Home » Warar »

Shirweyne looga hadlayo Nooca ay Noqoneyso Dowladda soo socota ee Soomaaliaya oo Todobaadka soo socda ka furmi doona Dalka Jabuuti

Waxaa la filayaa in 18-ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah dalka Jabuuti lagu martigeliyo shirweyne looga hadlayo arrimaha Soomaaliya waxaana lagu martiqaaday ilaa iyo 200 oo ergo oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana la filayaa in ergadaas ay ka kala yimaadaan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxaana shirweynahaan qabanqaabinaya Machad lagu magacaabo Machadka Daraasaadka Istaraatiijiyadda Siyaasadda oo xaruntiisu tahay dalka Jabuuti.

Shirweynahan ayaa waxaa la filayaa sida ay ku waramayaan qabanqaabiyaashu in uu ka bedelnaan doono shirarkii hore loo qabtay dadka Soomaaliyeed iyadoo la sheegay in shirkaan uu noqon doono mid gaar ah u Soomaalida, waxaana Ajandayaasha looga hadli doono shirkaasi ka mid ah waxa ka qabsoomay shirarkii dib u heshiisiinta ee horey u dhacay, waxaa kale oo ka mid ah nooca Dowladda ay Soomaaliya u baahan tahay maadaama dowladihii horey loo dhisay ay fashilmeen, sidoo kale waxaa ka mid ah arrimaha Diinta iyo arrimaha nabadgelyada Soomaaliya.

Shirkaan ayaa lagu martiqaaday dad muhiim u ah arrimaha Soomaaliya waxaana la filayaa in shirweynahaasi uu furo Madaxweynaha dalka Jabuuti Cismaaciil Cumar Geele oo dalkiisa horey u martigeliyey shirar fara badan oo Soomaaliyeed oo ka mid ahaayeen shirkii lagu doortay Cali Mahdi Max’ed, Shirkii dib u heshiisiinta ee madaxweyne loogu doortay C/qaasim Salaad Xasan iyo shirkii ugu dambeeyey ee isna lagu doortay Madaxweynaha haatan ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uuna shirkaan ku soo beegmay xili ay mudo yar u hartay dowladda FKMG uu haatan madaxda ka yahay Sheekh Shariif  Sheekh Axmed.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in si aad ah loogu lafaguro xaaladda adag ee Soomaaliya ka taagan iyadoo dadka lagu martiqaaday shirkaasi inta badan ay aaminsan yihiin in dhibaatada Soomaaliya salka ku hayso faragelin shisheeye, waana middaas in 20 sano Soomaaliya ay ku jirto qalalaase iyo dagaalo aan dhamaad laheyn, warar kale ayaa waxay sheegayaan in shirkaan laga qaybgelin doono mas’uuliyiin ka socota Qaramada Midoobey, Ururka Jaaamacadda Carabka, Ururka Midowga Afrika, IGAD iyo Ururka Wadamada Islaamka.

Isku soo wada duuboo shirar fara badan oo Soomaali loo qabtay ayaa lagu qabtay dalka dibaddiisa kuwaas oo lagu bixiyey malaayiin doolar ilaa iyo haddana wax ka soo naaso caddaaday ma jiraan shirarkaasi marka laga reebo in ay ka sii dartay xaalada soomaaliya, waxaana hadda la wada sugayaa waxa ka soo baxa shirka lagu wado in uu Jabuuti ka furmo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Shirweyne looga hadlayo Nooca ay Noqoneyso Dowladda soo socota ee Soomaaliaya oo Todobaadka soo socda ka furmi doona Dalka Jabuuti "

  1. CALI CABDULAHI SULDANKA SOMALIED says:

    ASC.WW NINKII ISAGU GARANAYA XAL KALE AMA BARAFASOR HA AHAADO AMA BUUG YARE HA AHAADEE ANIGA WAXAAN MARNA KA LEEXANAYN XALKU INUU KUJIRO KITAABKA EEBE OO SI AAN LAGA BEENSHEEGIN LAGU QAATO LAAKIIN SIDII SHARIIF IYO SHAGOLE HADII LOO QAATO KUMA DARIN MAXAA YEELAY SHARIIFKUNA BAARLAMAN AAN BARKIIS SALADA TUKAN AYUU KA ANSIXIYEY SHANGOLENA WUXUU YIRI GACMUHU QIIME KUMA FADHIYAAN EE JIHAADKAA MACNO LEH SOAMLI SHARCIGA ISLAMKA HA QAADATO HANA ISKU XUKUNTO WAXAY HELAYSAA DAWO XANUUNKEDA BOGSIIDA

  2. soomaalidu dhaqan ayaa ay leedahay,ilaa iyada loo laabto oo xalka dadkii weligood nabadda kashaqayn jiray lagu noqdo haka sugina xalka meel kale. waxaana munaasib ah in ay gartaan noocyada kala duwan ee bulshada soomaaliyeed danta shacabkeeda,sida, in uu :-
    1.wadaadku isagoo diinta kudabaqaya uu shacabka usheegaa qiimaha nabadda iyo maamulkuba shacabka uleeyahay,diintuna aanay ogolayn in ay shacabku kala tagaan,midnimada ummadda islaamkana ay adkaysay diinteenu

    2.madaxdhaqameedku isagoo kudabaqaya waaya aragnimada uu dhaqanka uleeyahay in uu shacabkan nabaddiisa kashaqeeyo oo uu isku dayo ama ay isku dayaan in ay gees hoostii isugu yimaadaan xalkana ay halkaa kufalanqeeyaan iyagoon kategayn kaalintooda iyo waajibaadka kasaaran shacabkan dulman ee ay halakaysay dhibaatadan aan dhamaadka lahayn,.

    3.aqoonyahanku isagoo aqoonta uu wakhtiga badan geliyey kudabaqaya wadankan xalkiisa haka wada hadlaan,qiimaha nabaddana usheego shacabkiisa,wanaagga dowladnimadu leedahay uu usharxo shacabkiisa, halka uu xalka karaadinayaana waa gudaha wadanka ee maahan meelo kale.

    4.idil ahaanba bulshadeenu aynu garanaa,sidii aynu xalka uraadin lahayn, ogaadana haddaynaan is hagaajin,cid nahaajin kartaa majiraan oo aduunkoo dhan hadday isku tagaan,waxba nooqaban maayaan. soomaali ayaanu nahay ee aynu soomaalinimo kuwada hadalno,fahamnana in aynu wanaaggu dhamaanteen dani noogu jirto.wadankan annaga ayaa iska leh ee aynu hagaajisanno.

  3. asalamu calaykum, aniga ilama aha in jabuti eey wax miro dhal ah keeni karto arrimaha Somalia.Haddi ay wax keeni karto dhowr jeer ayaa shirar lagu qabtay waxaan lagu soo dhisay dawladihii ugu litay.Mida kowaad waa wadan yar awoodna uma laha in ay fahanto xalada Somalia,tan kalena qoloyinkan qarashka bixinaya dacad kama ee qawda maqashii ee waxna ha u qabaan.Somali way heshiin waxaana way dhamaan Somaliyana lagu heshiin.Insha ALLAH.