Home » Maqaallo »

Fadlan Iga Gaarsiiya Fariintaan | Al-Hasani

Ass. Alaykum.Waa maqaal fariin ah ee fadlan iga gaarsii cida ay qusayso. Ma ahan maqaal siyaasadeed ee waa maqaal SASABASHO iyo cabasho walaalnimo. Waa maqaal aan kucabirayo  xanuunka iga hayo xaalada murugsan ee wadankeena marayo.

Yaa kuyaboohay xabad joojin 3bilood ah!

Walaalaha kudagaalamaya Somalia guud ahaan, gaar ahaan aaga xamar waa ila fiicnaan lahayd inaay ilaaliyaan xeerarka dagaalka iyo marxaladaha kala duwan ee ay colaadu marto.

Dagaal kasta, ciduu doona ha udhexeeye- xabadu ma’ahan khayaarka 1aad ee la adeegsadaa marka khiyaaradkale oo dhan wax lagu waayo si xaalad markaas taagan wax looga badalo. Wada xaajood, xabad joojin iyo ergooyin dabka ukala qaado dhinacyada is-hayo, waa dhaqan soo jireen ah.

Adinkoo eegaya rajo xumada dadka kamuuqato iyo quusta laga taaganyahay, fadlan 3 bilood oo xabad joojin ah yaa ugu yaboohay Xamar? Xabad joojin hal dhan ah kol ay noqoto, xaalada dadka kusuganyihiin wax badan bay kabadalaysa.

Rajo xumo aan horay loo arag

Qofkasta oo Somali ah wuxuu taaganyahay quus iyo rajo beel aan horay loo arag. Sow quus ma’aha haddii aanay harin qolo Somali ah oo lagu aamino wadanka.

Sow quus ma’ahan haddii qoladii udanbaysay ee qof waliba islahaa ‘haddii wadanka loo dhiibo waa dajin karaan- sow ma’ahan waxa sidaan wax ugalaya’.

Wadaad iyo aqoonyahay. waa labadii udanbaysay ee la’islahaa ayagaa dhaamaya qab-qablayaashii qabiilka adeegsan jirey.

Rajadu waxay sii fogaatay markii lawaayey cid laga danbeeyo oo hadalkeeda laqadariyo. Waxaay ummadu caaqil iyo culimo lahayd, waxaan kuxukunay inay yihiin caado- qaatayaal dano kale u adeegaya.

Sow xaq ma’ahan inaan quusano mar haddii qarankii la iibgaynayo iyo wixii khayraad ahaa oo uu kufadhiyey.

Sow xaq ma’ahan inaan quusano mar haddii aan 20 sano maxkamad suguyaal u ahayn dagaalo aan wax sabab ah loo hayn, oo aan hadana lagu kala xoog roonayn.

Sow xaq ma’ahan inaan quusano mar haddii dagaaladii sokeeya iyo fitantii umada loo bixiyey magacyo cusub oo aan horey loo arag.

Su’aal furan

Qoriga mawaxaad uqaadateen inaad dhibaatada soo afjartaan oo aad soo celisaan qarankii Somaliyeed iyo heybadii umada ay kulaheyd umadaha aduunka?

Taariikhdu waxay nabartay inaan lagukala awood roonaankarin qori caaradiis. Jidkaas oo lasii hayaana waxaan dib ugu noqonaynaa 20kii sano ee lasoo dhaafay, natiijaduna waa ‘eber’ iyo meeshii aan kasoo bilownay.

Iga Gaarsiiya Fariintaan Mucaaradka Somaliyeed

Mucaarad” Waa magaca warbaahinta idingalay ee aniga waxaan idin arkaa inaad dalka xukuntaan oo aad dowlada hada jirta aad badalikartaan haddii aad sidaas isu diyaarisaan.

Maadama aad dalka- konfurta inteeda badan xukuntaan,islamarkaasna idinku adkaatay soo afjarista dagaalka iyo inaad hogaanka guud lawareegtaan.

Maadama aad ka awood roontihiin dowlada oo aad adinku tihiin had iyo jeer ‘qolada‘ weerarka ah sida badan

Maadama aad xakameyn waydeen gantaalada kasoo dhacaya madaxtooyada ee umada dhameeyey, oo waliba aad adinku tihiin marmarsiinyada sida ay sheegato dowlada.

Maadama aysan muuqan wax isbadal ah ama dabacsanaan oo xaga dowlada iyo ciidamada Africanka ah, balse ay codsanayaan ciidomo dheeraad ah; waxaan codsanaya anigoo kuhadlaya magaca hooyooyinka iyo caruurta aan waxba galabsan:

1.Inaad kudhawaaqdaan xabad joojin 3bilood ah. Iyo inaadan wax weerar kuqaadin meelaha ay fadhiyaan ciidamada Africanka iyo kuwa dowlada sheeganaya. Tilaabadan waxay sare uqaadaysa taageerada uu shacabka idin hayo, waxaana loo arkaya inaad idinka kaga raxmad badantihiin.

2.Inaad kafikirtaan qabsashada Xamar military ahaan iyo maslaxada ku jirta arintaas, gaar ahaan haddiiba aadan doonayn inaad kudhuwaaqdaan ‘dowlad’ Somaliyeed.

Talaabadan waxay keeneysa inay dib udhacdo ama lajoojiyo ciidamo kale oo xamar loo soo diro.Awoodna waxaad saartaan meelaha kale ee aad xukuntaan.

Dadkuna waxay kawada faa’idaysanayaan amaanka dhulalka aad gacanta kuhaysaan iyo khidmada xukuumada gaar ahaan wixii kuxiran bulshada aduunka iyo jaaliyadaha Somaliyeed ee dibida jooga!

3.Inaad magacowdaan gudi siyaasadeed oo idin matalo wixii wada hadal ah ee lagalayo mustaqbalka. Tilaabadan waxay muujinaysa inaydan ahayn waxa suuqa lasoo galiyey oo ah ‘Dagaal mooye waxkale mahayaan’.

Walaalyaalow waxaan hadalkan idinku soo jeedinaya waxaan dareemaya inaad karaxmad badan tihiin qab-qablaayashii dagaalka ee Qaranka dumiyey, dhiigmiiratada siyaasiyiinta sheegana ee sunta noogu aasay bad iyo beri,oo iminkana suuqyada aduunka u iibgaynaya Qarankii dhamaa.

Karzai reer Afghanistan baa karaxmad badan qolada Villa Somalia

Shariif iyo ragiisa waxay marayan meel aysan kasoo laabankarin. Diyaarna uma aha inaay kudhexnoolaadan shacabkan ay gantaalada ladhacayaan. Nabad galyo aan ciidamadan Africanka ahayna mahaystaan ee umada adinka unaxariista.

Raga Villa Somalia, xitaa sida Karzai reer Afghanistan ma oronkaran ‘duqeynta ha laga joojiyo shacabka’. Sida muuqatana go’aankooda wuxuu noqday“ima korsi, wa ima geeri iyo dadka oo lagumaado”

Codsi iyo cabsi guud

Waxaa isoo gaaray- waana dhicikarta inaay dacaayad tahay- in ninkii shabaabka talo usoo jeediyo diinta laga saarayo oo lagaalaysiiyo.Waxaan codsanaya inaysan taasi dhicin oo hadalkeyga wixii idinka anfacaya aad kaqaadataan.

Inta aan markale kulmayno waxaan idinleeyahay assalaamu Alaykum. ‘Somali ha israacdo Rabigeedna ha utowbadkeento’

Adam Abuzuhri Al-Hasani
abuzuhri1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.