Home » Warar »

5 Jaamacado Soomaaliyeed oo ka mid noqday 12kun ee ugu sareeya Jaamacadaha Adduunka

Prof. Cabdirizaaq Maxamed Aaden (Lafoole) oo habeenimadii Sabtida ee Axaddu soo geleysey (Oct 24, 2010)   Soomaalida deggan Minneapolis uga warbixiyey waxbarashada heerka jaamacadeed ee dalka Soomaaliya, ayaa rajo weyn iyo yididiilo ka muujiyo.

Lafoole waxa uu dadkii kulanka ka soo qayb galay dhex dhigay su’aal ahayd “immisa jaamacadood ayaa Soomaaliya lahayn ka hor Axad 30-kii December 1990 oo ku beegan burburkii Soomaaliya”.

Warbixinta Lafoole:  DHEGEYSO HALKAN

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Qaar kamid ah dadweynahii madasha joogey ayaa ku jawaabay 3 jaamacadood ama 5 jaamacadood. Waxaase markii dambe la isku raacay in Soomaaliya ay lahayd hal Jaamacad oo keliya, lana oran jirey Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (Somali National University), xarunteedii ugu weyneydna ay la oran jirey Gahayr kuna taalay jidka aada Afgooye, taas oo faracyadeeda ay ka mid ahayd kulliyadii macallimiinta ee Lafoole iwm. Waxaa ku soo xirgeymachad la oran jirey SIDAM, laakiin jaamacad ahaan hal jaamacad ayaa Soomaaliya lahayd.

C/risaaq Lafoole oo lahadlayey dadweynahii ka soo qaybgalay kulanka oo ka dhacay Masjirka Abuubakar ee Minneapolis, ayaa sheegay in xilligan hadda la joogo ay Soomaaliya ka jiraan in ka badan 40 Jaamacadood. Muqdisho oo keliya waxaa hadda ku yaal in ka badan 20 Jaamacadood, Somaliland waxaa ku yaal in ka badan 15, halka Puntland ay kabadan yihiin 10, xagga Kismaayona waxaa ku taal Jaamacad, Hiiraan jaamacad ayaa ku taal, iwm.

Waxana uu markaas si qoto dheer uga hadlay heerka waxbarashada ee Jaamacadaha Soomaaliya, heerka tayadooda marka loo barbar dhigo jaamacadaha Adduunka. Waxana uu sheegay in shan Jaamacadood oo Soomaaliyeed ay ka mid noqdeen 12kun ee Jaamacadood ee adduunka ugu sareeya xagga tayada.

Warbixintaas KA DHEGEYSO HALKAN

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Shanta Jaamacadood ee Soomaaliyeed ee ka mid ah 12000 ee ugu tayada badan adduunka waxay kala yihiin:

  1. Jaamacadda Muqdisho (oo la asaasay 1997)
  2. East Africa Bosaso (oo la asaasay 1999)
  3. Jaamacadda Burco (oo la asaasay 2004)
  4. Jaamacadda Camuud (oo la asaasay 1998)
  5. Jaamacadda Hargeysa (oo la asaasay 2000)

Kaalinta ay jaamacadaha adduunka kaga jiraana ka eeg shaxda hoose.

Isha: http://www.webometrics.info/top12000.asp

Dhanka kale Jaamacadda Muqdisho oo kaalinta koowaad kaga jirta Jaamacaddaha ugu tayaada badan Soomaaliya, waxay ka mid noqotay 100-ka Jaamacadood ee ugu sareeya Jaamacadaha Qaaradda Afrika, oo ay kag ajirta kaalinta 90, sida ka muuqata shaxda hoose.

Isha: http://www.webometrics.info/top100_continent.asp?cont=africa

Meelaha qiimeeya heerka waxbarashada jaamacadaha adduunka sameeya waxaa ka mid ah:

MOU (Memorandum of understanding) Waxbarasho…

Waxa kale oo Lafoole sheegay “Spain ayaan waxaan socdaal kaygan kaga soo qayb galay shir Jaamacadaha. Waxaana 70 Jamaacadood oo ku kala yaal Afrika iyo 40 jaamacadood oo reer Yurub ah  aan kala saxiixanay MOU (heshiis)  ku saabsan in ardayga Soomaaliya kaga soo baxa Jaamacad oo ka qaadata shahaadada Bachelor-ka in markaas uu jaamacadahaas ka samayn karo Master iyo phd, waa  jaamacadahaas waafaqay heshiiskaas MOU ee waxbarashada.”

Waxbarashadu waa akhlaaq

Dhanka kale C/risaaq Lafoole waxa uu xusay in waxbarashada Dugsiyada dhexe/sare ee Soomaaliya in kasta oo ay hoosayso, laakiin carruurta Soomaaliyeed ay aad ugu wanaagsan yihiin waxbarashada laga kasbado bulshada oo ay aad u akhlaaq wanaagsan yihiin.

Dhanka kale,  “Waxbarashadu waa in ay la socoto akhlaaq, waxana uu tusaale u soo qaatay Kenya oo 1000 macallin shaqada laga joojiyey dhawaan”, kaddib markii ay fara xumeeyeen gabdhaha ay iskoolka u dhigaan ee da’da yar, waa sida laga soo daayey TV-ga Aljazeera oo la  is tusay gabdho da’yar oo ay macallimiin faraxumeeyeen oo carruur haysta. Daawo Linkiga hoose.

VIDEO: http://www.youtube.com/watch?v=gwlOAnYEUd4

READ: 1,000 Kenyan Teachers Fired for Sexually Abusing Young Girls

Dhibaatada Dhoof Jacaylka

C/risaaq Lafoole waxa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee macallimiinta iyo waalidka ka hasta ardayda Soomaaliya in ay tahay in ardaygu marka uu dugsiga sare ka baxo uu durbadiiba u hanqal taagayo in uu dalka ka dhoofo ayadoo ay Soomaaliya ku yaalaan jaamacado tayo leh oo uga kharash yar, taas oo ay ugu wacan tahay in ardaydu aysan ku kalsoonayn joogitaanka dalka oo ay dhammaan dhoof doon iyo tahriib yihiin.

Waxana uu sheegay in badan in ay aadaan dalalka deriska ah ama dalalka kale ee Afrika halkaas oo waqti badan iyo kharash badani kaga baxo oo xitaa ay dhici karto inaysan waxba halkaas ka baran.

Waxana uu dadweynaha qurbaha jooga kula taliyey: Ardayda aad qaraabada tihiin ee ka baxay dugsiyada sare in aad jaamacadaha kaga bixisaan dalka (Hooyo) meesha ay ka joogaan, oo ardayda aad ilaa heerka bachelor-ka  waxbarasho tayo fiican ay taal dalka,  halkaas kaga bixiya.

Warbixintaas KA DHEGEYSO HALKAN

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Halkan ka daawo Sawiradii bartamihii sannadkan 2010 Lafoole kaga warbixiyey Jaamacadda Nugaal GUJI (Gootu waa jaamacadda Minnesota).

Qoraaladii hore ee waxbarashada: http://somalitalk.com/tag/jaamacad/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

19 Jawaabood " 5 Jaamacado Soomaaliyeed oo ka mid noqday 12kun ee ugu sareeya Jaamacadaha Adduunka "

  1. Kaahiye says:

    ASC GUUD ahaan umada soomaaliyeed gaar ahaan bahda somali talk waxaan alle idiin ka rajaynayaa inuu xasanad idiin ku badallo camlkiinan wanaagsan, Runtii mar walba waxaad soo bandhigtaan warbixino tayo leh oo aan lagu arkaynin website-yada kale.
    Hadaan wax yar ka iraahdo prf warbixintiisa runtii waa arin lagu diirsado in jaamacado wadankii ka jira ay kaalimo muhiim ah ka galaan qaarada africa sida tan muqdisho university.hambalyo ayaan leeyahay marka kowaad dadka dadaalkaas ku bixiyay in la hello jiil cusub oo wax bartay.ilaahayna waxaan ka rajaynayaa inuu noo soo saaro jiil cusub oo kala sixi kara saxa iyo baadilka si umadu uga baxdo jahligan la hadhay,jaamacada badan runtii aragtidayda xal ma ahan lakiin waxaa xal ah in la helo meel un arday laga soo saari karo insha allaah yaan la rajo dhigin ilaahaybaa noo maqane

  2. waa war farxad leh hadaan nahay reer puntland in tartankii jamacadaha aan ka galnay ku wa somalia aan ka galnay lumber 2aad East Africa Universiy oo xarunta compiska ugu wayn ku leh bosaso , gaalkio garoowe . wa guul sidoo kale waxaan rabaa in aan idin sheego in maanta Muqdisho University ay ku leedahay Xarunteeda labaad ee ugu wayn Magaalada bosaso marka guusha aay gaartay Muqdisho University waa mid reer puntland ay qayb ka yihiin ….. kuwa kale ee ku yaala somaliland waan ku faraxsanahay guusha ay gaareen .. waxaan kale oo aan ku faraxsanahay kuwa koonfurta ku yaala oo Muqdisho University hooyada u tahay …. waa guul somali oo dhan u soo hooyatay

  3. sugulle says:

    dadka somalida waxaysan dowlanimo urabin waa sidan
    ilaahbaan idinku dhaarshee bal haddii camud kaliya 25 faculty iyo 520 Professors kajiraan
    bal 40ka Jamacadood imisaa dhigta??
    war dadka beenta kadaaya
    Shaqaalaha somali land ee Dowladda ushaqeeya ma dhama 520

  4. Abuhureera says:

    Pr.C/qaadiroow waxaan ku odhan lahaa qiimaantaada ku noqo waayo waaa mid runta aaad iyo aaad uga fog. Dhab ahaantii waaan kawada warqabnaaa xaalada jaamacadaha wadankii, runtuna waxay tahay jaamacada ugu tayada badani waa jaamacada meelkasta oo soomaliya kamida waxbarashada looga soo doonto sida jaamacada CAMUUD UNIVERSITY. camuud universitay waxay leedahay 25 Faculty oo lagu barto 25 takhasus oo kala duwan waxaa ka howlgala 520 International Professors oo isgugu jira ajaanib iyo soomaliba. Ardayda ka qalinjabisa jaamacada CAMUUD UNIVESITY waxaa aad looga jecelyahay oo daba qabsi lagu shaqaaalaysiiyaa wadamada jaarka sida Jabuuti ,Ethoipia iyo Yaman. Pro.C/qaadiroow hadaad runta jabtid macalimiinta jaamacada camuud waxka dhigikari waaaya ee aqoontooda la liido waxay waxka dhigaan oo waliba ay khatar ka yihiin jaamacada BURCO iyo HARGEISA sidookale ardayga baaasikariwaaaya imtixaanka lagu galo jaamacada CAMUUD UNIVESITY waxay galaaan jaamacadahaa kale waaayo iyaga imtixaankoogu ma adka. arintaaasi waaa xaqiiiq hadaad rabtana la xidhiidh wadankiii mitakale waxaaan kuu hayaa oo media yaha soomalida ka buuxda ardayda reer Bossaso iyo reer Gorowe oo ka qalinjabinaya jaamacada camuud waxaanan ka helikartaa jaamacada camuud kumanaan arday ah oo ka kala yimiday daaafaha soomaaliya, waa jaamacada kaliya ee kulmisay 18 kii gobol ee soomaaliya markaa inaaad kaalinta afraad dhigto waa qalad waayo hadii ay kaalinta afraaad waayo hadii ay laamacada camuud xalaa la simantahay jaamacdaha aad ha horaysiisay waa maxay sobobta ar reer bossaaso,reer muqdisho, reer Burco ay lacagta ugu bixiyaan jaamacada camuud bal arintaa ka soo jawaaab hadii ay runtahay waxaad qortay hadii aanad ogayna waxaan magacdooda iyo sawiradooda kuu soo diri boqolaal ka yimiday halkaad jaamacadaha ku sheegaysid oo doolar ku bixiya waxbarashada jaaamacada camuud

  5. waamo says:

    salaan kaddib
    walaahay waxaan farxi lahaa annagoo dowlad leh oo hal Jamacad oo tayo leh heesano
    bal kawarama Jamacad aan laheen Enjineria,Medecine,giologia,Agriculture
    bal kawarama waddanka oo dhan haddii uusan laheen hal macad oo farsamo gacmeed ah sida macanica,electricity
    Dalkan Dowlad ayuu ubaahan yahay
    Jaamacadaha jira waa sida
    wariyayaasha somaliyeed ee hadda jira
    goormeey jamacad kasoo baxeen xagey ugasoo baxeen??????????????

  6. Ina Xuseen says:

    Salaam Calaykum

    Somalitalk, wanaaga iyo horumarka aad la jeceshihiin Somaliwayn Allaha idinka abaal mariyo, dhabbihii aad 10-ka sano soo hayseena waxaad moodaa mirihiisa inay soo baxayaan.

    Dr. Crisaaq Lafoole Allaha ajar iyo xasanaad hakaa siiyo dadaalka iyo shaqada culus ee aad dadka iyo dalkaba u qabanayso, warbixinta aad soo gudbisayna waa mid lagu farxayo, waana sumcad wacan inay jaamacado Soomaliyeed heerkaa soo gaareen. Sidaas oo ay tahay qofku su’aalo badan iswaydiin karo, sida Abdirahman-laaso su’aashiisa quruxda badnayd oo noqon karta ‘case’ ubaahan in study gaara lagu sameeyo, si wanaagsanna loo rogrogo.

    Midda kale marmar waxaan maqlaynaa hal magaalo oo dadka daggan ay kooban yihiin, dadkaas oo inta jaamacad dhigan karta aysan kabadnaan karin 40 qof, ayaa magaaladii laga furayaa dhawr jaamacadood, marka taasi ma waxbarasho horumarin iyo loolan fiican baa mise waa dad business samaysanaya mise jaamacadda jilib hebel iyo jilib hebel, kadibna natiijadu noqonayso inay soo baxaan dad tayyo liita, murankoodu batto, aqoontu dhan marto, oo kudhaco cudurka loo yaqaan “A little knowledge is a dangerous thing”. Kadibna business-kaas laga samaystay kasii qaadaan cudur kale oo ah iyaguna inay dalka khayraadkiisa iyo dadkiisa business ka samaystaan?

    Waxaan filayaa, waxbarashadu inay badato waa wax wanaagsan, laakin Prof. Lafoole, kula talin lahaa in xoogga la saaro tayyada dadka, si ay usoo baxaan dad nuxur leh oo iyagana wax istari kara, dadkooda iyo dalkoodana waxtari kara. Si taas loo helana waa in dadka wax kadhigaya jaamacadaha noqdaan dad tayyo leh oo maskaxda ka tayyaysan, fakarka ka tayyaysan, fahanka ka tayyaysan, falanqaynta ka tayyaysan, tan ugu sii muhiimsana dadnimada kasii tayyaysan. Isla markaana waa inay wadashaqayn dhexmartaa jaamacadaha wixii wadashaqayn kara, gaar ahaan 5-ta gaaray darajadaas, lasoo booqdo oo laga barto sida ay ku gaareen, si ay meesha uga baxaan wixii aan faa’iido dadka u lahayn.

    Salaam
    Ina Xuseen

  7. sujuu says:

    wuu mahadsan yahay Lafoole iyo dadaalkiisa
    laakiin waxaan kudarsan lahaa hal cillad ayaa aqoon yahanada somalida haysata dadka maanta Jamacad loo sheegaayo waa dadkii 1990 shan sano jir ahaa ama kaddib dhashay
    Hadii qofka latuso in Xilligaas 1 Jamacad jirtay Haddana 40 Jamacadood jirto wuxuu dareemayaa in dowlduhu caqabad kuyihiin
    aqoonta
    Tiradu muhiim mahan ee Tayada ayaa muhiim ah

    Ayadoo dowlad jirtay haba gaabiso ama yeysan dhaqaalo badan kubixin haday haljamacad kabadin waysay
    Jamacadaha tuloyinka kajira ee Qaba,ilka leeyihiin maxaa kasoo bixi kara?
    ma.iga rumesanesan Ardayda kasoo qalin jabisa Muqdisha Putland secondryga markay yimaadaan Kenya am Uganda waxaa lagu celyaa Standard 6 ilaa 8
    kama hadlayi shaqsi talent ah
    waxaan ogsoonahay 1990 macaliminta somalida ahee wax kadhigi jiray Jamacada tiradooda inay yarayd
    intiina ay wadanka kasoo baxeen
    xagey kayimaadeen macalimiinta 40 jamacadood wax kadhigta?
    meesha aan ognahay in Kenya oo aqoonta kuhormaraty aysan intaas laheen iyo wax kudhow
    maxuma in aqoonta ladhiri galiyo laakiin waa in xaqiiqda aan laga fogaan ama dadka loo sheego
    MAGACYADA SOOMAALIDA KUSOO KORDHAY WAXAA KAMIDA
    JAMACADA CALAMIGA EE MEEL HEBLAAYO,GAROONKA CAALAMIGA EE MGAALO HEBLAAYO,TEKEDDA CALAMIGA
    int

  8. alisalxa says:

    asc dhaman muslimnta gaar ahaana somalida , waxa si qaas ah ugu mahadcelinayaa qoryashaa in badan oo badan ku bixiyay dadaalka dheriga ah gaarsiinta uma aan is heeysan iskana warqabin iyo waliba dalkooda waxa \kadhacaya xaladkas inay ka warqabaan dhulkoodii hooyo waxa uu ku sugan yahay….loofle ayaa sidoo kale ku mahadsan sida uu ugu hurey waqtigisa inuu dhirageliyo bulshadena kana dhaadhiciyo wadama shisheeya in jmacadheenu yihin kuwa isku filan, waxan dhihi lahaa intaa iyo ka badan ayaa qarsoon oo nabad la,aantu qarineysaa ee yaan laga quusan cidkasta oo ku taageeri kareta hiil iyo hoona yeysan ka hagran ayaan dhihi lahaa

  9. abdirisaq says:

    Maahmaah ingiriis ah ayaa tiraa Where there is a will there is a way. oo macnaheedu yahay marka rabitaan jiro(wax si dhjab ah loo doonayo) meel loo maro lama waayo.
    Waxan aad ugu faraxsanahay marki dhallinti somaliyeed ay dad aad isugu mashquuliyaan inay qoryo ku rartaan sidi awrti oo meydkooda iyo dhaawacooda sidi balki u tubaan waddoyinka burbursan ee dalki somalia, si ay ayagu ugu gaaraan darajo madaxtinimo, haweenka iyo masaakiinta cayrta qaatana shilimaadki guntigooda ku jirey ka furteen si ay dagaal ugu galaan ayaga oo habar wacanaya oo afminshaarro telefanno u xariiriya oo shirar aan loo kala kicin oo dullalin ah ka sameystey meel kasta oo caalmaka ah.
    Ayaan aad ugu ammanayaa ilaahna uga baryayaa inuu ka ajar siiyo ragga ayagu u istaagay umaddoda inay ka saaraan jahliga baday inay qabiilka ka dhigtaan dariiqa keliya ee nolosha una isticmaalay sida xun oo maata sidi giraanti meel looga baxo ay waayeen.
    ragaas aqoonta iftiinkeedi tooshkeedi u horqaaday umaddooda kana xoreeyey silsiladdi jahlig ee mugdia ahayd hawl aad u weyn ayay qabteen.maantana waan aragnaa natiijadeedi oo intaas oo jaamacadood ayaa dalkeenni ka furan.tayada xageeda dhib ma laha oo maalinba heer baa la gaaraya -Rome was not built in one day- aya maahmaah ahayd.
    Sida maalinba qalab loo soo iibainayo sida maalinba professor caalamka looga keenayo sida maalinba manhaj jaamac wanaagsan loo sii adopt gareeynayo sida maalinba workshop looga qayb qaadanayo ayadaa booski la rabay kusoo fadhisan doonta muhiimmaddu waa in dadaalka aan laga daalin.
    Waxan ka codsanayaa dadka wax haysta ee somaliyeed debed iyo gudoba in ay maalgeliyaan mustaqbalka umaddoda.
    Hana ogaadeen caalmku maanta waxa uu ku kala dambeeyaa waa technologyada casriga ah iyo aqoonta ayaadaa hubka caalmka rogey lagu sameeystey ayada wershedaha wax walba soo saara lagu sameystey.ayda ayaa horumarka caafimaad lagu gaarey ninna sagaal bilood ka badan kuma dhalan ee waa dadaal waxa la is dheeryahay.
    aannu la garab istaagno walaalaheen hiil iyo hoo ayagna ha ogaadeen hawsha billabatey dhamystir inay u baahantahay sida ninka beerta beeraa loo bahanyahay inuu dhibkeeda ku sabro ilaa uu goosto miraheeda.

  10. Salamu laahi calaykum warxma,, walaalyaal Abdirazk Lafoole waxuu bulshada geliyey rajo, waayo waxaynu uhaysanaa in Power Hungary oo Qudha uu ka jiro wadanka lakiin warbixinta qiimaha badan ee ina siiyey Prof Abdirazk Lafoole waxay muujinaysaa in rag wanaaga ka shaqaynayey ay jiraan. meehsa rag unadii laayey oo dhiigooda lacag ku doonayaa ay jiraan, hadaba inaga waxaa inala gudboon inaynu ku biiri raga Dadkii wax baraya ee wanaaga ka shaqayanaya,,,,,,,,,,

  11. abdalla says:

    MASHAA ALLAH WAA KHABAR FIICAN OO QALBADDA IYO DHEGAHABA AY KU QABOOBAAN FARXADNA KU REEBA
    WAXAA MAHAD MUDAN WADANIYIINTA U ISTAAGAY OO ISKU TAXLUUJIYAY IN AY HEERKAA GAARSIIYAAN WAXBARASHADA WAANU IDIINKA SOO MAHAD CELINAYNA WANAAGA AAD SAMAYSEEN ,KU SHAQEEYA JAWI AAN QABYAALAD LAHEEN
    DHAC IYO BOOBNA AAN KU SALAYSNEEN ,KANA FOG AADA LUNSASHADA HANTI GAAR IYO MID QARANBA.

    WAXAAD LA MID NOQONAYSAAN 13 TOBANKII NOO CURIYAY XORIYADDA.AMABA AAD LA MIDTIHIIN DHAMAANTIIN JAALAYAAL.
    MAHADSANIDIN DHAMAANTIIN.

    WADANI.

  12. ali aar says:

    somalitalk ajir iyo xasanaad ilaah ha idinka siiyo howsha hagar la aaneed ee aad umadiina u heysaan waan idiinka mahadcelinyaa sid qayaha leh aad aad umadiina ugu adeygeysaan taariikhda ayaa idin xusidoonta

  13. AFRO ALI says:

    DUNIDU WAXAY U AYDAY OO KU ARSTAY WA AQOON
    AMURAHA OO IDIL AQOONBA LAGU HELA
    ILAHABA AQOONTA JECEL EDEB BA LAG HELA
    IFKA LAGU OONBAXA AKHIRO WALGU HODMA
    ABAALKEEDU WAA JANADA UMADYAHAY AQOONTA BARO

    ORAHDI ABAWN ABDI BASHIR

  14. SOMALITALK aadbaan idiinku mahadcelinayaa.

    Prof.lafoole,xaqiiqdii mayara dadaalka uu ugu jiro sare uqaadida hannaanka waxbarasho ee soomaaliya iyo soomaalidaba.aadbaan ugu mahadnaqayaa, dadaalkiisana waxay anfacayaan jiilka danbe ee soomaalida.AABBAHA WAXBARASHADA EE QARNIGAN 21-aad ayaad tahay ee sare uqaadida hannaanka waxbarasho ee wadanka halkaa kahay.

    waxaanse weydiin lahaa hal su’aal oo ah:-
    haddaad tidhi wadanka 30-kii december 1990 oo aan anigu (laaso-ahaan) sanadihii kadanbeeyey aan dhashay,dib udhac ayaa kajirtay oo burburkii ayaa lagu faa”iiday?ma loose qaadan karaa,mar haddii ay 40-jaamacadood oo bilaa tayo ah badankood oo TUULO kaste laga furay in ay caqabad aan yarayn kunoqon karayso jiritaanka soomaalida iyo dowladnimadeeda danbe? uma jeedo waxbarashada ayaa dhibaatada wadata oo waan kuu fahamsanahay in xalku aqoontu tahay,lkn haddii jiilkii sabanadaa kadanbeeyey loogu sheegayo in wadanku markaa lahaa hal jaamacad,haddase uu 40-tan sii cagacagaynayo waa lafaaiiday oo dowladdabu waa dib udhac ee jaamacaddaha sii badiya.hadalkaa waxaan usoo qaatay,markii uu wadankii burburay ,qaar danahoodii aan horay ugu hirgalin ayaa uhirgashay oo haddaad hadda lakulanto ku odhanayo burburkii wadanka waa laga faa’iiday,waayo gobolkayaga sidaasuuu ahaan jiray maantana waad aragtaa oo inta jaamacaddood ee kutaallo waad garanaysaa,isagoo faaiidada u arko in wixii uu isaga gooni uhelo ay faa;iido tahay,dib udhacuna uu yahay hadduu danahiisa waayo.

    markaa hadday jaamacadduhu bataan,ma faaiidadii burburka ayaa sii badanaysa mise khasaarihii wadanka ileen,rag badan oo aqoonyahana soomaali ah ayaan kamaqlay ama buugaag ay qoreen aan ka akhristay,iyagoo isbarbardhigaya wixii jiray dowladdii hore iyo wixii samaysmay burburkii kadibba,waxayna xusaan qaar in uu faa’iido lahaa burburkaas maadaama,ay waxaasi latimi,iyagoo dowlad dhan iyo ummad dhan wixii kaburburay,lagu dadayo gobol horumar uu gaadhay ama jaamacad meel ay haysato aan lagaranayn laga furay.su’aashan jawaabteeda aan kuhelo waraysiyadaada danbe,iyo kulamada aad kaga waramayso xaalka waxbarasho ee aad kubaaqaysaan.hadalkan yaan looqaadan in aan waxbarashada dhaliilayo,kana soo horjeedo jaamacaddaha soo badanaya,lkn waxaa igayaabisay in hal jaamacad,oo ay afartan kadanbaysay lagu tilmaamo guul aan yarayn oo dad badaniba ay uqaadan karaan in aan dowladba loo baahnayn oo tii hore wax dhaamaba lahelay.

    cabdiraxmaan laaso
    laaso22@hotmail.com

  15. Run ahaantii waa wax lagu farxo in wadankeena Soomaaliya oo ah wadan 20 sano burbur iyo dagaalo ka socdeen hadana aan ka sii fiicnaanay dhanka waxbarsashada waqtigii hore inkastoo ay jiraan arday badan oo fursad wax barasho wayse hadana run ahaantii waqtiyadii danbe marka laga saaro 3 dana sano ee danbe waxaa si xawli ah u socde waxbarshada wadanka Alle idinkiis way soo laaban doontaa 20 sano kedibna waxaan ku rajo waynahay in ay reer Yurub u soo shaqo doontaan wadankeena Alle idinkiis oo ay Luuqada Soomaaliga noqoto Luuqad Lacag lagu barto Alle idinkiis , waxaan xasuustaa naga Talyaani ah oo tiri Viisaha Soomaaliya 6 bilood ayaan raadinaayay waxaan filaa da’yarteena K/Africa lagu gubaa in ay wadankooda u soo laaban doonaan si wacana uga ganacsan doonaan Alle dhankii waa ka fudayd, Somalaay ogaadan in aan waxaan anagu isku dhigne Qoom Alle ma bedleo ilaa ay isago is bedelana , waqtigii nabada Diintii aya ala dayacay dadkii waxa ahogaamsiay dawlad Calmaani ah oo , gabdhihii ayaa la qaawiyay , Diintii ayaa noqotay wax daciifa , balse maanta Diintii ayaa siw acan loo barte dumarkii baa xijaabte , balse nabadii ayaa dalxiis naga aaday

  16. axmed makoma says:

    aad iyo aad baa u mahadsantahay Prof abdirisaaq,dhibaatada dhoof jaceylkana ee aad ka hadashey waa run, waan dhibaato xanuun weyn inagu haysa oo maal badanna kaga baxo ehelka inanka yar ee ka cararaya dalkiisa, siiba qorba joogta soomaliyeed dhib weyn bey inagu haysaa dhalinyarad dhoofka jecel ee aan dooneyn in uu waddanka ku nagaado oo uu wax ku barto, oo iimaansado.
    taas macnaheedu waxa weeye arday walba oo dugsi sare kabaxaaba in uu waddanka ka dhoofo. waa dhibaato,waxayna saameyneysaa waddanka,waalidka,ehelka xagga dhaqaale,jaamacadaha uu professor Abdilrizak inoo sheegey oo waddanka ku yaal oo kaalin fiican kaga jira addun weynaha oo ardeyda ku yaraato maadaama ay 90% doonayaan in ay waddanka ka tagaan.

    ILAAHOW NAGA DHIG UMMAD WADDANKEED JECEL , OO NABADDA JECLAATA,OO IIMANSATA WADDANKOODA SIDA ummadaha kale .

    best whishes.

    axmed.

  17. Marka hore A/C Bahda Somali u hadal marka xigga A/C Lafoole oo isagu sida hagar la,aanta uga war bixiyay Wadanka in laga helaayo waxbarasho dhab ah,waxaa hubaal in wadanka ay taalo waxbarasho buuxda iyo hadii ay tahay ninkii shaqaysanaya Amaankana illaah ayaa haya oo maanta Aduunka meel walba waalagu dhiban yahay.
    soomaliyeey Imaansada Dalkiina Hooyo oo illaah ka baqa
    hadii aan wax khalday,Eebbe wayne ayaysan wax ka khaldamin

  18. khadar says:

    soomaali oodhan haday sidaa wax uqaban lahayd walahagaagi lahaa dadkuna waxbaybaranlahaayeen

  19. Waa warbixin dheeri galin leh laakinse sidee lagu aamini karaa xaalada (amaanka) wadanka ee is badbadalaya habayn iyo maalin. Runtii shabaabka waxbarashada kashaqeeya waa dadaaleen laakinse 1000 jaamacadood oo aan dowlad ka danbeyn waa adag tahay sida laysugu aamino. Dowlada ugu xun aduunka magac bay kusiinaysa oo waxay haysata sharciya dowliya ee aan dowlada maqaar saar ah raadino.
    Somali ha israacdo, Rabigeedna ha utowbadkeento.