Home » Maqaallo »

Maxaad ka taqaanaa ganacsiga elektarooniga ah , ( E – commerce ) ?

Hordhac

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Qormadaan ayaan waxaan hadii eebe idmo aan kaga hadli doona moowduuc yar oo kusoo biiray cilmiga ganacsiga kaa oo ah ganacsiga elektarooniga ama (ELECTRONIC COMMERCE ) , Qormadaan yar ayaan  waxaan isku dayi doonaa in aan kaga hadlo waxa uu yahay ganacsiga elektarooniga ah , Taariikhdiisa ,  hormarka uu gaaray intii la adeegsanayay , faa’idooyinkiisa iyo qasaarooyinka uu soo hooyay , saameynta uu ganacsiga iyo ganacsatada somalida ku leeyahay iyo ugu dambeyntii  dhibaatooyinka horyaal .

Ganacsiga elektarooniga waa iska iibinta ama  soo iibsashada alaabo iyo adeego hab elektaroonig ah tusaale ahaan Internetka ama noocyo kale oo xiriiro kombiyuutareed ah .

Ganacsiga elektarooniga ah ayaa siyaabaha loo isticmaalo waxaa ka mid in alaab lagu iibgeeyo , in wax lagu maalgeliyo i.w.m iyadoo la adeegsanaayo softweero .

Habkaan ayaa sidoo kale waxaa isticmaali karo labo ganacsi ( Business-to-business ) iyaga oo is weeydaarsanaya alaabo si ay u iibgeeyaan  sidoo kale waxaa habkaan adeegsada  ganacsatada iyo macaamiisha ( business to consumers ) tusaale ahaan kambaniga caanka ee Amazon.com ama Ebay.com  halkaa uu wax iibsaduhu si toos ah kala xiriiri karo wax iibiyaha si cambiyuuter ah iyadoo loo maraayo Internetka .

Taariikha ganacsiga elektarooniga iyo hormarka uu gaaray intii la adeegsanayey

Asal ahaan ganacsiga elektarooniga ah ayaa loola jeeday in lagu fududeeyo adeegyada ganacsiga iyadoo la adeegsanayo teknoolajiyada casriga ah sida Credit kaaro , ATM iyo taleefanada oo loo adeegsado ganacsiga iyo bunuugta ayaa waxey aas aas u ahaayeen habkaan oo hawada si toos ah ula qabsaday sanadii 1994tii

Shirkado badan oo America iyo Europe laga lahaa ayaa waxey bilaabeen adeegsiga ganacsiga elektarooniga ah in ay alaabahooda ku suuq geeyaan  marka ayaa dadka ula baxeen magaca ah (E-commerce ) ama ganacsiga elektarooniga ah kaa oo awood badan u yeeshay in uu ku iibiyo alaab badan si elektaroonig ah isla markaana keenay hab lacaga lagu bixiyo si amaan ah .

Sanadihii :-

1979 ayaa Michael Aldrich iqtiraacay in wax lagu kala iibsado hab online ah .

1994 ayaa la hergeliyay habka loo yaqaan online banking isla sanadkaa ayaa la aas aasay  kambaniga caanka ah Amazon .com taa oo aheyd shirkad ganacsi oo adeeg 24 saacadood ah u bixisa macaamiisheeda  waxaana xusid mudan in faaidadeedii ugu badneyd ay heshay sanadii 2003 .

Habkaan ayaa waxaa loo isticmaalaa in si online ah shopping loo sameysto , in si online ah bangiyada lacag lagala baxo iyo in maalgelin la sameeyo iyada oo la adeegsanaayo habkaan casriga ah .

Faa’idooyinka ganacsiga elektarooniga ah

Wax walbo oo kusoo kordho dunida ayaa waxeey leeyihiin qasaarooyin iyo faa’idooyin ganacsiga elektarooniga ah waxaa faa’idooyinkiisa ka mid ah in qofka uu xur u yahay in uu suuqyada caalamiga ah galo si uu wax uga iibsado ayadoo aanay jirin wax xuduud ah oo celineeysa waxaa sidoo kale uu wax iibsan karaa waqtiga uu rabo isaga oo adeegsanaya habkaan elektarooniga ah  arintan ayaa waxeey faa’ido u tahay ganacsatada iyo macaamiisha .

Habkaan ayaa macaamiisha waxuu siiyaa fursad ay ku kala ogaan karaan badeecada raqiiska ah iyo mida tayada leh .  Wax iibsiga elektarooniga ah ayaa waxaa uu ka waqti yar yahay  kan sida tooska suuqa looga soo adeeganayo .    sidoo kale waa ay ka waqti yar tahay kana faa’ido badan tahay wax iibinta caadiga  . Ganacsatada ku shaqeysa habkaan ayaa waxeey aruuriyaan oo maareeyaan aqbaaraadka la xiriira dabeecadaha macaamiisha taa oo caawimi karta hormarin kartana istaraatiijiyada suuqgeynta  .

Qasaarooyinka ganacsiga elektarooniga ah

Mid ka mid qasaaraha habkaan casriga ah ayaa ah in isticmaalida internetka aysan gaarin dad badan iyo Aqoon darida , Amiinid la’aanta  shirkadaha qaarkood , dad aad u badan ma isticmaalaan internetka sababo dhaqaale awadood  iyo aqoon darida ama in qof aanad garaneyn aad lacag ku aaminto ama alaab lagu aamino shaqsi aysan shirkadi garaney taa oo ah caqabada ugu balaaran ahna qasaaro weyn oo heysata ganacsiga elektarooniga .

Waxaa caqabad kale ah in dad badan ay ka jecel yihiin intii ay raashiin habkaan ku iibsan lahaayeen in ay suuqa ka soo iibsandaan si caadi ah taa oo hadana ka waqti yar intii email ama telephone ay diri lahaayeen .  Balse faa’idooyinka habkaan ayaa waxaa ka wanaagsan qasaarooyinka laakiin hadii bulshada si wanaagsan lagala hadlo ayaa waxaa dhici karto in kalsoonida dad badan la kasbado habkaan ganacsiga elektarooniga ahna ay noqoto mid ka mid isbedelada waaweyn ee ka hirgelay Dunida .

Saameynta uu habkaan ku leeyahay ganacsiyada   ?

Saameyn wanaagsan ayuu ku leeyahay ganacsiga iyada oo faa’ido mid ah kusoo kordhiday ganacsiga taa oo ah in ay goob ganacsi ama xafiis walbo ka dhigtay mid furan 24 ka saacadood oo dhan iyo isbuuc walba taa oo macnaheedu yahay in waqtiga uu yahay saameynta ugu weyn uguna muhiimsan ee habkaan uusoo kordhiyay .

Ganacsiga elektarooniga ah ayaa waxey fududeeysay in la sameeyo ama la aas aasto ganacsiyo elektaroonig ah sida Online shoping ama online banking oo ah hab macaamiisha ay si joogto ah wax u iibsan karaan , lacagahoodana ugala bixi karaan bunuugta .  Fikradaan ayaa waxeey soo hooysay faa’ido la taaban karo oo percentage yar ku kaabi karta ganacsiga ama  dhaqaalaha .

Habkaan wuxuu bedelayaa dhamaan istiraatiijiyadii suuqgeynta ee shirkadaha caalamka  sida seylada , taranka badeecada ama adeega iyo bey’ada shirkaduhu ku howl galaan  .  wuxuu sidoo kale badalayaa maamulka maaliyadaha shirkadaha adeegsado isaga oo howlaha oo dhan u bedelaya hab elektaroonig ah sida in xiriir wanaagsan oo elektaroonig ah lala yeesho maalgeliyayaasha , Habkaan ayaa wuxuu bedelayaa la dhaqanka macaamiisha shirka kuwaa oo ah kuwo ay shirkadu wax kasoo gadato ama ay wax ka iibiso iyo ugu dambeyn iyado baaritaan ku sameysa suuqyada iyo sida ay wax usocdaan .  Intaa oo dhan ayaan dhihi karnaa in ay saameyn weyn ku yihiin ganacsiga .

Dhibaatooyinka horyaal (Threats )

Dunidan wax walbo oo kusoo kurdha waxey la yimaadaan dhibaatooyin lixaad leh oo dhaliya in sheygaa uusoo jiidan waayo ama uugaari kari waayo hadafkii ama yoolkii uu hiigsan lahaa sidoo kale aaladan ganacsiga elektarooniga ahaoo ku cusub dunida ayaa ah mid ayadana wadata dhibaatooyin lixaadkeeda leh oo ay ka midka yihiin kuwaan soo socda :-

Amniga ( security )

Sida aan horay ugu soo qeexnay qodobkii ahaa qasaarooyinka ay aaladanu leedahay ayaa hadana waxaa dhibaatooyinkeeda ka mid ah iyada oo aan laheyn amaan buuxa oo waxaa dhici karta in falal fool xun oo tuugonimo , dhac , iyo bililiqo loo geesto dadka ku shaqeeya aaladan ama habka ( systemka ) ay  ku shaqeeyaan waxaase dhawaanahay biloowday in ganacsatada iyo shirikaadka ganacsi ay bilaaban aalad lagu kala garanayo ama kala saari karta waxyaabo badan oo si fudud loo qiyaanayay sida in lacag laga baxo account qof kale uu leeyahay oo sharci daro ah iyo siyaabo kale oo si sharci daro ah wax la iskugu dabo marin jiray ayaa loo helay aalad cusub oo lagu magacaabo ( Biometrics  ) oo kala saari karta waxyaabo badan oo daah saarnaa aaladan badanaa ganacsatada uma badna balse waxaa si aad ah u adeegsada hey’adaha amniyaadka ah sida FBI da mareykanka i.w.m

Qiyaano ama been-abuur ( fraud )

Iyada oo isticmaalida internetka iyo ku ganacsigiisa ay soo badaneyso ayaa hadana waxaa muhiim ah in ay ogaadaan qofka ay la macaamiilayaan in uu yahay qof sharciga waafaqsan iyo in kale .    Qiyaanada iyo been-abuuradka ganacsiga internetka ayaa waxaa uusababa sanadkiiba qasaarooyin aad u badan .

Intaa waxaa sii dheer in la buun-buuniyo alaab ama adeegyo aanan taabogal aheyn oo aysan heynin si lacagaha looga dilo dadka qaar oo ku qaldama rugaha bixiya adeegyada noocaan ah .

Guntii iyo gabagabadii mawduucan maanta, waxaan ka cudurdaaranaya inaanan maqaal iyo laba aanan kusoo koobi karin balse ay tani hordhac ku filantahay. akhriste wixii su’aal ama talo ah igu soo waydii cinwaanka hoos ku qoran .

Hibeyn :-

Waxaan Qoraalkan si gaar ah ugu hibeeyay walaashey Sowda maxamed Rooble iyo Dhamaan uma soomaliyeed ee afka somaliga ku hadasha , Waxaanse qabaa in mowduucaan iyo kuwo kaleba yihiin kuwo dihan oo dadka afka somaliga ku hadlaahi aysan si fiican ugu haqab beelin balse waxaan aamin sanahay in ay tahay talaabo horleh oo ku dayasho mudan .

Mahadnaq

Waxaan u mahad celinayaa waalidiinteyda oo igu soo barbaariyay waxbarashada iguna dhiirigeliyay., sidoo kale waxaan u mahad celinayaa walaalkeey c/fataax maxamad Rooble iyo walaalkey C/casiis muxidiin Rooble

Ahmed Mohamed Rooble

Waa arday jaamacadeed , Waa Qoraa ,Waa cilmi bare madaxbanaan .

Amrooble10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Maxaad ka taqaanaa ganacsiga elektarooniga ah , ( E – commerce ) ? "

  1. mohamed says:

    AHAMED MOHAMED ROOBLE..aad iyo aad ayaad wlaal noogu faaiidaysay…ilaahay misaanka xasanaadka hakuu saaro.ty..bro….NOOLOW..

  2. sxb aad ayaad u mahadsantahay qoraha maqaalkaan dhab ahaan tii waa maqaal aad u wanaagsan gaar ahaan aniga si qaas ah ayaan ugu faa ideysan doona waayo waxaan ahay arday dhigta jaamacada mogadushu , waxaana rabaa inaan wax ka qora ciwaankaana . waan kuu mahad cilanayaa adiga iyo madaxada webka . mahadsanid