Home » Warar »

Farmaajo oo safarkiisii ugu horeeyey ku tegey Itoobiya, Jabuutina kula kulmay Madaxweynaha Puntland

iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo si booqasho degdeg ah ku tegey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya..

Ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi farmaajo ayaa booqasho aan hore loo sii shaacin waxa uu ku tegey (Isniin Dec 13, 2010) magaalada Addis Ababa, taas oo ka dhigeysa safarkiisii ugu horeeyey tan iyo markii ra’iisul wasaaraha loo doortay in uu ku tago magaalada Addis Ababa ee lka Itoobiya.

Sida ay shaacisay warbaahinta Addis Ababa, ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu ka qayb gelayaa shir loogu magac daray “kulankii 5aad ee shirk federaalism-ka “5th International Conference on Federalism (ICF).”

Waxa kale oo uu booqday Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Puntland, sida ku cad warsaxaafadeedka hoose oo ka soo baxay Puntland:

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo dalka Djibouti kula kulmey Rai’sul Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya

WAR-SAXAAFADEED

December 13, 2010

DJIBOUTI CITY, Djibouti – Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman Maxamed Maxamud (Farole) ayaa si gaar ah ula kulmay Rai’sul Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo).

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo ku sugan dalka Djibouti waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir) waxayna dhawaan dib ugu noqon doonaan Gobollada Puntland iyagoo safaro muhiim ah ku gaaray dalalka Kenya, Kuwait iyo Imaraadka Carabta.

Maalintii Isniinta ayaa labadaan hogaamiye ku kulmeen dalkaasi Djibouti. Wafdiga Rai’sul Wasaare Farmajo waxaa ka mid ahaa: Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Cabdullahi Oomar iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane. Wafdigaan ayaa u socday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkasoo uu ka furmi doono Shirka Caalamiga ah ee Nidaamka Federaalka.

Isla shirkaasi waxaa jooga Wefdi ka socda Dowladda Puntland oo uu hormuud ka yahay Wasiiru-dowlaha Dimuqraadiyeynta iyo Arrimaha Federaalka, Mudane Cabdi Xasan Jimcaale.

Ugu horeyntii kulankii guud oo isbarasho ahaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta la socday labada Wafdi, laakinse markii danbe shir gaar ah oo saacad qaatay yeeshey Madaxweynaha Puntland iyo Rai’sul Wasaaraha DFKMG ah.

Arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa amaanka dalka, nidaamka Federaalka iyo dhamaystirka howlaha KMG ah (transitional tasks).

Waa markii ugu horaysay uu Madaxweynaha Puntland Mudane Farole la kulmo Rai’sul Wasaaraha cusub ee DFKMG Mudane Farmajo tan iyo magacaabistiisii bishii Oktoobar.

END

———-

Communications Office

The Puntland Presidency

E-mail: info@puntland-gov.net

Web: www.puntland-gov.net

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Farmaajo oo safarkiisii ugu horeeyey ku tegey Itoobiya, Jabuutina kula kulmay Madaxweynaha Puntland "

  1. Baaruud says:

    asc

    RAYSALWASAARE FARMAAJO WAXAAN LEEYAHAY MARKA HORE HANBALYO SIYAASADA IYO DARDARKA AAD WADO MARKA XIGANA WAXAAN LEEYAHAY PUNTLAND WA DHULKAAGI WARM WELCOME