Calykum. (Bal adinkuba ila eega bushimaha Farmajao)
    2- Mellez waxa gadaal u suran Calankiisii, maxaa diiday in Farmajo Gadaal uu kayaallo Calanki Somalia, sida caadada u ah madaxdu markay kulmayaan.
    3- Qaabka uu eegayao PM.Farmaajo waxad mooddaa Ilma la fadhiya Waalidkiis, toos uma eegayo, halka Mellez u eegayo si aad ah.

    Aniga waxan qabaa Ethopia waxay aaminsantahay weli in ay Somalia ayadu leedahay.
    Mahadsanidin

  39. Said says:

    waa wax laga xumaado in Ethiopia television keeda ninka warka aqrinaya uu dhaho Somali a nation of 2 million. Waa war cajiib baddan oo kaalay saas miyaa noo dambeesay. Ciil badanaa. aah war waxaas baan daris la nahay adduunka mawa la socdaan somalia ineey 10 mil dhaaftay. Waa waddanka africa ugu xun oo wali dad madoow gumeeysto maanta.