Home » Warar »

Liiska Magacyada Golaha Wasiirada ee uu Magcaabay Farmaajo

Magacyada 18 Wasiir ee Golaha Wasiirada cusub ee DFKMG iyo Puntland oo wareegto ka soo saartay in ay dib uga fiirsaneyso xiriirka ay la leedahay DFKMG…

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Jimcadii (November 12, 2010) waxa uu ku dhawaaqay xubnaha golahiisa Wasiirada oo ka kooban 18 wasiir, 15 kamid ah ay yihiin wasiiro cusub.

Waxaa arrintaas wareegto/Digreeto ka soo saaray madaxweynaha DFKMG, taas oo u qornay sidan:

Heer madaxweyne nambar  0199/Taariikh 12/11/2010

Ujeedo magacaabis Xukuumada KMG ee Somaliya

  • Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliya Markii uu arkay qodobka 11aad farqadiisa 8aad, 9aad iyo 10aad ee axdiga KMG somaliya
  • Markuu arkay qodobka 44aad farqadiisa 3aad
  • Markii uu tixgaliyey soo jeedinta Raiisal wasaaraha Xukuumada KMG ee Somaliya Ku sumadaysneyd Sumad  XRW-101-bishii 11aad 004-2010 12/11/2010
  • Madaxweynuhu markii uu garowsaday baahida loo qabo in la dhiso golaha xukuumada ka dib markii xukuumadii hore ay dhacday ee raiisal wasaare cusub la magacaabay si loo tayeeyo loona dar dar galiyo wax qabadka xukuumada dalkana laga saaro xalada uu haatan marayo .

Wuxuu soo saaray xeerkaan soo socdo:

Laga bilaabo marka uu madaxweynuhu saxiixo degreetadaan waxaa la magacaabay wasiirada xukuumada fadaralka KMG Somaliya ,waxaana wasiirada hoos ku qoran loo magacaabay wasiir waliba wasaarada ku hor qoran :

Dhegeyso Wareegtada oo la akhrinayo

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/wareegto_1211_shariif.mp3]

1- Mudane Cadullaahi Ebyan Nuur Waxaa loo magacaabay Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta

2- Mudane Maxamedc Cabdullaahi Oomaar Waxaa loo magacaabay Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen /Wasiirka Arrimaha Dibadda

3- Mudane Cabdulxakiim Maxamuud Xaaji Fiqi Waxaa loo magacaabay Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeen-/Wasiirka Gaashaandhigga

4- Mudane Cabdiwali Maxamed Cali waxaa lo magacaabay Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeen/- Wasiirka Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga

5- Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax Waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.

6- Mudane Xuseen Cabdi Xalane Waxaa loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda & Lacagta.

7- Marwo Maryama Qaasim Axmed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Haweenka, Arrimaha Qoyska,

8- Mudane Yuusuf Macallin Amiin(Baadiyow) waxaa loo magacaabay Wasiirka Beeraha & Xannaanada Xoolaha

9- Mudane Dr. Aaden Xaaji Ibraahim Da’uud Waxaa loo magacaabay Wasiirka Caafimaadka & Daryeelka Bulshada

10-Mudane Cabdulkariim Xasan Jaamac Waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta

11-Mudane Cabdinuur Macallin Maxamuud Waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Bulshada, Shaqada & Horumarinta Shaqaalaha, Dhallinyarada & Isboortiga

12-Mudane Dr. Maxamed Macallin Xasan Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Kalluumeysiga, Bey’adda & Kheyraadka Badda

13-Mudane Axmed Cabdiraxmaan Abaade Waxaa loo magacaabay Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka badda, circa & Dhulka

14-Mudane Maxamuud Maxamed Boonow Waxaa loo magacaabay Wasiirka Dastuurka, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta

15-Mudane Cabdirashiid Khaliif Xaashi Waxaa loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud & Dib-u-dhiska

16-Mudane Cabdirisaaq Sheekh Muxyadiin Waxaa loo magacaabay Wasiirka Macdanta, Biyaha, Tamarta & Shidaalka

17-Mudane Cabdinuur Sheekh Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaaha & Tacliinta Sare.

18-Mudane Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim Waxaa loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha.

Qodobka 2aad xeerkaan wuxuu dhaqan galayaa  ka dib marka uu saxiixo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliya waxaana lagu soo sarayaa faafinta rasmigaah ee dowalada

Muqwdisho 12 /11/2010

MD “sheikh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliya

###

Golahan wasiirada ee cusub ayay tahay in la hor geeyo Baarlamaanka DFKMG si ay u ansixiyaan.

Sida ku cad wareegtada sare ee madaxweynaha DFKMG Sh  Shariif Axmed, waxaa ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo uu Jimce ah (Nov 12, 2010) magacaabay golaha wasiirada oo ka kooban 18 wasiir, kuwaas oo ay tahay inla hor geeyo Baarlamaanka DFKMG si ay u ansixiyaan.

Sheikh Shariif oo khudbad akhriyey magacaabistii golaha wasiirada ayaa golah abaarlamaanka ka codsaday in golahaas wasiirada ay ansixiyaan November 22, 2010 kaddib marka laga soo laabto fasaxa ciidul Adxa.

Waxaa kale oo uu Sheikh Shariif sheegay in waqtigaas ay tahay ra’iisul wasaaraha DFKMG uu ku soo dhamaystiro waxa ka dhiman, sida wasiir ku xigeeno iyo wasiiro dawlayaal.

Hadalka Sheikh Shariif Dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/shariif_magacaabis.mp3]

###

Puntland oo ka fiirsanaysa xiriirkeeda DFKMG

Waxaa isla Jimcadii Nov 12,2010 wareegto soo saaray DFKMG, taas oo uu akhriyey Wasiir dowlalaha Dastuurka iyo arrimaha Fedraalka ee Dawlad Goboleedka Puntland Cabdi Xasan Jimcaale, wareegtadaas oo u muuqata hanjabaad loo diray DFKMG… Halkan ka Dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/jimcaale_nov12.mp3]

Qoraalka Huffintonpost ee lagu xusay warsaxaafadeedka Puntland

Soo tebinta warbixintan waxaa ka qayb qaatay

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666

###

DFKMG oo Shirkad Ajnabi ah ka iibisey Domainka Internetka ee Soomaaliya (SO)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Liiska Magacyada Golaha Wasiirada ee uu Magcaabay Farmaajo "

  1. banu says:

    Hey so far I like the PM idea to hak with 4.5 who care’ s about 4.5. All we care is stability at this point so some of the members of paliament are just a joke so may God guide the new PM in the right direction Insha Allah as long as he knows right from wrong because I dont think most somali elected officials know that any more.
    I am Happy for the Somali people in general all we can do now is support him in everyway we can. Insha Allah all will be well.

  2. Mr Farmaajo cid uu magacaabay ma jirto liiska waxaa u soo dhiibay reer galbeedka asagana maraykanka ayaa mesha keenay maxaan been isugu sheegaynaa soomaaliyeey wax dowlad layiraah soomaliya kama jirto waa ruwaayad waxa meesha ka socda . hadii Soomaaliweyn ay dowlad daacad rabaan waa in ay ka ilaaliyaan qurba joogta in ay wax lug ah ku yeeshaan siyaasada maxaa yeelay badankood jinsiyado kale ayay qaateen waxayna la wada sheqeeyaan wadamada jinsiyada ay ka haystaan waana ay adag tahay in si daacad ah ugu shaqeeyaan wadanka . qurbo joog iska ilaaliya soomaaliyeey waxa idin qasaya waa iyaga.

  3. ayuub says:

    aniga wallahi waxan sileyahay in ay xukumada farmajo qadkiiba kabaxday sababtoo ah waxay qalad kagashay axdii kumelgarka oo ahaa afar iyo bar balo badan ayaa wayay xilkii ay ku lahayen dawlada marka ilama ahahan in la ansixin doono sababtoo aha waa xukuumad aan cadalad ku dhisneyn marka farmajo waxan dhihi laha in uu xukuumadiisa dib u ega ok byy

  4. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, caddaaladii iyo Maamul Wanaagii wuu bilawday ee Soomaaliyey waa in aan loo kala harin, hiil iyo hooba halagu taageero howshan Cusub ee uu hogaaminayo Madaxweynaha (Xafiduhu Allaah), waxaan filayaa Soomaalida Garaadka leh ee aan xasadka ahayn oo dhan in ay taageeri doonaan Dowladdan hadda jirta ayadoo aan filayo in ay dhaanto Dowlad la’aan, qof kastana meel uu jooggo gacan ka geysto, si dhibka looga saarro dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatadu ku habsatay, waxaan filyaa Soomaaliyey in aan loo kala hari doonin Taageeradeeda, sidaa iyo Caddaalad, Sinaan iyo Hurumar oo ay Soomaali ku tilaabsato.

    ALAA MAHAD LEH

  5. wiilwaamo says:

    saaxibow waxaad kahadleso waa sax lakin somali waxaas uma cadda
    mana rabaan Waxa aad sheegeeso
    Somalidu waa 3 qaybood
    1) Qayb goboladooda nabad yar ama Maamullo ayaa ka jira Dowladnimo marabaan intaasaa kufilan Haddii aan iyaga Dowladda oo dhan lasiinayn meesha ugu sareysa illaa beetooniga ( ISBAARAA UTAAL,VITO)
    2) Qolo xaaraan kunaax ah oo 20 sano Hantidii dowladda iyo tii Dadkaba haysta oonba ubaahneen Dowladnimo waayo wey waayi hadday dowlad timaado
    3) Qaybta 3aad waa kuwo tabcaan ah oon awood laheen sida Nimankaan hadda yimid oon Labadaas Qolo ee kore eysan rabin & Eithopia

  6. Golahaan wasiiradda ee csub wax weyn bay ka badli karayaan xaaladda dalka soomaaliya, sababtoo ah waxay ugu duwanyihiin wasiiraddii hore arimo dhowr ah.
    1. nimankaan cusub jeebkuudu faaruq maahan oo ma bah dilna sidaas daraadedna ma jeclaysanayaan ama iskuma raacayaa lacagta umadda loogu soo dhiibay in ay biishaan ayagu.
    2. qaadka ma cunaan oo ma qaraj badna,
    3.aqoon ay ku fuliyaan waxa ay qorsheeyen iyo reer magaalnimo ay ku fahmaan mooryaanta gaajaysan ee xoogga dalka loo bixiyay ( ama cala uusta) ayay leyihiin.
    4. xidhiidh xoogan bay la yeelan karaan beesha caalamka e deeqda loogu tuugsi tago.
    5. qabyaaladana kumaynan caano maalihin oo quud ka raadin maayaan sida aan is leeyahay.