Home » Faallo »

Maxaa Sabab u ah Khilaafka Madaxda Soomaalida ?

Markii ay meesha ka baxday Dowladdii Malatariga ahayd ee Max’ed Siyaad Barre waxaa la soo maray khilaafyo fara badan oo sababay khasaarooyin isugu jira naf iyo maalba leh.

Waxaa is qoomay markiiba Gen. Max’ed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed, haddii uu dulqaad jiri lahaa xiligaa ama tanaasul isla markaana Cali Mahdi loo deyn lahaa labadii sano ee loo doortay madaxtinimada dalka sidan arrintu way ka wanaagsanaan lahayd, naftoodana si fudud kuma waayeen dadka faraha badan ee Soomaaliyeed ee ku la’ day dagaaladii ka dhex qarxay Cali Mahdi iyo Caydiid hase yeeshee xisaabta la’aanta dhacday ayaa waxay keentay in khilaafku noqodo mid ragaadiya ummadda Soomaaliyeed.

Bal fiiri waxaa isku dhacay Caydiid iyo Cusmaan Caato oo ah labo nin oo isku reer ah waxaana khilaafkooda dartiis u geeriyooday ama u dhaawacmay ama u barakacay kumanaan kun oo Soomaaliyeed hase yeeshee weli waxaad moodaa in aan lagu waano qaadaan wixii hore u dhacay.

Xiliyadii aan ka soo gudubnay sidoo kale waxaa is fara-saaray Muuse Suudi iyo Cumar Finish oo si aad ah isugu dhawaa, waxaana dartood iyana god u galay Boqolaal Soomaaliyeed iyana waxay ka mid tahay waxyaabaha waayo-aragnimada laga qaadan sida kuwii ka horeeyey oo kale.

Waxaa sidoo kale gordaha is galshay qaar ka mid ah qabqablayaashii dagaalka waxaana ka dhacay dhimasho iyo khasaarooyin kale.

Marka laga soo gudbo waqtiyadii hogaamiye kooxeedyada waxaa shir dib u heshiisiin ah lagu qabtay Magaalada Adis-Ababa, hase yeeshee shirkaasi wax natiijo ah kama soo bixin markii isna uu ku dhamaaday khilaaf iyo is qabqabsi soo kala dhex galay dadkii waqtigaasi qabqablayaasha ka ahaa siyaasadda dalka Soomaaliya.

Waxaa loo dareeray shirkii dib u heshiisiinta Carta waxayna shacabka Soomaaliyeed niyadda ku hayeen in markaas ay helayaan dowlad Soomaaliyeed, hase yeeshee waxaa markiiba is qabtay madaxweynihii xiligaasi C/qaasim Salaad Xasan iyo Ra’isul Wasaare Cali Khaliif Galeyr, taasina waxay soo dedejisay in Cali Khaliif xilkii laga qaado.

Muddo kadib waxaa la Abaabulay shirkii Imbagati waxaana madaxweyne loo soo doortay C/llaahi Yuusuf Axmed, intii aysan soo dhaafin dowladdaasi Magaalada Nairobi ayaa waxaa hareeyey khilaaf hase yeeshee waxay kaatin socotaba dowladdaasi ayaa waxaa iska hor yimid C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaarihii xiligaasi Cali Max’ed Geedi, waxayna markii dambe keentay in uu is casilo Cali Max’ed Geedi.

Waxaana xilikii loo dhiibay Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), nasiib daro bilo kama soo wareegin markii ay Nuur Cadde iyo C/llaahi Yuusuf iska hor yimaadeen, waxayna taasi soo dedejisay in isna meesha laga saaro C/llaahi Yuusuf ama uu iscasilo.

Waxaana bilowday shir dib u heshiisiin ah oo ay garwadeen ka tahay Qaramada Midoobey oo lagu qabtay dalka Jabuuti waxaana Madaxweyne markaan loo soo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaana Ra’isul Wasaare loo doortay Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, wax kama soo wareegin markii iyana ay is qoomeen, hase yeeshee beesha caalamka oo soo faragelisay ayaa khilaafkii jiray waxaa lagu xaliyey wada hadal, balse waxay arrintu u ekaatay boog aan aan si wanaagsan loo dhayin oo la dabdaboolay keliya.

Waxaana mar kale soo laba kacleeyey khilaafkii u dhexeeyey mas’uuliyiinta sare ee Dowladda ee kala ahaa Sheekh Shariif, guddoomiyihii Baarlamaanka ee hore Sheekh Adan Madoobe iyo Ra’isul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid, waxayna arrintu ku soo biyo shubatay in xilkii laga qaado Sheekh Aadan Madoobe loona dhiibo Shariif Xasan Sheekh Aadan, dadweynaha ayaa markiiba isla dhex maray in Madaxweyne Sheekh Shariif uu helay rag la shaqeyn kara hase yeeshee taasi ma noqon waxaana mar kale isna daaqadda laga saaray Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo isna iska casilay xilkaasi.

Latashi la’aantii dhex martay Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa durbadiiba waxaa laga dareemay Golaha Baarlamaanka markii la damcay in codka kalsoonida loo qaado nin ku cusub siyaasadda Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Max’ed C/llaahi Max’ed (Farmaajo) oo uu Ra’isul Wasaare dhawaan u magacaabay Sheekh Shariif waxa uuna Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif afka ku balaariyey in Shariif Xasan uu is hortaagay si bareer ah codkii kalsoonida ee uu heli lahaa Ra’isul Wasaaraha cusub, halkaasna waxaa ku faydmay daahii u dhexeeyey labo shariif oo markaan isu muuqda waxayna durbaddiiba saxaafadda isku mariyeen hadalo kulkulul dadka qaarkiina maalinna kuma seexan in Shariifeynka iska  hor imaan doonaan.

Sidoo kale kama marna Khilaafyadaas hareeyey Madaxda soomaaliyeed waxaana iyana iska horyimid  Isbahaeysigii Casmara ee ay kala Hogaaminayeen Shiikh Shariif iyo  Shiikh Xasan Daahir Aweys wuxuuna Khilaafkooda Galaaftey Kumaan soomaaliyeed waxaana Xaqiiqo ah in khilaafkooda ay ku xalisan karayeen Wadahadal iyo Isfagarad  ilaa iyo hadana ma muuqato saan saan looga baxayo  khilaafkooda .

Hadaba khilaafyadaas aan kor ku soo xusnay waxay isugu jiraan dhowr waxyaabood, qaarkood waxay salka ku hayaan dano dhaqaale kadib markii la isku qabsaday dhaqaalihii yaraa ee ka soo galay beesha caalamka, waxaa kale oo khilaafkaan saldhig u ah dowlado shisheeye oo isku haysta siyaasadda Soomaaliya,iyo Dano Dhaqaale  waxaana ka mid ah Dowladda Mareykanka oo isagu dhiniciisa wax ka wada, Midowga Yurub oo iyagu ku dhegan wixii Soomaaliya ku saabsan in lagala tashado, Jaamacadda Carabta oo iyana dhinaceeda ka xusul duubeysaa oo qayb  ka tahay sii hurinta khilaafka ka jira arrinta Soomaaliya.

Waxaa intaa dheer in Dowladaha deriska ah oo ay ugu horeyso Dowladda Itoobiya iyana qayb libaax ka cayaareyso khilaafka daba dheeraaday ee mar walba ku yimaada Dowlad kasta oo loo soo dhiso dalka ee loo soo marsiiyo mas’uuliyiinta ugu sareeya Dowladda waxaana ka dhadhansan kartaa Markii Raiisul Wasaare loo soo magacaabey nin ay dabada ka riixayaan Mareykanka waxaana markiiba  reer Yurub ay bilaabeen  hadlo ay ku Mucaaradayaan Raiisul Wasaaraha Cusub waxaana is jiid jiidka u dhaxeeyey Reer Yurub iyo Mareykanka laga dareemey labada Shariif oo markii gunta loo deg dego la kala safan yihiin labada Shariif oo mid ay la dhacsan tahay siyaasada Shariif Xasan halka Shiikh Shariif uuisna garab ka helayo Mareykanka  .

Intaas oo Burar ah oo loo haysto shacabka Soomaaliyeed marnaba lagama yaabo in Soomaaliya hesho Dowlad uu shacabku ku kalsoon yahay inta ay jirto ishaysiga u dhexeeya beesha caalamka oo mid waliba dano gaar ah ka leh arrimaha Soomaaliya, waxaana looga gudbi karaa in la helo shacab isku duuban oo kala garta saaxiibkooda iyo caddowgooda

Amiin Yuusuf Khasaaro

amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Maxaa Sabab u ah Khilaafka Madaxda Soomaalida ? "

  1. asc,w,w,
    waxaan kudarsan karaa markaan yara akhriyey qoraalkaan oo runtii waxyaalobadan oo xaqiiqo ah taabanaya wax kamid ah sababa keeney khilaafka madaxdii dalka hooyo soo martey
    1.. in aan lahelin dastuur sax ah marna oo dadka kala haga waayi taan kiisana ay hormood u yihiin dalal ka shisheeye
    2.. maadaaba aan muslim nahey iney markasta madaxdu ay dhinac marto system shareecada ay ku leeyihiin afkooda islambaa nahey oo aan marna loo heleyn mid la mid ah waayo system kaas waa mid alihii khaaliqa ahaa oo adooma diisa abuurtey u doortey in ay isku hagaan kuma darin midka beeniyey allahaas asagoo futo ku xaare xun ah
    3.. xadaarad la.aan somali hadaa nahey ma lihin ilbaxnimo soo jireen ah iyo aqoon maamul midna
    4… qabyaaladii oo laga hormariyey mid nimadii somalinimo oo jahli iyo cilmi daro sal u tahey
    5… madaxda laftooda oo aqoontoodu iska yareyd taa soo wadooyin badan oo macquul ah aysan marna umuuqaneyn ayadoo keeneysey midkasta inuu si khaldan ufakaro seembari iyo halaaga shacabka asagoo aan u aaba yeeleyn
    waa mahadsan tihiin

  2. AMIIN Mahadsanid.si wacan ayaad maqaalka utaariikhaysan,laakiin waxaan odhan lahaa TAARIIKHDA casho halaga barto.haddii kale meel xun ayaa lasaldhiganayaa .

    CADDOOW,meel ha uga dhicin ayaan ku odhan lahaa qoraagan qiimaha badan,wuxuu kahadlayaa wixii nala degay adna waxaad kuwareegaysaa wixii laga hadlayey,bal dib isugu noqo.mahadsanidin

  3. Cali gaab says:

    Marka hore salaamulaahi caleykum ………
    cade Qormada cinwaankeeda ayaadan si wanaagsan u aqrin….
    waxaa laga hadlaayay sababaha keena khilaafka madaxda soomaaliyeed ee xilka hayo ama marka loo magacaabo….
    soo qoraagu waxa uu soo xusay sidii ay isku qabteen madaxda soomaalida ilaa iyo imika ka dibna waxa uu carabaabay sababaha keena waxaasi……That’s all what he written the author ……..
    Dhinaca kale Qaasim iyo Galeyr waa adiga ku tilmaantay dad wanaagsan…..haday wanaagsanaan lahaayeen ma ayaga ayaaaba is qaban lahaa oo waxa ay ka fikiri lahaayeen danaha umada.ku waasoo ay xilka u hayeen……

  4. cadde says:

    adeerr wa maxay dadkaan aan magaca lahayn oo aad magaca u yeelaysa caydiid , omar finish , suudi , caato cali mahdi malaha qabyaalada ku jeeexmartay …………

    waxa fiican inaad no sheegtid dad sharaf leh khilaaf dhexmarey sida qaasim iyo galeyr oo kale laakin waxa laso shirtagtay finish iyo suudi iyo dad taariikh xun ,

    qabyaaladu wa wax xun ee inaad ka waantoowda fiican
    thankz