Home » Warar »

Nin Soomaali ah oo lagu diley xaafada Eastleigh

Talaada: 23 November, 2010. Star FM.  Nairobi, Kenya….

Ninkan Soomaaliga ah ayaa waxaa diley tuugo, iyagoo toorey kala dhacey dhuunto, dhiig bax badan kadib halkii ayuu ku naf waayey.

Dadweynihii ka ag dhawaa halka uu falka ka dhacey ayaa aad ugga naxey, wuxuuna wakhtiga ku beegnaa xili hore oo aroortii ah, kaasoo dadka intiisa badan ay jiifeen.

Ninkan markii la dilayey waxa uu u socdey garoonka diyaaradaha ee magaaladan Nairobi, wuxuuna raacayey gaari yar oo taxi ah oo halkaasi geyn lahaa, waxaana safarka ku wehlisey walaashii.

Halka lagu diley ninkan Soomaaliga ah waa xaafada Eastleigh, gaar ahaan dhismaha weyn ee cusub ee loo yaqaan Al Hayaat una dhaw jidka loo yaqaan Jam Street.

Ninkan dhintey waxaa lagu magacaabaa Cali Faarax Geedi, wuxuuna u amba baxayey dalka Somaliya, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Ma cada sababta ka danbeysay dilka nin, waxaase loo aaneyn karaa fal dhac burcadnimo, oo ay tuugadan ku doonayeen iney ku qaataan waxyaabaha ay wateen dadkan safarka ah.

Tani waxey muujineysaa sida ammaan daridda ay uggu soo badaneyso maalinba maalinta ka danbeysa xaafada Eastleigh, tiiyoo horey qaati looga taagnaa dhismaha jidadka oo aad u xun, qashin fara badan oo meel waliba yaalla oo caafimaadka halis ku ah, koronto xumo iyo biyo la’aan.

Maahan markii uggu horeysay ee falal amni daro ah ay galaaftaan nafta dadka kudhaqan xaafadan.

Dhawaan ayey aheyd markii lagu diley wadada sideedaad ee xaafadan nin Soomaali ah, oo halkaasi dukaan ku lahaa.

Eastleigh waa suuqa uggu weyn Nairobi iyo gabi ahaan dalkan Kenya, dadka ka adeegta waxey isugu jiraan dad kala duwan, oo ka kala yimaada dalalka bariga iyo bartamaha qaarada Africa.

Maamulka xaafada iyo suuqan isku dhex jira ayaa inta badan marka wax laga weeydiiyo waxa ka ka sodca suuqa waxey durbadiiba lasoo boodaan cabasho, taasoo ah in aaney iskaashi addag kala dhaxeynin dhanka dowlada hoose ee magaalada, dhawaanna ganacsatada suuqa waxey joojiyaan bixinta canshuuraha, iyagoo taasi ula jeeda iney cadaadis ku saaraan dowlada in cabashooyin kooda maqlaan.

Qawmiyadda Soomaali-Keenyaanka waxaa tartan addag oo dhanka ganacsiga ah uu kala dhaxeeya qawmiyadaha kale ee kunool dalka gaar ahaan Hindida, kuwaasoo dad badan ay ku eedeeyaan in caqabadaha badan ee suuqa kuhor gudban ay gadaal iyaga kasoo maleegaan.

Soomaali-Keenyaanka waxey Soomaalida kale la wadaagaan dhaqanka waa yadanba Soomaalida loogu daw galey ee ah kala qeyb sanaanta, taasoo si weyn u dhaawacdey midnimadooda iyo waxyaabo badan oo ay si fudud ugga siraad kori lahaayeen.

Xaalka suuqa weyn ee Eastleigh muhiimadda dhaqaale iyo mid ganacsiba leh wuxuu u muuqdaa mid ay soo wajahayaan turan turooyin dhinacyo badan, taasoo haddii aanan la helin maskax si fayaw u wajahda calaamad su’aal saari doonta aayaha suuqan.

Said Hassan Anteno

Nairobi, Kenya.

E-Mail: – saidanteno@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.