Home » Warar »

Ciidamada AMISOM oo xasuuqii ugu Darnaa ka gaystay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

Ciidamada Amisom oo muddooyinkaan Caado ka dhigtey in ay Madaafiic la dhacaan dadka rayidka ah ayaa maanta (Arbaca Nov 17, 2010) waxaa Madaafiic aan loo meel deyin waxay Ciidamada Amisom la dhaceen goobo ay ku sugnaayeen dad Rayid ah waxaana la xaqiijiyey in dad gaaraya ilaa 15 qofood ay ku geeriyooden Duqeyntaas waxaa kaloo ku dhaawacmey 50 qofood

Goobaha la duqeyey waxaa ka mid ahaa Suuqa Bakaaraha gaar ahan Suuqa Khudaarta, Bacadlaha , Dahablaha , Daawada iyo deegano ka tirsan Degmada Yaaqshiid waxaana la arkayey Gawaarida Gurmadka deg dega ah oo daabulaya dadkaas oo waxyeelo daran ka soo gaartey , sidoo kale duqeyntaas waxay hakiyeen isu socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee tagayey suuqa Bakaaraha oo waayadan dambe noqdey meel ay Bartilmaameedsadaan Ciidamada Amisom.

Duqeyntii maanta ayaa ahayd tii ugu darneyd ee ay geystaan Ciidamada Amisom waxayna ku soo beegantey xilli shacabka ay ku jiraan maalinkii labaad ee Farxadda Ciidul Adxaa waxaana qaybaha warbaahinta soo gaaraya Cambaareyn ay jeedinayaan qaar ka mid aqoonyahanada soomaaliyeed , Waxgaradka , hayadaha u dooda Xaquuqda Aadanaha , iyo duqeyda waxayna sheegeen in ciidamada amisom ay xasuuq ba’an ku hayaan shacabka aan waxba galabsan lama garan karo sababaha ay ciidamada amisom u beegsadaan Goobaha dadka rayidka ah degan yihiin

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa marka wax laga weydiiyo arrimaha la xiriira duqeynta goobaha dadka rayidka ah, waxa uuna shegaa in ciidamada AMISOM aysan wax madaafiic ah la dhicin dadka rayidka ah, iyadoo la og yahay in dadka dhegahooda habeen iyo maalinba maqlaan Madaafiicda BM-ka ee dul maraya xaafadaha korkooda taas oo argagax ku abuurtay, waxaana dhawaan Haweenay uur leh oo uu kor maray qoriga BM-ka kadibna naxdintii ay ka qaaday darteed dhulka ku dhacday halkaasna ku gaariyootay haweyneydii oo lahayd Uuur 9 bilood ah.

Ciidamada AMISOM ayaa maanta waxaa lala beegsaday qaraxyo noocaha miinooyinka dhulka laga hego ah, waxayna mid ka dhacday agagaarka Kulliyaddii Jaale Siyaad, waxaana la sheegay in ay khasaarto ka soo gaartay ciidamada AMISOM iyana waxay rasaas ay fureen ku geeriyooday todobo ruux oo rayid ah oo saarnaa gawaarida dadweynaha, sidoo kale miino kale oo loo dhigay inta u dhexeysa Xoosh iyo Isogyska Ex-Control ayaa waxaa ka soo gaaray Ciidamada AMISOM khasaaro, waxaana qaraxyadaani sheegay Xarakada SHabaabul Mujaahidiinta.

Guddoomiyaha Walaaliyadda G obalka Banaadir ee Xarakada Alshabaab ayaa waxa uu sheegay in xasuuqa ay gaysanayaan ciidamada AMISOM waqti aan sidaasi u fogeyn ay kaga aargudan doonaan dadka degan Magaalooyinka Newyork iyo Moscow maadaama ay yihin kuwo taakuleeya isla markaana gacan siiya ciidamada AMISOM. Dhawaan ayay ahayd markii qarax ka dhacay Magaalada Kampala ay ku geeriyoodeen dad g aaraya todobaatan qofood, waxaana sheegtay qaraxaasi Xarakada Shabaabul Mujaahidiin

WD: Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Ciidamada AMISOM oo xasuuqii ugu Darnaa ka gaystay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho "

  1. Maxamad yare says:

    Asc kolley ma aqan amisom cadowtinimada ay shacabkena kuhayso iyo aargudashada lakin waxan layaabanahay ninka sharif ladhaho inuu dabaal yahay inuu jaahil yahay iyo inu diinti kabaxay uu nagu laynayo muslinimo isna masixi yahay lakin culays walba fudayd aya kadanbeya

  2. Shalay waxay ahayd xasuuq xabada ay shacabka ku tuurayso AMISOM .
    Maanta madfaca AMISOM waxa xabad saaxiib soo tuuray .
    Marabo in aan magacyo sheego dadkii dibadaha ka qaylin jiray maanta xamar ayey joogaan waxayna ka yhiin raali iyo nus xasuuqa AMISOM .
    Somaliyeyn bal ka soo taliye arintaas maxay idin la tahay .

  3. wiilwaamo says:

    WAXAA LAJOGA XILLIGII REER MUQDISHO AY TASHAN LAHAAYEEN
    Shacabka Reer Muqdisho Hoobiyaalkaan way kusocdeen laga bilaabo 1991 illa maanta wayna kusocon
    haddii aan labaddalin Qaabka ay somalida ufakarayaan Ee Nin jecleesiga ah
    ayadoo la hilmaamay Dantii guud ee kladhaxaysay somaliya iyo meesha uu xalka kujiro
    waxaa wax lala yaabo ah ayadoo shacabka somaliyeed sidaa hoobiye ugu socdo habeen iyo malin in kuwa somali sheeganaaya ay xilligaan Kuraas iyo wasiiro u oynayaan habeen iyo malin
    waa nasiib darro waxaa lajoogaa Xillligii Qaasatan Reer Muqdisho ay katashan lahaayeen Kuwa noocaas ufakaraya oy ogaadaan in aysan maslaxo uwadin wanaagna larabin
    ayna taageeraan cid kasto oo Hoobiyahaas kajoojin karo

  4. Gaaboow says:

    waxaan la yaabanahay waxaas oo dhan ay suubiyeen ciidamada Uganda waa iyo Madaxweeyne Sh. Shariif waa lagu amaanay wax shacab ah oo ka soo horjeedo ma maqal waana madaxweeynihii ugu fiicnaa oo soomaray Somalia. Saas ayaan qabnaa hadaan nahay reer Banaadir.