Home » Announcements »

Siminaarka Macalimiinta Garsoorayaasha Kubadda Cagta oo ka furmey Dalka Tansaaniya

Magaalada Dar Salem ee dalka Tanzania waxaa ka soconaya tababar caalami ah oo loo qabanayo macalimiinta garoorayaasha Qaarada Afrika, waxaana Soomaaliya tababarkaas ku matalaya 4 macalin oo horay garsooreyaal caalami ah u ahaan jiray.

Seminaarkan oo magiciisu yahay {FUTURO III course} oo ay qabanaqaabiso FIFA ayaa waxaa ka qeyb gala dhamaan wadamada adduunka iyadoo afrika loo kala qeybiyo 2 qeybood oo kala ah {Wadamada Englishka ku hadla iyo kuwa Faransiiska ku hadla}.

Tababarkan ayaa waxaa hada ka qeyb galaya macalimiin ka kala socota dalalka luqada Englishka ku hadla ee Qaarad Afrika oo Soomaaliyana ay ka mid tahay.

Cali Maxamed Axmed (Cali-saciid) oo ka mida macalimiinta Soomaaliya tababarka ku matalaya ayaa sheegay in ilaa iyo iminka ay qaateen casharo aad wax tar u leh.

“Casharo dhaxal gal ah ayaa lagu qaadanayaa tabarkan waxaana duruusta halkan aanu ka qaadanay uga faa’iideyn doonaa garsooreyaasha ku sugan gudaha dalka ee aan wali fursada u helin tababarkan oo kale”ayuu yiri Cali Saciid oo maanta saxaafada la hadlayay isagoo ku sugan magaalada Dar Salem ee dalka Tanzania.

Seminaarka ayaa waxaa lagu qaadanayaa casharo ku saabsan macluumadkii ugu dambeeyay ee kusoo kordhay xeerarka kubada cagta iyo habka ugu fudud ee macalimiintu kusoo saari karaan garsooreyaal cusub.-
Hadaba seminaarkan oo soo bilowday 8-dii bishan November xirmayana 13-ka isla bishan ayaa waxaa soomaaliya uga qeyb gelaya Macalimiinta kala ah:

1. Cali Maxamed Axmed (Cali-saciid)
2. Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan farey)
3. Aweys Axmed Jimcaale (dhega-cadde)
4, Xasan Sheylilla Cadde (Sheyllila)

WD/Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.