Home » Warar »

Ciidamo uu horkacayo Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux oo xirey Dekedda weyn Magaalada Muqdisho

Ciidamo aad u hubeysan oo Wata laba gaari oo Tekniko ah ayaa Gebi aan Xirey Howlahi Dekedda weyn  Magaalada Muqdisho waxaana la sheegey in Ciidamdaas ay Daacad u yihiin Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux waxaa Ciidamadaas ay geleen Gudaha Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho waxayn ku amreen Shaqaalihii Dekedda in ay isaga Baxaan Dekedda Gudaheeda Ilaa amar  Dambe

Waxaa lagu waramey in Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux  uu u sheegey dadkii uu la kulmey in Sababaha Dekedda loo xirey ay tahay ka dib markii wax uu ugu yeerey Musuq- Maasuq ay hareeyeen Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho  isagoo sheegey in inta laga saxayo arimahaas ay dekedda Xirnaan doonto

Dekeda ayaa la sheegey in ay ka socdeen Howlo isugu jira Dejin iyo rarid  ilaa hadda ma cadda Sababta  ay ciidamadaas Dacada u ah Maxamed Jaamac Furux ay u xirteen Dekedda balse warar ayaa sheegaya in xildhibaan uu ka caroodey markii la sheegey in uu waayey Xoogaa lacag ah oo uu ka qaadan jrey Xildhibaanka  inkastoo wararkaas aan la hubin

Ciidamada AMISOM oo iyaga gacanta ku haya Dekeda  ayaa waxa ka qaban Xanibaadaas ay sameeyen Ciidamada Furux waxaana la sheegey in ay dusha ka daawanayaan waxa ka dhacaya  Dekedda  sidoo kale Dowlada Federaalka ayaa wax war ah ka so saarin Xirnaashaha dekeda oo iyadu bulshada u haysey Howlao muhiim ah

Xildhibaan Maxamed Jamac Furux wuxuu ku doodaa in uu ahaa shaqsigii Badbaadiyey Dekedaas isla markaasna intii uu dfaacayey ay waxyeelo ka soo gaartey hase yeeshee Xiligaan Xildhibaanka wuxuu ku doodayaa in dekeda ay ka jirto Musuqmaasuq aad u baaxad weyn waana markii ugu horeysey oo xildhibaan ka tirsan Dowlada uu xirto ama xanibaad ku sameeyo Howlahii Dekedda

Hagaamiya kooxeedyadii mar ka talin jirey Magaalada Muqdisho ayaa waxaa moodaa in ay haatan bilaabeen Dhaqdhaqaaq aad weyn iyadoo dhawaan shaaca uu ka qaadey Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad uu ku dhawaaqey in uu gabi aanba isaga baxay Dowlada Federaal waxayna ciidamadiisa ay ku sugan qaybo ka mid Degmada hodan iyadoo dhawaan markii uu Raiisul Wsaaraha uu magaacabayey Golhiisa wasiirada uusan ku soo darin Xukumadisa qabqablayaashi Dagaalka ee Soomaaiya sidoo kale Xirnaansha Dekeda Muqdisho waxay weji gabax ku tahay Dolwada Federaalka oo iyadu sheegata in ay maamusho Dekedaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Ciidamo uu horkacayo Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux oo xirey Dekedda weyn Magaalada Muqdisho "

  1. Farah says:

    Taliye Mooryaan ka dallacay (Mr. Furux /Ina Deked ku qarwe) oo qori ku gaaray baarlamaan aan cidina geysan, 20 ahaa xaaraan ku naax, gacan haddii la gooyo gummudkaa dhaq-dhaqaaqa, waa in haddii sharci meeshu leedahay suxulada la soo qabtaa, haddii kale nabadey iyo kala taga weeyaan !! maxaa kaloo laga sugi karaa idinkaan idin weydiinee !!

  2. Muse says:

    Bahal Ceeriin ma daayo Ninna Caadadii ma daayo, waa Waraabihii hasha iyo Nirigta loo dhiibey ee la yiri Cishii ha laguugu yimaado iyadoo bed qabta, hase yeeshee maxaa ka dhacay in uu hashii Naasaha goosto, Nirigtiina Faruuryaha goosto !!!
    Ninkaan iyo ragga la mid ahiba muddo ayey isaga suuxinayeen laakiin waa adkeysan waayeen waxay bilaabeen in hawshoodii dib u bilaabaan, Maxaa loo toogan waayey isaga iyo noociisaba, ma 9 bilood ka badan ayey ku dhasheen mise meesha ayaan rag joogin, ama xabsiga loogu taxaabi waayey mise weli baarlamaan ayaa la sii ahaanayaaa, waa Igaar fiijey?, Ilaahow may shalay maanta ahaato !!!
    dabcan waa sidaas waayo meel aan rag joogin sidaan looguma soo dhiiirradeen, maalinta kalena waxaan sugeynaa inta madaxtooyada la qabsanaayo.

  3. ismaaciil says:

    waa yaab. wa halikii waraabihiye ye yidhi:
    war waxaan ahaan jiray igu ogaada. wax dawlad raac racaan baa dabecadodi bay soo ceshadeen qab qab layaashi.

  4. soomaw says:

    waxa ila tahay amisom waa faaiido doon qabqabluhuna sidoo kale taytalkaan inuu sii faah faahiyo bay ila tahay
    (Salim Saleh’s Saracen training militia in Somalia)

  5. soomaw says:

    waxa ila tahay amisom waa faaiido doon qabqabluhuna sidoo kale linkigaana inuu sii faah faahiyo bay ila tahay

  6. Afrqooble says:

    Dowlad meesha majirto Faramaajo waxaa uu si qariyoba waa uu soobaxey
    inuu u keney Melez baa cdeyey inuu Farmajo ay isku arkeen Bufflo NY
    Farmajo ayaa qiiq isku qariyey waa nin tigreega meesha keney oo
    Walaalkiis baa waxaa uu sxb la yahey gabar tigree ah oo u shaqeysa
    ergadda qaramadd midowbey ee NY

  7. Osman says:

    Walleee furihi lumaya shanqartiisalama maqlo ayaa somali hore u tiri.
    Arrintaanwaa Oohintu orgiga ka weyn.
    Marka la isku dardaro arrimaha hoos kuqoran waxaakuu cad Somalia in markale loogu talogalay fawdadi 91kii in looceliyo .sababta loo rabosidaas inaydhacdanamagaranayo iyo ciddagadaalkasoo riixaysa.
    1. Muranki ka billoowday Baarlamaanka iyo dhuxdhuxda socota in labillabaytmuran cusub oo muddada dawladdakamidah.
    2. Hadallada kasoo yeeraya dawladah caalmkaqaar oo xoog lagu saarayo lashaqaynta dawlad gobolleedyo gaar ah iyo Somaliland oo aan lagu xusin kaalintawadashaqayneed ee dawladdadhexe ee Soimalia.
    3. ku yaacidda gobolladi dalkoo dhan ay ku yaaceen sameynta dawlad goboleedyo qaarkood ay labo iyo saddex iska dul dhiseen.
    4. hogaamiye kooxeedyadi muqdisho oo muddo isnabaayay ooaad mooddo meel un in ay kaheleen dheg ku hadal ku dhaliyey rajo cusub inay dib u soo nolaadaan.
    5. Qaylo dheer oo beryahaan kasoo baxaysay Dawlad goboleedyada qaar ay xoog ku saarayaan in la dedejiyo hirgelinta heshiisyo ay wada galeen ayaga iyo dawladda iyo hirgelintadastuurka qabyo qoraalkaah iyo xeerrarka federaalka haddii kale ay kafiirsanayaan kasii mid ahaanshaha dawladda dhexe ee Somaliya.
    6. Arrintaan saaka ugu dambeeysa oo dekeddii oo ciidasmoafrikaan ah iyo dawladdi ay gacantaku hayaanmaleeshiyo qabiil gudahau gashay oo qabsatey inkastoo mudane furux aanabaal ugu hayo dadaalki hore ee ilaalinta dekedda muddo dheer aynaahayd in lagaabaal mariyo. haddana hab dhaqanka maanta ma aha mid marna ka suuroobi kara xildhibaan qaran oo dhaartey inuu nadaami u beddelo fawdo hal mar.
    Anigu shaqsiyan waxaan is iri malaha marki la maqlay in Somalia ay kusoo laabteen dhallinyaro aqoon leh oo caalmka wax la qaybsan karta xaqoodanagaranaya oo aanlagu siri karin is hadoodil iyo wax aan la ahayn iska dhigid ayaacid kasta oo amawax ku cuni jirtey magaca\Somalia amau hanqaltaageeysey in ay wax ka dhacdo dadkaan ay is tiri xaggee noogu dhaw oo aan ka jejebinnaa ragaan taas oo malaha noqotey hogaamiye kooxeed.
    Mise marki ayawooddi ku ururtey koox dhallinyaro ah oo debedahakasoo yaacay ayayaodayaashi intaas xabbaddau sitey wax noqda ay xanaaqeen oo marada cirka u tuureen.Kolley waaarrin aad halisteeda u leh oo u baahan fiiro dheer oo degdeg ah.