Home » Warar »

Nin u dhashay wadanka Canada oo “u soo dalxiis tagay” Magaalada Muqdisho

“Markii Mike Spencer Bown uu ka soo degey diyaarad uu ku yimid Muqdisho toddobaadkan, islamarkaasna isku sheegay in uu yahay dalxiise, waxaa saraakiisha Soomaaliyeed ee socdaalku ka fekereen in ninkan reer Canada in uu waalan yahay ama Jaajuus yahay” Sidaas waxaa Axad Dec 12, 2010 qortay Jariidada Ottawa Citizen oo k asoo baxda Canada…

Iyadoo dagaalo iyo nabadgelyo daro ka jirto Magaalada Muqdisho isla markaana maalin walba ay ku dhimanayaan dad fara badan ayaa waxaa todobaadkii tegey dabayaaqadiisii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soo degay nin u dhashay wadanka Canada, waxa uuna diyaarad ka soo raacay dalka Jabuuti iyadoo Fiisaha dal ku galka Somaaliya uu ka soo qaatay safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay dalka Itoobiya.

Ninkaan oo lagu magacaabo Michael Spencer Bown  ayaa markii ka soo degay diyaaradda Jubba Airways ayaa waxaa markiiba gacanta ku dhigay ciidanka Nabad sugida ee waaxda socdaalka, waxaana la weydiiyey sababaha u soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxa uuna ku jawaabay “Waxaan ahay dalxiise waxaa doonayaa magaalada Muqdisho waxayna ka mid tahay goobaha ii qorsheysnaa in aan ku dalxiiso, waayo waxaan soo maray 160 dal”, “waxaa uu intaasi sii raaciyey jadwalkii ii qorsheysnaa ii imaanshaha Muqdisho ma ahan mid aan ka laabanayo”.

Dhacdadaan la yaabka leh waxay si weyn fajiciso ugu abuurtay ciidamadii nabad sugida ee ku sugnaa Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana loo sheegay in dib loogu celinayo Diyaaradda oo uusan gudaha u geli Karin Magaalada Muqdisho, balse ninkaan ayaa si weyn uga gilgishay waana uu diiday in uu dib ugu laabto diyaaradda, waxaase la damcay in xoog lagu saaro, hase yeeshee waa lagu guuleysan waayey in xoog lagu saaro diyaaraddii, waxaana markii dambe la soo jeediyey in ciidamada AMISOM gacanta loo geliyo oo ay hayaan mudo kooban, balse ciidamada AMISOM waa ay diideen waxayna sheegeen in aysan wax shaqo ah ku leheyn arrimaha noocaan oo kale ah.

Dood dheer iyo muran kadib ayaa waxaa markii dambe la go’aamiyey in loo yeero mid ka mid ah milkiilayaasha Hoteelada Magaalada Muqdisho, waxaana laga codsaday in uu mudo labo maalmood ah uu hayo ninkaasi sidaas ayaana loogu dhiibay ninkaasi.

Ninkaan ayaa intii uu ku sugnaa Hoteelka  waxaa uu iska qaaday sawiro isagoo wata qoriga AK 47, waxaana la weydiiyey sababaha uu isku sawiro hubkaasi, waxa uuna yiri “waxaana doonayaa in aan nafteyda ku qanciyo in aan Muqdisho ku soo dalxiisay isla markaana aan saaxiibadey u geeyo caddeymo muujinaya in aan gaaray Magaalada Muqdisho”

Intii uu ku sugnaa Hoteelka ayaa waxa uu dadkii halkaasi joogay ka codsaday in la baro Wasiirka Dalxiiska ee Soomaaliya waxaana loo sheegay in uusan jirin wasiir dalxiis oo si rasmi ah u shaqeeya, waxa uuna si aad ah ula yaabay arrintaasi. Sidoo kale waxa uu codsaday in loo dhaadhicyo gudaha Magaalada Muqdisho, balse waxaa loo sheegay in magaalada xaaladeeda nabadgelyo ay aad u xun tahay oo aysan u saamaxeyn in uu ku warwareego gudaha Magaalada Muqdisho.

Ninkaan u dhashay dalka Canada ayaa waxa uu sheegay in sababaha ku kalifay in uu dalxiis ku maro qaar ka mid ah wadamada adduunka ay ka dambeysay kadib markii uu soo xaraashay hantidiisii isla markaana uu go’aansaday in uu dalxiis ku soo maro wadamada caalamka, sidoo kale waxa uu sheegay in qoyskiisa intooda badan ay ka shaqeeyaan arrimaha samafalka,

Ninkaan oo shalay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa inta uusan duulin waxa uu sheegay in uu sii maro doono maamulada Somaliland iyo Puntland isagoo sheegay in qorshihiisa dhinaca dalxiiska ay ugu jirtay in uu maro deegaanadaasi.

Amiin Yuusuf Khasaaro
Amiinkhasaaro@hotmail.com

Meet Mogadishu’s ‘first tourist’ READ MORE


Barafkii ugu xoogga weynaa muddo 20 sano ah oo ka da’ay Gobolka Minnesota

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Nin u dhashay wadanka Canada oo “u soo dalxiis tagay” Magaalada Muqdisho "

  1. darman says:

    “Everything happens for a reason. Every action has a reaction”
    ninkan dabaal ma ahan ee dan ayuu leeyahay dantiisa ilaa uu garana. wa is dabaalinaa koley nin dhimasho rabo malahan .!!!

  2. Yahya Ali says:

    Kakaja; walayab, waxan maqli jirnay in lodalxiso baris, newyork, stokhom, dubia ama shariqa, mambasa, london iwm, mantana waxan maqalna muqdisha oo dalxisa lodagey wan ognahay iney gob dagal tahay anan lodalxisi karin
    Sababta kentay maxey tahay? Ninkan hadu dalxisa yahay muxu wadama nabada ah ugu dalxisi wayay arinta waxa la oran kara ohinta orkiga kaweyn, waxa funny ah aka47 ah ayu sawir ku kaley, hadu dalxis u bahan yahay muxu ugu dalxisi wayay canada ayada ah melaha calamka ugu qadarsan, macnihisa mafahmin ninkas, ama jaka radis ayu aha Dkmg ah ayu jako karadsaday ileyn muqdisha dalxis loma dage, that,s funny

  3. khadra says:

    walahi kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk funy guy , anaga oo u dhalanay ayan iman karin mugdisho waaba ninkaas, kkkkkk walahay waa very brave guy ,