Home » Warar »

Xubnaha Baarlamaanka oo Cod Gacan Taag ah ku Ansaxiyey Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo

Codbixintii baarlamaanka oo noqotay: waxaa ogolaatey 297, waxaa diidey 92,  waxaa ka aamusey 2 xildhibaan….

Kal fadhi uu maanta (Axad Oct 31, 2010) isugu yimid Golha Baarlamaanka uuna shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa looga doodey qaabkii loo ansaxin lahaa Raiisul Wasaaraha uu dhawaan soo Magacaabey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana markiiba la isku raacay In Codka uu noqdo Gacan taag taas uu meelmariyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan.

Dood dheer ka dib ayaa waxaa la bilaabey in Cod Gacan taag ah loo qaado  Raiisul Wasaaraha oo mudooyinkaan ka  la’aa Codka Kalsoonida.  Golaha Baarlamaanka waxaana Fadhiga fadhiyey Xildhibaano gaaraya 391 Xildhibaan waxaana ogolaatey 297 waxaa diidey 92 Xildhibaan waxaa ka aamusey 2 xildhibaan sidaa ayaa lagu ansaxiyey oo uu codka kalsoonida ku heley Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Shariif Xasan oo ka hadlayey kulanka

Markii ay dhamaatey Kalsooni siinta Raiisul Wasaaraha ayaa waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Baarlamaan Shiariif Xasan Shiikh Aadan oo u soo jeediyey Raiisul Wasaaraha in uu soo dhiso Gole Wasaaro oo tayo Wanaagsan oo dalka ka samatabixisa Dhibaatada uu ku jiro, wuxuu kaloo uu sheegey in wax laga xumaado ay tahay khilaafkii soo dhexgaley isaga iyo Madaxweynaha wuxuuna sheegey in khilaafkaas uu ahaa aragtiyo la kala qabey oo ku aadan sida loo qaadayo Codka Kalsoonida wuxuuna sheegey in maanta uu dhamaadey Khilaafkaas.

C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlayey kulanka

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo horkacayey Xildhibaanada qabey in Codka kalsoonida uu noqdo Qaab Qarsoodi ah isagoo ku hadlayey Magaca Xildhibaanada ayuu sheegey in ay soo dhaweynayaan Raiisul Wsaaraha Cusub  codka kalsoonidana uu noqdo mid Gacan taag ah taaso meesha ka saartey Tuhunkii ahaa in Codka Kalsoonida uu noqdo mid Qarsoodi ah.

Kulankii Maanta oo Axad ah (Oct 31, 2010) ayaa waxaan ka soo qaybgelin Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee codka loo qaadayey Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo haatana laga sugayo in uu soo dhiso Dowlad Soomaaliyeed, hase yeeshee waxay mar kale ay Caqabad soo wajihi doontaa marka beelaha soomaaliyeed ay iska waayaan liska Golaha Wasiirada oo ah midda ugu dhibka badan mar kalana laga doonaya in uu horkeeno Golaha Baarlamaanka si loo ansaxiyo.

Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif Axmed ayaa October 14, 2010 waxa uu ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay Maxamed C. Maxamed Farmaajo si uu u bedelo Cumar C/rashiid Sharmaarke oo Is-casilay September 21, 2010 kaddib markii khilaaf xooggan soo kala dhex galay Shariif iyo Sharmaarke.

Oct 20, 2010 ayaa Sheikh Shariif baarlamaanka horkeenay Maxamed Farmaajo markii ugu horeysey, una weydiiyey in ay siiyaan codka kalsoonida, maalintaas oo kulanka baarlamaanku waxa ku dhammaaday buuq kaddib markii la isku qaabtay in codbixintu noqoto Fartaag ama qarsoodi.

Oct 24, 2010 waxaa laba wareegto oo iska soo horjeeda soo kala saaray Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan, waxaana Madaxweynaah DFKMG oo guddoomiyaha ku eedeeyey in uu hor istaagey magacaabista Ra’iisul wasaaraha, halka guddoomiyaha baarlamaanku uu sheegay in madaxweynahu shaqadiisa garto.

Oct 26, 2010 waxaa wareegtooyin soo kala hor jeeda soo saaray Maxkamadda Sare ee DFKMG iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka.

Oct 27, 2010 waxaa Muqdisho tegey Mahiga, Ergeyga Gaarka ee QM, isagoo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kulan wadajir ah kula yeeshay Madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka DFKMG, kulan albaabadu u xirnayeen.

Axad, Oct 31, 2010 ayaa baarlamaanku markale kulmay, waxayna cod Gaacan taag ah ku ansixiyeen ra’iisul wasaaraha DFKMG. Waxaana markaas wareegto ( ku qoran Afka Ingriiska )soo saaray Mahiga uu ugu hambalyaynayo Maxamed Farmaajo, baarlamaanka ku ammaanay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Xubnaha Baarlamaanka oo Cod Gacan Taag ah ku Ansaxiyey Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo "

  1. Osman says:

    Inkasta oo waddankaan arrintiisu adagtahay sideedaba.
    Haddana raiisulwasarahaan wuxuu dalka ka qaba karaa wax badan haddii uu daacadnimo la yimaado.
    Marka hore haddu asagu iska ilaaliyo inuu lacag xado way ku adkaanaysaa wasiirradiisana inay wax xadaan.
    marka xatooyadu istaagto dhaqaale ayaa kasoo baxaya dakhliga dekdaha iyo ereboorrada wax lagu sii billaboi karo.
    Sidoo kale hadduu dib isugu habeeyo ciidanka oo la liis gareeyo aqoonsi rasmi ah loo sameeyo,mushaar sax ah oo ku filan loo raadiyo oo aan la oggolkaan ciidan dawlad lagu sheegay o oo tiro iyo tayo midna aan la aqoon oo dawlado shisheeye u shaqeeynaya haddana lagu tilmaamayo ciian dawladeed kuwaas oo qalalaase ku haya jiritaanka qaranka Somaliyeed iska daa inay yihiin cidan somaliyeede.
    Sidoo kale inuu yareeyo tirada wasiiradda iskana ilaaliyo inuu soo dhiso tuugo ama shisheeye kalkaal waa inuuraadsadaa dad ay ka goantahay wax qaad iyo daacadnimo oo aaminsan dalkooda ooaan aaminsanyn dal shisheeye in loo shaqeeyo ama la raalli geliyo.wana in uu cadaalad u sameeya somalida qaybaheeda oo dhan.
    Waa inuu barnaamij cad oo lagu shaqeeyo qoraa oo u qaybiyaa hayadaha dawladda oo aanay dib dambe u dhicin is daba yaac iskadaba wareeg iyo isqabqabsi shaqo la’aantu keentey iyo in shaqadiisa qof walba garan waayo oo hal shaqo intaas oo masuul isku qabqabsadaan.
    waana in wixi horumarin dalka ah iyo adeeg iyo dib u habeynta hakalka xukuumiga ah la kala siiyo mudnaanta ay kala leeyihiin caalmka loola tagaa qorshe jadwaleysan oo waxna dalwduu ku tala gashay inay qabsato waxna deeq ku raadsanayso waxna deyn ciddi wax u oggolna wax cad oo qorsheysan oo qorsho waqtuiyeysan leh loola tagaa ee aan sidi hadda ka hor dhacaysay diyaarad un la iska saarnaan hadal meel walba lala istaagin taas oo niyad jab keeneysa ciddi wax kula qaban lahaydna ay arkeyso inaadan weli diyaar u ahayn wax qabsasho.
    waa in la maro waddo kasta oo hoos u dhigaysa karka colaadda dalka oo keeni karta nabad si looga maarmo joogitanka ciidamada shisheeye dalka looguna wareejiyo hawsha dalka dadki dadka u dhashay loona soo celin lahaa nadaami iyo kala dambeynti, lana abuuraa jawi keeni kara ama ugu gogol xaari kara taas ayada ah.
    Dalalka deriska ah waa in lagha qaato siyaasad cad oo xirir derisnimo wanaag ah ku salaysan aadna looga deeraado wax halis gelin kara wiiqidda awoodda somaliyeed iyo qarannimadeda ama aan la abuurin jawi aan ku tiirsanaan aan dhamaanayn la lahaanno dawlado kale oo afrikaan ah waana in aan isku tashanaa oo aminna mudo yar ka hor inaan ahaan jirnay qaran jira opo laga haybadeysto awood iyo sharafna ku lehaa qaradda aan ku nool nahay waxa keliya ee aan u bahannahayna ay tahay khilaafkeenna oo la dhameeyo awooddana la mideeyo.
    Waa in la iska illaiyaa khlaafyada joogtada nopqday ciddi khalad la timaaddana aan loola dhaqmin siday u dhaqmayso ee loo gudbiyaa arrinteeda hayadaha ay khuseyso oo aan marna umaadda waqti looga lumin is qabqabsi aan faaido lahayn.

  2. Cagane says:

    ANIGA WAXAY ILA TAHAY XARIIFKAAN CUSUB IN UU SAN WAXBA KA BADELI KARIN SIYAASADA SOOMAALIYA OO MIRIRTAY.
    WAXAANA TUSAALE FIICAN U AH SIDA CEYBTA IYO YAXYAXA LEH EE DOORASHADIISA KU DHACDAY. INUU YAHAY QOF AANAN KALA JECLEYN SHARAF IYO SHARAF DHAC OO MUHIIMADIISU TAHAY IN UU MAR UUN GAARO XUKUNKA..

    HADDII UU YAHAY NIN DAMQANAYO MAR HORE AYUU INTA KA ISTAAGO RAADIYOWGA ORAN LAHAA WAXAAN KU QANACSANAHAY IN LAYGU CODEEYO SI QARSOODI AH. MARKAAS AYUU HELI LAHAA KALSOONI BADAN OO SOOMAALIDA IDIN KEED AH, KUWO BARLAMANTEERIGA ISKU SHEGANA LAGA YAABE IN AY TAAGERO HUFAN SIIN LAHAAYEEN. INTAA KA DIB ASIGOO KALSOONI KA MUUQATO JAGADA QABAN LAHAA….

    LAAKIN SIDA HADEER MUUQATAA, IS JIID-JIID BADAN KADIB, WAXAA LA SOO WARINAYAA IN BALANQAADYO BADAN LA GALAY OO QOLOBA MEEL UGA XIRATAY KOLEY , OO LA LEEYAHAY SIDAAS IYO SIDAAS MA NOO YEESHAY , ASIGA IYO QOLADA MEESHA KEENSATAYNA AY LAHAAYEEN “HAA IDIN YEELNAY EE CODKIINA NASIIYA”

    MARKA, NIN SIDAAS MEESHA KU SOO FUULAY , OO QOLADII DIIDANEYDNA AY MEEL WALBA JALAAFO U DHIGAAAYAAN ,WAXAA CAD IN UU SAN MEELNA WAX U DHAQAAJIN DOONIN, OO INTA WAQTIGA UGA HARTAY SIDII KUWII HOREBA FALEEN FALI DOONO!

    ARRINTA KUSAABSAN ITOOBIYANA , MA JIRO HOGAAMIYE SOOMAALIYEED OO MARKUU CALOOSHA HOOYADIIS KASOO BAXAY LAGULA SOO DARDAARMAY IN UU QABAAN U NOQDO ITOOBIYA… EE NIN WALBA WAXAY QABSATAA ITOOBIYA MARKA UU SOO GAAARO MEESHA UUSOO GAARO! KADIBNA SUNTA UGU XIRTAA SIDII AY DOONTO IN UU KU SHAQEEYO , HADDUU SHAQEYN WAAYANE , DAD KALEBA UMA RAADISEE SOKEEYIHIISA AYAA LAGA ADEEJIYAA!

  3. maxamed says:

    waxay ila tahay haddii aan runta la,iska indha tireen
    Ninkaan 3 sifo ayuu leeyahay oysan laheen madaxdii 20ka sano wadanka isu daba maraysay
    1) waa Aqoon yahan
    2) xiriir lama lahan Eithopia
    3) lug kumusan laheen ama kama qayb qaadan dhibaatada dalka ka jira
    Nin danbe oon aqoon laheen somalya loma ogola
    wixii hadda kadanbeeya aan xisaabino
    Bad danbe oo lagadanaayo majiro
    Eithopia danbe oo loo xajinaayo maleh
    Boorso lacag ah oo 3 qof kaliya wadato majiro
    Wasiiro bil kasto Cayr Europe usoo aadaayo maleh
    wasiir magac uyaala mjiro

  4. Magan says:

    Aniga waxay ila tahay raisal wasaaraha maanta la ansixiyay inuu soo xusho rag aanan ethiopai iyo wixii la mid ah aanan ka talo qaadan aanan u baahnayn xoogaaga yar ee beesha caalamku u soo tuurto shacabka masaakiinta ah ee Amisom habeen iyo maalin xasuuqayso .
    haddii laga fursan waayo in qabiil lagu soo dhiso wasiiradda haddaba qabiiladu tanaasul ha sameeyaan iyagoo ka cararaaya jilaafada joogtada ah ee ethiopia ka dhex wado baarlamaanka dhexdiisa. si looga fogaado in ethiopia ay mar walba u hesho wasiiro iyada daba dhilif u ah .taas macnaheedu waxaa weeyaan qabiiladu ha soo saaraan rag wax soo bartay oo aan ahayn mid { dadka iyo dalka iibinaya, aanan galaynin heshiis aanan la isku ogayn} haddii aan gafay ha la iga raali ahaado waxaa madax xanuun nagu riday dawlad khilaaf keedu taagan yahay.meydka shacabka oo bad iyo berri tuban oo cid u naxaysa aanay jirin .