Home » Maqaallo »

Muwaadin Puntland u dhashay oo Jawaab ka soo saaray maqaal uu qoray Mubaarak Xoosh

Waxaan akhriyay maqaal uu qoray wiil isku magacaabay Mubaarak Xoosh, si shaksi ahna wax uma qorine  wuxuu sheegtay xisbi aanan garaneyn meel uu ka jiro. Bilowga qoraalkiisa wuxuu ku sheegay in uu la hadlayo ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.  Ummadda aad la hadleyso anigoo kamid ah bal aan kuu soo jawaabo.

Dadka qaar ayay ku adagtahay in ay qariyaan waxa calooshooda ku jira oo xumaan ah, mararka qaarna waxaaba dhacda in uu kala baqo in uu afkiisa kaga hor sheego dadka isaga ka ag-dhow. Wuxuu taa badalkeeda door bidaa in uu shaashad ummad walba akhrisaneyso ku soo bayaansho.  Dabcan  waxaa suurto gal ah in shakhsigaasi uu magiciisa qariyo maadaama uu ogyahay in wax aan wanaagsaneyn soo wado. Waxaan filayaa in Mubaarak-ow aadan magacaaga bedelin. Intaa waa horu-dhac.

Qoraalkeyga wuxuu ahaan doonaa labo qeybood, mid iftiimin ah oo dadka aan doonayo in aan u iftiimiyo in aan qofka aan la hadlayaa aanan iska eedeyn ee wuxuu qoray aan ummadda tusayo, iyo mid talo guud ah oo khuseyn doonta shakhsigan qalinka wax ku daaraya & cidii hadda kadib soo wadda cadawtooyo hor leh oo Puntland loo soo wado.

Waa arrin sax ah in qofku Talo soo jeedin karo , laakiin intaanan talo soo jeedin la gaarin sow ma habboona in la isweydiiyo, Yaa talo soo jeedin kara? Haddaan si kale u dhigo yaa Puntland wax u sheegi kara? & Tan kale oo ah Qaab sidee ah ayaa wax loogu sheegi karaa?

Yaa Puntland wax u sheegi kara?

Qof walba oo Islaam & Ajanabi ahba Puntland wax waa u sheegi karaan laakiin waxaa shardi ah in hadalkaasu yahay mid maslaxad u ah ummada reer Puntland. Sidoo kale qofwalba oo qalbiga soomaali ka ah ayaa Puntland wax u sheegi kara. Markaan leeyahay qalbiga soomaali ka ah cid walba waa garaneysaa waxaan ula jeedo oo dadka qaar ayaa dusha Soomaali la ah.

Qaab side ah ayaa wax loogu sheegi karaa?

Qaababka wax loogu sheegi karo waa badan yihiin  waxaase ugu muhiimsan 2 qeybood. Mid guud oo Islaanimo ah  & mid gaar ahaaneed oo Soomaalinimo ka muuqato. Dadka ayaa kala caddeyn doona qaabka uu shakhsigan Puntland wax ugu sheegay.

Qoraaladiisa waxaa ka mid ahaa “Waxaan u aragnaa haddalada ka soo yeeraya maamulka Puntland kuwo kaaradan maamuuska”.

Sidoo kale wuxuu qoray “Xisbiga hanti-wadaaga islaamka ku dhisan wuxuu ceebaynayaa isagoo si aad ah uga xun qaab dhaqanka kuwa hogaamiya Puntland”

Wuxuu kaloo yiri : “Xisbiga hanti-wadaagga islaamka ku dhisan wuxuu ugu baaqayaa hogaanka Puntland inay ixtiraamaan shacabka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaliyeed, kuna ekaadaan salaaxiyaadkooda iyo xuduudda awoodooda”.

Wuxuu si gooni ah u duray madaxda maamulka Puntland isagoo ku goodiyay in punland aysan ka go’ karin Soomaaliya cajiib!!!! Wax in la isweydiiyo ma xumee ma adoo afka xisbiga hantiwadaaga islaamka ku dhisan ku hadlaya ayaa sidaa ku goodinaya mise awood kale oo kuu qarsoon ayaa jirta oo aad hadhow la soo bixi doonto.

Waxaanse kaloo kuweydiin lahaa ma akhrisaa bogaga soomaalida? Meelna ma ku aragtay shacbi weynaha reer puntland oo gudo & dibed-ba taageeray hadalka xukuumadda Puntland. Mid kaloo shakhsi ah haddaan ku weydiiyo inta aadan dhaaran, maad dadkan Islaamka ah ee Soomaaliyeed u sharaxdo xisbigaaga Hanti-wadaaga Islaamka ku dhisan. 5-ta tiir ee islaamku ku dhisnaa miyaa mid kamid ah kula noqday in hanti-wadaag yahay waa wax cajiib ah.

Haddaan taa intaa uga baxo. Bal aan eegno arrinta Puntland & tan dowladda KMG ah, aan ku hor maro midda dowladda KMG ah.

Tan ah in Mudane Farmaajo uu wasiirada ku soo xulay ra’yi isagu leeyahay waa wax macquul ah haddana Soomaalidu waxay ka warqabtaa weligeedna ku soo caana maaleysay in wasiirada la soo dhisaa xooggoodu dhanka madaxweynaha ama baarlamaanka ka yimaado. Haddiise maamulka Puntland ay eedaasi ka timid, maad iyaga u deyso iyagaa caddeynta la weydiin doonaaye. Mise caadifad ayaa ku qaatay oo adoon waxba hubsan ayaad qalinka ugu boobtay in aan Puntland wax ka sheegto.

Soomaalidana waxaa isaga qasan waxqabadka & Aqoonta. Waana labo shey oo aan isku xirneyn. Waxaad arkeysaa qof aqoon fiican leh laakiin aan labo cad kala goyn Karin & mid aan weligii wax qorin oo sida uu wax u maamulayo haddaad aragto aad isleedahay ma Harvard University ayuu ka soo baxay. Marka kartida waa wax uu Alle baxsho annaguna ma garan karno sida uu qoraagan ku caddeeyay in xukuumaddani wax qabaneyso iyo inkale, laakiin waxaa uga qurxooneyd in uu yiraahdo waqti hala siiyo si loo ogaado kartidooda wax qabasho.

Dhinaca Puntland haddaan u soo noqdo, waxaan cidna iska indho tiri Karin in maamulkaasu yahay maamulka ugu weyn ee Soomaaliya hadda ka jira. Dowladda hadda aad sheegeysaa & kuwii ka horreyayba waxay ku caano maali jireen Puntland ayaa dowladda taageersan. Haddii marka magacooda lagu qaraabanayo maadaama dad jira ay yihiin, maxaa u diidaya in ay NO yiraahdaan wixii sharaftooda wax u dhimaya. Haddaan FAR WAAWEYN wax kuugu qorana Puntland la’aanteed waxba socon mayaan laakiin sida soomaalidu dhaqanka ka dhigatay waa dhici kartaa in dowlad aan jirin la iska sii sheegto sida tii SAL-BALAAR.

Waxyaabaha aadka iiga yaabiyay waxaa ka mid ah Puntland waxay tiri waan ka fiirsaneynaa in aan dowladda la shaqeyno. Puntland lagama hayo lama shaqeyneyno sidoo kale lagama maqal waan ka go’nay. Haddii hadalkaa yar aad xajin kari la’dihiin oo uu aad idiinku cuslaaday, haddii labada kale ee ka daran ee kala ah lama shaqeyneyno ama waan idinka go’nay mid kamid ah ay yiraahdaan  sidee u xamileysaan uguna dulqaadaneysaan??? Waa suu’aal u baahan in ka jawaaabaan kuwa hadalada Puntland iska dhago tiraya oo aad adigu ka mid tahay.

Qofkuna wuxuusan aheyn in uu iska doondoono ama iska dhigo waa wax laga fiican yahay. Puntland mar bay qabasho laheyd oo la xukumi karayay haddiiba la isku dayi lahaa waxayna aheyd 1991-dii. Markaas oo xukunka laga tuuray allaha u raxmadee Maxamed Siyaad Barre waqtigaana lagama faa’ideysan. Hadda oo ay meel walba ka hor martay hadal yar oo caanateyn ah waxba ka qaadi mayo, waxaan walaaloow aheyn rag wax kuma leh.

Sida keliya ee Puntland loola hadli karaa waa iyadoo rabitaankooda la yeelo. Xukuumadda cusubna anaaba aaminsan in faraha laga qaado oo la taageero, laakiin hadalada qaar ee aan waxba soo kordhineyn waxay ila tahay waa waxay Soomaali eeday oo halkaa na dhigay armay habboon tahay in la iska daayo wax aad hadhow ka qoomameyn doonto.

Waxaan weligey umadda Puntland ku abtirsada ka maqli jiray kelmedda ah “isir-naceyb” inkastoo ummaddaasi isku dayday marar badan in ay iska ilowdo arrimaha noocan ah haddana waxaad moodaa dadkan isir-nacayb-ka ku takhasusay  aysan qarsan karin arrintaas.

Waxaan hadalkeyga ku soo gabagabeynayaa haddaad xaalka sidaa u dhigtaan, Puntland u joojin meyso horey ayay uga sii soconeysaa ee adiga maxaa kuu dan ah marna ma isweydiisay?.

Farah Warsame

Melbourne, Australia

bile1971@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Muwaadin Puntland u dhashay oo Jawaab ka soo saaray maqaal uu qoray Mubaarak Xoosh "

  1. ismail says:

    weli ma qabiil ban tagan nahay waxan u maleynaya 20 sano ka dib weli hdan herkan taganahay waxa keliya an u bahan nhay wa qabiil e qaran h inagama maqna waxa ila hboon aniga in dhulka quruxda baadan e ilah qurxiyey dadka cawaanta ku manestay in lagala warego weyna ku socota wana ku rajo weynahay ila iyo 100 sano soo socoto ugu badnan

  2. Qooqaani says:

    ASC,

    Farah Warsame, sxb waad ku mahadsantahay sida sharafta iyo cisiga mudan oo wiliba hufnaantu ku jirto ee aad uga jawaabtay maqaalkii Dalabta lahaa ee uu soo qoray ninka aan waxba iskula harin.

  3. Togane says:

    War ninyahoow wax iskulahar.

    Ninka aad wax ka sheegeyso 100% adigaa ka daray oo dibi dhalay.
    Caadifat raqiis ah yeysan ku qaadin.

  4. Xisbigaan (Xisbiga Hantiwadaaga Islamka Kusaleysan) waa xisbi ay malaha kumidoobeen taagerayaashii dowldadii 21ka October; ma aha xisbi diiwan gashan laakin waxay leeyihiin oo ilaa hada nasoogaarey koox u heesta. Heesahooda waxa kamid ah heesta miraheeda an umaleynayo sidan.

    DAWACO AMA DACAWO
    DIGAAG DOORO
    DAGAALKII DHEXMARAY

  5. gaashaanle says:

    Xayaaaaaaaaaaaaakalaaaaaaaaaah farah ow usmaaaaaaaaaan , waad no bidhaamisay sida ay wax u jiraaaaaaan , waan kaaga mahadcelinayna ..