Home » Warar »

Shirkadii Global Money Transfer oo Suuqa Dib ugu soo Noqoneysa

Shirkadda Xawaaladda Global Money Transfer oo mudo ka maqneyd suuqyada Xawaaladaha ayaa milkiilayaashii shirkaddaasi waxay haatan qorsheynayaan in goor dhow dib boorka looga jafo shirkaddaasi oo ay sheegeen in ay adeeg badan u haysay ummadda Soomaaliyeed.

Shirkaddaan oo looga bartay adeeg hufan oo ay si aad ah ula dhaceen bulshada Soomaaliyeed ayaa sababaha dib loogu soo celinayo suuqa ay tahay kadib markii codsiyo badan ay uga yimaadeen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa kuwaas oo doonaya in dib loogu soo celiyo adeegyadii ay bulshada u haysay Shirkaddaasi, waxaa kale oo la sheegay in ay ka dambeyso dib u soo celinta shirkadda Global Money Transfer markii la arkay baahida weyn ee ay ummadda Soomaaliyeed u qabaan shirkad noocaas oo kale ah madaama ay ahayd Shirkad hawlaheeda si weyn uga dhex muuqatay Shirkadaha kale ee xawaaladaha ee ka jira dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Dib u furista shirkadda Global Money Transfer ayaa sidoo kale waxay ka dhalatay kadib markii qaylo dhaan badan ay ka timid Macaamiishii isticmaali jirtay shirkaddaasi, waxayna go’aansadeen qodobaddaan.

1)     In shirkadda dib suuqa loogu soo celiyo.

2)     Wakiiladdii shirkadda ee Dalka iyo Dibadda  hawlgeliyo

3)     In Maamul tayo fiican oo gudan kara hawshiisa laga sameeyo dalka iyo dibadaba loona soo dhaweeyo ciddii ka qaybqaadan karta si furan.

4)     In dhamaan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed loo furo Saami ciddii ka qayb qaadan karta.

Global Money Transfer kuma ekeen oo keliya ka shaqeynta isdhaafinta lacagta dalka iyo dibadaba ee sidoo kale waxay lahayd hay’ad samafal oo gacan siisa dadka barakacayaasha ah, kuwooda waxyeeladu ka soo gaarto dagaalada ee ku jira isbitaalkada, sidoo kale waxay shirkaddu ka qayb-qaadan jirtay kor u qaadida Isboortiska Soomaaliyeed.

Shirkadda Global Money Transfer waxay kaloo ka qaybqaadan jirtay in ay shaqo u abuurto dadka Soomaaliyeed si ay uga baxaan duruufaha shaqo la’aan ee ay markaas ku jiraan, iyadoo intii ay jirtay ay shaqooyin fara badan u abuurtay dhallinyaro fara badan oo Soomaaliyeed, sanadkii 2006-dii waxay Shirkadda Global Money Transfer qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho gaarsiisay Lacago ay ku taakuleyneyso dadkaasi dhaawaca ah, waxay kaloo isbitaalada ay gaarsiin jirtay shidaal ay ugu talagashay in lagu shido matoorada ay isbitaaladaasi isticmaalaan, sidoo kale waxay isbitaalada gaarsiisay joodariyaal ay ugu talagashay in lagu seexiyo dadka dhaawaca ah.

Markii dadku ka barakaceen Magaalada Muqdisho ayaa shirakdda Global Money Transfer waxay dad barakacayaal ah oo deganaa duleedka Muqdisho ay gaarsiisay Raashin, Bustayaal, Bacaha roobka iyo qoraxda laga galo iyo waxyaabo kale waxayna arrintaasi shirkaddu ku muteysatay in ay kalsooni badan ka hesho dadweynaha Soomaaliyeed maadaama uu hadafkeedu ahaa in gacan la siiyo dadka dhibaateysan.

Haddaba soo noqoshada ay dib ugu soo noqneyso suuqyada dalka iyo dibadaba Shirkadda Xawaaladda Global Money Transfer ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey bulshada Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in waqtigaan loo baahan yahay in shirkaddu ay dib u soo laabato maadaama ay adeegyo badan u qaban jirtay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaana la filayaa in dhawaan loo sameeyo Xaflad aad u balaaran oo  ku aadan ku soo laabashada Suuqyada Xawaaladaha

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  Amiinkhasaaro@hormail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Shirkadii Global Money Transfer oo Suuqa Dib ugu soo Noqoneysa "

  1. omar says:

    wax jira tartan xoog badan oo xawaladaha ka dhaxeya marka tartankaas wadanka ka jira la filriya waxa shaki ween ku jiro sida ay xawalada GMT ku guuleesan karto hdii aysan isticmaalin adeed cusub oo casri ah sida kan barakat. maxa yelay nidaamki hore ee xwalada wa laga gudbay.

  2. cali xasan says:

    aad baan ugu farxsanahay soo laabashada shikada xawaalada global waayo waxa ay bulshada uhaysay adeeg aad u hufan soo dhawow global

  3. c.raxmaan says:

    asc wr wb horta wax walba oo kheyr kujiro umadana anfacaya alle ha ino barakeeyo

    waa su’aal iga da’ weyn in GMT ay mar kale dib ugu soo laabato shirkadanna waxa ay saami wadaag la noqotay 2007 bishii 8-aad wixii ka dambeeyay Qaran Exp taasina cadeyn uma baahna oo dhismahooda muqdisho ayaanba ku arkay isla shaqaalihii oo qaran jooga shalayna GMT u fadhiyay halkaa markaa waa is waydiin mudan iyadoo xog la iska helayo in la is waydiiyo.

    1- GMT waa maxay sababta ay dib ugu soo laabaneyso iyadoo shirkadihii ka waa weynaa ee DH shiil iyo Amal ay suuqyada ka baxayaan sababtuna ay tahay Adeega Shirkadda Barakaat ee Mobile Money Transfer

    2-shalay waxaa aad sheer wadaag ahaydeen Qaran Exp maxaa maanta dib idiinku soo celiyay suuqyada mise waxaa jira is maandhaaf.

    3- shirkadu culeys gaadhaya 2 milyan oo dlr ma ku khasar gareyn kartaa dib u nooleynta xafiisyada gobolada dalka gudihiisa kuwa dibada haba inoo dambeeyaane.

    4- ma haboona in dib u soo laabashadaada aad ku beer laxowsato caawinta muwaadiniinta mar walba waa mas’uuliyad ku saaran taasina waa “” laa shurka calal waajib”

    5- muxuu noqon doona adeega ay soo kordhin doonaan ileen Online.Aspx hadii aad isticmaali jirteen waxa timid xawaalad bilaa khidmad ahe.

    6- sidee ayuu noqon dona wajigiina cusub ee suuqa xisabtana ku dara intii aad maqneydeen 10 xawaaladood ka badan ayaa suuqa soo galay.

    7- dadka ka shaqeynaya anoo ka daacad sheegay xafiiskina weyn ee Muqdisho ma aysan ahayn dad bulsho u adeegi karay.

    8- maamulka hadii aad wanaajisaan ma ahan ka wax qabta ee waxa uu sameeyaa calaaqaad oo kalya balse waaqica qofka wax ka badali karaa waa qofka shaqada haya.

    Talo—–

    waxaaan ku talin lahaa

    1- in shirkadu qofka ay qaadaneyso aysan u eegin yuu yahay ee ay u eegto
    a- shakhsiyadiisu maxay tahay
    b- heerkiisa aqooneed intee ayuu gaadhisiisan yahay
    c- dabeecadiisa iyo dhaqankiisa
    d- sidii ayay diinta isku yihin ku dhaqankeeda iyo barakashadeeda( xasuusin qofka ay shirkadu qaadaneyso waa in shuruurada loogu daraa in uu ugu yaraan quraanka ka xifidsan yahay 15 jus ama 10)
    e-heerkiisa waxbarasho waa in uu noqdaa jaamacad kar yar maya.

    2-in shaqaalaha aan looga faa’iideysan shaqada la siiyay ee maamulka iyo shaqaaluhuba u wada shaqeeyaan sidii dad ay howli ka dhaxeyso xasuusnaada shaqada soomaaliya waa la isku adoonsadaa micnaha aan ka wado waxay tahay waad soo dahday iyo si fiican uma shaqeysid badalka tasina waa qof kale keen.
    3-in shaqaalaha 0.2 laga siiyo ribixa guud ee shirkadda si shaqaluhu uusan u noqon mid kaliya shaqadiisa aan dhowran ee uu noqdaa mid si wanaagsan u shaqeeya isagoo eeganaya shaqada uu qabanayo iyo dadaalka uu sameynayo.
    4- in muxaaradaad iyo kutub loo akhriyo xiliga fasaxa ay shaqaaluhu ka yihiin shaqada( kutubtaa waa asasiyaadka islaamka sida barashada salaada – fiqiga -caqiidada iyo kuwa ku soo xigi kara)taas waxa ay noqoneysaa in qofka shaqaalaha ahi uu dareemo in meesha laga jecel yahay isaguna uu hagar baxo.

    walalkiin c.raxmaan yare
    alikhlaas@islamway.net