Home » Faallo »

Hasha maqaarka diidaysaa daldalool bay ka eegtaa (Jawaabtii waraysigii Prof. Samatar) | Dr. Abdullahi Spanish

Waxa maalmahan aad ugu soo batay shebekadaha soomaalida, warar la xidhiidha raiisul wasaaraha cusub ee uu magacaabay madaxweynaha DKMS. Wararkaasi waxay u badan yihiin kuwo aan taageero ahayn e mucaarad ah. Markii aan indha indheeyey, wararka mucaaraadka ku ah iyo meelaha ay ka soo jeedeen, waxa ii muuuqatay ujeedada ka dambaysa war kasta.  Laakiin waxan meelna u saari waayey waraysi uu bixiyey Prof. Abdi Ismail Samatar oo ka mid ah aqoonyahanka soomaaliyeed.

Haddaan hadalkii Prof. Abdi Ismail dib ugu laabto, waxa ka mid ahaa dhaliilaha uu Soomaali u soo bandhigay oo ku saabsan “Thesis” uu qoray Mr. Farmaajo oo magaciisu yahay “U.S. STRATEGIC INTEREST IN SOMALIA: From Cold War Era to War on Terror”, kuna dhaliilayey raiisul wasaaraha cusub, waxyabaha soo socda:

a)      Abdi Ismail wuxuu ku sheegay in uu yahay nin qabyaaladda ku dheereeya

b)      In uu yahay nin taariikhdii SYL meel kaga dhacay oo ka beensheegay

c)      In uu labadii marxuum: Adan Abdalla Osman iyo Abdirashiid Ali sharmarke meel kaga dhacay ama yiri: doorashadoodii dano gaar ah ayaa ka dambeeyey.

d)     Wuxuu hadlakiisa ku soo gebgebeeyey in Raiisul wasaare farmaajo yahay nin Soomaali dembi ka galay.

Soomaalida ayaa waxay ku maahmaahdaa: nin hooyo dhashay hal ma seegi waayo. Iyada oo taasi run tahay oo beni-aadankana gefka iyo garasho darraduba u furan tahay, hadana, waayeelka weeso dhawrashadiisu waa in ay gaar noqotaa. Waraysigii uu bixiyey Prof. Samatar wuxuu igu kalifey in aan baalkii uu qoray Raiisul wasaaruhu raadiyo, isla markaana hubiyo sida wax uga jiraan dhibaatooyinka waaweyn oo ku qoran oo ku kalifey Prof. Samatar inuu af labadi yeedho.

Guud ahaan marka qoraal la qiimaynayo wax yaalaha la eego waxa ka mid ah qofku xaqiiqda ma ka hadlay mise fikirkiisa ama caadifad buu wax ku saleeyey? Aniga oo og in la kala aragti duwanaan karo oo bakeeri badh madhan yahay qofna u arki karo in badh buuxo qofna u arki karo in badh madhan yahay, hadana, xumaanta ku qoran oo Prof. Samatar ka dhawaajisay aniga iigama muuqan baalka uu qoray Mr. Farmaajo.

Inkasta oo aanan aqoon u lahayn Raiisul wasaaraha cusub hadana waxan dhowaan akhriyey qoraal uu kaga ka cawday habka soomaalidu maanta wax ku qaybsato ee la yiraahdo 4.5. Waxa ku muuqatey qoralkaas in uu ka xunyahay in dadka tirada yar la dulmiyo.  Waxa kale oo ka mid ahaa hadaladiisii in uu yiri: waxan soo xuli doonaa dad iyagu cid wax cunta uu dambeeya. Qoraalkaas waxa laga soo maydhax diiri karaa in uusan ku dheerayn qabyaalad waayo dadka uu u dooday waa dadka tirada yar ama tamarta yar oo la xoogey. Run ahaantii, 4.5 waxay ka mid tahay ceebaha xeerka ku meel gaadhka ah ee soomaaliyeed. Qof kasta oo aqoon lihina wuxuu aaminsan yahay in qofka soomaaliyeed aan lagu xidhan yaa tahay e lagu xidho maxaad taqaan isla markaana kartidiisa, dadnimadiisa iyo daacadnimadiisana lagu qiimeeyo.

Waxa kale oo isla baalka uu qoray aan ka dheeday in uu Mohamed Siyad Barre iyo dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa uusan inaba hadlaka uga tudhin, dhaliileheediina uusan ka boodin ama iska indha tirin e soo bandhigay. Taasina waxay muujinaysaa in aan caadifad qabiil gun u ahayn buugga uu qoray iyo aragtidiisa toona.

Mr. Samatar wuxuu ka dhawaajey in uu SYL iyo tariikhdeedii ka been sheegay. Hadba, si la iila arko waxan soo qaaday qayb yar oo Raiisul was are Farmaajo kaga hadlayo SYL, waana tan iyada oo sidii ay baalka ugu tiil u qoran:

  • ————————————
    While British and Italian colonies were vying for control of the Somali Peninsula during the World War II, Somalis continued to mistrust and undermine the authority of their colonial rulers. As a result, the first modern Somali political group was formed in 1943. The Somali Youth League (SYL) articulated the need for national unity and, by extension, discouraged division and feuding between clan-families. This new ideology worked; the SYL helped Somalis realize that the only way to succeed and overcome colonial occupation was to unite against it.14 Against a common rival, a national consciousness was beginning to form. The political pressure also helped to improve lives: colonial rulers took steps for economic development, better education, and healthcare for growing urban communities. The SYL’s main focus, of course, was to end colonial rule and liberate the nation from foreign influence and domination. This did not happen overnight; however, the organization succeeded well in easing ill-feelings between tribes and compromising the clan system. The creation of a Somali state in 1960 could not have happened without this foundation.
    ————————————–

Waxan filayaa haddii uu meel aan ishaydu qaban oo baalka ka mid ah taariikhdii SYL kaga been sheegay, wuxu noqon lahaa nin isagu is buriyey.

Waxa kale oo Prof. Samatar sheegay in uu yiri: doorashaddii Adan Abdalla Osman iyo Abdirashiid Ali Sharmarke dana gaar ah baa ka dambeeyey.

Marka la eego wadamada sheegta demuqraadiyada waxa ka jira awoodo aan ahayn xisbiyada laakiin si aad ah lug ugu yeelata waxa yaalo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda dalka, sida; cidd la dooranayo, qawaaniinta la soo saarayo etc. Marka Soomaaliya dib loo eego, gaar ahaan sagaalkii sano ee ka horeeyey dawladii milateriga ahayd, waxa hubaal ah in ay jireen waxa loo yaqaan “Pressure group ama interest group” oo maanta aduunka oo dhan ka jira. Haddii aan xaqiiqda la iska indha tirayna ma aha wax lala yaabo ama Soomaali dembi lagaga galay, haddii qof soo jeediyo in doorashooyinkii ay lug ku lahaayeen dadkii marka awooda badan dalka ku lahaa iyo dawladihii danaha ka lahaa sida talyaaniga. Lixdankii waa fogaaye maanta ayaa dalalka aduunka madaxweynayaasha loo xulaa oo awoodo qarsooni miisaanka dhanka dantoodu ku jirto u ciiriyaan.

Wuxu kale oo Prof. Samatar sheegay in raiisul wasaaruhuu hadaladaas Soomaali dembi kaga galay, sidaa darteedna wuxuu ka codsaday in laga hortago. Hadduu daacad yahay cid Soomaali dembi ka gashayna farta ku fiiqayo, waxa dalka jooga, waqooyi iyo koonfurba oo weliba xilal ka haya kuwii maatada soomaaliyeed dhiigeeda ku faraxashay. Waxaana la gudboon Prof. Abdi Ismail in uu maalin walba ka qayliyona waajib ku tahay dalkii soomaaliyeed oo noqday meesha aduunka qashinka isugu geeyo iyo dadkii soomaaliyeed oo kuwa dalkii ku hadhayna halis u yihiin in suntu cidhib tirto, kuwa dibadduna halis u yihiin diino kale iyo dad kale in ay ku milmaan oo waa dhow lays waydiiyo. Marka Prof. Samatar wuxu iigu muuqdaa nin waran qaaxeeyey qarsanaya oo qanjiidho ka cabanaya.

Raiisul wasaare farmaajo wuxuu maanta taagan yahay halkii ninkii soomaliyeed ee adhigiisa iyo kii sodohdiis soo arooriyey oo xishood iyo eed ka carar dartood  adhigii sodohda waraabey markii hore, laakiin sodohdii tiri: Ma biyuu cabayaa? qadhqadhyo ayuu la liitaaye. Waa adhi aan cid lahayn oo waa waxa isaga loo horraysiinayaa oo qaboonada loo waraabinayaa. Isaga taa qaba ayaa waxa la gaadhey kalkii labaad, markaasu isaga oo eed ka carar ah wuxu hor waraabiyey adhigiisii. Markaana sodohdii waxay tiri markii keedii kaalintii soo galay: ma biyuu cabayaa haraaryo ayuu la liitaye, waa adhi aan cid lahayn oo waa waxa isaga loo dambaysiinayaye.

Ninkii ilaa hadal kale uma furnee wuxuu ku waashay oo adhigii ku shubay: saanu yeelaba, saanu eednee, saanu yeelaba saanu eednee, saanu yeelaba saanu eednee.

Run ahaantii, weli ma arag Prof. Samatar oo masuul soomaaliyeed dhaliilaya mooyee, isaga oo qof soomaaliyeed u sacabinaya dhiirigelina ha noqotee. Laakiin la yaab ma leh oo soomaali weligood waa ka dhalaan jireen waayeel si waliba la sirgaxan tahay.

Ugu dambayntii hasha marka ilmuhu ka boxo waxa soomaalidu isku daydaa in maqaarka lagu maalo oo ama joogjooge looga dhigo ama isaga oo sidiisii ah la hordhigo ama ilme kale lagu maqaarsaaro. Laakiin dhibaatadu waxa weeye, markaa hashu maqaarka inta ursato oo ursato oo si walba u eegto ka dhaqaado, waa halka ay ka timi, hasha maqaarka diidaysaa daldalool bay ka eegtaa, wana adagtahay in harag dalool laga waayo. Sidoo kale, waa ma dhacdo in qof beni-aadan ah dhaliil ama khalad laga waayo, Prof. Samatarna waa u furan tahay in uu diido raiisul wasaaraha cusub, waana u furan tahay in daldalool ka raadiyo, laakiin xaq uma leh in uu isku dayo in uu Soomaali fidno cusub ka dhex abuuro oo kicinteeda diintu inaga reebtay, dhaqankeenuna ka caagan yahay. Sido kale xaq uma leh in uu isticmaalo ereyada ay ka mid yihihiin Soomaali buu dembi ka galay, ama madaxweynayaal dhintay buu aflagaadeeyey, waa halka masaaridu ka tiraahdo: yacmal min al xabbah qubah ama iniin buu qubi ka dhigaa.

Waxan rajaynaa Prof. Samatar maadaama uu aqoon yahan Soomaaliyeed yahay Soomaalina ay ku badaniyihiin maanta gacan ku dhiiglayaasha iyo carrab ku dhiiglayaashu, in uusan qolada dambe ka mid noqon, isla markana qoralkiisa iyo hadlakiisaba ka ilaaliyo caadifadda iyo cadaalad darrada.

Dr. Abdullaahi Hassan (Abdullahi Spanish).

Email: indhagube@yahoo.es

###

.. Prof. Cabdi Samater “Buuga uu Qorey Raiisul Wasaaraha Cusub waa mid loogu gefey Labadii Madaxweyne ee ugu horeeyey Soomaaliya”

.. Buugga Thesis-ka oo Faramaajo qoray 01 June 2009 cinwaankiisuna yahay “U.S. STRATEGIC INTEREST IN SOMALIA: From Cold War Era to War on Terror” Ka akhri linkigan: https://somalitalk.com/2010/farmaajo/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

17 Jawaabood " Hasha maqaarka diidaysaa daldalool bay ka eegtaa (Jawaabtii waraysigii Prof. Samatar) | Dr. Abdullahi Spanish "

  1. ASc,
    dhamaan waad kumahadsantahiiin, fikiradina waadna umadax banaantahiin inaad fikirkiina shegtan, maahan in qofka lacaburiyo, horay ayay somalida utiri Arin Nin latoosan ayaa nin Tuur laleh.
    Marka hadalka waxan kusoo koobilahaa “NIN WALBA WAXA UU YAHAY WAXAA MUUJINAAYA WAQTIGA”

    ILAAHOW SOMALIDA IYO SOMALIYABA UGARGAAR. AMIIIIIIIN.

  2. fadlan soo gudbiya says:

    ACW:

    Ma anigaa mise Soomaalida waxbaa si ka ah? waxan warbaahinta ka daawaday dabaaldeg Ra’iisalwasaaraha cusub loo sameeyey…..!!!! cajiib!.

    waxan xusuustay Sh. Shariif sidii loogu dabaaldegi jirey !!
    ka waran iyada heesihii kacaanka ee ay ka midka ahaayeen MADAALOW SIYAADOOW iwm. masaakiin Soomaaliya ilaahow ur u bixi. AAAmiin.

    Cawil

  3. Cali Cilmi says:

    Pro. Cabdi Ismaaciil wixii uu arkay ayuu sheegay ee wax uma dhibin Farmaajo waana ku saxan yahay in uu saxo qof khalad ka galay ummaddan soomaaliyeed.
    Tan kale Farmaajo isma lahayn markuu buuga qoraayay weligaa waxbaa ka noqee soomaaliya wuxuu wax u qoray sidii isaga oo fadhiya meelaha fadhi ku dirirka taasna, waxaan kale oo la soconaa in uu u shaqeeyo CIA maraykanka oo iyagu soo magacaabeen marka isaga ayaanba taageero ka helayn soomaalida dhexdeeda marka laga reebo kuwa yar oo qabiil dilooday ama wax ku soo noqday sidiisa oo kale ee yaan la xag xagan pro. Cabdi Ismaaciil oo ah nin soomaalinimdu ku wayn tahay qabyaalada darteedna loo aflagaadayn.

  4. wiilwaamo says:

    waxaan kudarsan lahaa Somalidu intay xal raadin laheed ayey caqab raadisaa
    Somalitalk way mahadsan tahay waayo dadka way kaneefisay kii cudur qabiil qabay kii shaqsi naceeb kujiray
    waxaa laga hadlayaa Buug nin qoray
    war somali way is leesay kuwii dadka laayey ayaa hadda jooga oo wasiirom ah
    barlamaan kujira,madax ah
    Samatar Markuu Qabaa,ilka Muqdisho deggan usheegaayo in aan ladooran
    ha,usheega kuwa ciyaalkooda iyo waayeeladooda habeen iyo malinba qaxinaaya
    SOMALYA MANTA UMA BAAHNA BUUG hebel iyo heblaayo qortay
    waana in dadku ogaadaan qofka xataa haddii uu wax kuqaldamo ma wada qaldana
    dadkuna ha iska daayaan caadifadda iyo hebelbaa yiri
    Samatar Boqolaal ka aqoon badan ama lamid ah ayaa jirta warkuu sheega mahan war malaa,ig sheegtay

  5. Salaan dabadeed. Cilmigu hadii aanad ummaddaada wax ugu qaban karin waxa hubaal ah in aanu wax tarin. Pro- Samater weligiis wuxuu ka soo hor jeedaa aqoonyahan dalkiisa u taagan in uu wax u qabto! bal dib u jaleec qoraaladiisa, runahaantiina qabiilku kama madhna. Pro Samater waxaan odhan lahaa yaa kuu xilsaaray sixidda aqoonyahanka ama siyaasiga u tafa-xaytay wax u qabadka dhulkiisa? ogowna walaakay Samater in aanad ahayn kan qudha ee wax bartay. waxanna kuu fiican in aad iska dhaaftid maseyrka aqooneedka. Ogow America kuuma baahna ee dalkaaga ayaa kuu baahan in aad xiliga yar ee noloshaada ka hadhay wax u qabato, waayo Soomalidu waxay tidhaa ” Waari mayside war ha kaa hadho”

  6. Aad waxaan ulayaabaa professor samater had iyo jeer intaan arkayey wuxuu daliilayaa ruux wax isku dayey. Aqoontiisa run ahaan anigu waxaan u arkaa mid aan waxba umadiisa u soo kor dhin. Had iyo jeerna xaasid- nimo aqooneed ayaad kadheehan hadalkiisa iyo qoraaladiisa. xadiis nabawi ah ay yidhaa. “ilaahaw waxaanu kaa magan galay cilmi aan lagu intifaacin” yaa u doortay in uu aqoonyahanadda isagu saxo.

  7. shire says:

    waxaan salaamay prof samatar waxaana weydiiyey dadka aan u baahanayahay baad ku jirtaa ilaahay hanoo kaadaayo hana nookaa barakeeyee adigu inaad wax dhaliisho oo wax rejo xumeyso moogiye miyaadan ogeyn waxa ay diintu ka qabto dadka oolayskusoo dhaweeyo oo layso ceeb asturo waxaan u riyaaqaa oon jeclaysaa oo xusid mudan in nuuradiin faarax uu dagaalkii baydhabo ka dhici jiray damcay inuu baajiyo oo baydhabo iyo xamarba tegey ficliyan adigana ilaa waagaan ku maqlay 90 maadkii americaad joogtaa isku si umbaadna u dayrisaa???????

  8. Aw malaaq says:

    Qashin iyo qabiil bey isugu hiilisaa xataa hadduu ruux qaldanyahay.

    Anigu qabiilna lama wadaago Prof. Samatar iyo Mr Farmaajo midkoodna.
    Laakiin runtii Prof Samatar waxaan u arkaa geesi, aqoonyahan, soomaali xalaal ah oon weligii runta ka gabban. waana nin sumcad ku leh saaxadaha caalamiga ah iyo kuwa soomaliyeedba

    waxaa fiican inta aydan wax ka sheegin Prof. Samatar inaad dib u raacdaan taariikh nololeedkiisii iyo mowqifkiisii shaqsiyadeed ee uu ka istaagey arrimaha murugsan ee Soomaaliya. Markaad ka baaraan degtid qoraalladiisa, hadalladii uu ka jeediyey shirarka caalamiga ah ee soomaaliya quseeya, wareysiyada uu idaacadaha iyo TV-yada siiyey ..ka dib fallo ka bixi.

    Mr Farmaajo waa nin isagoo da’ yar Ameerika Yimid oo weli ku jira halgankii uu ku hormarin lahaa noloshiisa.Walow magaciisa hadda uun la maqley waxaa ka muuqata inuu yahay nin ku dadaaley horumarinta noloshiisa. Buugga uu qorey iyo wax ku qoranba weligii lama ogaadeen hadduusan soo gelin saaxada siyaasadda Soomaaliya oo iyadu meel xasaasi ah oo is eedeyn iyo isdhaliil sax iyo qaladba ay dadkii jahwareeriyeen.

    Dhaliilo wey ka muuqdaan buugga la isku haysto hayeeshee waxa laga yaabaa Mr farmaajo inuusan ula jeedin dad gaar ah inuu ku xumeeyo ee uu tixraacey uun qoraallo ay dad kale qoreen. Waxaan filaaya hadduu ogaan lahaa inuu cuqdad uu abuurayo ama caqabad u ku noqon doono mustaqbalkiisa siyaasadeed wax buu ka beddeli lahaa qoraalkiisa.

    Markii magaciisa la maqley waxay dadku yirahdeen waa nin aqoonyahan ahee ha la tijaabiyo, walow ayba yartahay waxa uu ka qaban karo Soomaaliya oo malinba maalinka xiga god dheer ku sii dhacaysa.

    Aqoon iyo karti kasta hadduu leeyahay ma filaayo inuu isbeddel keeni karo.

  9. hussein says:

    wan idin salmaya dhaman umada somaliyeed iyo shaqalaha webkaba. salan kadib waxan rabaa qoraalkii profeser samatar
    kaqoray ninkan raysal wasaaraha aan waxyar ka idhaahdo
    horta samatar waa muwaadin soomaliyeed xaq wuxuu xor uyahay fikirkiisa dadkuna way kala aragti duwanyihiin lakin wuxuu iloobay in qofka bini aadanka ah sharafkiisa oo meel lagaga dhacaa ay danbi wayn tahay runtii buuga ninkii akhriyaa waa iska cadahay dadka uu samatar leeyahay waxbaa laga sheegayna ma aha rasuulo samada laga soodajiyay ee waa anagoo kale waxna way khaldi karan waxna way sixi karaan wixii ay khaldeen hadii lasheego ma somaliyaa danbi laga galay nin jeclaysigu ma fiicna qabyaalada iyadaa kadaran takale qofku hadii yidhaahdo kaligay baa waxyaqaan dhibkeedayleedahay labadan wiil ee ilma samatar waxaa loo soo diray inay soomaliya qasaan iyagoo aqoon isku sheegaya waxaa wajiba inad qofka aqoontiisa ku tixgaliso lakin samatar isagaa taajabiyay marka
    isagana cidii wax kadhagaysan lahayd baa loobahanyahay. raysalwasaruhuna waa muwadin somaliyeed ma aha rasuul wana ladooran kataa wana laga soo horjeedsan karaa lakin sharafka qofka yuusan wax noqon looma wasakheeyo samatarna malin malmaha kamida taso kale filo hadadan ka tobad kenin waxan aad walaqaysid ee wasakha shacabkana uhoos galinaysid. smc

  10. Calool xanuun horleh
    Waa ceeb haddii ay aqoonyahanaddii aan kurajo waynayn kudagaalamayaan maydka umadda. Waa calool xumo haddii aqoonyahankii umada lacaqli noqday cisaabada umada dhiigeeda kunool.

    Prof Samar: Xusuusin ninkaan-Ra’isal wasaaraha waa qabiil… waana inuu sidaas noqdaa waayo jagadan waxaa loo rabaa oo iska leh qof qabiili ah sida kuqoran waxa ay kusheegaan tastuurka kumeel gaarka.

    Amaa inuu qabiilkiisa rumaysanyahay oo cidkale wax uqaban doon waa arin ubaahan lafteeda in su’aalo layska waydiyo. Muxuu uqabankaro qabiilkiisa wax kabadan inuu hal wasiir ama 2safiir umagacaabo? Qaabkiisa iyo hadalkiisa ayaad kadhandhansanaysaa inuusan xitaa khibrad ulahayn sida qabaa’ilada loogu khudbeeya.
    Su’aasha kale oo maskaxdayda kusoo dhacday, ma Sheekh Shariif ayaa keeney mise qabiilkiisa? Waxaan filaya qabiil Maraykan ma aadeen, xitaa gobalada ay dagaan cidi looma doonayn ee inta meesha joogta ayay mid ka soo dooran lahaayeen!
    Waxaan filaya qolo umbaa soo lugaysay mooye inaanu meesha ku haboonayn oo aanu qabiil matalikarin. Sida muuqatana qabiilka laftiisa ayaan isku raacsanayn oo in badan ayaanba aqoonin oo maalintii qabiilka ubaahnaa wiilwaal difaaca xageebu jirey!!

    Prof. Samatar waxaan kuu sheegi lahaa haddii laqabanlahaa doorasho xur ah oo adiga iyo Raisal wasaaraha isa soo sharaxdaan waxaan codkayga siinlahaa adiga, waxaad tahay aqoonyahayn Somaliyeed oo aaminsan midnimada ummada. Ayadoo ay sidaas tahay hadana kuguma raacsani inaad isbarbardhigto nin dalka kamaqnaa 25sano oo maqaal yar qoray iyo niman 25kii sano ee lasoo dhaafay kunoolaa dhiiga umada.

    Hadalka aad iminka kasheegtey Raisal wasaaraha waxaan kaa maqli lahaa haddii ay labo nin oo aqoonyaaniin ah wada sharaxan yihiin oo aad nagu dhiiri galinayso midkood, dalkana sidaan ka rajo fiicanyahay.

    Raisal Wasaaraha, saaxib waxaan kugula talinlahaa inaad jagadan iska casisho inta aadan magacaada ceebeyn. Waxaa laguu qaatay inaad iskaa isu soo sharaxdid inta uu shariif sii socdo oo siyaasada iyo wadaadnimadiiba kabaxay kugu magac raadsanlahaa. Team aan magac iyo sumcad midna doonayn oo qabiilka matalo, oo aan waliba baasaboor iyo shahaado ay kushaqo tagaan sidan waa joogaan oo shaqadan loo dhiibo.
    Shabaabka qoraaladan: Aad bay ufiicantahay inaad ra’yigiina dhiibatan oo aad dhiiri galisan qoraaga maqaalkan prof Abdullahi Spanish laakinse iska ilaaliyo inaad dheeri galisaan afkaar qabiil. Prof. Samatar qaymaha uu leeyahay wax uma dhimayso hadal uu kasheegey nin usoo shaqo tagay Villa Somalia iyo warlords maxkamad sugayaal ah.

    Waad mahadsantihiin. Somali ha israacdo,Rabbigeedna ha utowbadkeento.

  11. Gesod says:

    ASC
    Waxaa baryahaan dambe caado noqotay in aqoonyahanadu mucaaradan qof walba oo xukun loo doorto ILAA aqoonyahankaas asaga xil la siiyo.
    Markaa Samatar mucaarad ayuu ahaan ilaa asaga xil laga siinaayo.
    Tusaale sida Sharifka, dr Gandi, Tarsan …i k m
    asc
    gesod

  12. Liibaan says:

    Laakiin waxaa la rabaa in ninkan profesoorka ah ee la dhaho spanish uu ka hadlo idaacadda Xamar oo dadka u sheego inay tahay wax caadi ah in madaxda ay soo xushaan qolyo siyaasadda ku shaqyasta meel walba. Xitaa Obama dad baa doortay oo meesha keenay. maaha wax qolo lagu xumeynayo gaar ah. Samatar six xun buu u sheegay hadalka oo wuxuu ka hadley idaacad Xamar ku taal oo dad badan maqleen. Waa muhiim in hadalakan prof. Isbaanish isagana laga maqlo idaacadda.

  13. Janaqoow says:

    Prof. Yaan loo gefin .

    HE is the Only Somali Stateman on the front.
    Ninkaan qabiilka ku tanaaday oo ilaa heer diplomasi sare ka gaaray maanta meel loogu ceeb qariyo ma joogo. Gefafka uu geystay meel walbo oo ka mid ah buugiisa ayay ku qoran tahay.

    Waxaad kaloo ogaatiin wax walbo oo run ah ama fiican ee uu qoro cid dan kaleh ma jirto waxa kaliya ee la sheegaa waa xumaanta. Xumaantaasoo waliba laga fiiriyo haddii ay ka yar tahay ama ka badan tahay wanaaga buuga intiisa kale ku jira.
    Marka ninkaan waxaa cadaday in xumaantiisa ay qeyru caadi tahay, Waliba marka loo fiiriyo kursiga loo wado.

    Marka xarfaaneey ninkaan meel laqu qariyo ma joogee xaal qaata.

  14. AADBAAN KUU SALAAMAYAA dr.spanish,beentu hal lug ayaa ay leedahay,marka laqabtana way dhacdaa,markaa wayba iska dhici,haddii dhanka wanaagsan wax laga eego.waxaana aan filayaa in aad xaqiiqada farta usaartay. waa runtaa oo xagga dhaliisha malaha shahaadooyinkiisa ayaa ay kujirtaa oo xaggaa aadbuu ugu faradhuudhuuban yahay.

    MUDANE:FARMAAJO mashaariicdan lagu furayna waa kuwo wajiyo badan leh.dhaliil wuu yeelan karaa bil xaqiiq,lkn wakhti hala siiyo.malaha xagga dowladdii siyaad barre ayuu kala dagaalamayaa waayaabe,ileen shalay ayaaba xilka loo magacabay bal muu sugo inta uu wax qabanayo,mise qolyo kale ayuu uga hiilinayaa oo uu leeyahay xilkaa beesha farmaajo magayso oo reero kale ayaa iska leh,hadduu arinku sidaa yahay dee maahayn in uu usoo maraateeyo ee waxay ahayd in uu markiiba shariifka dhaliilo beesha uu islahaana uu usheego.

    maqaalka isbaanishna bil xaqiiq aadbuu uxigmadaysan yahay.FARMAAJO waxaa taageeray soomaalida wanaagga jecel,waxaana dhaliilay inta weligoodba wax xumayn mooyee aan wanaag lagu baran,bannaan baxyo ayaa lagu soo dhaweeyey oo gudaha wadanka ubadan,caasimadda dulmanna haba ugu horaysee,markaa haddii rabitaanka shacabka lays hortaagayo waa meesheeda,danbina maahan buug laqoray.beel difaacidduna mararka qaad xadka ayaa ay kaasaaraysaa in samataroow ee cimri ayaad joogtaa,maraykan un haka qayline dee wadanka inta aad timaado bal wanaagga aad meelahaa kasheegto iyo sidaa may sameeyaan iyo wadanka waa lagu soo duulaydaa un bal adiga aanu xilka kuudhiibnee,laba todobaad ayaanu kuu qabanaynaa ee soo xasili wadankaba.malaha habar lagdini wax uga fudud’e,waxaa kula sahlanaatay xaalka soomaalida,waxaadna xalka uqaadatay in kii lamagaacaba aad dhaliishiisa soo baadho. AADAN CADDE IYO CABDIRASHIIDBA dhaliil way leeyihiin ee maadaa kamasaxaya. beelaha aad sheegtay ee aad maanta afhayeenka unoqotayna waayaabe maadaa waxaysan ahayn kadhigaya.ALLE KACABSO OO UMMADDA FIDNADA kajooji.oo haddaad waxqabanaysaan wadanka adiga iyo walaalkaaba kaalaya,oo sidan udhaama dee haddii kale, afkudhiiglayaasha uiu xusay DR.SPANISH ayaad noqon oo aanu kugu dari doonaa.

    AADBAAN MARKALE KUU SALAAMAYAA ADIGA IYO inta dhanka wanaagsan waxka eegta.kuwan farmaajo weerarka qabyaaladaysan kusoo qaadayna waxaan leeyahay iska daaya,arinkaasi haddii beel difaacid aynu meel kugaadhayno waa hore ayaanu wadankiina sidan udhaami lahayne.

  15. dhamaan bahada somalitalka iyo Dr spanish waan salaamayaa
    asc
    waa ilaahay mahadiis hadii weli ummadda somaaliyeed dhexeeda laga helayo aqoonyahano muujiyo xaqiiqda dhabta ahi shaqsigana siiya xaqa uu leeyahay xadgudbkana kafog.
    Eedeenta prof/samatar waa mid kubadatay warbaahinta dal iyo dibad waana wax laga argagaxo inuu aqoonyahan somaaliyeed caado kadhigto dhaliil ,eedeeyn iyo jaaifeeyn uu ulakaco shaqsiyaadka iskudaya in ay wax kabadalaan marxalada uu hada dalka kujiro ,waxaan kula talinayaa prof/ ka inuu dib u eegis kusameeyo go’aamadiisa ku aadan shaqsiyaadka cadaaladana ilaaliyo.
    mahadsanidiin
    wasalaam

  16. afro says:

    spansih wa argti haboon oo aad qimo badan aragtida uu kabaxashay samater warkisa waxaweyan in ninkan sammater oo an oganahay inusanahen aqoonyahanka kali ah ee somalida ay ledahay ay buunbuuniyan ilacada bbcda oo u samaysy xayaysiis xaga gudbinta afkaartisa ah pro samter mar ayan hadaldisia u rkijiray kuwo daacda lakin wa ogaday inu yahay aqoon yahan an ka madhnayn sunta somalida kujirta warkisana wa cadyahay wasx kalo an ad uga yaba xilikasta ninkan siyasad somalidwax uska taga mel fog o adan garanayn waxu uga denleyahay waxu kufana inuyahay aerikan citysen side marka lo ga dhegaysankra arimaha somalia qofk laba wadn ma wadaahan karo siyasada somaliywax heerkia geyay nin wadankale sinjiyadisa qaatay oo an dn kalahayn somalia oo wax lagawaydiyo dadkana waxy uqaban inu yahay somali m ah somali wuna ka faana inu yahy somali samater s marka u argti uga dhiban kara

  17. nuradin says:

    maanshalaha, waa fakir saliim ah, waana loo bahan yahay dadku arkaan arrinta xaqiiqada ka fog ee Pof. Samatar ku shubay dhagaha dadka soomaaliyeed.

    cid kaste oo maan fiyooy leh weey garan kartaa in thesis-kaasi wax ceeb ah ama aflagaado ah aysan ku jirin.

    waxaa kali ee aan oran karnaa, inuu diidayo arrinta soomaaliya oo loo helay ninkii ku haboonaa, dadka Samatar ka mid yahayna weey dhibeysaa in la helo right man to right position.