Home » Faallo »

ABSHIR BACAADE, ADOON IIMAANKIISA KA RUNSHEEGAY OO KUDAYASHO MUDAN!!! … QORMO XUSUUS QOR AH.

Qalinka Abukar Albadri.
Email: abukar.albadri@gmail.com

Bismilaahi Raxmaani Raxiim
”Innaa Lilaahi, wa innaa ileyhi raajicuun”

Stockholm – ugu horreyn waxaan kugu dhiiri gelinayaa inaad qoraalka wada aqriso si aad u aragto qofka ilaah kheyr la doonay sida uu ku sifoobo.

Marka xigta qoraalkan waxaan soo ururinaayey muddo 20 casho ah oo aan isku hawlay, ka bogo waa lacag la’aane, ha iska baqiilin aqrinta baroordiiqda kheyr qabihii geeriyooday.

Aan qoraalkeyga bilaabee waxaa seddax todobaad ka hor iftiinkan dunida baneeyey walaal ahlu kheyr ahaa oo ummadda oo dhami ay wada jeclayd. Waa Abshir Nuur Faarax (Bacaadle).

Geeridu waa xaq, Rabbi ayaana xukunkeeda iska leh. Cidina ma diidi karto. Waa xukun Rabbaani ah oo noole walba ku xukuman yahay inta aan Allaah ka aheyn. Inkastoo ay sidaas tahay haddana geeridu way kala xanuun badan tahay.

Geeridii haleeshay walaalkeen Abshir Bacaadle wax lala misaalo oo ka xanuun badan xilligan ma jirin. Waayo Abshir wuxuu ummadda u hayey iyo qofka uu u ahaa ayaa sabab u ah inay geeridiisa ka xanuun badato wax walba. Lama filayo inuu dhowaanahan dhasho qof kaalintiisii banaanaatay buuxiya. Allaahse wuu noo soo saari karaa Abshir bedelkiisa.

Waxaa laga yaabaa inay dadka qaar arrinka aan sheegayo u fahmaan ammaan aan u jeedinayo. Ogoobey ammaan igama aha. Sabab aan u ammaano ma jirto. Laakiin sidii uu isagaba xaqa u bayaanin jiray inaan samihiisa u sheego waa wax aan Alle ugu dhowaanayo.

Waxaan ka afeefanayaa inaanan ku fogaan doonin Abshir ammaan tiisa, balse aan xooga saari doono wax qabadkiisa. Waayo intii uu noolaaba Abshir Bacaadle ma jecleyn in la ammaano iyo in loo mahadceliyo midna. Sidaas darteed waxaan jeclahay inaan kheyrkii uu ummadda u hayey uun aan wax ka iraahdo oo aanan ammaanin.

Abshir Bacaadle, oo aan maanta jaceleystay inaan u bixiyo Abshir (Samafale), Rabbi Naxariistiisii janno ha geliyee, wuxuu ahaa shaqsi uu rabbi u kulmiyey astaamo badan oo kheyr ah.

Wuxuu ahaa daaci Ahlu Towxiid ah oo kala hufay towxiidka iyo khuraafaadka, wuxuuna ku fogaaday ka runsheegidda iimmaankiisa. Abshir wuxuu tix iyo tiraabba dadka ku bari jiray inay sugaan keli ahaanshaha Allaah (Waxdaaniyah).

Sidoo kale wuxuu Abshir ahaa Gacansade ilaah hanti siiyey, kibir ma aqoonin, wuu sadaqo badnaa, isla markaasna handidiisa inteeda badan wuxuu u hibeeyey fidinta towxiidka iyo difaaca diinta muqadaska ah ee Islaamka.

Abshir in kastoo uu ahaa ganacsade caan ah oo hanti leh, haddana ma laheyn gaari uu si gooni ah u raaco oo uu ku raaxeysto, wuxuuna ka doorbidi jiray inuu raaco gaadiidka dad weynaha oo kaliya, isagoo u arkayey in iyadoo ay agoonbi baahan tahay in gaari la sameyto inay tahay tasaruf uu Allaah dadka sameeya waydiin doonno.

Intaas waxaa u dheeraa inuu Ilaah ku maneystay aftahannimo. Wuxuu ahaa gabyaa hibo uu rabbi u siiyey inuu Xaqa uun ka qabyo, isagoo dadka ku toosin jiray gabayaddiisa, diinta iyo ducaadda fidineysaana ku garab istaagi jiray suugaantiisa.

Wuxuu ahaa qofkii gabayadiisa ay saameynta ugu badan ka geysteen fidinta dacwada, xilli weliba ay adkeyd inuu qofka Soomaaliga ah kala fahmo culimaddii bilowday baraaruga Islaamka iyo kuhanaddii hortooda ummadda ku heystay khuraafaadka diinta laga dhigay ee mingiska, sixirka iyo faalalownimada.

Waan qirayaa inay jireen culimo ka mid ah dariiqooyinkii Suufiyadda inay kaalin weyn ku lahaayeen fidinta diinta Islaamka, laakiin dhaliishooda waxay aheyd inaysan aad ula dagaalamin khuraafaadka diinta lagu milay min towxiidka ilaa salaadihii faradka ahaa.

Hase yeeshee Abshir Nuur Faarax ayaa noqday nuurka uu Allaah u soo saaray inuu xaqa afkiisa ku bayaaniyo, isagoo aan Alle mooyee aan cidna uga heebeysaneyn, urur diimeed gooni ahna is xijineyn balse noolaha oo dhami runta u sheegaya.

Abshir, Allaah naxariistiisa ha siiyee kuma ekeyn inuu maalkiisa bixiyo, afkiisana diinta ku fidiyo kuna difaaco, balse wuxuu ahaa geesi aan libirsan oo qorigiisa garabka surta marka xaaladdu taagan tahay jihaad.

Waxaa la xusuustaa sidii uu uga qeyb galay dagaalkii Daynuunaay ku dhex maray ciidankii maxaakiimta Islaamiga iyo amxaaradii dalka ku soo duushay. Inta uu dagaalkaasi socday waxaa mar suuqa la soo geliyey in Abshir Bacaadle dagaalka uu ku dhintay dad badan ayey naxdin darran ku noqotay arrintaas.

Hase yeeshee, markii dagaalkaasi Maxaakiimtii lagaga adkaaday oo uu Abshir arkay inay garabyo u kala baxayaan kooxihii ku mideysnaa maxaakiimta Islaamiga ayuu faraha kala baxay hawlahoodii Jihaadka.

Wuxuu u beyray inuu u samafalo maatida ku barakaceysa dagaalada. Waayo Abshir ma dooneyn inuu intuu koox ku biiro ay sidaas ku cadaaweystaan koox kale ama isagaba cadaaweysto. Laakiin Axmaaradu wuxuu u arkayey cadow diimeed iyo mid ummadeedba, dad badan oo aniga aan ka mid ahay ayaa fikirkaas la qaba.

Marxuum Abshir, rabbi ha u naxariistee markii ay Amxaaradu qabsadeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ma qixin, wuxuu iska watay hawshiisa u samafalidda dadka iyo gacansigiisa gaarka ahaa. Balse taas kuma fakane waxaa lagu weeraray gurigiisa, waxaa qafaashay amxaaradii iyo maleeshiyaad la socday, waana la xiray oo waxaa loo dhaadhiciyey xabsi ay maamulayeen gumeystaashii xabashida.

Markii Samafale Abshir xabsiga loo dhaadhiciyey ayey dhammaan ummadda Soomaaliyeed ka muujiyeen dareen qiiro leh. Waxaana dadka qiiradooda suugaanta ku muujiyey ka mid ahaa Abwaan Cismaan Cabdulaahi Guure oo ah Abwaan wadani ah, daaci ah, hawlaha samafalkana in badan la waday Abshir Bacaadle.

Abwaan Guure wuxuu gabayga beydadkiisa hore ku fasirayaa qofka uu ahaa Abshir Bacaadle, qeybta dhexena wuxuu ku sheegayaa sababta loo qafaashay, qeybta ugu dambeysana qiimaha uu bulshada Soomaaliyeed u lahaa abwaanka.

Waxaan halkan ka maqan aaraartii gabayga, waxaana toos u soo qaadaneynaa qeybta uu Abwaan Guure sida tooska ah uga hadlayo shaqsiyadda Abshir Bacaadle oo markaas ku jira xabsi ay leeyihiin gumeystihii amxaarada. Sidan ayuuna ku bilaabay.

Hal doorkii abwaankiyo,
Qareenkii dadkeygee,
Dooxatadu qafaasheen,
Taariikhdiisa dahabka ah,
Dib haddaan u milicsado,
Rabbiyaa i dilayee,
Abshir laba dibleyn iyo,
Ma mudneyn dibindaabyo.

Abwaan guure wuxuu sii fasirayaa in Abshir Bacaadle aan loo xirin dembi uu galay, balse loog maagayo qofka uu yahay darteed.
Abshir ma aha dembiile,
Daqar ruux uma geysan,
Ninna dhiig kama daadin,
Cidna daaqad kama jebin,
Qofna duunyo kama dhicin,
Dirir sokeeye kuma talin,
Dulmi raalli kama noqon,
Wax ilaahey diidana,
Damiirkiisa ma aqbalin.

Abwaan Guure aad ayuu gabaygiisii ugu fogaaday inuu Abshir kaga sheekeeyo, wuxuuna qeybtan ku cabirayaa sifooyinka wanaagsan ee uu Abshir Bacaadle lahaa.
Ma dafiro xaqiiqada,
Runtana daaha ma saaro,
Been uma durbaan dumo,
Ma daliishado baadil,
Ma dawarsado adoomada,
Ilaahey cid kuma daro,
Shirki diin kama yeesho,
Waa muwaxid dantiisiyo,
Dacwadiisa u sheegta,
Allaha deeqda bixiyee,
U dahira cibaadada,
Rabbi daa in keligii.

Abshir wuxuu ahaa qof dadka tusaale wanaagsan u ahaa, aad ayuuna saameyn ugu reebi jiray dadka noloshiisa la dersa. Abwaan Guure oo Abshir saaxiib dhow la noqday ayaa wuxuu arrinkaas ka leeyahay.
Caaqil aan ku dayaniyo,
Waa caalim daaciya,
Shaqsi dabci macaan iyo,
Waa saciim dulqaad badan,
Waa nin door ka dhiidhiya,
Dulmigiyo xadgudubyada,
Waa qareen u dooda,
Inta laga gardaran yahay,
Waa daryeele u taagan,
Danyarta iyo maatida,
Waa geesi deeqsi ah,
Waa abwaan u daacad ah,
Diintiyo dalkiisoo,
Ruuxii u daran neceb.

Abwaan Guure inkastoo dabuubtiisa ay ka muuqaneyso niyad jab uu ka qabay inuu Abshir Amxaaro gacanteeda si fudud kaga soo baxayo, haddana qadarta Eebe darteed Abshir kuma raagin gacantii Xabashida, maalmo yar dabadood Allaah ayaa ka soo daayey.

Farxad ayeyna shacabka ku soo dhoweeyeen inuu Abshir ka soo badbaaday cadowgii Ilaahey iyo Kii shacabka Soomaaliyeed. Taasina waxaa loo aaneyn karaa Rabbiga uu waxidi jiray oo addoonkiisa haddii uu baryo ka ajiiba iyo Abshir oo Alle mooyee aan cid kale wax weydiisan jirin.

Abshir diin jaceylkiisii, muwaxidnimadiisii, iyo masaakiin kaalmeyskiisii waxaa u wehliyey inuu ahaa geesi waddani ah oo addin, maal iyo afba diinta ku difaaci jiray oo loo wada qirsan yahay.

Wuxuuna Abshir dadka ku baraarujin jiray wadaniyadda, wada jirka iyo wax wada qabsiga ku saleysan isjaceylka iyo islaamnimada. Qeybtan ka mid ah gabayga Abwaan Guure waxay sifeyneysaa arrinkaas.
Waa abwaan ka sii diga,
Dabinada gumeysiga,
Waa daljire cadaawaha,
Addinkiyo maalkiyo,
Afka kula dagaalama,
Waa hal doorka abwaane,
Suugaanta danabka ah,
Ku difaaca Islaamka.

Qeybtan ugu dambeysa wuxuu Abwaan Guure kaga hadlayaa sababta uu rumeysnaa in Abshir Bacaadle loo xiray ee uu u jiifay xabsi ay leeyihiin cadowgii dalka duulaanka ku heystay.
Xaq abwaan ku daakira,
Dal gumeyste heystiyo,
Dugsi cadow ku hoos hool,
Koley laba dibleyn iyo,
Dibindaabyo ma huree,
Markuu dulucda maansada
Intuu deel ka hingaadsho,
Murti dubba ka qira weyn,
Nabarada damqanayiyo,
Doogta hoos ka quruntiyo,
Qolofta saaran daqarkiyo,
Ku dilaaciyo boogtee,
Ugu baaqo dadkiisa,
Nin ku dilay har kuma dhigo,
Xasaan kama duwana oo,
Diinlaawayaashiyo,
Dabadhilifyo gaalaba,
Rucbiyaa u soo dega.
Abwaan Guure wuxuu gabaygiisii ku soo gunaanadayaa inkasoo ay gumeystayaashii qafaasheen Abshir Bacaadle, xabsigoodana u taxaabeen inay shacabka Soomaaliyeed jecel yihiin Abshir oo ay ku diirsan doonaan suugaanta dahabka ah ee diinta, wadaniyadda iyo iimaanka ku dhisan ee uu u dhaafay ummadda.
Guud ahaan dadkeenuna,
Way ku diirsadaanoo,
Rabbiyaa i dilayee,
Dar Allaan u jecel nahay.

Abshir wuxuu haatan bulshada u hayey laba hawlood oo aad u muhiim ah kuwaas oo kala ahaa dhismaha masaajido uu ka mid yahay masjid Nasrudiin iyo kuwo kale oo badan, iyo weliba isagoo ahaa qof dadka Soomaaliyeed ee qurbaha jooga ay sadaqooyinka ay u dirayaan masaakiinta gudaha ku dhibaateysan u marsiin jireen. Taas ayaa qireysa inuu ahaa aamin.

Abshir si sax ah oo aan wax turxaan ah laheyn ayuu sadaqooyinkaasi ugu wareejin jiray dadka ugu mudan xagga daruufta ama kuwan sida tooska ah loogu soo diray.

Abshir inkastoo uu Allaah oofsaday xilli ay ummadda aad ugu baahneyd oo uu kaalmeynayey, haddana wuxuu uga tagay dhaxal weyn oo ah gabayo diini ah, kuwo towxiidka dadka u saxaya iyo kuwo quraafaadka ka qubaya qalbiga qof walba oo dhegeysta.

Haddii aan u yara dhaadhaco qeybo ka mid ah haddiyooyinka aan weligood dhamaandoonin ee uu Abshir inoo dhaafay waxaa marka hore soo qaadanayaa beyd ka mid ah Gabay uu kaga hadlayey waxdaadiyadda Ebbe.

Beydka soo socda wuxuu Abshir Samafale nagu tusaaleynayaa inta ay tabarteena la eg tahay iyo sida Allaah uu noogu xafiday uurka hooyo iyo sida uu inoogu fududeeyey inaan caloosha hooyo ka soo baxno.
Aadmigan manida laga khalqayee madaxa taagaaya
Oo maxalka hooyadii sagaal mowle ku ilaalshey
Mugdigaana lagu quudiyaan maaro loo heline
Isagoo mahiin ahoo mutuxan magacna aan heysan
Inuu marinka eebe u yasiray wuuba moog yahaye
Wax is moode laakiinse waad mala habowdeene
Nin mardaadiyoo shaarubada kor u maleegaaba
Inuu mowd dhadhamiyaahi waa lagama maarmaane
God madow inaynu u qodnoon mara ku duuduubno
Oon madaxa ciidda u dhignaa mowlahay qoray.

Rasuulkeena Suuban (SCW) wuxuu yiri qofkii ILaah kheyr la doono wuxuu fahamsiiyaa diinta. Abshir wuxuu ahaa qof ILaah diinta fahamsiiyey, wuxuu ahaa qof ILaah kheyr la doonay, wuxuu ahaa qof in kheyrka lagaga daydaa aad u astaahila.

Abshir dadka oo dhan wuxuu ka waanin jiray xummaanta iyo qabyaaladda. Wuxuu qabyaaladda iyo mooryaanta ku dhaqanta ka tiriyey gabay.

Beyd ka mid ah gabay uu qabyaaladda nagu hoga tusaaleynayey, balse uu si gaar ah ugu taabanayo mooryaantii dalka iyo dadka ku kacday ee magaalooyinka rogtay, ayuu leeyahay.
Qabyaalad iyo iimaan la’aan qooqay baa is helaye
Kumanyaal qarriban bey dhaleen qori la heegeysan
Oo qaaxo iyo aids qaba, qaadse ku ilaabay
Mar uun bey magaaladii qaseen kuna qamaameene
Qacdii horeba bililiqey inagu qaadeen
Nimankaa tafaha qaawanoo qoriga heegeysan
Haddaan beledka laga qaban wallaa looga qaxayaaye,
War qaangaar fidnoobaye ilmaha yaan la qabadsiinin

Marka la yiraahdi Abshir wadaad daaci ah buu ahaa waxaa laga yaabaa inay is yiraahdaan abwaan ayuuba ahaaye intuu diinta ka soo bartay, hase yeeshee waxaan halkan ku xusayaa inuu Abshir ka mid ahaa ardaydii ka soo aflaxday Sheekh Nuuraddiin Cali Axmed Naxariistii Janno Allaah ha siiyee ummaddu ku xasuusato kaalintiisii uu ku lahaa fidinta diinta Islaamka iyo towxiidka barax tiran muxdis iyo quraafaad.

Abshir bacaadle wuxuu aad uga faaiideystay kala hufiddii towxiidka iyo shirkiga ee Sheekh Nuuraddiin Cali Axmed, isagoo bartay caqiidada saxda ah taas oo ka dhigtay ruux muwaxid ah oo Allaah aan abuurkiisa la wadaajin waxba.

Abshir wuxuu isagoo jooga Sucuudiga gabayo badan ka tiriyey maamulkii milateriga ee dowladdii Maxamed Siyaad, isagoo isku dayayey marna inuu dowladda saxo, marna wuxuu dadka tusayey nadaamkii uu maamulkaasi ku dhaqmayey iyo dhaliilihiisa dhanka diinta ah.

Dad badan oo maanta daaciyiin ah ayuu Abshir sabab u ahaa inay bartaan towxiidka iyo caqiidada saxda ah, isla markaasna ka qeyb noqdaan baraaruga Islaamka ee Soomaaliya ka hanaqaaday toddobaatanaadkii iyo siddeetamaadkii.

Dadka qaar way ka hadleen saameyntii uu Abshir ku yeeshay noloshooda iyo sida ay uga faa’iidaysteen tilmaamihii diimeed ee uu gabayadiisii ku bixin jiray.

Maxamed Xersi Guuleed (Cabdi Bashiir) oo ah, Qoraa, Macalin, isla markaasna ah daaci ka soo aflaxay baraarugii Islaamka ayaa sheegaya inuu Abshir Bacaadle saameyn weyn ku yeeshay isagoo kurey ah. Cabdibashiir isagoo aan arag balse dhegeystay gabayadiisii ku saabsanaa sixitaanka towxiidka iyo kala soocidda xaqa iyo baadilka ayuu Abshir ku yeeshay saameyn noloshiisa uusan hilmaameyn.

Cabdi Bashiir wuxuu yiri “Abshir wuxuu ahaa ahlu kheyr, wuxuu ahaa qof dadka xaqa tusa, wanaagga ummadda ka shaqeeya, danyarta caawiya, isla markaasna fidinta diinta Islaamka gacan weyn ka geysta” wuxuuna intaas ku daray “Baraarugii Islaamka ee Soomaaliya ka hana qaaday wuxuu Abshir ka mid ahaa dadkii kaalinta ugu weyn ku lahaa”

Abshir cajaladihiisa ayaa dhalinta loo shidi jiray si ay qalbigooda u dhaqaan ugana nadiifiyaan wixii quraafaad ah eek u jira.

Cabdibashiir ayaa wuxuu leeyahay “Aniga si gooni ah ayey ii saameeyeen gabayadiisa, waxaana jeclaan jiray Abshir anigoo aan weli arag, Allaah dartii baana u jeclaa”

Cabdi Bashiir qudhiisu waa gabyaa, waxaana inuu gabyaa noqdo sabab u ahaa Abshir Bacaadle oo ay suugaantiisa saameysay. Wuxuu suugaantiisa kaga hadlaa dacwada iyo fidinta diinta, balse ma gaarsiisna heerka Abshir Bacaadle.

Cabdibashiir wuxuu gabay u tiriyey Abshir Bacaadle, isagoo sifeynayey, una sheegayey inuu tusaale u noqday, waxaana gabaygiisii beyd ka mid ah uu ku leeyahay.

Abshiroow gabyaa caanahoo garashalow heedhe
Anoo gabana iyo maalintaan guuxa baranaayey
Iyo maanta oon gabay badsaday, kala gorfayntiisa
Gadh wadeen ayaad ii ahayd geesi aan dhimane
Goleyaal ayaan kaa xusiyo goobo aan ogaye
Guuleed fantalakh maalintaad gumuc ku tuuraysay
Kuwii kuu garaacaan ahaa sacab garowsiine
Gabdheheenna diintale tixdaad ugu gargaaraysay
Eed farax ku gelinaysay baan weli gardaadshaaye.

Waa hubaal in geerida Abshir aad looga wada naxay. Waxayna lama filaan ku noqotay dadka oo dhan, waxaana laga bixiyey dareen kala duwan.

Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ah guddoomiyaha qalin maalka iyo hal abuurka Soomaaliyeed ee Somali PEN oo ka fal celinayey geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkeen Abshir ayaa yiri “Maantana ma Bacadlaa! Ma dhinte waa Ilaah!”.

Ditoorku wuxuu gocanayey geeridii aan sidaa tan Abshir Bacaadle uga sii fogeyn ee ku timid walaalkeen Dr. Saalax Xaashi Carab Naxariistii Jano Allaah ha siiyee oo waqtiga noloshiisa oo dhan geliyey inuu uruuriyo, horumariyo afka ummadda Soomaaliyeed, isagoo maanka ku hayey in ummadda afkeeda oo la hormariyaa ay u dhigan tahay adkeynta jiritaankeeda.

Ditoorku wuxuu sii raaciyey “Allow u naxariiso! Abshir Bacaadle wuxuu ahaa abwaan hibo weyn lagu mannaystay, Alla-ka-bacsina ku darsaday. Sidii aan ku tibaaxay baroor-diiqdii bishii dhaweyd, waa wax laga xanuunsado inay abwaannadii iyo hal abuurkii Soomaaliyeed weli sidii tusbax go’ay godka ugu sii hoobanayaan, geeriduse waa xaq”.

Abshir jaceylka kuma kasban dheel dheel, wuxuu ahaa shaqsi ummadda qalbiyadeeda wax dhigtay, wanaagna ku keedsaday.
Dhan walba oo nolosha bulshada ka mid ah ayuu gabayo kaga hadlay isagoo waano, wax farid iyo digniinba ku sameynayey.

Abshir wuxuu gabaygan kaga hadlay in lagu qasaaray Dimoqraadiyad iyo hantiwadaag, sida kaliya ee xukun caadil ah lagu heli karana ay tahay in la qaato shareecada Islaamka oo iyada loo xukuntamo.

Kama quusto qeyr sheeg dadkuna igama qaataane
Rag uun baase qiimeynayoo qoraya taariikhe
Ha qadarin dimoqraadiyad iyo qolo afkaarteeda
Hanti wadaagna laga quusayoo lagu qasaarowye
Quboo daadsha labadaba wallaan lagu qaboobeyne
Quraanka iyo sunaha muqadaskaa qaata xukunkooda
Quratu ceynii nabi muxamad baan lagu qasaareyne.

Maadaama uu Abshir ahaa Aftahan, Daaci, ganacsade saqi ah iyo Samafale kheyr badan oo dadka kaalmeeya, una duubnaa inuu dacwada iyo fidinta diinta taageero, markii uu geeriyooday dadku waxay geeridiisa uga falceliyeen siyaabo kala duwan.

Macalim Yuusuf Xaaji Cabdullaahi Xasan oo ah Qoraa, Macalin iyo Aftahan hal abuurka badsaday ayaa wuxuu geerida Abshir kaga falceliyey maansadan.

Adduunkani aaya ma leh
Adduunkani aabbe ma leh
Wax loo ehel sheegto iyo
Abdiyo sii eegid ma leh
Ammuuri markay dhacduu
Oogmaa anfariir darani
Markay asaraar gashuu
Afkii hadli jiray xidhmaa
Markay urugiyo naxadini
Albaabkaaga joogsatuu
Nafluhu amakaagayaa
Ninkii ummaddu ay jecleyd
Abwaankii nabadda ee (Bacaadle)
Ilaahay dartii u go´ay
Dumarka eedaadayee
Madfaca lagu aayayiyo
Ubadka taakuliyihii
Asxaanta sameyni jiray
Ammuuraha taagan ee
Dadkii anfariirsanyiin
Ninkii addimaayey ee
Intaa nabadda u ordaayey
Markii la is aasi waayey
Ninkii maydka ururinaayey
Markii anfacadii la waayey
Ninkii oontiyo biyaha
Ubadka ula gaadhsiini jiray
Ninkii Cid waliba ammaantee
Ummaddu ay wada jecleyd
Alloow abshiroow jannada
Udgoonkeeda ha ku ag marin
Xabaashana kuu iftiimi
Malaa´igta kuu imaani
Alloow ehel kaaga yeel
Addoon jira baad aheydoo
Iimaanku ku weyn yahayoo
Marnaba iin lagu ogeyne
Alloow Anbiyaddi ku raaci
Halkay kugu aasayaan
Haddii aan ag joogi laa
Ilaah baa igu og oo
Iftiin baan sudhi lahaa
Ayaamaan joogi laa
Waxaana ku uur samahay
Intii nin Islaamba ahi
Aduunyada dacal ka joogo
Magacaa la ilaawi maayo
Horaad erey wacan u tidhi
Asxaanna horaad u yeeshay
Astaamihii suubbanaana
Ummaddu wey kugu tilmaantay
In aad i arkayso ma ogi
In aad i ag joogto ma ogi
Indhuhu wey ooyayaan
Qalbigu wuu olalayaa
Afkuna wuu aamus gabay
Arrinku ani kela maahee
Ummaddu wey ila qabtaa

Abshir soo if bixii suugaantiisa waxaa aad loogu jeclaaday gabay uu ku taageeraayey gabdhaha muxjabaadka ah ee asturan xilligii uu bilowday baraarugii Islaamka, isla markaasna lagu diimi jiray gabdhaha xijaabka xiran, dalkana uu ka jiray xeerkii qoyska.

Abshir wuxuu suugaantiisa ku ifiyey wanaaga ay leedahay in la guursado gabar diin iyo asluub leh oo asturan iyo xummaanta iyo qoomamada ka dhalan karta guurka gabadha aan diinta u hogaansamin.

Beyd ka mid ah gabay uu kaga hadlayey sida ay u kala wanaagsan yihiin gabadha sunnada raacday ee ahlu sunnada ah iyo gabadha caariyadda ah ee diraca jiideysa ayuu leeyahay.

Qabiltuba ha oran naag sunaha qaado laga qaayey
Ma adaa quraafiya maxaa qoorta kuu geliyey
Owlaad qariban maxamedoow lagu qasaarowye
Intay qamarji kuu dhali laheyd qaado taladeyda

Maxamedka uu Abwaanku la hadlayaa waa Dr. Maxamed Xuseen Macalin (Deeqow) oo ay Abshir Bacaadle saaxiib ahaayeen, kuna wada noolaayeen Sucuudiga, isla markaasna ka wada tirsanaayeen baraaruga Islaamka.

Isagoo sii daba socda gabdhahan uu yiri qabiltuba yaan la oran, ayuu tixdiisa sii raaciyey.

Waxa suuqa qoobeynayood qalanjo moodeysid
Mid kastoo qurxooneyd rabbigey waa qayirayaaye
Qabandhaxo xunbaa saaran ood kaga qanceysaaye
Qalbigaaga ka ilaasho waa qaro dameeraad,
War qaadiga bal maad eegtid iyo qoyska xukunkiisa
Laga quusay dumarkii markey diraca qaateene.

Abshir wuxuu ahaa 64 cimrigiisa inta ugu badan ahaa daaci, ganacsade, gabyaa, isla markaasna u kaalmeynayey agoonta, waayeelka, barakacayaasha iyo curyaamiinta.

Wuxuu Abshir ifka kaga tagay xaasas iyo caruur tiro badan. Inkastoo uu ahaa nin reer weyn oo xaasas badan leh taasi kama mashquulin jirin kheyr uu bulshada u hayey iyo u fikirida masiirka ummadda.

Gabayada qaar ee Abshir waxay muujinayaan inuu ahaa mufakir ay suugaantiisa taabaneysay cilmiga seyniska. Gaar ahaan dhismaha jirka iyo kan dabeecadda.

Bal aan eegno tixahan aan ka soo qaatay gabay uu ugu magacdaray “Allaa Mahad leh” ooh al ku dhigiisun yahay Ilaahey baan u qiray mahad kuman malaayiin ah. Beydka soo socda wuxuu sifeynayaa jirka bani’aadamka iyo sida uu Allaah u abuuray.

Midig iyo bidix, mashiga lugaha iyo marinadii dhiiga
Maqsallada margiyo jiidma iyo xidido meereysta
Maqaarka iyo jirkeeniyo xubnaha socodka miisaama
Muuqaalkiyo heybadiyo midab wanaageena
Afka hadalka soo marahayee maqalka saameeya
Macnawiga qarsoon ee ku dhega aniga ma aqaano
Ilaaheyse mahad baan u qiray kuman malaayiin ah

Beydkan kale ee soo socda wuxuu Abshir ku shegayaa noocyada abuurka iyo inay dhammaan u wada baahan yihiin Allaah Subxaanahuu Watacaalaa oo ah khaaliga keliya ee uunka oo dhami u wada baahan yahay. Beydkan mar waa towxiid marna waa cilmi dadka baraya sida uunka ugu baahan yahay Allaah.

Malaa’iigta iyo jinka iyo magaca reer aadam
Makhluuqaadka munawaca ahoo meel waliba jooga
Rabigey muxtaaja u qabaan kamana maarmaane
Muslimka iyo gaaladuba waa magan ilaaheeye
Waa magan masaakiin ahoo waa marti Ilaahey
Waa il mirig leynayaan sida maxaabiista
Ilaaheyna mahadbaan u qiray kuman malaayiin ah

Dadku waxay aad Abshir ugu xusuustaan wacyigelintiisii wanaagsaneyd iyo sida uusan marnaba uga daalin inuu dadka kheyrka u sheego, kana baraarujiyo waxa aan u wanaagsaneyn.

Xumaha aad ayuu dadka uga wacyi gelin jiray. Wacyigelintiisa waxaa ka mid ah gabaygan uu ugu magac daray “Qaadow adigaa leh”. Gabayga oo aan qeyb yar ka soo qaatay qoraalkiisa oo dheer dartiis ayuu ku leeyahay.

Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh
Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh

Qalbi qooqan qoodha aan waxtarin qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qulquli qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh

Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Macdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh

Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qudhmuun qaadow adigaa leh

Qatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh

Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
Iska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa leh
Qabri ka hor qandha aan laga biskoon qaadow adigaa leh.
Gabayga sagoo dhameytiran waxaa laga helayaa internet-ka

Balse haddii aan gunaanadka u soo dhaadhaco Abshir Nuur Faarax, rabbi Janadiisii ha ugu bishaareeye wuxuu ummadda u dhaafay duco aad u wanaagsan oo qof walba oo Soomaali ahi ay tahay inuu aamiin yiraahdo.

Ducadani waa gabay, waxayna u eg tahay inuu kuba soo gunaanaday gabayadiisii iyo wixii uu dardaaran ummadda u dhaafi lahaa. Abshir wuxuu beydka ka mid ahaa gabay dheer oo uu tiriyey ayuu ku soo gunaanaday sidan soo socota.

Intaan gabayga soo mariyey waad ila maqleyseene
Mid yar baan ku soo koobayaa muhimaddiisiiye
ILaahayoow maslaxad caam ahoo lagu mataanoobo
Oo magaca Soomaaliyeed lagu mideynaayo
Oon lays maquunine qalbigu meel u wada jeedo
Oon la isku maandhaafin oon laysku mari waayin
Maskaxdeena eebow ku beer murugtay howshiiyee
Oo inaynaan kala maarmi karin adiga noo muuji
Oo inaynaan kala maarmi karin rabbow adiga noo muuji
Aamiin…aamiin …aamiin

Ugu dambeyntii, waxaan jeclaystay inaan qormadeyda baroor diiqa u ah walaalkeen Abshir Bacaadle ku soo gunaanado tix suugaan ah oo aan aniga qudheyda ka tiriyey geeridiisa.

Aan sii afeeftee aniga ma ihi gabyaa, suugaantana waxba kama aqaano, laakiin dareenkeyga ayaan tixdan kaga hadlayaa. Haddii ay deelqaaf noqoto ha ila yaabin waayo aniga diyaariyey ayaan miisaanka maansada waxba ka aqoon.

Abshirow Bacaadloow,
Abwaankii dadkeeygoow,
Xaqa kii ifinayee,
Aan ku diirsaneynoow,
Ayaamehey darreydee,
Alhumadeeni taagneyd,
Afkii noo hadlaayoow,
Inta dhiban masaakiin,
Kii aruurinaayoow,
Kan habeenki aan shidan,
Kan hiraabti aan cunin,
Ubad maalmo qatanaa,
Kii u heybin jirayoow,
Agoomaha dufeysane,
Alla weyne mooyee,
Ehel kaleeto aan qabin,
U adeegi jirayoow,
Asluubaadka diintee,
Udgoonoow rasuulkii,
Eebe noogu soo diray,
Kii u hiilin jirayoow,

Ifka noo baneysaye,
Abbaarkaagi aakhiro,
Abshir iyo ijaabiyo,
Ashahaadateynkii,
Ilaahey ha kugu sugo.

Udgoonow rasuulkiyo,
Ibraahiim Khaliilkii,
Ambiyada u doorraa,
Aakhiro agtoodii,
Ilaahey ha kugu simo,

iilka meel udgoonoo,
Naftu ay u aaydo,
In dhibeysa ruuxdaba,
Aan lagu arkeynin,
Ilaahey hakaaga dhigo,

Ibtiladii Siraadkiyo,
abeesooyinkiisii,
il biriqsi dabadii,
Inaad ka gudbtaa baan,
Ilaah kaaga tuugaa,

Imaatinkaagii aakhiro,
Kuwa eebe doortee,
Uu harkiisi geeyee,
Imtixaanka aan marin,
Ilaahey hakugu daro.

Janadii udgooneyd,
Albaabkii rayaan ee,
Adoomadu baryaayeen,
Amintey u daran tahay,
Eebahey hakuu furo.

Anagana gadaashaa,
Kuwa eebe doortee,
U aayaayo diintee,
Xaqa lagu ilaaliyey,
Eebahey hanagu daro.

Aamiin… aamiin… aamiin
Haddii aan wax badan oo aad fileyseen ka tagay ogaada tabartii baa intan igu sintay, waan jeclaa inaan inta ka badan ka qoro Marxuum Abshir Rabbi ha u naxariistee.

Wixii talo iyo tusaale ah, ku soo hagaaji abukar.albadri@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

13 Jawaabood " ABSHIR BACAADE, ADOON IIMAANKIISA KA RUNSHEEGAY OO KUDAYASHO MUDAN!!! … QORMO XUSUUS QOR AH. "

  1. yusra says:

    Walaalka qoray baroordiiqdan ilahay hakaa abaal mariyo.

    ilahay naxariis balaaran ha siiiyo abwaan bacadle qabrigiisana ilahay ha u waasiciyo.

    Ninka gaashaanle labaxayoow. horta marka hore ilahayga ku uuntay ka cabso adoon marxuumka ugu asxaan samaynayn ee naftaada u danaynaya. marxuumku waa dhintay oo maantay wuxuu hormarsaday ayuu alle la horjoogaa. afla gaadayn taaduna cadaab gayn mayso ee taa ogoow.

    abshir allaha u naxariistee inuu abwaan wadani ah ahaa anigoo oo reer Puntland ah ayaa u qiraya waligayna maqal aflagaado uu ku durayo reer puntland gaar ahaan ee bal wax ka dheh. mida kale reer puntland ma matashid afla gaadadaadana ha nagu maxaabsan aday kugu egtahay ee isku koob.
    abshirna soomaali oo dhan iskugu mid ayay ahayd.

    nacaybku ma fiicna iyo qabyaalada sida xun kuu gasha ee wax iskula har oo marxuumka ka daba har.

    reer koonfur iyo reer puntland midna maahan maantay bacadle ee waa marxuum ilahay jeclaa oo aan alle uga rajanayo wanaag badan.

    I can’t not even stop my writing cause I was so disappointed after i have read gaashanle’s comment. He doesn’t even have a heart subxaanallaah.

  2. ibraahim says:

    wll abukar aad ayaad ugu mahadsantahay sida wanaagsan aad uqeexdey abwaankeenii marna ahaa daaci ka mid ah daaciyaasha somalida qofkuna haduu wanaagsanyahay aakhiro ka hor ayaa ay dadku uga maqraantikacaan wuxuu yahay run ahaantiina ninkaasi nin wanaagsan ayuu aha sida gabayadiisa laga dheehanayo marxuum abshir waxa ay ahaayen kuwo had iyo jeer ka hadlaya xaqa diidaya ama takooraya baadilka ilaahayna naxariistii jano ha ufuro daacigaa adna ilaahay ha kaa ajr siiyo sida runta ah ee aad uqeexdey abwaan abshir

  3. abshir hussain osman says:

    asalaamu caleykum,

    walaal allaha kaa ajar siiyo sida wanaagsan ee aad uga run sheegtey waxqabadakii wanaagsanaaa ee abshir bacadle samafale waa ahaa ilaaheey ayaan uga baryayaa in uu miisaankiisa xasanaadka ugu daro wixii wanaagsanaa ee uu qabtey debigiisana dhaafo janadii fardoosana geliyo, akhii ninkaan abshir bacadle nin kheyr badan ayuu ahaa ee allaha u naxariisto. kuwa abnaada ah ahna waa in ay ku daydaan oo hibada abwaanimo ee alle siiyey ay alle dartiis u8gu adeegaan oo aysan qabyaalada iyo wax umadda haligaa aysan sameyn.

  4. xaaji jaamac says:

    SC
    Waxaa aad u salaamaya FALXADO oo aan websiteyo hada suuqa ka baxay aan ku arki jiray comments-keeda/kiisa lakin aan beryahan arag runtiina aad baan u akhrin jiray qoraalkaaga .
    intaa kadib Abshir waxa ay ila tahay inuusan u baahnayn in la faaniyo lakin ceeb maaha shqsi umada boos ku lahaa hadii uu dhinto in taariikhda la sheego lana faafiyo cidiii haysana ay qorto una bayaaniso si diinta waafaqsan .
    Abshir wuxuu ahaa insaan sida aadanaha kale gef iyo saxba wuu samayn jiray waayo macsuum maahayn , lakinwaxaan ilaah hortii uga qiraynaa (walaa nusakii calalaahi axad ) inuu ahaa Muwaxid ilaahay waxdaaniyo u qiray insha allahna tubtaa ku dhintay isla markaana Afkiisa ugu gargaaray tawxiidka kuna bayaaniyey tawxiidka meelo badan oo diinta suugaanta alle baray .
    tan dadka qaar sheegeen ee ahaa in uu ahaa nin Isir neceb Anoo ka soo jeeda deegaanka Puntland waxaan qirayaa inaysan ahayn wax aan la qabno ninka waxaa ku dhawaaqay kuna sifeeyey abwaanka .
    waxaanse ognahay in dalku marxalado aan deganayn uu soo marayey 20kii sano ee u danbeeyey ayna dhici karto in uu qofku is yiraahdo meel aan inaba khayr lahayn Tolow armaa tan la qaatay sida uu Abwaanku uga aamusay Shriif Markii la soo doortay dad badan baa filayey inuu sidaan dhaami doono

  5. Falxado says:

    Qof kasta oo bani’aadam ah, wuxuu leeyahay dhalill, abshirna wuxuu ahaa laakiin qoraalkaaga, waxaa kujira dhawar khalad oo u baahan in wax laga tilmaamo.

    (1) Dowladda c/llaahi Yuusuf weligeed kama talin koonfurta soomaaliya, halkaas waxaa qabsday xabashi iyo Afrikaan iyagana indhahaa laga bixiyey haddana inta hartay waa lays daba dhigi doonaa Insha’allah. C/llaahina wuxuu ahaa haan qorof ah oo ay dhexda kasoo qaateen si ay ugu meel gaaraan, markii ay ka dhamaysteenna waxay ku beddesheen gorof kale (shariif)

    (2) Abshir bacadle wuxuu ka hadlay dowladda shariif iyo xasuuqa Gaalada Afrikaanka ah, laakiin adigoo kale uma baahnid inaad ogaato, maxaa yeelay qof cadceedda arki waayay cilladdu waa indhihiisa ee maaha cadceedda.

    (3) Tan aad leedahay reer koonfureedku gabay ma yaqaannaan, ka hadli maayo waxaanna u daynayaa dadka qabyaaladda daneeya.

    Weligoodba dadka waaweyn nolosha iyo geeridaba waa lagu xasdi jirey, kuwa yar yar ee ee buuraha la hardamaya ama aaminsan inaanay noolaan karin ilaa ay dadka xasdaan, waxaan leeyahay madaxiinna u tura!!

    Falxado

  6. yaab says:

    Waxaa wanaagsanaan lahayd Abshir inuu siyaada iska dayn lahaa kune ekaan lahaa wax tarka dadka danyarta ha. Intaa sheegtay oo amaan ah waxaa Abshir u dheerayd isaga oo aflagaadeeyey Abihii Prime minister Mohamed Gedi, qaatay qori si uu dagaal ugalo. Lakala saftay Shariif iyo Aweys. Marka Abshir amaan iyo dhaliilba waa lahaa, marse haddii uu dhintay ilaahay ha u naxariisto.

  7. Gaashaanle walaal ilaahay u toobad keen qof dhintay ayaad aflagaadaysay, Runtii anigu waxaan jooga Garoowe, Puntland, walaalkay Abshir Bacadle ilaa intii aan caqliyaystay waxan dhagaysan jiray Gabayadiisa ku saabsan Dacwada, waligayna ma arag Gabyaa soomaaliyeed oo sidaas oo kale u Gabya, taasi waxay igu dhalisay in aan Jeclaado Abshir Bacadle Ilaahay Dartiis anigoo aan arag waligay.
    Abshir Bacadle si fiican ayuu uga hadlay Dawlada Shriif iyo Dawladii kasii Horaysay, Waxan Xasuustaa Hadal uu ku yiri( Ciidamada african-ka ah waxba noogama Duwana kuwii itoobiya ee baxay, iyo Dawlada shariif)
    Soomali maxamedey ilaahay Naxariis u waydiiya Abwaanka, iskana daaya Caydiisa waxba idin tari mayseeeeeeeeeeee.

  8. alisalxa says:

    alah u naxariisto cidkasta waa loo socdaa carada hosteeda , caamalase kaa horeya ee ogow adonkastoo ifka ku nool, camalkiisa alah ugu daro kuwa loogu danbi dhaafo kitabkiisana midiga alaha ka siiyo

  9. maxamed shiine says:

    walaalka u booroordiiqay abwaankeena weynaa wuu mahadsanyahay , abshir waxaan ku garaneynaa wanaag alle ha u naxariisto
    qofkii abshir ganaya ayaa garanaya booska uu halkaan uma ugu tagay , wallahi waxaa daraamay in cid xaqa banaanka soo dhigeysa iyadoo dadkana asmacayaan aysan harin , ducaadeena iyo abwaanadeena waxey la tacaadufeen gruopyada jira allow badalkiisa na sii aamiin

  10. gaashaanle says:

    inkastoo aanan aqoon badan u lahayn abshir bacadle gabayo uu tiriyey na aan arag hadana waxaa aad u bartay xilligi dowladi cabdulaahi yuusuf ay koonfurta somalia ka talinaysay , waxa uu cod dheer iyo mid gaaban ku aflagaaadeeyey beelaha Puntland isago ku tilmaamay kuwo gaalo ay ku rarato ama u adeegaba , waxayna dad badan oo anigu ku jira ila ahayd in ninkaas diidan yahay in ciidamadi wadanka ku jirey ee ugandese ka laha , ethopian ka laha uu diidan yahay.

    balse arintu waxay beenowday oo la ogaaday inu agende isir nacayb watay marki uu ka aamusay dowladi shariif tuke madoobe oo la ogyahay in ta ay soomaali u geysatay , lama hayo isago xatta hal dhaliila u jeedinaya .

    marka adeer warkaaga ha ku jiro ninkaan waxa uu sameeyey allaha ka abaal marsho hadii dad guryihis haystay iyo hadii shariif ahaaba lakin taariikhda soomaalida baal madow bu kaga jira waxa uuna la hal yahay walaalihisa aan sharafta lahayn sida yalaxoow iyo maxamed dheere.

    dhinaca kale abwaanimo baad ku celcelsisay ma garan waxa aad ula jeeda , waxay ila ahayd inaysan reer koonfureed ku gabayada aqoone. mise shiribka waxa loo yaqaan baa abwaanimo u taqaan , cunug yar oo taariikh u yeelaya baad tahay dad aan taariikh lahayn.

    waxa aad u yaaba marka aan meelaha qaaarkood ku arko KHAAIN UMADA IYO DADKA DHACAY MARKA LA YIRAAHDO WA HALYEY IYO WAXA LAMID AH , WAA YAABKA YAABKIISE ADEER MA HALYEEY LA , AAN BA IDIN HAYSA MISE WAXA MAQASHAY SYL REER PUNTLAND BAY U BADNAAYEEN… LOLZ..

    mahadsanidin saomalitalk……

  11. Asc,

    Allaha u naxariisto Abshir, geeridu waa xaq, walaalka qormadan u hibeeyayna waa mahadsan yahay, kolley Abshir ruuxii yaqaannay baa garanaya hammiga weyn ee uu xanbaarsanaa, diin jacaylkiisii, daacadnimadiisii, wadaninimadiisii, iyo inuu mar walba xaqa u hiillin jiray oo uusan cidna ugu beerjilci jirin hadday diinka iyo xaqa ka hor yimaadaan!

    Allah baan weydiisanaynaa inuu Abshir jannadii firdowsa ahayd ka waraabiyo, ummadda Soomaaliyeedna uu baddal kheyr leh ka siiyo, gadaashiisna uusan na fidnayn. aamiin.

    asc.

  12. cali mahdi says:

    innaa illaahi wa ina ilahayhi raajicuun
    abshir ilaah ha u naxariisto waa aabihii baraaruga dacwada salafiga ah
    aniga ali mahdi ahaan wuxuu ii ahaa aabe xaq sheeg ah oo la dagaalama alhlu bidcada iyo inta ay is shabahaan
    ilaah ayaa sabab iiga dhigay abshir inaa fahmo dacwada salafiga ah waayo wxan aha nin afka somaliga ad u yqaan sida gabayada

  13. Shukri Sh. says:

    Aaww, abuukar aad baad ugu mahadsantahay, ajarna alle ha kaa siiyo soo gudbinti aad noo so gudbisay gabayadi, wacdigii, taariikhdi iyo sifooyinkii wanaagsana ee walaalken muslimka ah ee marxuum Abshir bacadle Alle naxariisti janno ha siyo, sabar iyo iimaanna alle ha inaga siiyo, wacdigiisa kuwo ku waantooba alle ha inaga dhigo, ducadiisa iyo ducadaadaba Alle ha inoo aqbalo aamiin, aamiin, aamiin.
    Aaww