Home » Warar »

Gudoomiyaha Hay,adda Gar-Gaarka ee Rahmah Relief Foundation oo ka warbixiyay Wax qabadka hay’adaasi

Hay,adda Gargaarka Dadka dhibaataysan ee Rahmah Relief Foundation (RRF) Ayaa kawar bixisay xaalada ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku barakacay Deegaanada Ku hareeraysan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka

Gudoomiyaha Hay,addaasi Mr Cali moxamed Jimcaale ( Cali Ooyaaye ) ayaa warbaahinta u sheegay in xaalada Dadka barakacayaasha ah ay sii xumaanayso ayna jiraan dhaawacyo Badan oo isbitaalada ku dhibaataysan ayagoo aanan haysan Daawadii ay u baahnaayeen.

Masuuliyiinta Hay,addaan oo ka kooban Dad Qurba joog ah kana Damqaday Dhibaatada dadka shacabka ah ayaa waxa ay u istaageen sidii ay arintaasi ugu soo bandhigi lahaayeen dadka Qurba joogta ah kuwooda jecel in ay ka qayb qaataan samata Bixinta Dadka aan dhaawacooda doowaysan Karin ee daawa la,aanta iyo waxqabad la,aanta ugu dhimanaya Goobaha dagaalka.ay ka soconayaan Xiligaan gaar ahana magaaladda muqdisho iyo deegaanadda loo barakacay intaba

Gudoomiyaha ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay in ay horay Kaalmo Lacag iyo Raashin u gaarsiiyeen Dad dhibaataysan oo ku jira Isbitaalkii Martiini ee Magaalada Muqdisho oo tiro cuuryaamiin ah Hooy u ah qaarkoodna ay markale ku sii dhaawacmeen Dagaalada aan Naxariista lahayn ee ka jira Mgaalada muqdisho .

Sidoo kale waxaa dhibaato taasi la mid ah ay ka jirtaa Cusbitaalada Dayniile ,, Madiina,,kaydsaneey ,, Carafaad iyo Goobo badan oo ay ka jirto xaalad Bini aadmixumo.oo xiligaan ad iyo aad khatar u ah iyadoo weliba hatan uu jiro ama lugaha la geliyay xiligii kuleylaha dad badan oo iskugu jira caruur, haweeyn iyo dad dad da,ah ay la ildaran yihiin cuduro kala duwan sida shuban biyoodka iyo kaneecadda iyo wixii la mid ah

Rahmah Relief Foundation waxay guddi soo aruuriya xaalada dadka dhibaataysan ka samaysan Guddaha dalka Gaar ahaan Magaalada Muqdisho waxay gudigaasi ka soo dayrinayaan xaalada Boqolaal Bukaan dhaawac ah oo aan daawadooda Awoodin sidaasi darted waxay Bulshada si Naxariis leh uga codsanayaan in ay kaalmo dadkaasi ka sugayaan Dadka Soomaaliyeed ee Kusugan dal iyo Dibadba , Ma jiraan cid lagu halaynayo dadkaasi hadii aanan u gurmana waxaa dadkaasi xaaladoodu tahay mid cabsiyi ka muuqato.

Hay,adda (RRF) waxay furtay Accounts sadaqo luugu aruurinayo Bulshadaasi dhibaataysan Sadaqo.

Waxaad ku soo hagaajin kartaa sadaqada aad dhiibanayso Accounts-ka Rahmah Relief Foundation (RRF) Dhamaan xawaaladaha Soomaalida adigoo ku soo qoraya Magaca : Rahmah Relief Foundation (RRF) tell : 07939043022 London ?Uk.

Ama Bank Acounts

HSBC Bank Account Name: Rahmah Relief Foundation (RRF)

International bank Account Number GB68MIDL400205 11574337 Acc no: 11574337 Sort code: 40-02-05

Wixii Faah faahin ah Waxaad la soo xiirtaa Email:- Rahmah114@hotmail.com
Mobile: 00447939043022
Daawo video:

Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.