Home » Warar »

Barafkii ugu xoogga weynaa muddo 20 sano ah oo ka da’ay Gobolka Minnesota

Barafku waxa uu dumiyey saqafkii garoonka ciyaaraha ee ugu weyn Minneapolis (Metrodome) kaddib markii saqafku xamili waayey culayska barafka –

Magaalooyinka mataanaha ee St.Paul iyo Minneapolis ayaa waxaa Sabtidii ka da’ay barafkii ugu xoogga weynaa oo soo mara Minnesota muddooyinka dhow. Barafkaas oo watey dabayl ayaa sababay in aan meel dheer wax laga arki karin, oo uu noqday sidii cayr-yaamo qarisay magaalada oo dhan, taas oo sababay in la xiro qaar kamid ah wadooyinka.

Sidoo kale, waxaa gebi ahaanka Sabtidii la xiray garoonka caalamiga ah ee St.Paul/ Minneapolis, taas oo warbixinadu sheegeen in markii taas oo kale dhacday ay ahayd sannadkii 1991 oo uu dhacay baraf noocaan oo kale ah.

Booliska wadooyinka ee magaalada Minneapolis waxay sheegeen intii u dhaxaysay 7 a.m. subaxnimo ilaa 3 p.m galabnimo ee Sabtidii in ay dhaceen 79 shil gaari, kuwaas oo 13 shil oo kamid ah ay dad ku dhaawacmeen, waxaana boolisku sheegeen in 392 gaari ay wadooyinka ku simbiriirixdeen ama jidka ka bexeen baraf awgiis, laakiin aan cidna ku dhiman shilalkaas.

TV-ga WCCO ee Minneapolis ayaa sheegay in xawaaraha barafka dabaysha watey uu gaarayey 25 mph oo u dhiganta 40 kiiloomitir/saacadiiba, waxaana la saadaalaniyey in qabowgu uu Axadda gaaro ilaa (minus 35F) -35 degree Fahrenheit oo u dhiganta (minus 37C) -37 degree centigarte, waa marka lagu xisaabiyo dabaysha.

Waxaa shacabka lagula taliyey in aysan guryahooda ka soo bixin, isla markaasna aysan gawaarida ku kaxay wadooyinka, waxaana la arkayey gawaarida oo uu qariyey baraf.

Waaxda Minnesota u qaabilsan gaadiidka ee loo yaqaan MnDOT waxay sheegtay in barafkii Minnesota ka da’ay oo xoog leh awgeed in qaar wadooyinka ah la xiray, taas oo wadooyinkaas xiran qofki gaari ku kaxeeya lagu ganaaxayo $1,000 doolar iyo/ama 90 maalmood oo xabsi ah.

Minnesota waa gobolka ay deggan yihiin Soomaalida ugu tirada badan ee ku dhaqan dalka Maraykanka.

Si aad u ogaatid in barafka laga xaaqayo wadada aad gaariga dhigatay, waxaad wici kartaa:

– MINNEAPOLIS – (612) 348-7669
– ST. PAUL – (651)  266-7569

Xilliga uu da’do baraf xoog leh waxaa magaalooyinka lagu soo rogaa xaalad degdeg ah oo la xiriirta barafka (Snow emergency), taas oo ah in waddooyinka iyo meelaha gawaarida la dhigto in loo sameeyo jadwal barafka looga xaaqayo ka horta inta barafku uusan dhulka ku dhegin.

Haddaba haddii aad gaariga dhigatid wadada dhinaceeda oo wadadaasi tahay tii la xaaqi lahaa markaas gaarigaaga waxaa laga qaadi doonaa bartaas (towing), waxaadna gaarigaaga soo kaxaysan kartaa marka aad bixisid lacag ganaax ah. Sidaas daraadeed waxaa haboon in aad sii ogaatid jadwalka jidadka la xaaqi doono si aan gaaarigaaga lagaaga jiidan..

Gaari baraf qariyey, Minneapolis, Dec 11, 2010

Barafka ku da’ay magaalada Minneapolis waxa uu sababay in uu dumo saqafka sare ee garoonka ugu weyn magaalada ee loo yaqaan Metrodome, kaddib markii uu saqafku xamili waayey culayska barafka.

Sawirka Metrodome: Waxaa sawirka xuquuqdiisa leh WCCO TV, Minneapolis

Linkiyada hoose ayaad ka ogaan kartaa jadwalka iyo xilliga wadada aad gaariga dhigatay barafka laga

xaaqayo, sidoo kale telefoonada hoos ku qoran ayaad wici kartaa:

MINNEAPOLIS – (612) 348-SNOW / 348-7669

— ST. PAUL – (651) 266-PLOW / 266-7569

Sidoo kale eeg bogga(511):  www.511mn.org iyo bogga (311) http://www.ci.minneapolis.mn.us/311/

FG: Haddii aad deggan tahay Minneapolis oo gaarigaaga aad ka weydid meeshii aad dhigatey, aadna u malaynaysid in lagaa jiidey, waxaad ka baari kartaa linkigan: http://www.ci.minneapolis.mn.us/impound-lot/index.asp

FG: Haddii gaarigaaga la jiido oo aadan raadsan, 15 maalmood kaddib waxaa dhici karta in la iibiyo.

FG: Haddii gaariga lagaa jiido si aad ula soo baxdi waxa lagaaga baahanyahay iyo lacagta la bixinayo ka eeg linkigan http://www.ci.minneapolis.mn.us/impound-lot/ releasing-your-vehicle.asp

Gobolka Minnesota waxa uu ka mid yahay meelaha ugu qabwoga badan dalka Maraykanka, bilaha ugu qabowna waa November (qaybteeda dambe), December, January iyo February.

Xilliga barafka waxaa dhib lagala kulmaa marista waddooyinka, sidoo kale waxaa halis noqonaya dariiqyada lagu lugeeyo, gaar ahaan marka uu barafku engego oo loo yaqaan “Black Ice” – barafka ayaa isku kaa madoobeynaya, waxaadna u malayneysaa meel aan wax baraf ah lahayn, marka aad lugta saartidna waxaad arkeysaa adigoo taraaraxaya, nasiib waxaad lahaan doontaa haddii aadan jabin, waa marka aad lugayneysid – waa meesha reer Minnesota markay arkaan qof dhutinaya laweydiiyo “war heedhe ma baraf ayaad ku kuftay”. Haddiise aad gaari wadatid halistu intaas ka badan, haddii gaarigu lugta la helo barafka noocaas loo yaqaan “Black Ice”, waayo dareewalku markaas gaariga ma xukumi karo oo iskiis ayuu dhinacii uu doono u taraaraxayaa… Waxaa kale oo xusid mudan in bilahaas uu socdo barafku in aan la arkin qorrax, haddiiba ay soo baxdona aysan wax kulayl ah lahayn…. Badbaado Allah..

Waxaa Soomaalida reer Minnesota, iyo kuwa kale ee jooga dhulka barafka leh la gudboon in ay xilligan barafku da’ayo taxadar dheeri ah muujiyaan.

Sawirkan gadaashiisa waxaa ah Downtown-ka Minneapolis, laakiin baraf ayaa qariyey

Sawirka sare waxa uu muujinayaa xilligii barafku da’ayey sida baraku caryaamo uga dhigay magaalada oo aan la arki karinmeel durugsan. Sawirka hoose barbar dhig, labada sawir isku meel ayaa laga qaaday, xilli maalin ah, sawirka sare waa Sabtidii December 11 markii barafku da’ayey, sawirka hoosena Axadii Dec 12 markii barafku istaagey.

Sawirka barafkii oo laagu xaaqey wadada dhinaceeda.

Video: Barafka Minneapolis iyo Soomaalida:

Talo:

Dadka mudada dheer joogey dhulka baraf ah waxay ku taliyan: In gaariga loo diyaariyo barafka, si taas loo sameeyona waa in lagu shubo Oil cusub, biyaha nooca aan barafka ku fariisan (Anti-Freeze), waa in taayirada ay ku jiraan hawo qiyaasan, gaaskuna waa in uusan ka yaraan nus-taangi. Sidoo kale waa in ay gaariga markasta kuu saaran yihiin Badiil (shovel) iyo fiilada loo yaqaan (jump start) si haddii gaarigu kuu daarmi waayo uu gaari kale kuugu daaro.

Haddii aad safar geleysid ha ilaawin in aad qaadatid Buste, Toosh, Tarraq iyo Shumac, oo haddii ay dhacdo meel kharfe ah (cid la’) in uu gaarigu kaa istaago in aad ugu yaraan haysatid dab aad gacmaha ku kululaysatid (kulaashid shumuca) iyo buste aad lugaha dhaxanta kaga celisid… sidoo kale ha ilaawin gacan-gashiga (gloves)…. walee Afrika loo darsey…

Ugu dambayn waa in aad markasta la socotid digniinta la xiriirta xilliga barafka la saadaalinayo iyo marka uu da’ayo xaaladaaha ay ku sugan yihiin wadooyinku:

  • MINNEAPOLIS – (612) 348-SNOW / 348-7669
  • ST. PAUL – (651) 266-PLOW / 266-7569
  • Diyaarintii SomaliTalk.com / Minneapolis

    Tixraac: Video: KSTP: http://kstp.com/news/stories/S1877972.shtml?cat=1

    Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

    ________
    . Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

    3 Jawaabood " Barafkii ugu xoogga weynaa muddo 20 sano ah oo ka da’ay Gobolka Minnesota "

    1. gacalo says:

      ilahaw noo sahal ninkii donaya inuu mustaqbal isagay u taal war meesha wax meesha wax ka barta oo isaga taga

    2. R.Asad says:

      Waa amar illaahay in meela biyo la cabo laga la yahay, meela barfku sidaan ahaado.somaliya meel ka mida oo aan la hadlay maalin dhawayda dadku waxay la liiteen biyo laáan iyo abaar saamayn wayn ku yeelatay…..halkaan abaartii waa baraf sida aan u jeedna-somaliyana waa baraf laáan ama roob laáan.

    3. abshir says:

      Reer minisootooy fadlan caawiya waayeelada intaas ayaan idin dhihi lahaa. walaal soomaali from uk