Home » Warar »

Dhallinyaradii danbiyada loo haystay oo markale la keenay maxkamad kutaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

12-kii Dhallinyaro ee ciidammada ammaanka dalka Mareykanku ay xabsiga u taxaabeen maalintii Isniinta ahayd, ayaa shalay oo talaado ah iyo maanta oo arbaco ah markale la keenay maxkamad kutaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Dhallinyaradan eedeysan  ayaa iskugu jira rag iyo dumar ay 11 Soomaali yihiin, halka hal will uu isagu ajnabi yahay. Sidoo kale dhallinyaro kale oo Soomaali ah, tiradooduna ay gaareyso 14 ayaa waxaa lagu xiray labadda Gobal ee kala ah Ohio iyo Tennese. Howlgalka lagu xiray dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa ka dhacay degmooyin, magaalooyin iyo xaafado ku kala yaala saddex gobol oo Maraykan ah, Soomaaliduna ay aad u degan yihiin.

Hor imaanshaha la horkeenay maxkamadda xaakimka Franklin L. Noel oo isagu ah xaakimka kali ah ee dhagaysanyey dacwooyinka lagu soo oogay dhalinyaradan lagu qabqabtay magaalooyinka mataanaha ah (Minneapolis/St.Paul) ee gobolka Minnesota, ayaa waxay yihiin kuwo looga hadlayo in dhalinyaradan lasii deynkaro, lana damaanan karo ila inta laga gaarayo maxkamada dhabta ah. Maxkamada dhabta ah ee lagu dhagaysanayo danbi oogista dhallinyaradan ayaa iyadu ka dhici doonta magaalada Neshville ee gobolka Tennessee oo ah magaalada laga xareeyay 24-ka danbiyada lagu andacaynayo dhamaan dhallinyaradan.

Go’aamadii ka soo baxay maxkamadihii shalay iyo maanta ee uu xaakimku gaaray markii uu dhamaan dhegaystay eedihii, isaga oo tixaacaya taariikh danbiyedka shaqsi kasta iyo wixii cadeyn ah ee ay qareemada dawladu maxkamada horkeenen ayaa waxay noqdeen sidan hoos ku xusan.

  1. Xaakim  Franklin L. Noel wuxuu ogalaaday in la damaanad qaado oo la sii daynkaro, Bibi Ahmed Said oo iyadu leh uur lagu qiyaasay shan ilaa sideed billood, Abdullahi Afyare iyo Andrew Kayachith oo ah wiil kaliya ee aan Soomaaliga ahyn. Saddexdan shaqsi waxaa loo ogolaaday in lagu damiinto lacag dhan $ 25,000 qofkiiba iyaga oo sharuudo dheerad ahna lagu xiray.
  2. Dhamaan tobankii kale  oo iyagu ah 9 wiil iyo hal gabar, ayaa loo diiday in ay banaanka joogaan, waxaana lagu amray in ay xirnaadan ilaa iyo inta maxkamadooda dhabta ah laga gaarayo.

waxaa lagu wadaa in dhamaan dhallinyaradan dacwooyinkooda sida ugu dhakhsaha badan loo wareejiyo gobolka Tennesse, si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo iyada oo isla markaasna maxkamada rasmiga ahi ay halkaas ka furmayso. In kasta oo hor imaadka maxakamada ku taala magaalada Minneapolis ay sii soconayso inta ka hartay todobaadkan iyo todobaadka soo socdaba.

Dhallinyaradan eedeysanayaasha ah waxaa loo haystaa,  danbiyo ay ka mid yihiin xatooyo, dhac gaadiid, been abuur, ka  ganacsan jirka gabadho yaryar, si ay lacag uga helaan ama uga macaashan, ganacsi hub, ka mid ahaansho burcad ama mooriyaan iyo danbiyo kale oo jabinaya sharciyada saddexda gobol  ee aan kor soo sheegnay.

Waxaa kale oo dhalinyaradan intooda badan lala xiriiriyay in ay ka tirsan yihiin ama xubun ka yihiin ururo  burcad ah oo ka dhisan gobolka Minnesota, magac yadooduna  kala yihiin, Somali Mafia, Somali Outlaws iyo Lady Outlaws. Afar shaqsi oo ka mid ah ururadan burcadka ah ayaa waxaa warqadaha dacwada lagu cadeeyay in sanadkii 2006 in ay dheceen lacago dhan $120,000, $4,000 oo ah kaararka taleefanada lagu hadlo iyo $30,000 lacag dhan oo ah jeegaga ay shaqsiyaadku shaqooyinkooda ka helaan.

Haddaba waxaa mudan in la xuso in dhamaan dhallinyaradan ay danbiilayaal yihiin, ilaa ay maxakamadu ku cadeyso, xaqiijisona danbiyada lagu soo oogay in ay run yihiin, kuna lug leeyihiin. Shaqsi kasta oo dhallinyaradan kamid ahi, waxaa lagu eedeyay danbiyo kala duwan.

Waxaa qoraalkan ku lifaaqan warbixintii lagusoo shaac bixiyay, loogana waramay dacwooyinka lagu soo oogay dhallinyarda Soomaaliyeed iyo dhamaan 29-ka qof oo ku qoran luuqada Ingriisiga.

http://memphis.fbi.gov/dojpressrel/pressrel10/me110810.htm

Sawirka kor ku xusani waa:

Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Tennesse Jerry Martin oo warbixin ka bixiyay dacwooyin dhan 24 oo lagu soo oogay dhallinayaro Soomali ah. Jerry Martin wuxuu ka hor taagan yahay maxkamada dhexe ee magaalada Nashville, gobolka Tennessse. (Sawirka waxaa qaaday Blake Farmer, Nashville Public Radio).

Warbixintii hore iyo sawirada dadka la xirxira HALKAN KA EEG

Qalinkii: Abdirahman Mukhtar

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dhallinyaradii danbiyada loo haystay oo markale la keenay maxkamad kutaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. "

  1. Muhamed says:

    Asalamu alaikum

    Walaahi kuwaan Somaali meel wayn oo wayn ayey uga dhaceen sharafteeda iyo qiimiga ay aduunka ku lahayd.
    walaalayaal arrimahaan oo kale waa wax laga qiiroodo maanta somalida iyadoo lagu yaqaaney inay is dilaan, Bada Isbaaro dhigtaa ayey maantana ku darsatey inay howlahaan qurunka ah oo really qofka sameenaayo aan is dhihi karo qof sidaa u sii caqli badan ma ahan walaahi oo qiimiga ay soalida leedahay ilaalinaayo, aniga really waxaan ku faraxsanahay dadkaas tilaabo sharciga islaamka waafaqsan in laga qaado xaqiiqdi si ay kuwa kale u baqaan Damiirlaawayaasha allaha duleeye