Home » Warar »

Xukuumadii Raiisul Wasaare Farmaajo oo Codka Kalsoonida ka heshey Golaha Baarlamaanka

Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Golahiisa Wasirada oo maalmahan Wadnaha Farta ku hayey ayaa maanta (Sabti Nov 27, 2010) waxay Codka kalsoonida ka heshey Golaha Baarlamanka kadib markii Cod Gacan taag ah ay ku heleen Codka Kalsoonida 251 cod ayaa ogolaatey Xikuumada Farmaajo Waxaa diidey 92 Xildhibaan mana jiraan cid ka aamustey.

Intii aan la guda gelin Codsiinta xukuumadda Farmaajo ayaa waxaa dhacdey in mar uu buuxsami waayey Kooramkii loo baahnaa taasi waxay wel wel ku abuurtey Xukuumada Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo, hase yeeshe goor dambe ayaa waxaa buuxsamey kooramkii uu kalfadhiga ku buuxsami lahaa ama ku furmi lahaa waxaana furey Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka codsadey Xildhibaanada in ay muujiyaan Xilkasnimo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa uu soo jeediyey in meel la isla dhigo qaabkii loo codeyn lahaa waxaa intii aan loo qaadin kalsooni siinta Xukuumada waxaa cod loo qaadey in codka uu noqdo mid qarsoodi ah iyo in uu noqdo mid gacan taag waxaan la isku raacay in codka uu noqdo mid gacan taag waxaa ogolaatey 250 Xildhibaan waxaa Codka qarsoodiga ogolaatey 93.

Markii la guda galey in Codka kalsoonida loo qaado Xukuumadda Farmaajo ayaa waxaa ay heshay Cod Aqlabiyad, waxana arrinkaa ku dhawaaqey Gudoomiyaha Baarlamaank Shariif Xasan Shiikh Aadan oo sheegey in 251 Cod ay ogolaatey in xukuumaddu ay shaqeyso halka 92 ay diideen hase yeeshee wuxuu sheegey in Xukuumada ay u baahneyd 276 Cod balse ma helin codkaa isagoo sheegey in 72 Xildhibaan aysan weligood soo xaadirin Kalfadhiyada Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo gabagabadii ka Hadley halkaa ayaa sheegey in xukuumadda Federaalka looga fadhiyo in ay wax ka qabto Arimaha Amaanka , Dhaqaalaha iyo dib u heshisiinta isagoo sheegay in Baarlamaanka uu la xisaabtami doono Xukuumadu isagoo sheegy in Beesha Caalamka ay uga timid dhaleeceyn weliba kulankii ugu dambeeyey ee lagu kala dareerey.

Hadaba Xukuumadii Farmaajo waa heshey Codka kalsoonida hase yeeshee waxaa u harsan Bilooyin waxayna dadka Odorosa Siyaasada Soomaaliya ay sheegeen in ay adag tahay in ay wax qabato maadaama ay weli Dagaalo ku hayeen Kooxaha ka soo horjeeda waxaana intii uu socdey Kalfadhiga Baarlamaanka ay dhacayeen Dagaalo Qaraar waxaan lagu waramey in Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka uu ku dhaaawacmey mar uu u soo socdey Kalfadhigii Baarlamaanka, waxaana Xildhibaankaas lagu magacaabaa Shariif Amiin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Xukuumadda Farmaajo maka badbaadi doontaa shirqoolka la doonayo in lagu maja-xaabiyo xeerka Dhul-badeedka Soomaaliya ee soo jirey 39 sannadood….

Wareegga Labaad ee Difaaca Badda Soomaaliya ee la doonayo in la boobo… SII AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xukuumadii Raiisul Wasaare Farmaajo oo Codka Kalsoonida ka heshey Golaha Baarlamaanka "

  1. wiilwaal says:

    Allaha garabkooda galo kuwa qayr somalida loogu soo dhiibay allaha kadhigo
    waxaana rajenayaa in ay dhaami doomaan kuwii hore