Home » Islam, Maqaallo »

Cashuura maalin Mudan in la xasuusto

Bishan aynu ku jirnaa waa bishii Muxaram. Muxaram waa bil ka mida bilaha Islaamka ee uu Ilaahay sida khaaska ah u sharfay. Waa bisha uu sandka Islaamku ku bilaabmo. Waxa ku irta bishan maalin wayn oo la yidhaahdo maalinta Cashuura. Hadaba  Maxay tahay Cashuuraa? Fadligeedu muxuu yahay? Casharadee baa laga faa’idaysan karaa? . Jawaabaha su’aalahaas ayaan hadii Alle yidhaado ku eegi doonaa qormadan.

Cashuura Maalin wayn

Cashuuraa  waa maalin ka midda maalmaha waaweeyn ee Ilaahay. Waa maalintii uu Alle halaagay Fircoon iyo iyo intii la jirtay, guushana siiyay  nabi Muuse,  nabi Haaruun iyo intii rumaysay. Waxa laga soo wariyay  saxaabiga la odhan Jiray Cabdullahi Ibnu Cabaas in markii uu nabigu (CSW) yimid magaalada Madiina uu arkay dadkii Yuhuuda ahaa ee magaaladaas ku noolaa oo maalinta Cashuura Soomaya. Markii uu Nabigu waydiiyay sababta ay maalintan u soomayaana waxa ay u sheegeen in ay maalintaasi tahay maalintii uu Ilaahay u gargaaray nabi Muuse iyo intii rumaysay, isla markaasna halaagay Fircoon iyo intii la socotay. Nabigu (csw) waxa uu ku yidhi   “فنحن أحق وأولى بموسى منكم “ annaga (Muslimiinta) ayaa idinka xigna Muuse, wuxuuna faray Muslimiinta in ay maalintan wayneeyaan oo ay Soomaan.

Cashuura : Dulmiggu Ma Daa’imo

Dadka Yahuudu waxa ay muddo dheer ku hoos noolaayeen dulmigii  uu ku hayay ninkii Fircoon la odhan jiray. Fircoon iyo tolkiisu waxa ay adoonsan jireen shacbigga Yuhuuda. Arimaha foosha xun ee uu ku samayn jiray Fircoon Yahuuda waxa ka mid ahaa in uu inamadooda laayo, gabdhahoodana rag la’aan nolasha u dhaafo. Sidaas waxa uu u yeeli jiray isaga oo cabsi wayn ka qabay in Yahuuda dhexdeeda uu ka soo baxo nin reerkiisa(Yahuuda) ka hoos saara dulmiga ay ku jireen. Ruwaayadaha la soo wariyo qaarkood waxa ay sheegaan in riyo uu Fircoon uu ku riyooday loogu fasiray in inan yar oo Yuhuuda u dhalan doonaa uu boqortooyadiisa baabiin  doono. Hadaba Ilaahay waxa uu doonay in dulmigaas uu ka xoreeyo Yuhuuda, sidaas daraadeed waxa uu nabi Muuse u diray Fircoon si uu Muuse ugu digo isla markaana dadkiisa  (Yahuuda) uga hoos saaro dulmigii uu ku hayay ninkaasi. Natiijadii ka dhalatay loolankii xaqa iyo baadilka ee uu midna hogaaminayay Muuse midna uu hogaaminyay Fircoon waxa ay noqotay halaagii fircoon iyo guushii Muuse. Sidaa daraadeed dhacdadan taariikhiga ahi (cashuuraa) waxa ay ina xusuusinaysaa in dulmigu waqti leeyahay, si kasta oo uu dheeraadana uu ku danbeeyo burbur iyo fashil.

Cashuura :  Maalinta Rajadda

Cashuuraa  waa calaamda rajada.  Waxa ay yididiilo iyo rajo gelisaa dadka dhibta iyo dulmiga loo gaysto. Waxa ay dadka dulmiga iyo dhibtu soo gaadho ku leedahay “iftiin iyo nuur ayaa imanaysa ee ha quusanina”. Waxa ay xusuusinaysaa dalka la dulmo in Ilaahii Muuse guusha siiyay uu awood u leeyahay in  yagana  uu dhibta ka qaado. Sidaa daraadeed qofkii/umadii dulmani waa in aanay quusan waana in ay markasta la noolaadaan rajada ay xambaarsan tahay maalintan Cashuura.

Soomka Cashuura

Waynaynta iyo qiimaha ay hadaba leedahay maalintani darteed ayuu hadaba nabigu(CSW) waxa uu umadiisa u sheegay in ay maalintan soomaan. Axaadiista nabigeene waxa ku sugan in qofkii  maalintan sooma danbiyadiisii sanadkii tagay la dhaafayo صوم يوم عرفة يكفر سنتين: ماضية ومستقبلة، وصوم يوم عاشوراء يكفر سنة ماضية. Ruwaayadaha la soo wariyo qaarkood waxa ay sheegaan in maalintan Soomkeedu uu faral ku ahaa Muslimiinta ka hor intii aan la faral yeelin Soomka Ramadaanta. Markii Ramadaanta la faral yeelayna  soomkeeda waxa laga dhigay sune.

Sidaa daraadeed Soomka maalintani waa sune ay fiican tahay in aan laga tagin. Qaabka loo soomayo sida uu Sheekha Ibn Qayim la odhan jiray ku sheegay kitaabkisa (زاد المعاد) waa sadex darajo :

1)      in la soomo 9, 10 iyo 11’ka bisha Muxaram (sida ugu fiican)

2)      In la soomo  9 iyo 10’ka waa sida ay tilmamayaan axaadiis badani

3)      In la soomo maalinta 10’ka oo kaliya

Fiiro Gaara : – Sagaalka Bisha Muxarmku sanadkan waxa ay ku beegantahay maalinta Arbacada ee bisha Diisambar tahay 15’ka.

-Culimada intooda badani waxa ay aaminsan yihiin in danbiyada lagu dhaafo bishani ay yihiin kuwa yar yar, danbiyada waawaynina ay u baahan yihiin toobad.

Said Ali Ahmed
said. ali. ahmed [at] gmail .com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.