Home » Warar »

Qaabkii loo Magacaabi lahaa Golaha Wasiirada oo ay qoorta isugula jiraan Mas’uulyiinta sarsare ee Dowladda FKMG

Dhowr jeer ayaa waxa uu dib u dhac ku yimid magacaabista Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’isul Wasaaraha DFKMG Farmaajo, waxaana lagu waramay in dhowr jeer la tirtiray liisas uu soo gudbiyey Ra’isul Wasaaruhu kadib markii ay ku qanci waayeen mas’uuliyiinta sare ee Dowladda FKMG oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sababaha dib u dhaca ku keenay magacaabista Golaha Wasiirada ayaa lagu macneeyey kadib markii liiska laga waayey magacyada xubno ay wateen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamanka taasina waxay keentay in ay dood kulul dhex marto madaxda sare ee dowladda FKMG, waxaana la sheegay in golaha wasiirada tiradooda xitaa la isku khilaafsan yahay kadib markii madaxweyne Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlmaaanka Shariif Xasan ay soo jeediyeen in tirada la gaarsiiyo ilaa iyo 35 wasiir, halka Ra’isul Wasaare Max’ed C/llaahi Farmaajo uu doonayo in laga dhigo 21 wasiir, waxayna sheegeen Madaxweynaha DFKMG iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka in sababaha ay u kordhiyeen tirada ay tahay si loogu qanciyo beelaha Soomaaliyeed maadaama waxa wax lagu qaybsaday ay yihiin 4.5.

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa isna dhiniciisa la sheegay in uu wato xubno ay ku wada noolaan jireen wadanka Mareykanka oo uu la donayo in uu u magacaabo Golaha Wasiirada, waxaana xarunta madaxtoonyada soo buux dhaafiyey qurbo joog fara badan oo ka timid adduunka dalacadiisa gaar ahaan wadanka Mareykanka, sidoo kale waxaa xarunta madaxtoonyada ka socda olole aad u xoogan oo ay wadaan qaar ka mid ah xubnihii hore ee Wasiirada ee iyagu doonayo in aysan marnaba ka maqnaan golaha wasiirada cusub.

Muranka ka dhex taagan madaxda sare ee Dowladda KMG ayaa waxay caqabad ku noqotay magacaabista golaha wasiirada cusub, waxayna xubno ku dhow dhow xarunta madaxtoonyada ay noo sheegeen in saddexda mas’uul ee ugu sareysa mid waliba uu gacanta ku wato rag saaxiibadii ah oo ay mudo soo wada halgameen.

Isku soo wada duuboo qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka ayaa iyagu waxay horey u sheegeen in haddii xubnihii hore ee Dowladdii Cumar C/Rashiid lagu soo daro liiska Golaha Wasiirada Cusub ay hor istaag ku sameyn doonaan maadaaama golaha wasiirada ee lagu wado in uu soo magacaabo Ra’isul Wasaare Farmaajo uu golaha Baarlamaanka ka doonayo codka kalsoonida, waxayna magacaabistaan ku soo beegmeysaa xili weeraro joogto ah ay kooxaha ka soo horjeeda dowladda FKMG ku hayaan meelo ku dhow xarunta madaxtoonyada, halkaas oo ay ka difaacayaan xoogagga AMISOM.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Xildhibaano Farriin adag u direy Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Qaabkii loo Magacaabi lahaa Golaha Wasiirada oo ay qoorta isugula jiraan Mas’uulyiinta sarsare ee Dowladda FKMG "

  1. sade says:

    salaan kaddib waxaan layaabaa BAARLAMANKA SOMALIYA ayaa 500 kabadan oo aduunka layaaban yahay meel aan dowlad jirin
    Haddii beeb beentii 20ka sano lawaday lasii wadaayo waa meesheed
    Laakiin haddii DOWLAD larabo
    Somali oo dhan lama wada gaarsiin karo Wasiiro
    xataa 4.5 waxbo laguma qaybsan karo
    waayo haddii 5 oox kasto lasiiyo kuma wada filna
    tani waxay daliil utahay inaysan dadkaan rabin Dowlad
    mana yaqaanaan badidood

  2. Mr Farmaajo wasiirada uu magaacaabi doono magacyadooda waa sidan wasiirka gaashaadhiga Cali “baasto” wasiirka dekedaha Farah “muufo” wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Yusuf “caano boore” wasiirka isbaarada Yacquub “cad iyo caano” iwm “good luck Soomaliweyn”.

  3. Gashan says:

    Ra’iizul-wazaarha waxaa la gudboon inuu eego wadiiqo waliba oo kaduwan kuwii ay ku fashilmeen dfowladihii ka horeeyey. waxaan taasi ka wadaa inuu soo dhiso wasiiro tiradooda dhantahay 22 xubnood ugu badnaa taasoo ah afarta beelood oo min 5 ah iyo 2 lasiiyo beelaha kale .

    madaxcweynuhuna waa inuu sidaasi taageeraa raiisul-baarlamaankuna xaq uma lahan inuu dhismaha gacanta geliyo

    Abdi

  4. fiiq says:

    WAXAA DOWLADA SOO MAGACAABO WAA RAISWAARAHA IYO MADAXWEEYNAHA LAKIIN DOWLADA XOOGEEDA WAXAA LAGARABAA INA FARMAAGO IN UU SOO DHISO SHARIIF SAKIIN MARKII DOWLADA LA HORKEENO BARALMAANKA AYUU KAHADLI KARAA LAKIIN HADA WAX SHAQO UU KU LEEYAHAY MAJIRTO WAANA INUU FARAHA KALA BAXAA SOMALIYA HA ISRAACDO.