Home » Warar »

Khilaaf mar kale ka soo dhex Muuqday Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan

“Shariif Xasan oo wada Qorshe uu Beesha caalamka kaga dhaadhicinayo in Shiikh Shariif xilku kaga egyahay 31 Janaayo 2011” ….

Iyadoo dhawaan uu dhamaadey Khilaaf hore oo soo kala dhex galay Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan kaasoo ku saabsanaa qaabkii loo ansaxin lahaa Golaha Wasiirada Xukuumada ee Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa haatan waxaa soo muuqanaya khilaaf kale oo soo wajahan labada Mas’uul oo ku saabsan Xiliga kala guurka ka dib markii ay soo shaac baxeen in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu waddo Qorshe uu Beesha Caalamka uu kaga dhaadhicinaayo in Madaxweyne Shiikh Shariif xilka uga eg tahay 31 Janaayo 2011 oo ay ka harsan tahay bil iyo labaatan Berri oo ah xiligii Shiikh Shariif lagu doortey Magaalada jabuuti ee Sannadkii 2009.

Warkaan oo aan ka heley Xildhibaan weydiistey in aan magaciisa la shaacin ayaa waxaa uu sheegey in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu doonaya in marka la gaaro 31 Janaayo uu ku fariisto Kursiga kusimaha Madaxweynaha uuna heyn doono ilaa bisha Ogoosto ee 2011, waxaa kaloo xildhibaanku uu sheegey in uu qorshahisu uu yahay in mar uun Madaxeyne ka noqdo Dalka Xiligaasna uu hayo Xilka Madaxweyninimada kusimaha ah uu usii ololeeyo Jagadaas.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ayaa waxaa la sheegey in uu qorshahaan uu ka dhaadhicinayo Beesha Caalamka wuxuuna kulamo la qaatey Masuuliyin ka tirsan Qaramada Midoobey iyo Madax ka tirsan Safaaradaha Kenya ee ku leeyihiin Wadamada Caalamka gaar ahan kuwa Daneeyo Arrimaha Soomaaliya, ilaa iya haatan lama oga wixii ka soo baxay kulamadaas oo intooda badan ay ahaayeen kuwo Qarsoodi ahaa.

Waxaa kaloo wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ay sheegeyaan in uu kulan ka dhacay Guriga Raiisul Wasaarhii hore ee DFKMG Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, waxaana kulan kaas la sheegay in uu  soo qaban qaabiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Adan, waxaa kaloo ka qayb galey Xildhibaano tiradooda lagu qiyaasey ilaa iyo Todobaatan Xildhibaan waxaana lagu waramey in Gudoomiyaha uu ka codsadey in gacan lagu siiyo Qorshaha uu wato ee ah in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu xilkiisa ku ekaado 31 Janaayo ee Sanadka soo socda (2011) isagoo sheegey in uu doonyo in dalka ka noqdo kusimaha Madaxweynaha, waa sida ilo wargal ah sheegeene.

Guriga Geeddi ka iibsadey Nairobi

Labada Shariif oo si aad ah isugu dhawaan jirey, ahaana ragii ka soo shaqeeyey Dowladii lagu soo dhisey Dalka Jabuuti ayey kala boodeen Xiligii uu Madaxweyne Shiikh Shariif uu Raiisul Wasaare ka dhigey Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hase yeeshe waxaa isu soo dhaweeyey Madax ka socotey Beesha Caalamka taasina waxay noqotey Shariif Xasan uu aqbalo ansaxinta Xukuumada Farmaajo hase yeeshee wararka ka imaanayo Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu wado isna qorshayaal uu ku doonayo in uu xildhibaanada kaga dhaadhiciyo in Gudoomiyaha Baarlamaanka laga keeno Mooshin ka dhan ah maadaama uu wado qorshayaal uu ku dibindaabinayo Xukuumaddii lagu soo dhisey dalka Jabuuti, waa sida laga soo xigtey wargalka.

Waxaa lagu waramey Madaxweynaha Shiikh Shariif uu ka biya diidsanaa in Shariif Xasan uu Gudoomiye ka noqdo Golaha Baarlamaanka hese yeeshee Dhaqaalaha uu haysto Shariif Xasan ayaa u saamaxdey in soo koro Jaranjaradaas waxana laga dhadhansan karey markii uu si bayaan ah uu ugu sheegey Xildhibaanada in ay siiyaan Codkooda balse qaylo iyo Muran kadib Shariif Xasan waxaa u noqdey Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaan u sii siyaadey Awoodii uu kulahaa Dowlada KMG waana midda keentey in uu qiil qiil geliyo Ansaxintii Raiisul Wasaare Farmaajo.

Qorshaha uu wato Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada ay sheegeen in ay tahay mid khamaar oo kale ah oo waxay sheegeen in mid uun noqo doonto ama in uu ku guuleysto ama uu ku guuladareysto balse waxay sheegeen in ay Shariif Xasan ay u wanaagsan tahay in uu ka shaqeeyo sidii ay meesha kuwada joogi lahaayeen haddi kale qolo kale ay ka faaideysan Doonto, waxaana xaqiiqo ah ayey yiraahdeen labada Shariif ay haatan u muuqdaan in ay sii kala fogaanayaan iyadoo Shiikh Sharif uu doonayo in laba sanno oo kale loogu darro xilka Madaxweyninimo halka uu Shariif Xasan uu ku haminayo in uu mar uun Madaxweyne ka noqdo Dalka hadaba la arkii doonee labada Shariif kii reerka u hara.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Khilaaf mar kale ka soo dhex Muuqday Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan "

  1. ali says:

    Shariif in Madaxwayne loo doorto ayaa khaldanayd marka hore , tan labaad waxaa soo dhowaatay ( Expiry date ka ) labada shariif , ragii la shaqaynayey horay ayeey uga soo takhaluseen , waxay tagaan tahay labadeena kee fudud oo ka shubaaya .

  2. xaaji dheere says:

    Runtu waa inaan labada mid cidna u ooyeyn. Waa niman awalba meesha si shil ah ku yimid – talo, aqoon iyo damiir midna ma leh; Somali uun baa ka tashan wayday. Nabadeed shariif hurdaaye iyo shariif sakiin.

    HD.

  3. diinteena suuban waxaa ku cad kuwii ku jaalooba waxaan ilaahay iyo rasuulkiisa suuban jideyn aay ku dambeyn saaxiibtinimadooda iskhilaaf kala tag iyo colnimo fiiri cali mahdi iyo qanyare caydiid iyo duuliye sare cabdullaahi yuusuf iyo cali geedi haddaba taas ayaa jirto ee hala ogaado

  4. Ordaaye says:

    Dagaal ma aha waxa ka dhaxeeya laakiin waxaa is diiday dantii gaarka ahayd oo ah lacag uruursi, waxaan filayaa hadday helaan waxaooga sandaleelo ah way sii wada joogidoonaan, haddii kale mid waa inuu meesha ka baxo.

  5. Bashir Shekh Moxamed says:

    (Tra i due litiganti il terso gode),
    Waa oraah Talyani ah, micneheeduna waxaay
    tahay -labadii dagaallama mid saddexaad ayaa ka faideysta. Kan saddexaadna waa shisheeyaha oo sidaas rabay in aay arrini ku socoto.
    Isqabqabsigu in uusan dhamaanin illaa iyo labaatan sano oo hor leh.
    Bacdamaa aay isla soo halgameen waxaa wanaagsan in aay shaqada
    wada wadaan illaa iyo inta aay xilka hayaan.