Home » Warar »

Farmaajo oo Golahiisa Wasiirada ku kordhiyey 9 Wasiir Dawlo…

iyo 18 Wasiir ku xigeen oo la magacaabay….

Ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi farmaajo ayaa Khamiistii (Nov 18, 2010) shaaca ka qaaday in golahiisa wasiirada uu ku kordhiyey 9 wasiiru-dawlo, taas oo tirada golaha wasiirada ee xukuumadda DFKMG ka dhigeysa 18 wasiir iyo 9 wasiiro dawle. Waxa kale oo uu magacaabay 18 wasiir ku xigeen.

Magacyada wasiiru dawlayaasha iyo wasiir ku xigeenada hoos ka akhri”

Magacyada wasiiru-dawlayaasha cusub ee Xukuumadda FKMG

  1. Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar – Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Xafiiska Raisulwasaaraha.
  2. Mudane Cabdulqaadir Macallin Nuur Maxamed – Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Madaxtooyada.
  3. Mudane Maxamed Cali Xaamud – Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda
  4. Mudane Maxamed Xasan Aadan – Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Wasaaradda Maaliyadda & Lacagta.
  5. Mudane Maxmed Cabdi Abtidoon – Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.
  6. Mudane Axmed Cali Yaqle – waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
  7. Mudane Maxamed Cali Xagaa – Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Wasaaradda Kalluumeysiga, Bey’adda & Kheyraadka Badda.
  8. Mudane Cabdirashid Xaaji Deerow – Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Wasaaradda Dekadaha, Gaadiidka badda, circa & Dhulka.
  9. Mudane Dr. Maxamuud Shiikh Xasan Akhi – Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Magacyada wasiir Ku-Xigeennada cusub Xukuumadda FKMG

  1. Mudane Xaji Cali Sheikh Maxamed Nuur – Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta, iyo Awqaafta
  2. Mudane Cumar Shiikh Cali Idris – Wasaaradda Arrimaha Dibadda
  3. Mudane Ibrahim Isaaq Yarow – Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka
  4. Mudane Mukhtaar Shiikh Shuute Shiikh Cali Maye – Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta
  5. Mudane Daauud Cabdikariim Xaaji Cumar – Wasaaradda Gaashaandhiga
  6. Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen  -Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga
  7. Mudane Maxamed Cabdulle Faarax (Geeseey) – Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, iyo Isgaarsiintan
  8. Mudane Maxamed Cali Shire – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
  9. Mudane Cabdirashid Maxamed Xidig – Wasaaradda Arrimaha Bulshada, Shaqada, Homumarinta Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Isboortiga
  10. Mudane Cabdi Cali Maxamud (Riyaraac) – Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-Udhiska
  11. Mudane Xasan Yacquub Geescade – Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha
  12. Mudane Cabdullahi Abokor Jaamac (Gardowe) – Wasaaradda Kaluumaysiga, Bayada, iyo Khayraadka Badda
  13. Mudane Cabdulqaadir Haji Maxamed Suldan Lugadheere – Wasaaradda Dakadaha, Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka
  14. Mudane Siciid Maxamed Jimcaale – Wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta
  15. Mudane Cabdiraxmaan Yusuf Faarax (Dujana) – Wasaaradda Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka.
  16. Mudane Faisal Cumar Guuleed – Wasaaradda Waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta Sare
  17. Marwo Faduma Xasan Cali – Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
  18. Mudane Cisman Libaax Ibraahim – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada

Baarlamaanka DFKMG ayaa  u ballansan November 22 in ay u codeeyaan golaha cusub ee wasiirada ee DFKMG.

November 12, 2010 ayey ahayd markii la magacaabay 18 wasiir ee DFKMG ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:

  • 1- Mudane Cadullaahi Ebyan Nuur Waxaa loo magacaabay Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta
  • 2- Mudane Maxamedc Cabdullaahi Oomaar Waxaa loo magacaabay Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen /Wasiirka Arrimaha Dibadda
  • 3- Mudane Cabdulxakiim Maxamuud Xaaji Fiqi Waxaa loo magacaabay Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeen-/Wasiirka Gaashaandhigga
  • 4- Mudane Cabdiwali Maxamed Cali waxaa lo magacaabay Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeen/- Wasiirka Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga
  • 5- Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax Waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.
  • 6- Mudane Xuseen Cabdi Xalane Waxaa loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda & Lacagta.
  • 7- Marwo Maryama Qaasim Axmed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Haweenka, Arrimaha Qoyska,
  • 8- Mudane Yuusuf Macallin Amiin(Baadiyow) waxaa loo magacaabay Wasiirka Beeraha & Xannaanada Xoolaha
  • 9- Mudane Dr. Aaden Xaaji Ibraahim Da’uud Waxaa loo magacaabay Wasiirka Caafimaadka & Daryeelka Bulshada
  • 10-Mudane Cabdulkariim Xasan Jaamac Waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta
  • 11-Mudane Cabdinuur Macallin Maxamuud Waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Bulshada, Shaqada & Horumarinta Shaqaalaha, Dhallinyarada & Isboortiga
  • 12-Mudane Dr. Maxamed Macallin Xasan Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Kalluumeysiga, Bey’adda & Kheyraadka Badda
  • 13-Mudane Axmed Cabdiraxmaan Abaade Waxaa loo magacaabay Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka badda, circa & Dhulka
  • 14-Mudane Maxamuud Maxamed Boonow Waxaa loo magacaabay Wasiirka Dastuurka, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta
  • 15-Mudane Cabdirashiid Khaliif Xaashi Waxaa loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud & Dib-u-dhiska
  • 16-Mudane Cabdirisaaq Sheekh Muxyadiin Waxaa loo magacaabay Wasiirka Macdanta, Biyaha, Tamarta & Shidaalka
  • 17-Mudane Cabdinuur Sheekh Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaaha & Tacliinta Sare.
  • 18-Mudane Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim Waxaa loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha.

Magacaabistii Farmaajo iyo khilaafka xukuumadda:

Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif Axmed ayaa October 14, 2010 waxa uu ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay Maxamed C. Maxamed Farmaajo si uu u bedelo Cumar C/rashiid Sharmaarke oo Is-casilay September 21, 2010 kaddib markii khilaaf xooggan soo kala dhex galay Shariif iyo Sharmaarke.

Oct 20, 2010 ayaa Sheikh Shariif baarlamaanka horkeenay Maxamed Farmaajo markii ugu horeysey, una weydiiyey in ay siiyaan codka kalsoonida, maalintaas oo kulanka baarlamaanku waxa ku dhammaaday buuq kaddib markii la isku qaabtay in codbixintu noqoto Fartaag ama qarsoodi.

Oct 24, 2010 waxaa laba wareegto oo iska soo horjeeda soo kala saaray Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan, waxaana Madaxweynaah DFKMG oo guddoomiyaha ku eedeeyey in uu hor istaagey magacaabista Ra’iisul wasaaraha, halka guddoomiyaha baarlamaanku uu sheegay in madaxweynahu shaqadiisa garto.

Oct 26, 2010 waxaa wareegtooyin soo kala hor jeeda soo saaray Maxkamadda Sare ee DFKMG iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka.

Oct 27, 2010 waxaa Muqdisho tegey Mahiga, Ergeyga Gaarka ee QM, isagoo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kulan wadajir ah kula yeeshay Madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka DFKMG, kulan albaabadu u xirnayeen.

Axad, Oct 31, 201o ayaa baarlamaanku markale kulmay, waxayna cod Gaacan taag ah ku ansixiyeen ra’iisul wasaaraha DFKMG. Waxaana markaas wareegto ( ku qoran Afka Ingriiska )soo saaray Mahiga uu ugu hambalyaynayo Maxamed Farmaajo, baarlamaanka ku ammaanay. Kulankii anisisinta  waxaa ka soo qayb galeen Xildhibaano gaaraya 391 Xildhibaan – waxaana ogolaatey 297 waxaa diidey 92 Xildhibaan waxaa ka aamusey 2 xildhibaan.

November 2, 2010 ayaa munaasabad lagu qabtay Villa Somalia waxaa lagu dhaariyey Ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed farmaajo.

November 10, 2010 ayaa ciidamada AMISON waxay kala cayriyeen xildhibaano shir lahaa, kuwaas oo doonayey in ay baarlamaanka keenaan Mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan. Xildhibaanadaas waxaa loo diidey in ay shiraan. Waxaana jira xildhibaana kale oo soo dhaweeyey ficilka ay ku dhaqaaqeen AMISON ee kala cayrinta xildhibaanada kale.

November 12, 2010 ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu soo magacaabay golahiisa wasiirada oo ka kooban 18 wasiir.

November 13, 2010 ayaa xildhibaano ku shireen Muqdisho waxay dhaliileen qaabka loo soo xulay golaha wasiirada, kuwaas oo lagu sheegay in la hareer maray qaabkii ay ku dhisnayd DFKMG, waxayna ku hanjabeen in ay ka fiirsanayaan ka sii mid ahaanshada Dawladda KMG. Waxaana jira xildhibaano kale oo kuwaas ka soo horjeeda oo sheegay in fursad la siiyo 18-ka wasiir ee cusub.

November 18, 2010 ayaa farmaajo waxa uu golahiisa wasiirada ku soo kordhiyey 9 wasiiro dawlo, waxana sidoo kale uu magacaabay 18 wasiir ku xigeen.

Liiska Magacyada Golaha Wasiirada ee uu Magcaabay Farmaajo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.