Home » Warar »

DFKMG oo Shirkad Ajnabi ah ka iibisey Domainka Internetka ee Soomaaliya (SO)

Heshiis Qarsoodi ah oo ka dhacay Nairobi iyo Tokyo oo Shirkad Laga leeyahay Dalka Japan  laga iibiyey Domain-ka Rugta Internetka rasmiga ah ee Dalka Soomaaliya (SO), shirkaddaasina noqonayso midda maamusha….

Dhowaanahan waxaa soo shaac baxayey in xukuumadda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ay iibisey magaca guud ee Diiwaanka u ah DOMAIN-ka Internetka ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo .SO in shirkaddaasi maamusho.

Arrintaas waxaa shaaca ka sii qaaday waraysi uu bixiyey sarkaal ka socda shirkadda lagu magacaabo GMO (http://gmoregistry.com) oo ah shirkad laga leeyahay dalka Japan oo ah tan iibsatey Domainka .SO.

Sarkaalka u hadlayey shirkadda oo lagumagacaabo Hiro Tsukahara oo wax laga weydiiyey sidii uu u dhacay xiriirkii uu la yeeshay Soomaaliya iyo sidii uu kula soo wareegey Domain-ka .SO iyo cidda dalka Soomaaliya ka socota oo uu la xiriiray waxa uu yiri “Markii ugu horeyey ragga ka socda Soomaaliya waxaan ku kulanay Nairobi, ka hor intii aanaan la kulmin ICANN horaantii sannadkan. Isla markiiba si degdeg ay ah ayaan u wada fariisanay si aan u wada hadallo, waxaana markale oo taas ka dambaysa ku kulanay magaalada Tokyo si aan u dhamaystiro heshiiska. Dadkaas aan la hadalay waxay wakiil ka ahaayeen Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta (Soomaaliya).

November 1, 2010 ayaa si rasmi ah suuq geyn loogu bilaabay Domain-ka .SO (http://www.soregistry.so/), taas oo muujinaysa in si rasmi ah shirkadda reer Japan ee GMO lagu wareejiyey hanti Domainka Soomaaliyeed ee SO.

Waa maxay waxa laga hadlayo ee la iibiyey

Qaabka uu u shaqeeyo Internetka ayaa ah in dal kasta oo adduunka ka mid ah loo qoondeeyo magac  guud (DOMAIN) oo dalkaasi yeesho maamulkiisa. Tusaale ahaan .COM waxaa loo qoondeeyey shirkadaha, oo qofkii doona uu qaadan karo maadaama .COM oo laga soo gaabiyey COMPANY. Sidoo kale .ORG (hay’adaha). Dalalkuna waxay qaadan karaan magac laga soo gaabey xarfha dalka, sida Soomaaliya oo loo qoondeeyey .SO

Arrintaasi waxay u dhigantaasi waxay fure u tahay xog kasta oo la sii marsiinayo Domaikaas SO, waxaana xogtaasi ku dhacaysaa cidda maamusha.

Cilmiga ka dambeeya Domainka waa mid la xiriira ammaanka – waayo cidda Domainkaas haysata ama maamusha ayaa waxaa soo maraya dhammaan xogta la marsiiyo Domainkaas. Tusaale ahaan GOV.SO waxaa yeelan kara xukuumadda Soomaaliyeed iyo hayadeheeda (sida PRESIDENT.GOV.SO), wixii markaas email iyo xog ah ee hay’adaha dawladdu isu diraan waxay sii maraysaa shirkad ajnabi ah, taas oo sidey doonto ka yeeli karta xog noqon karta sir qaran.

Arrintaasi saamaynta ay leedahay waxaa si qoto dheer uga hadlay Eng. Ismaaciil Jimcaale waraysi uu siiyey shabakada bar-kulan.com (Halkan ka dhegeyso)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/ismacil_jimcaale.mp3]

Taas waxaa dheer, arrinta la xiriirta xagga maaliyadda iyo lacagta dakhliga ah ee ka soo xeroonayso diiwaan gelinta magac kasta website kasta oo uu la socda .SO – Arrinta lacagta isagoo ka hadlayey Hiro Tsukahara waxa uu sheegay in halkii diiwaan gelin oo kasta oo laga samaysto uu yahay $20 doolar. Waa sida uu waraysiga ku bixiyey, lakiin website shirkadaasi u samaysatey in ay ku sii iibiso lacag intaas ka badan.

Waxaa arrimahaas oo dhan ka sii xoog weyn in ay noqoneyso Hanti Qaran oo la dhaxal wareejinayo iyo ASTAAN SOOMAALIYEED oo cid kale lagu wareejinayo in ay siday doonaan ka yeelaan, gaar ahaan xogta iyo cidda maamuleysa, ayna tahay in lagula xisaabtamo cidda masuulka ah ee xukuumadda FKMG Soomaaliya,maadaama aan xitaa heshiiskaas la hor geyn baarlamaanka FKMG.

Waxaa xusid mudan in ilaa markii Internetku si rasmi ah u soo shaac baxay in Domainka (SO) loo hayey xukuumada Soomaaliyeed si loogu wareejiyo. Xukuumaddii ugu horeysey ee Soomaaliyeed ee ay u suurta gashay in ay arrintaasi dhaqdhaqaaq ka samayo, oo ah xukuumadda FKMG, waxay diiwaankii Domainka ee kaydka u ahaa Soomaaliya ku wareejiysey shirkada ajnabi ah.

Sida ku cad website shirkaddaas (http://www.soregistry.so/) ayagoo qeexaya .SO waxay qoreen sidan “dotSO is the Country Code Top Level Domain (ccTLD) for The Republic of Somalia. It was redelegated to The Ministry of Posts and Telecommunications (MoPT) in April of 2009, and will be available to the public for Open Registration on March 1st, 2011.” Halkaas waxaa la is weydiin karaa maxaa shirkad shisheeye gacanta u geliyey in ay maamusho Domain-ka Soomaaliya, oo sida isla websitekaas ku cad ah:

  • .SO
  • .COM.SO
  • .NET.SO
  • iyo .ORG.SO

Waxayna shirkaddaasi sheegtay in shirkadaha kale ee kiraynaya websiteya wata .SO ay ka sii kireynayo boosaska. Taas oo macnaheedu yahay in ay ayadu tahay midda maamulaysa DOMAIN-ka .SO, kharashka ka soo baxana uu yahay mid ayada u gaar ah, maadaama aan shaaca laga qaadin waxa heshiiskaas ku qoran.

Hiro Tsukahara oo ka hadlayey lacagta ka soo baxda diiwaangelinta .SO waxa uu yiri “Maadaama Soomaaliya ay tahay dal ku negaadey in uu caawinaad uga baahan yahay dhinacyo badan, waxaa GMO ay ugu deeqeysaa qaar kamid ah dakhliga ka soo gala si u siiso caawinaad, gaar ahaan carruurta.”

Xagga dhaqaalaha lacagta ay shirkadda reer Japan ay shirkadaha kale ee diiwaan gelinta kaga sii iibineyso ka dhegeyso Eng. Ismaaciil Jimcaale (Halkan ka dhegeyso).

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/ismacil_jimcaale.mp3]
http://somalitalkradio.com/cod/ismacil_jimcaale.mp3

Maxaa la gudboon Baarlamaanka DFKMG

Baarlamaanka DFKMG oo aan heshiiskaas ka dhacay Nairobi iyo Tokyo la hor keenin waxaa hadda la gudboon in ay arrintaas sida ugu dhaqsaha badan ugula xisaabsataan xukuumadda, isla markaasna sidii ay Domainkaas ugu soo celin lahaayeen gacanta Soomaaliya kasoo saaraan Xeer Baarlamaan, xukuumaddana weydiiyaan waxa ku qoran heshiiskaas.

Baarlamaanka DFKMG waxaa lagu xasuustaa is hortaagii ay xukuumadda FKMG ka hor istaageen in ay qayb badda Soomaaliya ka mid ah dhaxal wareejiso. Inkasta oo uu jiro qorshe cusub oo xukuumadda KMG ay ku doonayso in ay arrintii Badda Soomaaliya ay qaab kale oo xeeladaysan u xagal daaciso (warbixinta arrintaas cusub ee badda kala soco SomaliTalk dhawaan)…

Eeg website shirkadda Japan u samaysan in laga diiwaangashado websiteyada wata SO: http://www.soregistry.so/

Waraysigii Hiro hoos ka akhri (English)

.SO is coming. SO, here’s an interview with the gentlemen behind the new .so registry

It’s always a good thing when a company gets the right to market a ccTLD globally. It’s good for the industry and good for the country that grants the contract.

Recently GMO Registry has been appointed by The Transitional Federal Government of The Somali Republic to market .so, the country code for Somalia.. [The domain Somalia.com is for sale for anyone that is interested]

Over the weekend I asked Hiro Tsukahara some questions about the new extension and he was kind enough to answer. I hit him hard in the beginning but I think I asked the questions we’d all be curious about.

Overall, I like .so. While it may not have what it takes to become one of the big extensions, it has its place and I’m sure GMO will run a nice business with it.  I’m especially happy to hear him tell us that a portion of the proceeds will go to help Somalians.

—-

Rick –  It’s interesting that you’ve cut a deal with Somalia for the .so extension. Can you tell us about your interactions with them? Who in the country do you deal with? What were they like?

Hiro Tsukahara – Our first encounter with the gentlemen from Somalia was in Nairobi, right before the ICANN meeting earlier this year. We immediately sat down for discussions and met again at a later date in Tokyo to finalize the deal. Those we are in talks with represent The Ministry of Posts and Telecommunications, and are nothing but great individuals each of whom manouevre multiple languages, which depict the high standards of education within the country.

Rick –  How secure is the partnership you have with the central registry? Is there any risk that something would happen that would cost the registrants their domains?

Hiro Tsukahara – The partnership with the The Ministry of Posts and Telecommunications is set and firm. In regard to “risk,” we don’t see that there is any more risk for registrants than there is when registering other ccTLD domain names.

Rick –  Can you tell us about your sunrise period?

Hiro Tsukahara – The sunrise period, open to any trademark holder, is projected to begin on the 20th of October, 2010.

Rick – When will general registration take place?

Hiro Tsukahara – General Registration will begin on March 1st, 2011.

Rick – What will the price point be per domain?

Hiro Tsukahara – General Registration fee per domain will be around $20/year (depending on the registrar).

Rick – Will you be holding back premium domains for auction?

Hiro Tsukahara – Yes, premium domains will be held for auction at a later date.

Rick Please tell us anything else you would like our readers to know about the extension.

Hiro Tsukahara – Since Somalia remains to be a country where help is needed in many areas, GMO Registry will donate parts of its operating profit to provide necessary aide especially for children.

Through the project, we aim to start a global awareness campaign where we hope to see domains registered as means of charity to make Somalia a better place to live.

That’s great Hiro. Thanks so much for the interview.

Source: http://www.ricklatona.com/

……………

Qormada hoose waxay ku soo baxday shabakadda IANA.

Postscript: Board Resolution FROM IANA ( http://www.iana.org/domains/root/db/so.html )

On 3 February 2009, the Board of ICANN passed the following resolution:

Whereas, the .SO top-level domain is the designated country-code for Somalia.

Whereas, ICANN has received a request for redelegation of .SO to the Ministry of Post and Telecommunications of the Transitional Federal Government of Somalia.

Whereas, ICANN has reviewed the request, and has determined that the proposed redelegation would be in the best interest of the local and global Internet communities.

Whereas, the ICANN Board the board is satisfied with the IANA assessment and believes that the applicant meets the relevant policy criteria.

It is hereby resolved (2009-02-03-06), that the proposed redelegation of the .SO domain to the Ministry of Post and Telecommunications of the Transitional Federal Government of Somalia is approved

Read More at http://www.iana.org/reports/2009/so-report-03feb2009.html

…….

Qormada hoose waxay ku soo baxday website-ka http://www.soregistry.so/

SO Registry News
2010/11/01
The .SO Registry is pleased to announce the successfully launch on Sunrise Period Registration of .SO on November 1st,2010 00:00UTC.
We would like to welcome and thank all of the registrars for participating in .SO, and would like to continue our close and long term relationships.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

19 Jawaabood " DFKMG oo Shirkad Ajnabi ah ka iibisey Domainka Internetka ee Soomaaliya (SO) "

  1. CABDALLA says:

    maalin walba waxbaa la iibsaday baan maqalnaa wax kalanaa waan sugayaa alahayoow dalkaan dadkiisa soo hanuuni

  2. Nadiira says:

    Asalama caleeykum ! marka hore bahda Somalitalk waxaan leeyahay waad ku mahadsan tihiin sida wanaagsan ee mar kasta runta u soo ban dhigtaan iyo halganka aad ugu jirtaan had iyo jeer soo celitaanka dalkeena la boobayo. Runtii waa wax laga naxo safaradii baa la gatey, badiibaa la gatay, hadana domiankii Soomaaliyeed ee nettka baa loo soo dhigtay maxaa haray? Awal dhulkii baa la fiiqday, dumarkii baa la kufsaday, caruurtii iyo umadii innocenka ahaa baa la xasuuqay, xoolihii umada Soomaaliyeed baa la xalaalsaday. Walee dadka qaar ma daahiraan cajiib iyo nus. Wax aan dhaho maba garanayo afkii baa juuqda i gabay malinba maalinta ku xigta wax intii hore ka sii daran baa soo cusboonaanaya. Shariifkaas ilaa domiankii Soomaaliya iibiyana dowladiisa dadka ka sugaya hore marka iyo dowladnimada baa igala sii liita .

  3. Mohamed Naastaro says:

    asc salaan kadib somalitalk aad iyo aad ayaa idinku mahad celinayaa sidaad u soo bandhigteen walaahi wax lala yaabo waaye dhul ayaa la gatey wan maqli jirey iyo badaa la gadey hada waxa nagu cusub waxaa waye Domainkii qaranka oo dhan ayaa la gatey kaliya waxaa harey magaca qaranka in la gato iyo hawada dhib maleh wax waliba waqti ayey ku egyihiin mar uun waa laga bixi doona inshaa allaah uun haloo duceyo dalka

  4. marka hore waxaan salaan diiran hawada usoo marinayaa websiteka somalitalk oo sida aad magaciisa ka aragtaan u hadla ummada soomaaliyeed ee masiibadu ku dhacday. Waxaa la idinka rabaa walaalayaal inaad dadaal dheer u gashaan wasiirka iibsaday magaciisa inaad shaacisaan. koley aniga aragtidayda kama foga jurrila ninka la yiraahdo oo ah nin horeysomaliya usoo dhacay.
    waad mahadsantihiin

  5. . waa yaab, mana yara,
    aad bay umahad sanyihin bahda somali talk.
    runtii waxa yaab ah wadankaan la iska daldalanayo.

    waxan iswaydiyay, waxa ka danbeya, shirkad jabanis ah in somaliya ay arimaheda, gadato, waliba waxa ku xiran amniga,

    sida ay ila tahay, mesha fare kale ba ku jira, somalia dadba ka shaqaysanaya, ku adeeganaya shirkado kasojeda wado kale.

    amniga somalia. nimankas ba faraha laso galay, mela badana way kahayan.
    caqliga qofka somaliga wu fahmi kara, dadkas,

    lakiin, si aad ugaratid akhristow, akhri ,beirutwebs.com sida loo galay, iyo cida ay tahay waxa waxas sameyay,

    dad somali ah oo ladufsaday waa laga yaba in ay gaajo ugaysay, lakin waxan ka jeclan laha, in ay fahman cida ay ushaqaynayan iyo, mesha ay ku dan bayn donan, hadi ay noqoto in ay shaqadas ka tagan,

  6. wiilwaamo says:

    salaan kaddib anigu waxaan qabaa arrintaas mid kaduwan
    waxaad kahadleesaan Domain aaway dalkaan 20 sano ayaa laguraayey
    dadkiisa, dhirtiisa,xayawaankiisa,baddiisa
    dal waxaa ilaaliya DOWLAD nothin haddii la helo DOWLAD waxaas waa laheli
    Maxkamadaa lasoo saari kuwii Badaha sunta in lagu daadiya ogolaaday,kuwii warshadaha furfurtay ee dhoofiyay iyo kuwanba
    aaway DHIRTII Somaliya dhuxusha kuwa illa hadda nabaad guuriyay
    suntaan somalida cudurka ukeentay waad maqasheen waagii SUNAMI Somaliya kadhacday cudurada dilaacay ee loo bixiyay KADUDIYE
    Dalkaan iyo dadkaan wax uharay maleh ee DOWLAD HALA RAADIYO
    Kuwan aad leedihiin Baarlamaan ISBAAROYIINKII cirka dhulka markay kadhamaatay ayey hadda dhigteen BAARLAMANKA rajo wayn kama qabi xilligan

  7. hashim says:

    bismilaah raxmaani raxiimi waxaan aad u salaamayaa madaxda webka somalitalk oo had iyo goor soo bandhiga runta iyo xaqiiqada qarsoon iyo bohosha lagu ridi rabo wadankeena wadankaan dadbaa u dhintay dad baa u naafoowbay kuwa aan damiin laheena maalin walba in ayay gataan laakiin waa la iskula xisaabtami doonaa insha alaah

  8. Osman says:

    Safaarad ayaya la gatey.waa maqalnaysafaaraddii ayaaloo dacwoonayaa laakiin ma maqal ninki gadday warant interpol haloogasoo jarto hana lasoo taago maxkamd.
    Dhulbadeed ayaa la iskasaxiixay ma maqal guddi baarlamaan haloo saaro la xisaabtama nimanki heshiiskaiska sameeyey oo hjadday qalad qaran galeen hallagu soo oogo.
    lacag xoog badan oo boqollaal kun oo doollar ahayuu nin keligii iskala tegey ayaan maqlay cid wax iska weydiisay sidaninkan lacagtaas intaas leleg ku qaatey ama cidda u fudeysey lama hayo ilaa hadda.
    haddana domain qaran ayaa lagatey sidee loo gadi karaa sooin marka hore goaankaarrinkaan ee gadidda hanti astaan qaran in baarlamaankuansixiyo oo goaanka loo gudbiyo madaxtooyada ma ahaooqanuun lamabrsan lagasoosaaro oggolaanshaha dhaxal wareejintadomainkaqarankaayadoolasabaynayo waxa kallifayarrintaas.waxaan nadaamloo raacin miyaa la iskaxaraashayaa ma gaari duug ahoo wasaaraddaboostada ka duugaybaadoimainka qaranku.
    waxa mar walba aanmaqalnaa hanti dhawraha guud ee qaranka, waxan maqalnaa xeer ilaaiyaha guud ee qaranka.waa suaale ma cabsi ayay shaqadoodala qabsan waayeen mise aqoon darro?
    Kolley ragga degdegga ku socdow ogaada maalin ayaa imaan doonta cadku uu feydmi doono oo runtu awood yeelan doonto inay imaan doonto .ogada raggii Ruwanada ku baraarujin jirey xasuuqa iyo kuwi kaqybqaateyba hadder inay shalayto ka joogaan wixi ay sameyaan meel qaaddana ka layihiin addunka.
    Haadda moodaysaan lacagahaaad la kala ordeysaan in la isga hari doono iyo qarbudaadda aad dalka ka geysanysan maantama aha addunka ee ogaada.

  9. asc waraxmah, walaalayaal meel hoo u baahan hadal waxba kama taro, ee yeynaan cataabin ee waxaa loo baahan ficil dhab ah oo aqoon ku saletsan oo lagula xisaabtabo dadkaan tuugta ah ee boobka ku haya hantida qaran ee Soomaaliyeed. MEEYEY AQOON YAHANKII SOOMAALIYEED, MEEYEY WADANIGII SOOMAALIYEED, walaalayaal waxaa loo baahan yahay dad aqoon akadeemi ah u leh sharciyada iyo qaanuunka dawliga ah oo la xarbiya shirkadaha tuugta ah, tan kale kuwan aad ugu yeeraysaan dawlad ama baarlamaan, runtii waxaan idin oran lahaa ha ugu yeerin magac dawladeed maxaa yeelay maba matalaan umada ay sheeganayaan, kelya waxay wataan muuqa soomaaliyeed balse waa wakiilo shisheeye

  10. abdalla says:

    dhamaan akhyaarta maamusha webka iyo inta ay ku harsantahay wadaniyadda waan idan salaamay.

    waxaan si gaar ah ugu soo mahad celinayaa maamulka webkaan oo si aad iyo aad ah ushaqeeya wax macana leh na ku hoowlan had iyo goor runtina aan dhihi karo waa ilaaliyaha kowaad ee dalkeena somaliyeed ,walaalayaal waxaa idiin awoodaa oo kaliya in aan idan dhaho mahadsanidin laakin mar uun baad abaalmarinta dalka helidoontaan ee ha daalina .

    tii badda waa tii aan guul ka gaaray tana waxaan rajaynayaa in aan guul ka gaaro,waxaana aan doonayaa in la soo cadeeyo tuuga iibsaday in la cadeeyo intuu ku iibsaday in la sheego meesha uu geeyayna in la ogaado ileen waxan waa wax dalka leeyahay oo uu xitaa madaxwaynaha uusan goaan ka gaari karin waa arin u taala barlamaanka somaaliyeed inkastoo xaaladooda aanu ognahay hadana waa tii ay badda noo difaaceen tana sidaa ayaan rajaynayaa in ay ku dhamaato hadii rabi idmo.
    mahadsanidin dhamaan.
    wadani.

  11. L. Nor says:

    Waxaan ku raacsanahay walaalkeey:
    Yusuf Cogor (third comment in the list)
    ‘Waxaan aad ugu mahadnaqaayaa SOMALITALK.COM oo markasta la socota arimaha soomaaliya, waxaana rajaynayaa ama kula talinayaa websiteyada kale in ay ku daydaan Sida somalitalk oo ay iska dhaafaan dan qabiil.’

  12. cabdullahi says:

    war DFKMG waxee mar hore gadeen 2 jasiirado oo ku taalo jubbada hoose.
    jasiiradahaas waxee lahaayeen qurux oo dhaqaale fiican somalia ka heli kartay iyo shidaal.. in DFKMG ee gado .so wax la layaabo ma ahan.. waxee gadi rabaan calanka soomaaliya. iyo dhul badan oo soomaaliya ka mid ah.. allaha u naxariisto somalia

  13. Mohamed says:

    Ninba inta uu awoodo ha gato Illeen Waan Dunnaye!! Dadkiina Waxaa Hogaanka u Qabtay Qowlasato iyo Juhalo,

  14. Yusuf Cogor says:

    Waa wax laga naxo in hantidii soomaaliya sidaas loo xaraasho oo ay galaan gacan shisheeye. Arinkan waa arin u taala Baarlamaanka dalku uu leeyahay, waana imay si deg deg ah uga hortaagan arinkaas foosha xun.
    Waa inuu madaxweynuhu ka jawaabaa wuxuu ka ogyahay arinkan, sidoo kale wareysalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid.
    Yaa saxiixay falkan, madaxda sare yaa wax ka og?
    Soomaaliya waa la dumiyey, mana muuqato inay dib isu taagi doonto, arimo dhawr ah awgood.
    1. Qabiil
    2. Hogaan aan daacad ahayn oo ku shaqeeya dano gaar aheed.
    3. kantarol la’aan, xisaabtan la’aan oo nin walba uu sameeyo wuxuu doono.
    4. “Etoobiya! oon rabin qaran Soomaaliyeed.
    5. Qabaa’ilka Soomaaliyeed oo u qabysan (a) kuwo aan arkin qaran soomaaliyeed, laakiin arka Xamar inay noqoto caasumad soomaaliyeed. (b) kuwo oo aan dan ka lahayn qaran soomaaliyeed. (c) Kuwo ay uga cadahay go’itaan, oo aan indho kale lahayn.
    Arimahan iyo kuwo kale oo fara badan ayaa hortaan.
    Waxaan aad ugu mahadnaqaayaa SOMALITALK.COM oo markasta la socota arimaha soomaaliya, waxaana rajaynayaa ama kula talinayaa websiteyada kale in ay ku daydaan Sida somalitalk oo ay iska dhaafaan dan qabiil.
    Yusuf Cogor

  15. Magan says:

    Somalitalk waad ku mahad santihiin sida aad ugu xusul duubateen inaad banaanka soo dhigtaan tuugta aanan ilaah ka cabsanayn ee wadankooda jilaafaynaaya iyagoo iska dhigaaya inay wadanka u shaqaynaayaan .
    Waxaa is waydiin ah Maxaa hor taagan in lala xisaab tamo wasiiradii hore e
    lagu tuhun sanaa inay hanti qaran dhaceen walina jooga gudaha somaliya ?
    Maxaa ragaan tuugta ah qabiiladoodu u soo sharaxeen ? Meesha dadkii hadii la qaxiyay ma wadanka oo dhan ayaa la iibinayaa ?
    Waxay ila tahay inay waxyaabo badan ay qarsan yihiin oo aanan la ogayn oo maalin uun wiishku nagu yeeri doono.
    Waxaan u soo jeedin lahaa xildhibaanada wadaninimadu ku jirto inay sidii ay badda somaliya u badbaadiyeen inay arimahaan waxka qabtaan. waxaan oran lahaa xildhibaanada la shaqeeya dilaaliinta wadanka iibinaaya ilaahay ka cabsada shilinka maanta xaaraanta kugu soo gala maalin baad ka shalayn doontaa.

  16. Zakaria says:

    DFKMG xaq umalaha in ey gacanta ugeliso top level domain of somalia (.so) shirkad private ah, wasiirka isgaarsinta qalad weyn ayee aheyd inuu ka codsado ICANN iney usideyso .so, sidoo kale ICANN waxbo kama ogo DFMG ka xaaladeda.

  17. Xassan Yare says:

    Waxaa hubaal ah in boobku sii farabadandoono muddada yar oo u harsan
    Dowladda, marka waa in si qoto dheer loola socdaa tillaabo kasta oo aay qaadayaan.

  18. Xassan Yare says:

    Dalkan Somaaliya CID U MAAQAN MA JIRTO.
    Kuwii laga sugayay in aay cadowga ka dhiciyaan baa dhacaya.
    Qolada falkan sameysay waa in Baarlamaanku kula xisaabtamo
    haddii aay ummadda Soomaaliyeed matalayaan.

  19. Asalaamu Calaykom Bismillaah Al xamdulillaah ,Wa salaatu wasalaamu Calaa Mustafaah .

    Intaas ka dib waxaaan aad iyo aad ugu mahad celin Ilaah ka ka dib shabakada SomaliTalk iyo dhamaan maamulkooda wadaniyiinta ah ee mar kasta u taagan difaaca qaranka Soomaalia hantidiisa iyo dhulkiisaba mid qarsoon iyo mid muqata ..

    Taariikhda ayaa idin xusi doonta hadii ay idin xusi wayso oo la idin ka hak Radu quluubta iyo wadanaha.

    Waxaa nala gudboon rag idinkuu kale ah oo arimahas aqoon dheerad ah u leh inaad dacwad furtan si loo difaaco hantida qaranka soomalaiyeeed .

    Hadii aanu nahay bulshada soomaliyeed wan idin garab taagnahay