Home » Islam »

AXKAAMTA XAJKA IYO CIMRADA

HORDHAC

Risaaladaan waxaan ugu tala galay inaan hadlo axkaamta xajka iyo cimrada sida arkaanta waa jibaadka sunooyinka iyo wixii ka xaaraam ah xaajiga inta uu xarman yahay risaaladaan waxaan ugu talagalay xujeeyda soomaalida inay kafaa’iideestaan maadaama aan soomaali ku qoray risaaladaan waxaan u qoray alla dartii iyo inaa ku moodo maalin aysan dadka anfaceynin maal iyo wiilal.

XAJKA LUQA AHAAN waxaa layiraa qasad. Sharci ahaana waxaa layiraahdaa in baytka illaah cibaado loola qasdo xajka waxa uu kamid yahay tiirarka Islaamka xajka waxaa la waajibiyay sanadka 6aad ee hijriyada xajka qofka Islaamka ah cimrigiisa hal mar ayuu ku waajibaa maxaa yeelay Rasuulka (c.s.w.) hal mar ayuu xajiyay markii lafaral yeelay xajka kadib waxuuna xajiyay sanadkii 10aad ee hijriyada waxayna aheyd xajatu wadaac laakiin inta’aan lafaral yeelin xajka oo ahayd hijriyada kahor laba mar ayuu xajiyay  wuxuuna cimreestay afar mar. Xajka waxa uu leeyahay axkaamul khamsa oo mar wuxuu noqdaa farlu-ceyn sida xajka kowaad ee qofka lagu leeyahay. haduu shuruuda   buuxiyo marna wuxuu noqdaa farlu-kifaayo sida inay sanad walba muslimiinta qaar kamid ah xajiyaan si ay kacbada cibaado ugu nooleeyaan. marna wuxuu noqdaa suno sida xajka caruurta iyo adoomada marna wuxuu noqdaa xaaraam sida marka la hubsado in dhibaato ka imaanayso safarka xajka marna wuxuu noqdaa karaaho sida marka laga shakiyo in dhibaato ka imaanayso safarka xajka.

SHURUUDAHA XAJKU WAA TODDOBO

Islaanimo, Qaangaar, Caqli, Xornimo, Sahay, Gaadiid iyo Wadadu  inay aamin tahay socodkuna suura galaayo oo loola jeedo in marka hantidu ku soo gashay laga gaari karo u diyaar garowga xajka sida inaad goosato Baasaboor oo aad fiisana hesho. XAJKA waxaa kaloo loo shardiyaa awood. Awoodaas oo loo kala qaadayo labo. Awood dhaqaale iyo Awood xoog ah. Qofka awooda dhaqaale leh laakiin aan awooda xoog lahayn waxaa ku waajiba inuu kireesto qof usoo xajiyo asagoo gurigiisa jooga waxaana u dalii ah xadiiska Buqaari warinaayo oo ahaa in haweenay utimid Rasuulka (s.c.w) ayna ku tiri Rasuulka faralka alla adoomadiisa ku faral yeelay wuxuu haleelay Aabahay oo duq ah daabadna kuma sugnaankaro ee maka xajiyaa Rasuulkuna wuxuu yiri nacam. Qofka awooda dhaqaale iyo awooda xooga isku leh asiga ayay waajib ku tahay inuu soo xajiyo. Haweenka waxaa loo shardiyaa inuu la socdo qof muxrim ah ama ninkeeda sida ku cad xadiiska Rasuulka waxaa kaloo loo baahanyahay in qofka xajinaayo uu ka xajiyo maal xalaal ah waxaa kale oo loo baahanyahay in qofka xajka aadayo uu dardaaram qoro uu kaga hadlaayo waxa lagu leeyahay iyo waxa uu dadka ku leeyahay waxaa kaloo loo baahan yahay in ay dadka is cafiyaan. Qofka waalidkiis uu kaga dhintay hanti. hantidaasoo waalidku uu san wali ka xajin waxaa ku waajib ah qofkaas inuu uga xajiyo hantidaas waalidka ileen deenka allaha ayaa ku xaqnimo badan in lagudee.

ARKAANTA XAJKA

ARKAANTA XAJKU WAA AFAR

RUGNIGA koowaad waa xarmashada

Xarmasho (xirasho) macal niyo ah, waxaana suno ah inuu marka horo qubaysto xirtana dharka cad-cad kadina laba ragco oo suno ah uu dukado kadina xirto xajka haduu soomaaliya ka tago wuxuu ka soo xarmanayaa YALAMLAM laakiin hadii uu madiino ka imaanayo sida marka uu xajka ka hormariyo siyaarada Rasuulka (c.s.w.) wuxuu ka xarmanayaa DUL-XULEYFA xajka waxaa loo xajiyaa saddax nooc. Ifraad, Tamatuc, Qiraan sadaxdaan midka aad ka xajinayso ayaad ku dhawaaqee ilayn Rasuulku wuu ku dhawaaqayee hadii aad xajinayso Ifraad waxaa leedahay naweeytul xaja, hadii aad xajinayso Tamatuc waxaa leedahay naweeytul xaja wal cumrata, hadii aad xajinayso Qiraan waxaa leedahay naweeytul xaja wal cumrata

TAMATUC waxaa layiraahdaa in la hormariyo cimrada inta aan lagaarin maalinta sideedaad oo aad xajka gali lahayd kadina markaad dhameysato cimrada oo dharka ixraamka iska dhigto ood raaxeesato markaas kadib aad xaj xarmato waxaana heshay markaas xaj iyo cimro waxaana lagaa rabaa dhiig inaad bixiso maalinka tobanaad hadii aadan heli Karina toban maalmood aad soonto sadax maalmood waxaad ku soomee xajka todobana markii aad gurigaaga timaado ayaad soomee sida ku cad aada 196 ee ratul baqara laakiin ma banana inaad jidka ku soo soonto waxaana fiican inaad soonka billowdo lixda carafo si aad maalinta sagaalaad u afurnaato ileen xaajiga carafada soon looma suneeyee.

IFRAAD ifraadku waa kaliyeen xajka lakali yeelo kadibna marka uu xajka dhameysto uu soo cimreysto

QIRAAN qiraanku waa in la xiriirsho xajka iyo cimrada waana inuu halmar labadaba isku xiriirsho uuna halmar layimaado acmaashooda qofkii Qiraan xajinayo waxaa lagarabaa dhiig ama soon oo ah sida aan aan ku soo sheegnay tamatuca laakii dadka degan xaramka dhiig iyo soon lagama rabo sida ku cada aayada 196 ee suuratul baqara kadib markuu xajka xirto waxa uu dhahayaa labayka laahuma labayk labayka laashariika laka labayk inal xamda wanicmata laka wal mulku laa shariika laka kadibna wuxuu aadayaa maalinka sideedaad oo loo yaqaano yowmu-tarwiya oo ah maalinta biyo dhaamiska waxaana loogu bixiyay xujeyda oo biyaha xajka ayku isticmaalayaan dhaansan jiray

RUGNIGA LABAAD WAA WUQUUFUL CARAFA

Carafa kuligeed waa mowqif oo meeshaad doonta ayaa ka istaagi kartaa waana maalinta sagaalaad.

RUGNIGA SADAXAAD WAA SACYIGA

Waa inuu ordo xaajigu todobo mar  inta u dhaxeyso safa iyo marwo wuxuu ka bilaabayaa safo wuxuuna ku dhameynayaa marwo markuu safo katago uuna tago marwo hal mar ayuun xisaabsanayaa markuu ka soo noqdo marwo uuna yimaado safo iyada markale ayuu ka xisaabsanayaa laakiin dawaafka waxaa la xisaabiyaa markasto oo aad timaado calaamada madow taasoo dhulka ku calaameesan oo ku aadan xajarul-aswadka oo xaga tirada waxaa sahlan sacyiga

RUGNIGA AFARAAD

Rugniga afraad waa dhawaaful ifaadha ama dhawaaful rugni. Dhawaafyadu waa sadax dhawaaful rugni oo ah rugni  lana sameeyo tobonaadka dhawaaful quduum oo ah suno oo la sameeyo marka aad xajka soo galeysid maalinta sideedaad iyo dhawaaful wadaac oo ah waajib una danbeeyo acmaasha xajka laqabanaayo.

ARKAANTA CIMRADU WAA AFAR

  1. xarmasho macal niyo ah soomaalidu waxay ka soo xarmanee YALAMLAM
  2. dhawaaf
  3. sacyi
  4. xiirasho ama gaabsasho

WAA JIBAADKA XAJKA WAA AFAR

  1. in lagasoo xarmado miiqaatka. Miiqaatka soomaalidanu waa yalamlam. Miiqaatku wuxuu u kala baxaa labo. Miiqaat zamaani ah iyo miiqaat makaani ah miiqaatka zamaaniga ah ee xajka  waa bilaha sonfur, sidataal iyo tobanka hore ee bisha carafo laakiin cimrada sanadka oo dhan waa la cimraysankaraa. Miiqaatka makaaniga ah qofka dagan Mako waxa uu kaxarmanayaa Mako lafteeda laakiin qofkii aan Mako daganeen  hadii kayimaado Madiino wuxuu xarmanayaa DUL-XULEEFA qofkii yamiyaada Masar, Magrib (marooko) iyo Shaam waxay kaxarmanee JUXFA qofka kayimaada Yaman iyo Soomaaliya wuxuu ka xarmanayaa YALAMLAM qofka ka yimaada Najdil-xijaaz iyo Najdul-yaman wuxuu ka xarmanaa QARNAN qofka kaymaada Bari wuxuu ka xarmanaa DAATU-CIRQIN
  2. waa jibka labaad waa gamashada buuraha maalinta tobonaad waxaad ganaysaa buurta kuugu sokeyso marka aad ka timaado muzdalafa waxaana la yiraahdaa KUBRAA ayada kaligeed ayaad maalinkaas gamee todobo dhagax ayaadna ku gamee maal-maha kalane sadaxda buurba waad gamee oo kala ah KUBRAA, WUSDHAA, JAMRATUL-CAQABAA laakiin maalin koowaad waxaa gamida bilaabi kartaa laga bilaabo habeenka tobonaad kala barkiisa lakiin maal-maha kale tuurista waxay bilaabanee lix saac maalinimo.

Xusuus. Qofkii rabo inuu qof aan awoodin tuurista inuu u gamo buuraha waxaa shardi ah inuu marka hore naftiisa ka gamo.

3.   xiirashada ama gaabsashada Raga waxaa u fadlibadan xiirashada Haweenkuse markasto way gaabsanayaan.

  1. DHAWAAFUL-WADAAC waana in xaajiga dhawaafo kacbada markuu dhameesto howlaha xajka laakiin lagama rabo sacyi

xusuus:

FARQIGA U DHAXEEYO RUGNIGA IYO WAAJIBKA

Rugni hadii aad ka tagto  xajka ama cimradu ma’arnsaxayaan ilaa aad kala timaadid rugnigaas laakiin waajib hadii aad ka tagto waxaa kugu waa jib ah dhiig ama soon, SUNO hadii aad ka tagto waxba lagaama rabo

SUNOOYINKA XAJKA WAA LIX

1)   Ifraad oo ah in lakali yeelo xajka. 2) Talbiyo oo ah labayka lahuma labayka. 3) dhawaaful Quduum. 4) in la hoydo Muzdalafa. 5) ) In lahoydo Muno. 6) In laba ragco lagudukado Maqaamu-ibraahiimka.

WAXYAALAHA IXRAAMKA DARTIISA XAARAAMKU AH WAA TOBAN

  1. in-ninku xirto dhar ay tolmo gashay. Laakiin haweenku way xiran karaan
  2. in-ninku madaxa uu daboolo iyo in haweenku wajiga ay daboolaan
  3. in-tinta lashaleeyo
  4. in-tinta laxiiro aydoon waqtigeedi lagaarin
  5. in-cijiyaha lajaro aydoon waqtigeeda lagaarin
  6. barafuun aydoon waqtigeeda lagaarin
  7. in-ugaar ladilo aydoon waqtigeeda lagaarin
  8. in-naag lanikaaxsho
  9. in-haweentiisa uu utago

10.inuu taa-taabto haweentiisa si shahwo ah

intaa wax kamid ah haduu sameeyo xaajigu waxaa ku waa jibaayo fidyo oo ah inuu dhiig baxsho haduusan awoodinna uu soomo laakiin haweenta oo loo tago xajka ayaaa ku burayo waxaana ku waajib noqeyso inuu sii wado xajki asigoo buray iyo sanadka inuu soo xajiyo.

GEBO-GEBO

SIDA AY U KALA HOREEYAAN ACMAASHA (HOWLAHA) XAJAKA

Xaajigu xajka wuxuu galayaa maalinta sideedaad ee bisha Carafo loona yaqaano yowmu Tarwiyah laakiin hadii uu yahay mutamatic cimrada wuxuu la’imaanayaa sideedaadka ka hor maalinta sideedaad wuxuu tagayaa xaramka (kacbada) wuxuuna la’imaanayaa dhawaaful-quduum waana suno intaa kadib wuxuu la’imaanayaa sacyiga, hadii uu doonana sacyiga dib ayuu u dhiganayaa si uu ugu daro dawaaful-ifaalaha maalinka tobonaad intaa kadib wuxuu imaanayaa isla maalintka sideedaad Muna wuxuuna ku dukunayaa duhur, casir, magrib, cisho iyo subax (subaxa sagaalaadka) salaada wuu soo gaabinayaa wuxuuna ka dhigayaa labo-labo ragco maadaama uu yahay musaafur. inta aan ka’ahayn magrib iyo subax ileen ayaga waligoodba lama gaabshee intaa kadib subaxda sagaalaad wuxuu imaanayaa carafaadka wuxuuna ku dunayaa duhur iyo casir oo jamcu-taqdiim ah (isku-mar ah) oo ladukano marka la’dimo lana aqimo maalinta carafo wax lala yimaado waxaa u khayr badan (laa ilaha illa laahu waxdahu laa shariika lahu lahul-mulku walahul-xamdu yuxyii wayumiitu wahuwa calaakuli shay’in qadiir) intaa kadib marka qoraxdu dhacdo wuxuu soo aadayaa Muzdalafa magrib kana wuxuu niyeesanayaa jamcu-ta’khiir oo wuxuu ku dukanayaa magribka iyo cishahaba Muzdalafa habeenka tobonaad hal Adin iyo labo Aqim intaa kadib marka lagaaro lixsaac habeenimo dadka lucafada waxaa u banana inay aadaan Muno si ay utuurtaan Buurta koowaad ee Kubra dadka xooga leh waxay ka soo baxayaan Muzdalafa markay salaada subax dukadaan waxayna imaanayaan Muna oo waxay tuurayaan Buurta koowaad ee Kubra waxayna ku tuurayaan todobo dhagax dhagax markuu tuurayo wuxuu lee yahay allahu akbar intaa kadib xolo ayuu qalayaa haduu yahay Mutamatic ama Qiraan intaa kadib wuu xiiranayaa ama wuu gaabsanayaa intaa kadib wuxuu la’imaanayaa dhawaaful-ifaada. Hadii uu sameeyo sadaxdaan kala ah tuurashada, xiirashada, dhawaaful-ifaadaha labo kamid ah wuxuu helay Taxalul-awal oo ah inay u banana tahay wixi uga xaaraam ahaay ixraamika dartiis inta aan ka’aheyn haweenka. Hadii uu sameeyana kii u haray wuxuu helay Taxalul-taani oo waxaa ubanaan xataa haweenka iyadoo cibaado kalena u sii dhiman tahay intaa kadib maalinta kow iyo tobonaad iyo maalinta labo iyo tobonaad wuxuu joogayaa Muna wuxuuna gamanayaa sadaxda buuroodba oo kala ah  Kubraa, Wusdhaa iyo Jabratul-caqaba lakiin qofka ay ugu dhacdo qoraxdu maalinka laba iyo tobonaad waxaa ku waajib ah inuu hoydo habeenka sadax iyo tobonaad uuna gamo buuraha sadaxda ah maalinta sadax iyo tobonaad sida ku cad ayada 203 ee suuratul baqara intaa kadib wuxuu la imaanayaa dhawaaful-wadaac oo ugu danbeeyo acmaasha xaajiga.

DARDAARAN

Qofkasto oo hesho nusqo kamid ah risaaladaan waxaan ka codsanaa in ay ii soo duceyso markay tagto amaakiinta fadliga badan leh iyo in ay  sii badiso  risaaladaan si ay xujayda sanad kasto uga faa’iidaysato.

Waxaa Diyaariyay: Sh. Ibraahiim Max’ud Jiisoow Tell:0615591213

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " AXKAAMTA XAJKA IYO CIMRADA "

  1. asc

    walaal sh ibraahim ilaahay hakaa siiyo ajar iyo xasanaad kolay wixi gafa wa shaydan dhinici wixii wacana wa ajar iyo dhinacaga ,,anigu wa isku dayaya inaan email ahaaan u faafiyo intii aan awoodo ,waxaan aad ugu hamiya inta aanan dhiman inaan so xajiyo oo ilaahay subxaanu watacaala uu danbigii aan galay dhamaanti iga dhaafo,