Home » Warar »

Xaflad Balaaran oo loo sameeyey Sannad Guurada 50 aad ee Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha

Munaasabad lagu xuseyey Sannad Guurada 50 aad ee ka soo wareegtey  Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa lagu qabtey Xarunta Safaarada Shiinaha uu ku leeyahay Magaalada Nairobi waxaana ka qaybgaley Madax ka socotey Hayadaha Caalamka , Dowlada Federaalka, Dibolamaasiyiinta Shisheeyaha, Masuuliyiinta Safaarada Shiinaha ee dalka Kenya iyo marti Sharaf kale oo lagu casuumey Xafladaas

Halkan ka daawo Sawirada

Safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Kenya oo ka hadlay Munaasabaas ayaa sheegey in Dowladda Shiinha ay ka Go’an tahay dib u dhiska Soomaaliya iyo weliba soo nooleynta Kaabayaashii Dhaqaale ee ku burburey Dagaalada sokeeya ee weli ka jira soomaaliya  sido kale wuxuu daboolka ka qaadey Safiirka in Dowladda ShiinAha ay aad u daneyneyso in la sii xoojiyo Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha oo uu ku tilmaamey mid aysan hilmaami Karin labada Shacab

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo ugu horeyntii u mahadceliyey intii isku soo dubaridey Munaasabaas lagu xuseyey Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha wuxuuna ku tilmaamey Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha mid aan ka tirmeyn  quluubta Shacabka Soomaaiyeed isagoo sheegey in Dowladda Shiinaha ay soomaaliya ka hirgelisey Mashruucyo Fara badan oo weli raadkoodu uu muuqdo wuxuuna u soo jeediyey Dowladda Shiinaha  in ay halkaa ka sii wadaan Taageerada ay siinayaan Shacabka Soomaaliyeed

Danjire Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg ) oo ah Dibolomaasi si aad ah u yaqaan Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sheegey 14 Desember Sannadkii 1960 Soomaaliya iyo Shiinaha ay kala saxiixdeen Heshiisyo intooda badan ku saleysnaa mid Horumarineed wuxuuna sheegey Soomaaliya iyo Shiinaha ay siweyn uga faaiideen Heshiiskaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.