Home » Warar »

Gabagabadii Muxaadarooyinkii Xarunta Abuubakar kasocday, Su’aalo iyo Jawaabo Q-2aad: Sh. Maxamed Umal

Hoos ka akhri/ Dhagayso Q-2aad ee Fataawadii Fadiilatu Sh. Maxamed Umal

Sidoo akhri/dhagayso gabagabadii Muxaadarooyinkii Xarunta Abuubakar kasocday, Su’aalo iyo Jawaabo Q-1aad: Sh. Maxamed Umal  iyo Muxaadaraadkii hore ee Sh. C/qaadir Nur farah iyo Sh. Maxamed Umal hoos ka akhri/dhagayso.

Asalaamu Calaykum Waraxmah

Xarunta Abuubakar ee MinnesotaSidaan horay idinka balan qaadnay waxaan idiin soo gudbinaynaa Qaybtii-2aad ee Su’aalaha iyo Jawaabaha Fadiilatu Sh. Maxamed Cabdi Umal,  Shiikha Jawaaabihiisa oo aad muhiim u ah ayaa adag inaan kala xulano, waxaase idin kula talinaynaa inaad wada dhagaysataan. Waxaan isku dayeynaa inaan soo koobno dar daarankii Sh. Maxamed Umal, Shiikhu wuxuu ku dheeraaday in iilaahay laga cabsado, midnimada iyo kala danbaynta lagu dadaalo iyo in la ilaaliyo Xarumaha Islaamiga ah gaar ahaan kuwa ku yaala qurbaha. Su’aal uu shiikhu dadwaynaha waydiiyey ayaa ahayd, hadii dadka xarumaha Islaamiga lagu diro oo la dacaayadeeyo!  hadii Culimada lagu diro oo lacaayo!  xagee loo wadaa oo lagaynayaa?

Halkan ka dhagayso Qaybta-2aad

Fataawadii Sh. Maxamed Umal kadib ayaa Maamulka Masaajidka lahadlay Jameecada Masjidka kuna waaniyey sidii ay Xaruntan wayn ee AAIC u dabari lahaayeen baahideeda dhinac walba ah, haba ugu muhiimsanaatee dhinaca dhaqaalaha, Maamulka ayaa sharxay baahida Masaajidka si kooban, sida: Kharashka billaha ah, Korontada, Kulayliyaha, Qaboojiyaha, Biyaha iyo Kharashaadka kale ee faraha badan ee Xarunta ku baxa. Maamulka ayaa dadka ku waaniyey inay ka qayb qaataan tabaruca joogtada ah oo bilaha ah, qofkastana Bangigiisa laga baxiyo bilkasta inta uu awoodo oo uu ku deeqo, $10, $20, $30, $100 iyo kabadan. Sidoo kale Maamulka ayaa dadka ka codsaday inay ku tabarucaan Taladooda iyo Xoogoodaba. Sidoo kale Maamulka ayaa xusay qaar kamida dhibaatooyinka bulshada reer Minnesota iyo Maraykanba haysta iyo sida loo yarayn karo ama looga hortagi karo. Waxyaabihii Maamulku taabtay waxaa kamid ahaa, Dhibaatada dhalinyarada ku haysta wadankan, gaar ahaan kuwii waayahan Saxaafada ku celcelinaysay ee lagu eedeeyey inay Faaxisho ka ganacsanayeen. Waxaa kaloo Maamulku xusay dhibaatada Laanta Socdaalka ee wadankan lagala kulmo gaar ahaan gobolkan Minnesota. Dadban ayaa Garoomada iyo Xuduudaha aad loogu baaraa dhibaato iyo Cabasho badana sheegta, maamulka ayaa xusay inay ka qayb galeen kulan ay qaban qaabisay qayb ka mida Laanta Socdaalka ee Wadankan Maraykana, (Homeland Security)  taas oo ka dhacday Gobolkan Minnesota.

Halkan ka dhagayso Qaybta-2aad ee Su’aalaha iyo Jawaabaha Sh. Umal

Maamulka ayaa xusay waxyaabihii kulankaas looga wada hadlay inay kamid ahaayeen sidii dadka Soomaalida ah looga dayn lahaa baaritaanka aan loo kala soocayn ee laga simayo intooda badan, sida ay xarunta u soo gudbiyeen dadban oo kuxiran. Waxyaabaha loo baahan yahay in arintaa looga hortago oo maamulku xusay waxaa kamid ahaa;

1- in qofkii dareemaya in dhib ay u gaysatay laanta socdaalka (Homeland Security) uu cabasho xareeyo.

2- in dadka Safraya ay Xuquuqdooda bartaan, waxyaabaha ay xaqa uleeyihiin iyo waxyaabaha aysan xaqa ulahayn.

3- in hadii ay u baahdaan ay xaq u leeyihiin inay dalbadaan qareen.

Ugu danbayntii Xarunta ayaa dadka ku waanisay inaysan danbi ahayn inay diintooda cadaystaan kuna dhaqmaan. Sidoo kale Maamulka ayaa iclaamiyey inay qaban doonaan Nadwo kale oo wadatada isla magaca guud ee nadwadii hore ee soo gabagabowday,  (Diintu waa Naxteexo iyo Dhidibaynta Diinta ama Asalaynta Diinta) fasaxa ku jira bisha December insha allaah. Waxaan ogaysiinaynaa dhamaan ummada ku xiran Xarunta iyo Muslimiinta kale ee internet-ka nagala socda inaan toos (Live) usoo gudbin doono Nadwadaas. Fadlan caawi Xarunta Abuubakar oo u khidmaysa Soomaalida ugu badan ee qurbaha kunool. Soowac 612-871-8600 ama soo dir aaic@abuubakar.org Waxaad qori kartaa Bangigaada ama Card- kaaga, sidoo kalana waad soo diri kartaa lacag cadaan ah. Sadaqadaada waxaad ku heli kartaa canshuur dhaaf, marka aad xaraysanayso canshuurta sanadkasta.

Maamulaka Xarunta Abuubakar

aaic@abuubakar.org

Minnesota, USA

Xarunta Abuubakar ee MinnesotaIlaahay mahadii waxaa Abuubakar kusoo gabagaboobay muxaadarooyinkii iyo Su’aalihii iyo jawaabihii ka socday afartii cisho ee lasoo dhaafay. Mowduuca caawa 11/29/10 ayaa ahaa Su’aalo iyo jawaabo oo kaliya. Fadiilatu Sh. Maxamed Cabdi Umal ilaahay ha xifdiyee ayaa mudo ku dhow sadex saacadood ka jawaabayey Su’aalo ay waydiinayeen Muslimiinta reer Minnesota iyo walaalaha kale ee khadka internet-ka iyo telaphone-ka nagala soo xiriirayey.  Sh. Maxamed Umal ayaa la waydiiyey su’aalo isugu jiray Fiqi, Caqiido iyo Fataawa mucaasira. Su’aasha ugu horaysay waxay ahayd in qof kili u bixin karo walaalkiis oo u baahan, Sheekha oo aad u faahfaahiyey masalada, soona raray aarada ku jirta, iyo aqwaasha culimadu ka yiraaheed, waxaana raajax ah ayuu yiri Sheekhu in uu ubixin karo, iyadoo la fiirinayo daruura ahaan.

HALKAN KA DHAGAYSO QAYBTA KOWAAD

Su’aalaha caamka ahaa waxaa ka mid ahaa, caruurta habaarkeeda iyo diintu waxay ka qabto, wuxuuna Shiikhu soo guuriyey xadiis Nabigu (scw) yiri ruux lacnaday neefgeela oo uu lahaa, Nabigana (scw) wuxuu yiri naga reeba neefkan , kadibna wuxuu raaciyey Naftiina ha habaarina, caruurtiina ha habaarina, xoolihiina ha habaarina, hana waafiqina waqti illaahay la waydiisto uusan soo celin.

Waxaa kamid ahaa Su’aalaha, Shiikh waxaa jira nin saaxiibkay ah oo culimada aflagaadaynaya, maxaan kula taliyaa? Waa walaal kaa oo qaldan ee u nasteexee, Cilimada caayidoodana waa waxyaabaha waawayn ee diintu xarimtay, culimadana inaad caydano waa danbi iyo inaad ilaahay dagaalkiisa u diyaar garowdaa. Waayahan danbana shaqo inay noqotay waa lasocdaa, waxaa iswaydiin mudan! hadaad culimada caydaan oo dacaayadaysaan, xagee ummada ku xiraysaan?. Culimada waa in la sharfo oo la karaameeyo. Culimadu macsuumiin ma’ahan sidii Nabiyadii, laakiin waxay xambaarsanyihiin dhaxalkii Anbiyada, Ibna Casaakir wuxuu ka cabiray culimadu hilkoodu inuu Sumaysan yahay. Aduunka ayeyna uga soo daahiraysaa intaan Aakhiro lagaarin, anigu waxaan garanayaa nin culimada caayi jiray oo hada Salaada aan ku soo hanbaasayn, soo ba aadayn. Mushatamaca waxaan u sheegayaa astaanta Inxiraafka lagu garto waxaa ka mid ah ruuxu inuu cilmigii iyo ahlul cilmigii labadiiba col layahay, marba haduu culumadii iyo cilmigiiba col layahay Inxiraafkiisa cidna ha waydiinin. Sheekha ayaa la waydiiyey Su’aalo aad u tirabadan mudo dheerna socday, Waxaa wax laga waydiiyey xaalada Soomaaliya, Dowrka Culimada ee Soomaaliya, Yaa wax gaalaysiin kara, yaase lagaalaysiin karaa, Culimada waawayn waxaa lagu duraa irjaa, maxaad ka leedahay, wuxuunu Sheekhu sheegay dadka Culimada caayaya inaysan jirin  “Diin la’aan ka wayn” Nabi Ciise Gaalada ayaa ku dooda in nabi ciise dhintay la’ana dilay, ka dibna soo noolaaday, Nabi Ciise ma’isagoo dhintay ayaa la qaaday mise isagoo dhintay?

Su’aalaha iyo Jawaabaha Sheekha oo aan yara ishaaray waxaad uga bogan kartaa dhagaysiga, waxaana rajaynaynaa in iyagoo qoraal ah lasoo gudbin doono. Sheekha ayaa aad ugu dardaarmay ummada inay cilmiga ku dadaalaan, Maraakista iyo dacwadana u hiiliyaan oo ay taageeraan. Sh. Maxamed Umal ayaa aad uga dardaarmay in culimada iyo xarumaha islaamiga ah la taageero, khaasatan dadka qurbaha jooga.

Afeef: Qoraalkan kore waa soo koobid iyo baalmar  fataawadii Sheekha qaar kamid ah, fadlan si aad uga bogato hoos ka dhagayso.

Qaybta Q-1aad ee Su’aalaaha Sh. Maxamed Umalh

HALKAN KA DHAGAYSO QAYBTA KOWAAD

Qaybta labaad ee Su’aalaha iyo jawaabaha fadlan lasoco, dib ayaan ka faafin doonaa insha allaah.

Maamulka Xarunta Abuubakar
aaic@abuubakar.org

Asalaamu Calaykum:

“Diyaarinta Dhalinyaro wanaagsan iyo raadka ay mushtamaca Islaamka kuleeyihiin” Sh. Maxamed Umal

Sheikh Umal

Ilaahay Fadligiis Muxaadaradii labaad ayaa xalay ka baxday Xarunta Abuubakar As-Saddique, Muxaadarada oo cinwaankeedu ahaa Diyaarinta Dhalinyaro wanaagsan iyo raadka ay mushtamaca Islaamka kuleeyihiin”   Sh. Maxamed Umal ayaa aad ugu dheeraaday sida loo diyaarin karo dhalin yaro wanaagsan iyo dariiqyada loo marayo.

Sidoo kale Sh. Maxamed Umal ayaa ka hadlay caqabadaha iyo dhibaatooyinka ku xeeran qofka dhalinyarada ah iyo sababaha keeni kara inuu akhlaaqiyan iyo caqiidiyan labada dhumo. Sh. Maxamed Muxaadaradiisa oo aad u qiima badnay Muslimiinta dhagaysanaysayna ay aad uga faa’iidaysteen ayaan iyadoo qoraala oo faah faahsan insha allaah dib idiinka soo gudbin doonaa. Muxaadarada Sheikh Umal HALKAN KA DHEGEYSO (mp3)

Dhamaan Muxaadarooyinka culimada iyo Su’aalaha iyo Jawaabaha Xarunta Abuubakar waa idiin soo tabin doontaa iyagoo maqal iyo muuqaal ah. Caawa Sabti ah Axadna soo galayso waxaa Muxaadarada ku qoran Sh. Maxamed Shaafici. Habeenka Axada ah Isniintuna soo galayso waa Su’aalo iyo Jawaabo Culimada lawaydiindoono.

Faah Faahin lasoo xiriir Maamulka Masaajidka

aaic@abuubakar.org

“Marxadaladihii dacwada Soomaaliya xilligii hore iyo hadda” oo uu soo jeediyey Sh. C/qaadir Nuur Faarax

Masaajidka Abuubakar ayaa caawa (Nov 25) waxaa kabilowday muxaadaradii ugu horaysay oo uu soo jeediyey Fadiilatu Sh. C/qaadir Nuur Faarax, cinwaanka muxaadarada ayaa ahaa “Marxadaladihii dacwada Soomaaliya xiligii hore iyo hadda” muxaadaradaas oo ku baxaysay Video-ga la iska arko (Video Conference).

Sheekha ayaa ka hadlay taariikhda dacwada oo uu usoo joogay mudo dheer, Masaajidka oo aad u buuxay ayaa jamaacada Masaajidka aad ula maqsuudeen taariikhada dacwada Soomaaliya, dhagaysiga muxaadarada ayaad uga bogan doontaa. Muxaadarada Sh. C/qaadir Nuur Halkan ka dhegeyso  (mp3)

Sh. C/raxmaan Sh. Cumar oo Sh. Soo dhawaynayey ayaa isna raaciyey tacliiq kooban oo kusaabsan taariikhda dacwada iyo marxaladihii ay soo martay iyo xiligoodii sida ay u nidaamsanaayeen una kala danbeeyeen. Sh. C/raxmaan ayaa ka hadlay Sh. C/qaadir aqoonta ay isu leeyihiin iyo inuu yahay aabihii dacwada, caalim muxadith ah.

Ugu danbayntii Sh. C/qaadir ayaa dardaaran qiima badan kusoo gaba gabeeyey.

Insha allaah Muxaadaradii Shiikha oo kooban oo qoraal ah dib ayaan usoo baahin doonaa.

Sidoo kalana Culimada oo dhan Muxaaadarooyinkooda maqal, muuqaal iyo qoraalba waan soo baahin doonaa hadaan nahay Xarunta Abuubakar As-Saddique insha allaah. Markastana booqo abuubakar.org si aan ula socoto nashaadaadka Masaajidka.

Habeenka Jimcaha 11/26/10 bacdal maqrib 5:00pm waxaa ku qoran Sh. Maxamed Cabdi Umal.

Muxaadarooyinka si toos ah live ah waxaad kala socon kartaan abuubakar.org sidoo kale waxaan dib kasoo sheegi doonaa number laga dhagaysto iyo khad paltalk ah insha allaah. Salaadaha iyo ogaysiiska masaajidka ka dhagayso hadaad dagan tahay Minnesota iyo hareerada 612-871-8600 Ex-1.

Maamulka Masaajidka
aaic@abuubakar.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gabagabadii Muxaadarooyinkii Xarunta Abuubakar kasocday, Su’aalo iyo Jawaabo Q-2aad: Sh. Maxamed Umal "

  1. gaashaanle says:

    manshalaaaaaaaaaaaah
    manshalaaaaaaaaaaaah , alla mahadled , shiikhabdiqadir nur farah allaha ka ajarsiiyo dadaaaaaalkaaga dacawdeed , waxaa tahay mujaahid islaamku u baahan yahay …….manshalaaaaaah ……shiikh abdiqadir ilaaha dartiis baan ku jecelnahay……