Home » Warar »

Xaflad xil wareejin ah oo ay is weydaarsadeen Jaaliyaddii hore Soomaaliyeed ee Malaysia iyo hogaanka Jaaliyadda cusub

Kuala Lumpure, 24 Nov. 2010, Xaflad ka dhacay Jaamacadda UIA ee caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur ayaa lagu shaaciyay si rasmi ah in Dr. Muuse Maxamuud Axmed loo magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia.

Xilkan cusub ee loo dhiibay Dr. Muuse Maxamuud ayaa yimid kadib markii uu gudoomiyihii hore ee Jaaliyadda dalka Malaysia Dr. Maxamed Cabaas uu waqtigiisa dhamaaday isla markanaa uu xilka ku wareejiyay Culumaa’udiinka, Aqoonyahanka, odaydhaqameedyada iyo wax garadka Soomaaliyeed ee dalka Malaysia si ay u doortaan shaqsigii xilkiisa badali lahaa, taasoo ay u suurta gashay in lagu dhameeyo jawi dagan.

Mudane Maxamuud Shariif oo ah Madaxa Gudiga Shuuradda ee Jaaliyadda cusub ee Soomaalida Malaysia oo kullanka ka hadlayay ayaa dadkii Xafladda isugu yimid u sharxay Muhiimada ay leedahay in umad waliba oo meel ku nool ay Maamul iyo Hogaan yeelato isla markaana wuxu Mudane Shariif sheegay in ay Muhiim tahay Midnimada.

“1968 ayaan Soomaaliya ka soo tagay, nolasheeyda inta badana qurbo ayaan joogaa balse waa lagama maarmaan in Soomaalida meel walba oo ay ku noolyihiin la helaa Hoogaan gaar ahaan dalkan Malaysia ee aan ku noolyahay” sidaas waxa yiri Xaaji Xusan oo ka mid ah Soomaalida dagan dalka Malaysia.

Dhanka kalle waxaa xafladda ka hadlay Dr. Muuse Maxamuud Axmed oo dadkii meesha isugu yimid u sharxay qorshihiisa uu damacsanyahay inta uu xilka hayo iyo waxyaabaha uu is leeyahay wax waa laga qaban karaa.

“Xilkan la ii dhiibay masahlana, hadana anigoo og ayaan waxaan go’aansaday in aan dadka Soomaaliyeed u shaqeeyo hadii aad nala shaqeesaan wax badan ayaan qaban karnaa” Ayuu yiri Dr. Muuse Mamaxuud oo ah Gudoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia.

Waxaa sidoo kale muxaadaro diini ah oo aad u qiiro badan meesha kasoo jeediyay sheikh ka mid ah shuyuukhda Soomaaliya ugu caansan Sh. C/nasir Xaji Axmed oo muxaadariisa aad usoo jiidatay dadweynihii madashaas isugu yimid.

Barnaamijkan oo uu laf dhabar u ahaa koox aqoonyahano ah oo uu wakiil ka ahaa ama magacooda ku hadlaayay Sheekh Faraax Maxamed Cajab oo barnaamijka ku furay in uu faahfaahin kooban ka bixiyo qaabka ay xilwareejinta u dhacday isla markaana kusoo afjaray barnaamijka mahad naq oo uu mahadnaqaayo dhaman intii gacan ka geesatay ama suurta galisay barnaamijkan Alla S.W kasokow.

Gudoomiyaha ardaysa Soomaaliyeed ee Malaysia Mudane C/llah Axmed Nuur Jimcaale oo isna hadal kooban goobtaas kasoo jeediyay ayaa fariin u diray dhamaan bulsha weynta Soomaaliyeed ee dalka Malaysia ku nool in ay ka shaqeeyaan lashaqeenta Jaaliyadan cusub gaar ahaan ardayda Soomaaliyeed, baahida Jaaliyadda looqabana ay tahay mid aan lasoo koobi Karin.

Xafladan oo aheyd mid aad loo soo qaban qaabiyay ayaa ku dhamaatay jawi wanaagsan iyadoo dadkii isugu yimid goobta ay xafladda ka dhaceeysay taageereen jaaliyadda cusub ee Soomaalida dalka Malaysia iyadoo la filayo in ay wax qabad lataaban karo dhowaan la timaado Jaaliyada cusub ee dalka Malaysia.

Ibrahim Da’ud Abdalle

sayfudiin@gmail.com

Kuala Lumpur, Malaysia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.