Home » Warar »

Xeer Hoosaadka Baarlamaanka FKMG ah Muxuu ka qabaa Noocyada Codbixinta Baarlamaanka KMG

iyo Kulankii baarlamaanka ee la filayey Sabtida oo la baajiyey….

“Codbixintu waxay noqon kartaa Qarsoodi ama gacan taag.. …” .. “Codbixinta lagu ansixinaayo xukuumadda iyo barnaamijkeeda waa magac ugu yeerid.”..  “Haddii ay codsiyo badan oo kala duwan yimaadaan waxaa mudnaanta iska leh codbixinta qarsoodiga ah.” Sidaas waxaa dhigaya qodobka 43aad ee Xeer Hoosaadka Baarlamaanka DFKMG…

Hordhac:

Kulankii Arbacadii (Oct 20) ay baarlamaanka DFKMG ku yeesheen magaalada Muqdisho – ee la doonayey in codka loogu qaado ra’iisul wasaaraha cusub –  ayaa waxaa ka dhacay buuq kaddib markii ay xildhibaanadu isku mari waayeen qaabka codbixinta loo qaadayo.

Koox xildhibaanada ayaa dalbaday in codbixintu noqoto QARSOODI, halka koox kale ay doonayeen in ay noqoto GACAN TAAG la isu jeedo. Waxaana baarlamaanka la keenay laba mooshin.

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan ayaa markaas go’aamiyey in codbixintu noqoto qaab Qarsoodi ah. Waxana uu markaas dalbaday in goobta la keeno Sanduuqyada Codbixinta. Arrintaas ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo sawaxan, taas oo dhalisay in kulankii la joojiyo ayadoo aan ra’iisul wasaaraha loo qaadin codbixin. Waxaana loo ballamay sabtida. Laakiin kulankaas loo ballansanaa maanta (Oct 23, 2010) ma qabsoomin oo waa la baajiyey ayadoo aan la caddayn sababta rasmiga ah.

Laakiin, Jimacadii (Oct 22, 2010) ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay bannaanbax iyo kulamo kala duwan oo ay qabteen labada kooxood ee baarlamaanka ee kala taageersan labada fikradood ee codbixinta. (warbixintii bannaanbaxa lagu taageerayo codka gacan taagga ee ay faafisay xukuumadda FKMG ka akhri dhanka hoose ee boggan).

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada taageersan in  codka Gacan Taag loo qaado ayaa hadal ka jeediyey bannaanbaxa. Hadalkii Dalxa HALKAN KA DHEGEYSO.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Dhanka kale kulankii ay yeesheen xildhibaanada taageersan in codbixinta loo qaado hab qarsoodi ah ayaa waxaa idaacadda Codka Maraykanku waxay ka waraysatay C/raxmaan C/shakuur Warsame.  HALKAN KA DHEGEYSO.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Haddaba waxaa isweydiin leh “Maxaa arrintaas codbixinta uu ka qabaa xeerka u deggan baarlamaanka DFKMG.”

Xeer Hoosaadka Baarlamaanka:

Xeer Hoosaadka Baarlamaanka FKMG ah oo bishii September 2004 lagu dhamaystiray magaalada Nairobi, Qodobkiisa 43aad oo ku saabsan Noocyada Cod bixinta (Types of the Voting) oo ka kooban 14 farqadood, waxaa qaybihiisa  ka mid ah:

1. Codbixinnada waxay u kala baxaan:

  • (A) Codbixin Qarsoodi ah
  • (B) Codbixin magac ugu yeerid ah
  • (C) Codbixin istaag ama fadhi ah
  • (D) Codbixin gacan taag ah
  • (E) Aamus
  • (F) Sacab

2. Codbixinta qarsoodiga ah waxay ku dhacaysaa habkan:

  • (A) Guddoomiyaha wuxuu diyaarinayaa sanduuqa codbixinta
  • (B) Wuxuu fasirayaa nooca codbixinta
  • (C) Wuxuu amrayaa xaadirinta xildhibaanada iyo in loo qaybiyo xildhibaanada waraaqaha codbixinta
  • (D) Codbixinta qarsoodiga ah, guddoomiyaha ayaa xaqiijinaya tirada xildhibaanada codka bixinayay ama aan codka bixin

3. Codbixinta lagu ansixinaayo xukuumadda iyo barnaamijkeeda waa magac ugu yeerid.

4. Hindisayaasha Sharciyada codbixintoodu waa qarsoodi.

5. Codbixinadda kale ee caadiga ah waa fadhi ama istaag haddi ayaan codsan 10 xildhibaan in codbixintu noqoto qarsoodi.

6. Haddii ay codsiyo badan oo kala duwan yimaadaan waxaa mudnaanta iska leh codbixinta qarsoodiga ah.

Farqadaha kale ee qodobkaas 43aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka FKMG waxay la xiriiraan qaabka arrimahaas sare ee codbixinta la xiriira loo maaraynayo.

La arki doonee nooca ugu dambaynta codbixinta loo qaado.

Warsaxaafadeedka Madaxtooyada DFKMG

Dhanka kale, war Jimcadii (Oct 22) ka soo baxay xafiiska madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif ayaa xildhibaanada ugu baaqay in ay ansixiyaan ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabay iyo golaha wasiirada ee uu soo dhisi doono, waxana warsaxaafadeedkaas ka mid ahaa sidan:

Ra/iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada ee uu soo dhisi doono, waa hay’adda fulinta ee laga sugayo in ay sugto amniga, guddoonta deeqaha bulshada caalamka, fuliso adeegga bulshada isla markaana dhisto hay’adaha qaranka, sidaas darteed ayuu yiri Madaxweynuhu, “Qaranka Soomaaliyeed iyo Haya’daha DFKM ah midkoodna ma xamili karaan, in hay’addii fulinta ama xukuumaddii ayan waajibkeedii guda gelin, gaar ahaan xilli ay cadow dalka ku jiraan, loona baahan yahay hawl gallo amni oo deg deg ah.” Sidaas darteed Madaxweynuhu waxa uu mar kale Golaha Baarlamaanka ugu baaqay, “in ay Wasiirka 1-aad u fasaxaan shaqadiisa, maadaama uu yahay masuul hawsha ka bixi kara diyaarna u ah in uu sida ugu dhaqso badan u guda galo hawlaha qaran ee waaweyn ee miiska saaran iyo kuwa xilliga kala guurka ah oo aan u baahnayn in la sii daahiyo.” Waa sida uu warka u dhigay Agaasinka Warfaafinta ee Madaxtooyada DFKMG ee Muqidhisho.

Kulankii Sabtida Oct 23 oo la baajiyey

Kulankii la filayey in ay yeeshaan xildhibaanada baarlamaanka DFKMG (Sabtida Oct 23, 2010) ayaa la baajiyey ayadoo aan la cayimin sabab rasmi ah oo loo baajiyey, waxaase jira warar laga helayo xildhibaanada oo sheegaya in ay socdaan waan waan laga dhex wado xildhibaanada taas oo la xiriirta qaabka loo qaadi lahaa codbixinta baarlamaanku u qaadayaan ra’iisul wasaaraha la magacaabay (Codbixin qarsoodi ah mase codbixin gacan taag ah).

Kulankii hore ee  Arbacadii (Oct 20) oo ay  soo xaadireen 381 xildhibaan oo kamid ah 550-ka ee uu ka kooban yahay baarlamaanku ayaa waxaa ka  dhacay buuq la xiriira qaabka codbixinta loogu qaadayo ra’iisul wasaaraha cusub ee DFKMG, taas oo sababtay in la joojiyo kulankaas, oo loo ballamay in la isugu soo laabto Sabtida Oct 23, 2010, kulankaas oo baaqday. Lamana cayimin marka ay kulmi doonaan baarlamaanku.

Halkan ka akhri: Khudbadii Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif uu kaga hadlay Qoraallada Farmaajo iyo 4.5

Warbixinta hoose ee bannaanbaxa waxaa faafisay DFKMG:


Masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah oo Boqolaal dadweyne ah kala qeybgalay Banaanbax looga soo horjeeda kala qeybsanaanta Mudanayaasha laguna taageerayay Ra’isal wasaaraha cusub.

Muqdisho: Dibadbax balaaran oo looga soo horjeeday kala qeybsanaanta Mudanayaasha Baarlamaanka ee ku aadan kalsooni siinta Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka soo qeybgaleen Masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Boqolaal Dadweyne ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Boqolaal dadweyne Soomaaliyeed oo ka kala yimid xaafaddaha kala duwan ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta isugu soo baxay Banaanbax balaaran oo lagu taageerayay Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo loogana soo horjeeday Mooshino ay Mudanayaasha Baarlamaanka Qaarkood ay kala keeneen Qaabka loo ansixinayo Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya kaasoo lagu qabtay barxadda iskaashatooyinka ee ka soo horjeedka Ex-Fiyoore degmada Wardhiigleey.

Dibad baxaasi ayaa  waxaa  sidoo kale ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirkii arrimaha Bulshada iyo dhaqan celinta ee Xukuumaddii Ra’isal wasaare Cumar C/rashiid Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Guddoomiye ku xigeenka dhanka nabad gelyada Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan, Afhayeenka Ciidanka Booliska G/sare Cabdullaahi Xasan Bariise, Masuuliyiin ka tirsan Ciidamada qalabka sida, Ururrada Bulshada rayidka, Fanaaniinta Hobollada Waaberi,  Dhallinyaro iyo Haween aad u faro badan oo si diiran u soo dhaweynayay Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya kana soo horjeeday isqabqabsiga ka dhex taagan Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed Cabdulkaafi Maxamed Nuur oo Khudbad ka jeediyay banaanbaxaasi ayaa  sheegay in waxa soo bixiyay dadweynaha ay tahay in horay loo sii socdo isagoo ka codsaday Xildhibaanada in aysan ka qeybqaadan dhibaatooyinka lagu hayo Bulshada, hase ahaatee ay ka dalbanayaan Mudanayaashu inay Codkooda ku taageeraan Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomalaiya.

Caasho Koos Maxamuud Cumar oo ka mid ahayd Haweenkii, kasoo qeybgalay dibad baxaasi, islamarkaasna la hadashay Boqolaalka dadweynaha ah ee ka soo qeybgalay banananbaxa ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Xildhibaannadu ka qeybqaatan samata bixinta Bulshada.

Afheyeenka Ciidanka Booliska Soomalaiyeed G/Sare Cabdullaahi Xasan Bariise oo hadal ka jeediyay dibada baxa ayaa sheegay in aan xilligaan loo baahnayn in la xisaabtamo, islamarkaasna ay muhiim tahay in la badbaadiyo shacbiga Soomalaiyeed.

Guddoomiye Ku xigeenka dhinaca amniga ee Gobolka Banaadir Mudane Warsame Maxamed Xasan ayaa  khudbad uu ka jeediyay banaanbaxa Xildhibanaanada Baarlamanaka iyo Madxada Dowladda uga codsaday inay hormuud ka noqdaan nabadda iyo Waxqabadka ay u baahan yihiin Shacbiga Soomalaiyeed.

Wasiirka dhaqancelinta iyo arrimaha bulshada ee xukuumaddii Ra’isal wasaare Cumar C/rashiid Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo Khudbad ka jeediyay Dibadbaxaasi ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Golaha Baarlamanka inay aqbalaan rabitaanka Bulshada.

Warbixinta bannaanbaxa waxaa faafisay DFKMG

Sawira bannaanbaxa

Hadaladii ay arrinta codbixinta ka yiraahdeen

Prof. Dalxa iyo  C/raxmaan C/shakuur

Mooshinadii Arbacadii la keenay baarlamaanka iyo go’aankii Shariif Xasan DHEGEYSO

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Xeer Hoosaadka Baarlamaanka FKMG ah Muxuu ka qabaa Noocyada Codbixinta Baarlamaanka KMG "

  1. garyaqaan says:

    acm aniga waxaan u,arkaa isqabbasigaan mid siyaasad u qarsoontahay waayo kuwa gacantaaga qaba 45 xildhibaan weeye kuwa kale ayaa ka badan marka hadii laga codbadanyahay cadaalada mayraacaan buuqba mayaal meeshee teeda kale gudoonka baarlamaanka soo in uu dhexdhexaad kanoqdo ma ahayn khilaafkaan ma dhicine 44 xidhibaan ayuu 45 kunoqday taasina ayada waxy kuu muujinaysaa in gudoonka baarlamaanka ay ceel kaga dhacday ama uu wax siyaasadaynayo

  2. maryan nuur says:

    A/W/W. maa lays weydiiyo waxa keenaya is qabsiga ayadoo uu jiro jaartar ay ku qoran tahay iyo xeer hoosaad, maxaase keenay taas, dadkan waxay isugu jiraan dad diidan iyo dad doonaya, hadaba maxaa ku hoos duugan intaba dadka diidan farmaajo waa in ay muujiyaan diidmadooda qayaxan, una sheegaan si cad waa dadka ka soo jeeda DM, waayo waxaan ku diidaynaa hadaba aan qarsoodi lahayn wixii uu Buugiisii Qalan jebinta uu ku qoray ee uu umad dhan uu ku xaqiray, taasi maaha wax Alla yiri, hadana waxaa layiri ninka jiritaankaaga neceb waa cadowgaaga, farmaajo ma sugi karo cod shariif xasan iyo dadkan Qowmiyadan DM ka soo jeeda ay leeyihiin, hadaba maxaad u qarinaysaan hadaan waligeedna wasiir lahelin iyo dowlad, ma wax qarsoon baa, mise hadaad ka hadashaan wasiirka ayaad waayaysaan, sidaa maahin, waa laguu baahan yahay oo beel baa wax lagu qaybsaday cidna jiritaankaaga ha kaga bedelan, hadaad codkiina ku caana mali weydaana ka dareera,
    Soomaali waxay isu raaci weyday waa is xaqiraada wali aan dhamaan, maxaa keeni kara in dib udhac dowladan lagu sameeyo waa in uu is weydiiyaa Madaxweynaha waa in uu saxaa halka ay wax ka qaldanyihiin, mana doonayo in aan maanta niyad jab inoo noqoto oo naloo horseedo kala tag, waayo waa xiligii isbedelka aan ka sugaynay dowladan ama aan is lahayn mid wax ka bedela xaaladii hore ayaa la magacaabi, mise waaba nin dadkii soomaaliyeed kala xaqiray, qofku wuxuu wax usoo bartaa Dalkiisa Iyo Dadkiisa iyo Diintiisa, inankan ma filayn in uu masúul Soomaaliyeed noqon doono malaha. Farmaajo waa in aad ariamahaaga ka hadashaa anagu sidaa cod kugu siin mayno, waayo beri waxaad igu samaysaa anaa kugu doortay waa in layiraah, hadii kale wixii la qariyaa Qurun baa ku jira, isaga waqtiga haka qaadina, anagana dowlad laáan hana dhigina, oo waqtigan yare u haray aynu horumar kale ku dhaqaaqno oo dowladu waqti dheeri ah ay ku heli karto, hadaanse xaqiiqda la abaarin kacdoon iyo kala tag baan la hurayn.
    wabilahi towfiiq

  3. waa nasiibdarro wayn oo mar ka;le usoo hoyatay shacabka soomaliyeed oo in mudo ah ku jirya dhibaatadan aan dhamaadka lahayn iyo isqabqabsikan joogatada noqday hada suaashu waxay tahay dadkan dawlada sheeganaya maxay isku haystaan ma dan soomaaliyeed mise dan gaar ah waxaan kuwa xilnibaanada ah ugu baaqi lahaa waxaa imaan doonta maalin la isla xisaabtamo aduunka iyo aakhiro labadaba waa lasugayaa maalintaa waa inaad ogaataan shacabka soomaliyeedna waa ka tashandoonaa danayste aan dadka dan uhayn

  4. abdirisaq says:

    Meeshaan waxa ku jira oo la kala jiidanayo ma fahmin.
    Raiisulwasaaraha waa loo codayn lahaa labo gooraba meeshi codku u bato ayuuna noqon lahaa ama waa la ansixin lahaa ama la diidi lahaa.
    Haddi kalsooni ay jirto qolada qarsoodi hallaga dhigo lehna way ku kalsoonaan lahaayeen gacantaagga, qolada gacantaagga wadatana way ku kalsoonaan lahaayeen qarsoodiga.laba gooraba ninki aaminsan ninkan inuu u qalmo inuu raiisulwasaare noqodana wuu taageeri lahaa ninki aan qabinaa waa kala noqon lahaa kalsoonidiisa.
    Maxaa meesha ku jira.ma qolada rabta qarsoodiga ayaa qorshe u duugan yahay oo si kale farsamo u rabta(waa iga kaftane) mise qolada gacantaagga ayaa rabta indhaha inay ku gubaan dadka gacanta taaganaya oo dhahaan kolley waa la ansixin ninkaane jagadaa dambe ayay ka go’antahay oo ku qasbaan dad badan inay cabsadaan oo gacanta iska tagaan si aan loogu soo raacan codki ay u diideen masuulka hadhaw.
    Anigu waxaan qabaa in guddi labada dhinacba ka socda ay ka caawiyaan guddonka baarlamaanka in warqad ballot ah lagu qaado codka isla markaasna laga ilaaliyo wax mugdi keeni kara iyo muran dambe.ciddii muran keentana la yiraa maxaa ka rabtey meesha ma codka saxa ah ee dadku sida ay u codeeyeen ayagoon la fara gelin oo xor ah mise cod qasab ah oo dadka lagu cabsi geliyey ama la hunguri geliyey. Laakiin waa in la hubiyaa xaashiyaha iyo sanduuquba inay dadka hortooda yallaan oo la wada arkayo gacantana ay ku wada hayaan guddonka iyo guddi labada dhinac ee baarlamaanka codeyntiisa kala aaminsan ah.halkaasna ama raiisulwasare lagu ansixiyo ama lagu diido muranna haklkaas ku dhamaado raiisulwasarahana waxan ka codsanayaa maadaama hawl adag oo badan ay sugayso haddusan kalsooni buuxda ka haysan dadka uu hadhaw ka dhiganayo golaha wasirradiisa ama ah baarlamaanki ansixin lahaa goaannada xukuumadda inay hadhaw ku adkaan doonto inuu wax shaqo ah qabto ama meel wax u dhaqaajiyo.
    Waxa habboon inuu aad isga ilaaliyo in wax la dedejiyo.uuna hadder asaga oo nadiif ah hubsadaa in dadku raalli ka yahay shaqadiisa.haddii uu arko in aan lagu faraxsanayn shaqadiisana asagoo weli sharaf leh isaga tago jagadaas.maankana waa in lagu hayaa in waxa laga shaqynayo yahay dal burburay oo dhaqaale aad u yar ku shaqaynaya xasaasiyado badan dhexdooda lagu shaqaynayo.xaalado adag iyo dagaal k u jira.haddi aan la heli dad isku duuban oo isla jaanaqaada daacadna isu ah inaysan suurto gal ahayn in meelna wax loo dhaqaajiyo.