Home » Warar »

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo sheegay in Boqolka Maalmood ee ugu horeeya ay Xooga saari Doonaan Ammaan

Bishii Oktoobar ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed Waxaa uu Raiisul Wasaare u Magacaabey Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ka dib markii uu iscasiley Raiisul Wasaarhii Hore ee DFKMG Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxayna Iscasilaadiisa ku timid ka gadaal markii ay iska horyimaadeen Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh. Farmaajo ayaa maanta mar uu la hadlayey Golaha Baarlamaanka waxaa uu sheegey in Xukuumada ay xoogga saari doonto 100-ka maalmood ee ugu horeeya dhinaca Ammaanka, sidaas waxa uu u sheegay xubnaha baarlamaanka oo shir ku yeeshay Muqdisho.

Raiisul Wasaaraha DFKMG soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa yiri” Waxaa qaabeyn doonaa Ciidamada Qalabka sida qaybahooda kala duwan waxaana bilaabi doonaa Tirakoobka rasmi ah, Askarigi dhaawacma waa Daryeeli doonaa , kii dhintana waxaan u sameyn doonaa Aas Qaran , reerkiisa waan ka warqabi doonaa wuxuu sii raaciyey Raiisul Wasaare Farmaajo” Caasimada Muqdisho waxaan u qaybin doonaa Sideed Qaybood oo qaybtiiba leh 500 oo Askari kuwaas oo uu sheegey in ay qalabeyn doonaan.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo marka qaar ay u dhacayeen Sacab ayaa sheegey in Dowlada ay bilaabi doonto Dib u heshiisiin Balaaran isagoo xusey in ay wadahadal la furi doonaan kooxaha ka soo horjeeda Dowlada Federaalka.

Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo wuxuu sheegey in wixii haatan ka dambeya aysan dhiici doonin in uu Wasiir aan shaqo loo dirsan uu iska Safro isagoo sheegey in Wasiirada dhamaantood lala Xisaabtami doono wuxuu kaloo uu sheegey in Xukuumadiisa ay la imaan doonto Waxqabad dhab ah oo uu sheegey in ay ku farxi doonaan Shacabka Soomaaliyeed oo muddo Dheer ku jirey Ammaandarro iyo maamul Xumo.

Maalinta Isniinta ayaa la filayaa in Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo uu Codka Kalsoonida weydiisto Golaha Baarlamaanka, waxaana isa soo taraya in qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay si aad ah ug soo horjedaan Qaabkii loo dhisy Xukuumadda islamarkaana aan lagu saleyn waxa la yiraahdo 4.5.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Magacaabistii Farmaajo iyo khilaafka xukuumadda:

Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif Axmed ayaa October 14, 2010 waxa uu ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay Maxamed C. Maxamed Farmaajo si uu u bedelo Cumar C/rashiid Sharmaarke oo Is-casilay September 21, 2010 kaddib markii khilaaf xooggan soo kala dhex galay Shariif iyo Sharmaarke.

Oct 20, 2010 ayaa Sheikh Shariif baarlamaanka horkeenay Maxamed Farmaajo markii ugu horeysey, una weydiiyey in ay siiyaan codka kalsoonida, maalintaas oo kulanka baarlamaanku waxa ku dhammaaday buuq kaddib markii la isku qaabtay in codbixintu noqoto Fartaag ama qarsoodi.

Oct 24, 2010 waxaa laba wareegto oo iska soo horjeeda soo kala saaray Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan, waxaana Madaxweynaah DFKMG oo guddoomiyaha ku eedeeyey in uu hor istaagey magacaabista Ra’iisul wasaaraha, halka guddoomiyaha baarlamaanku uu sheegay in madaxweynahu shaqadiisa garto.

Oct 26, 2010 waxaa wareegtooyin soo kala hor jeeda soo saaray Maxkamadda Sare ee DFKMG iyo xildhibaa

no katirsan Baarlamaanka.

Oct 27, 2010 waxaa Muqdisho tegey Mahiga, Ergeyga Gaarka ee QM, isagoo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kulan wadajir ah kula yeeshay Madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka DFKMG, kulan albaabadu u xirnayeen.

Axad, Oct 31, 2010 ayaa baarlamaanku markale kulmay, waxayna cod Gaacan taag ah ku ansixiyeen ra’iisul wasaaraha DFKMG. Waxaana markaas wareegto ( ku qoran Afka Ingriiska )soo saaray Mahiga uu ugu hambalyaynayo Maxamed Farmaajo, baarlamaanka ku ammaanay. Kulankii anisisinta  waxaa ka soo qayb galeen Xildhibaano gaaraya 391 Xildhibaan – waxaana ogolaatey 297 waxaa diidey 92 Xildhibaan waxaa ka aamusey 2 xildhibaan.

November 2, 2010 ayaa munaasabad lagu qabtay Villa Somalia waxaa lagu dhaariyey Ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed farmaajo.

November 10, 2010 ayaa ciidamada AMISOM waxay kala cayriyeen xildhibaano shir lahaa, kuwaas oo d

oonayey in ay baarlamaanka keenaan Mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan. Xildhibaanadaas waxaa loo diidey in ay shiraan. Waxaana jira xildhibaana kale oo soo dhaweeyey ficilka ay ku dhaqaaqeen AMISON ee kala cayrinta xildhibaanada kale.

November 12, 2010 ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu soo magacaabay golahiisa wasiirada oo ka kooban 18 wasiir.

November 13, 2010 ayaa xildhibaano ku shireen Muqdisho waxay dhaliileen qaabka loo soo xulay golaha wasiirada, kuwaas oo lagu sheegay in la hareer maray qaabkii ay ku dhisnayd DFKMG, waxayna ku hanjabeen in ay ka fiirsanayaan ka sii mid ahaanshada Dawladda KMG. Waxaana jira xildhibaan oo kale oo kuwaas ka soo horjeeda oo sheegay in fursad la siiyo 18-ka wasiir ee cusub.

November 18, 2010 ayaa farmaajo waxa uu golahiisa wasiirada ku soo kordhiyey 9 wasiiro dawlo, waxana sidoo kale uu magacaabay 18 wasiir ku xigeen. Waxaa arrintaas garab socdey xildhibaano gaarayey 240 xildhibaan oo Nov 18 kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in  ra’iisul wasaaraha DFKMG uu ku xadgudbey nidaamkii 4.5 ayna xukuumadda ku sugayaan baarlamaanka marka ay kalsooni soo weydiisato.

November 19, 2010 waxaa is casiley Wasiir ku xigeen ee Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga , Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) isagoo sheegay in DFKMG ay hareer martay nidaamkii u dhignaa.

November 20, 2010 Ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa 316 xildhibaanada oo ku shirayey Muqdisho waxa uu u sheegay waxa ay qaban doonto xukuumaddiisu, gaar ahaana in Boqolka Maalmood ee ugu horeeya ay Xooga saari Doonaan Ammaan.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo sheegay in Boqolka Maalmood ee ugu horeeya ay Xooga saari Doonaan Ammaan "

  1. Cumar says:

    ASC,
    Amiin naga guddoon mahad gaar ah xulashadaada arrimaha ugu xasaasisan ee waaqaca jira. sidoo kale bahda shabakadda ee sida runta u matasha waddanka (somalitalk.com). Mar kale ayaan ku celin wali kuwa noo dhimirya oo noo tura Alle hanoo sahlo. Waayo horroro qowleysto ah ayaan wali u afduuban nahay inta wali dhiig daata la holinayo Agendaha 1aad iyo ka 2aad ee Formaajo h xoog wax ku xalin baa ku la weyn, horaa loo oran jiray wadahadal ayaan fureynaa oo qorshe cadiyo daacadnimaba intaba ka maran qofku muttacallim maaddi ha ahaada ama mid ruuxi ha ahaado ama yaannu ahaanin. *DAGAAL WAAN KA DAALNAY DANNA NOOMA AHAN*. Dalka iyo dadka balanbalay oo ay isugu tageen mucaarad hubeysan oo jihaadda marinhaabinaya iyo dawlad ku sheeg quwado tooda xalin kari waayey magansanaaya sida ta Uganda in ka badan 25 sano ayuu dalkaasi mucaard hubeysan kan dagaalamayaa waa dawladda ay Sudan ka saldhigi weyday. Brundi gaajada jirtaa dakhliga maalinle ee qof ahaaneed 1US dolar ayuu ka hooseeya. (ujeddooyin u gaar ah ayeey u soo shaqo tageen). Mucaaradda diinta ku gabbannaaya cid ay diinta ka badiyaan ma jirtee, sabatabixin waxay ku jirtaa in lala tacaalo, tiiyoo beel caalam iyo kuwa deriska nala ah looguba tuugsi tegin nabad ku soo dabbaalidda dalkeenna, qorshaha 1aad iyo ka labaad uu noqdo raadinta nabad aan dhiiga ku daadan oo daacad laga yahay, balse barnaamijka wali luqaddii hore ayunbay Formaajo iyo ina Oomaar isku abbaar ayaa ilaa hadda laga hayaa isla qorshaas weeyaan ka loo bandhigay barlamaanka waa haddiiba la ansixiyee
    Isku soo koob sow xasuuqa dadkeenna iyo sida ay ugu le’deen daafaha caalamka kama qeymo badna bisaddii dalka Ingriiska naagtii qashin qubka ku tuurtay ee lagu xukumay ganaax 1500 Bound waliba mukulaashaasi ma bakhtiyin. Dhibteeda idaacadaha caalamka iyo hey’adaha xuquuqda xoolaha ayaa muddo bil ka badan dooddeeda u socotay.

  2. waamo says:

    WALLEE CADKANOOW KUCUNAY AMA KUCIIDEE

    Qof kastaa maanta wuu arkayaa meesha ay wax marayaan
    QABIIL hebel intaan maqaadan jirin
    Aniga QABIILKEYDA kuma Qanacsana jagadaan
    Aniga wasiiro dhinacayga kasocda iigu dar
    Waxaa labadalay sidii ay Somalida wax kuqaybsani jirtay
    war horta madowladbaa larabaa ?
    mise QASHINKII SODARE lagasoo bilaabay OLDRET,JABUTI ayaa larabaa in wali lasii wado?
    Kuwan Baarlamaan kusheega ah meeshii lagusoo dhisay mataqaaniin?
    Waligiin ma maqasheen EMBEKAZI ?Nairobi
    Waxay aheed XERO iyaga iyo DOOFAARKA ayaa isku meel wada degenaa Qaar kamida ayaa kadacwooday
    CAASHA A CABDALLA may hilmaantay sidii iyada iyo BUUBAA loogu galay NAIROBI oo ihaanada aheed

  3. Axmed says:

    BOQOL MAALIN ISKA DHAAFEE BOQOL SANNO HADDII LA SIIYO WAXBA MA QABAN KARO,WAA DOWLAD KU SHEEG KU DHEX DHUUMAN DOONA TANKIGA AMISOM,,WAXAYNA AMINSAN YIHIIN BEESHA CAALAMKA INAY WAX U QABAN DOONTO,AYAGOO ILAAWAY ALLAHII CAALMKA,,MARKII AFKA AY KALA QAADAAN WAXAY LEEYIHIIN BEESHA CAALAMKA NA SOO GAARA,,MEESHA WAXAY U JOOGAAN KUWAAN DOWLADA SHEEGTA XASUUQA SHACABKA SOOMAALIYEED.

  4. Osman says:

    Marki aan arkey 18 wasiir waa farxay marra waaxid oo aan is iri waamarki ugu horreysey oo awood loo yeeshay iun laiska dhigo meel hebel iyo reer hebel qanci oo danti dalka loo istaagay.
    laakiin haddibawasiirradi la yareeyey maxaytahayintaan oo wasiir ku xigeen iyo wasiiru dawlo.
    macnaheedu maculayski iyo cagajuglaynti ayyalahaynwaayay oo bal loo yeelaysidaan?
    Waxaankula talinayaa masuuliyiintradawladda ugu sarreysa inay meel iska dhigaandhaqanka gaboobay ee qofki soo qayliyaba laaamusinaayo haddi sidaas la dhaho waxaad mareysaan kuwi hore meeshi ay mareen.
    go’aanka adag qofkla leh marka hore dadku waa kawada hor imaanayaan laakiin markuu arrintiisa ku guulaysto waa la wada jeclaadaa.
    goaan qaata labac labacna iska ilaaliya.warqadda istiqaalada iyo goaankaada ayaa lais barbar dhigaa haddi qoshe sax ah oo caddalad ah aad sameyso oo lagugu diido waad mahadsantihiin ayaa la dhahaa adigoo cisi iyo sharaf huwan ayaan salaan loo saraa diyaardadna laga raacaa maryoolayda.
    Hadii aad meesha la timaadeen qorshe sax ah oo billow iyo dhaamd lena yaan la idinka mashquuline u fuliya sida uu yahay haddi la idnku diidana raga nimo meesha uga taga. haddiise aad sidi dadki hore shaqo soo raadsateen iyo jagana ee iska jooga maalmo oo hadnba meel hala idiin jiito.

  5. Magan says:

    Horta waxay noqon doonto berito mustaqbalka somaliya illaahay baa garanaaya . laakiin waxaa wanaag sanaan lahayd in ragaan cusub jaaniskooda la siiyo oo aan la dag dagin.Run ahaantii ciidamada somaliya iyo saraakiishoodaba aad iyo aad ayay u dayacan yihiin. wadana waxa uu ku taagnaan karo waa quwadiisa militeri. markaa waa muhiim in moralka militeriga la dhiso. sida la wada og yahay Ethiopia iyo wixii u adeegaba marnaba raali kama aha in somaliya ay yeelato quwad ciidan. waxaan u malaynayaa cidna inaanay shaki uga jirin in ethiopia ay ahayd wixii saraakiisha layn jiray intii ay somaliya haysatay.