Home » Warar »

Howlawaadeeno ka Tirsan Safaarada Soomaaliya Suudaan oo lagu xirey Dalkaas

Ilaa Afar ka mid ah howl Wadeenada Safaaradda Soomaalida ee Wadanka Sudan ayaa lagu soo waramayaa in xabsiga la dhigay,kadib markii ay wax kama jiraan ku tilmaameen qoraal kasoo baxay 20/9/2010 wasaarada arimaha dibadda ee soomaaliya.

Siihayaha Safaaradda Soomaalida ee Wadankaan Mudane Yuusuf Calasow Maxamuud oo aan maanta wareysi kula qaatay xarunta Safaaradda ayaa waxaa uu ii xaqiijiyey in howl wadeenadaasi ay ka talaabsadeen sharcigii u yiilay Safaaradda ayna ku dhaqaaqeen wax aan loo dulqaadan Karin.

Wuxuu intaa ku daray in howl wadeenaadaasi ay in muddo ah sharci daro ku joogeen xarunta Safaaradda,islamarkaana ay ku tagri faleen hantidii Safaaradda oo ay laheyd.

Mudane Yuusuf Calasow ayaa xusay in xitaa meel ay iska mariyeen digniino kaga yimid dhinaca dowlada Sudan ayna ka biyo diideen inay amaradaasi oo ka soo baxay Wasaaradda arimaha dibadda Sudan ay qaataan.

Howl wadeenadaan ayaa iminka ku xiran mid ka mid ah Xabsiyada ku yaala Magaalada Khartoum ee Xarunta Wadankaan Sudan,waxayna howl wadeenadaasi ay kala yihiin:-

1-C/wali Xasan Ducaale

2-ZuuZaan Xirsi Faarax

3-Max’ed Saciid Xuseen

4-Saciid Nuur Cali

Sawirka riix/guji si aad u aragtid qoraalka oo weyn

Sikastaba amuurtu ha ahaatee arintaan ayaa soo jiitameysay sanadihii aynu so dhaafnay,waxaana haAtan la ogeyn xaalka howl wadeenadaasi sida uu yahay,suuragalna ma han in xiligaan lagu booqdo xasiga ay ku xiran yihiin howl wadeenadaasi.

W/D:Axmed C/llaahi Yuusuf{Axmed Cadde}

AL Khartoum/Sudan

E-Mail:cadde23@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.