Home » Warar »

Heshiis Xabad joojin ah oo laga gaaray dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Waxaa maanta (Sabti Dec 11, 2010) kulan ballaaran isugu yimid dhinacyadii dhowaantan ku dagaalamay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, gaar ahaana beelaha maamulada Puntland iyo Galmudug, iyadoo kulankaasina ay goob joog ka ahaayeen Wefdi uu hogaaminayay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax, Wasiir kuxigeeno iy o Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo sawirada kulanka Galkacyo

Kulankan oo ka dhacay dhismaha ku yaala Garoonka Diyaaraddaha ee Gaalkacyo oo ku yaala Zoon u dhaxeeya labada maamul ayaa waxaa isugu yimid Waxgarad, Odayaal, Salaadiin, Culimaa’udiin, Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo Jeneraalo ka socday maamulada labada dhinac, iyadoo si weyn loo gorfeeyey dhibkii dhacay iyo sabaha keenay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax oo goobta ka hadlay ugu horeyntii ayaa sheegay in ay soo jeedinayaan guddigooda matalaya dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed in ugu horeynta si wada jir ah ay dhinacyadu isula qaataan qodobadan soo socda.

1.     Xabad joojin

2.     In Ciidamada la kala fogeeyo

Kadibna guddiyo ka kooban min 15 xubnood oo labada dhinac ah ay maalinta berri ah kulmaan si ay u tagaan goobta mashaqadu ka dhacday ee illaa iyo haatana la isku hor fadhiyo, isagoo ka codsaday in lagu adkeeyo xabad joojinta la gaaray iyo kala rarista ciidanka iyo weliba in la wada cabo ceelasha maadaama waqtigu uu yahay waqti abaaro xoogani jiraan oo dadkaasi reer miyiga ah ay noloshoodiiba halis ku jirto.

Halkan ka daawo sawirada kulanka Galkacyo

Wasiirka Dib u heshiisinta maamulka Galmudug Mudane Maxamed Xuseen Tahliil oo goobta ka hadlay ayaa si diiran u soo dhoweeyey xabad joojinta iyo ciidan kala gurista loo soo jeediyay “Haddaanu nahay maamulka Galmudug State waxaan cadeyneynaa inaan qaadanay Xabad joojin aan shuruudi ku xirneyn, waxaana tixgelineynaa codsiga ay noo soo jeediyeen wefdiga ka socda Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray inay diyaar u yihiin wax kasta oo Nabad iyo wada degaanshiyo lagu helayo.

Wasiirka Dalxiiska iyo Degaanka Mudane C/qani Yuusuf Cadde oo isna baaqa Xabad joojinta ah ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan xabad joojinta ayna aqbaleen “Waxaan halkan ka cadeyneynaa inaanu dhankeena reer Puntland aan diyaar u nahay inaan sameyno Xabad joojin aaney shuruudi ku xirneyn” ayuu yiri Wasiirka.

Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka mid aheyd saraakiishii kulanka ka qeyb gashay ayaa sheegay in ka dalbanayaan dhinacyada dagaalamay inay xurmeeyaan wada deganaanshiyaha iyo sida Alle deris uga dhigay “War horta ma hal beel baa la dhameynayaa, mase labada beeloodbaa isu wada dhamaanaya,  waa maya, mid markii la dilona midbaa dhalanaya, marka anigu waxaan oran lahaa War Illaaheybaa iskeen baday oo deris inaga dhigay oo kala guuri meyno meel aan u kala guurnona garan meynee ha la is daayo oo nabad ha lagu wada noolaado oo ha la is tixgeliyo” ayuu si adag u yiri Qeybdiid.

Sidoo kale, Jen. C/llaahi Mire Careys oo ka socday dhanka Puntland ayaa sheegay in ergooyinka iyo nabadoonada meesha isugu yimid ay si adag uga dalbanayaan inay nabad keenaan “Waxaan idinka dalbaneynaa oo idinku adkeyneynaa inaad nabad keentaan maxaa yeelay nabadda adinkaa abuuri kara dagaalna adinkaa abuuri kara” ayuu yiri Jen. Careys oo hoosta ka xariiqay inay dagaal aanu wiil ku dhalan wiil inuu ku dhinto maahane sidaasi owgeedna loo baahan yahay nabad iyo wada deganaansho.

Ugu dambeyntiina waxaa goobta ka hadlay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Dr. Cabdweli Maxamed Cali wuxuuna ugu horeyn u mahadceliyay dhinacyada kulanka isugu yimid isagoo ku ammaanay sida ay diyaarka ugu  yihiin nabadda.

“Horta waxaan aad ugu faraxsanahay sida aad nooga aqbasheen soo jeedinteenii, waxaana u mahadcelinayaa odayaasha iyo waxgaradka halkaan isugu yimid” ayuu yiri Dr. Cabdweli.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ayaa balan qaaday in dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadan doonto furdaaminta wixii Tashiilaad ah ee ku baxaya dhex dhexaadinta beelaha walaalaha ah isagoo hoosta ka xariiqay in gacan toos ah ay ka geysaneyso xukuumada Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo sidii loo damin lahaa xiisadan.

Guddiyada ka kooban 15-ka xubnood ayaa waxaa ay ku balameen in maalinta berri ah ay dib isugu soo laabtaan oo ay kormeer ku tagaan goobihii dagaaladu ka dhaceen si ay indhahooda ugu soo arkaan baaxada qasaaraha  si ugu dambeysta loo daweeyo dhinaca dhibka u badan yahay.

Garaad Salaad Xirsi

Gaalkacyo, Soomaaliya

garaadcadde@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.