Home » Warar »

Khudbadii Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif uu kaga hadlay Qoraallada Farmaajo iyo 4.5

Buugga Thesiska ee uu June 2009 qoray Maxamed C. Maxamed Faramaajo ayaa nuqullo ka mid ah waxay gaareen xildhibaanada baarlamaanka FKMG, taas oo sababtay in Madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif, uu Arbacadii Oct 20, 2010 xildhibaanadda u jeediyo khubad ku saabsan buuggaas. Waxa kale oo Sheikh Shariif baarlamaanka u caddeeyey in xukuumaddiisu ku dhisan tahay 4.5, hadalkaas oo ka dambeeyey kaddib markii Farmaajo uu diidey nidaamka 4.5, laakiin markii dambe uu ka laabtay.

Sheikh Shariif Khubadiisa Hoos ka akhri:

ama Halkan ka DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/sharif_iyo_farmaajo_thesis.mp3]

“Waxyaabaha laga dhawaajiyey beryahan, oo metelan ama 4.5 ama waxyaabaha kaloo oo aan u malaynaayo in siyaasad looga jeedo oo la qaybiyey, waxaan rabaa inaan wax yar dul istaago.

Nebigu wuxu yiri, salalaahu calayhi wasalam, fidnida ka dhawrsada, Ilaahayna waa nacladay dadka fidnada kiciya. Dadkaan Soomaliyeed waxaa soo dishay khilaaf iyo dhibaato. Maanta waxa u baahan yihiin in la kaalmeeyo, uma baahna dhexdooda in khilaaf la dhigo.

Waxay wax noogu dhisan yihiin 4.5 sow maaha. Saasaan ku wada joognaa. Xagga iyo xagga ugama leexan karo. Markee haddaan ka leexano waxaan duminaynaa sharchigii. Haddaan ka guurayno waa in aan uga guurnaa hab sharciya. Ugama guuri karno caadifad(Sacab), ugama guuri karno rabitaan. Waxaan u malaynyaa marka, warka Ra’iisal Wasaaruhu tafsiir xun  la siiyey, isagaa joogoo ka hadli doona. Intaasaan uga istaagaaa.

Arrimaha kale oo la qaybiyey waxaan shaki ku jirin inaan wanaag loola jeedin. Qofka markuu acadeemi yahay oo wax qoraayo waxaa laga rabaa inuu sheego “reference”. Inuu meel ka soo  qaataa laga rabaa. Rabitaankiisa ma qori karo. Waana looga horeeyey. Qoraalada la qaybiyey oo dhan waxaa qoran Ra’iisal Wasaaruhu markuu wax qoraayey inuu ka soo qaatay meela kale. Qofka wax ka qoray Soomaaliya oo ugu horeeyey, ama ajinebi ha noqdo ama Soomaali ha noqdo, khalad wuu geli karaa. Laakiin inaan saxnaa waa wax annaga  nagu xiran (sacab).

Siyaasaduna, marka acadeemi laga hadlaayo iyo marka laga hadlaayo “practical”, waa kala labo. Soomaalidu waxay ku maahmaahaan “gun yeelkeedaa lagu dhaqaa”, yeelka baarlamaanku waa Cahdigooda, Ra’iisala Wasaaruhu waxaa waajib ku ah inuu ku dhaqo baarlmaanka iyo xukuumada Cahdiga-Ku-Meelgaarka ah. Meelna ugama leexan karo. Isna waa i maqlaa, adinka waa i maqlaysaan, gudoomiyihiina waa fadhiyaa.

Waxaan rabnaa wixii akaadeemiya meesheeda aan u dhaafno. Maalin la arkoba waxaa la qoraa. Wax fiicana waa la qoraa, wax xunna waa la qoraa. Waxa la qorayna waxaa ku leenahay (sacab yar).

Arrinta deriska. Annaga deriskeena waxaan rabnaa inaan kula noolaano nabada. Waxaan rabnaa inaan kula noolaano deris wanaag. Annaguna colaad ma wadno, cid nala shaqaysaana colaad ma wadi karto. Cidii colaad wadaana waxay jebinaysaa waxa noo dhexeeya oo heshiiska ah. Maxaa yeelay dalkaan  colaadi waa baab’isay. Warku wuxuu leeyahay meel wanaagsan oo laga soo qaato iyo meel xun oo laga soo qaato. Waxaan jeclaan lahaa in meesha wanaagsan inaan ka qaadano. Qof walboo wax qoraa, waxa uu qoraa wax fiican maaha. Wax nasahan oo khalad ka nasahan kitaabka Alle (Subxaanahu watacaalaa). Waxaa nasahan oo khalad ka nasahan Xadiiska Nebiga (SCW).

Wixii ka soo haraa waxay u khuduucayaan arragti. Waxay u khuduucayaan xaqiiqo iyo wax ka duwan. Waxaan hubaa arrimahaas oo dhami inay furi karaan baal dib u heshiisiineed oo saxa.

Qofkii Soomaaliya wax ka qoray wuxuu haystaa fursad ah inuu wax ka ururiyey macluumaad. Maantuu fursad haystaa inuu saxo. Waxaan jeclaan lahaa fursadaa in la siiyo inuu saxo. Isagana waxaan aamisanahay inuu diyaar u yahay.” Sidaas ayaa Sheikh Shariif ku gabagabeeyey khudbadiisa qaybta uu kaga hadlay 4.5, xiriirka deriska iyo qoraalkii Farmaajo.

Khudbadii Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif oo ku Saabsanayda Qoraalada Farmaajo iyo 4.5  Halkan ka DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/sharif_iyo_farmaajo_thesis.mp3]

Ra’iisul wasaaraha la magacaabay ayaa markii hore si qeexan u diidey 4.5, laakiin markii Sheikh Shariif jeediyey khudbadda sare kaddib ayaa Farmaajo hadalkaas ka laabtay.

Hadalkii Faramaajo ku diidey 4.5.. DHEGEYSO.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/45_farmaajo.mp3]

Buugga Thesis-ka ee uu qoray Maxamed Farmaajo June 2009 oo cinwaankiisu yahay “U.S. STRATEGIC INTEREST IN SOMALIA: From Cold War Era to War on Terror” waxa uu dood iyo muran xooggan, taas oo saamayn ku yeelatay doodda xildhibaanadda Baarlamaanka FKMG.

Waxaa buuggaas si weyn u eedeeyey Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar mar uu Khamiistii (Oct 21, 2010) waraysi siiyey Idaacada Alfurqaan ee Magaalada Muqdisho. Waraysigaas Halkan ka DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/alfurqaan_samatar.mp3]

Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif Axmed ayaa October 14, 2010 waxa uu ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay Maxamed C. Maxamed Farmaajo si uu u bedelo Cumar C/rashiid Sharmaarke oo Is-casilaySeptember 21, 2010 kaddib markii khilaaf xooggan soo kala dhex galay Shariif iyo Sharmaarke.

Arbacadii October 20, 2010 ayaa ra’iisul wasaaraha la magacaabay waxa uu hor yimid baarlamaanka, laakiin buuq ka dhacay baarlamaanka awgeed ayaa kulankaas lagu kala dareeray ayadoo aan cod ansixin ah loo qaadin. Waxaana markale kulanka loo ballamay Sabtida Oct 23, 2010.

Qaar kamid ah Khudbadihii Arbacadii hoos ka dhegeyso.

Khudbaddii Sheikh Shariif Halkan ka DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/sharif_iyo_farmaajo_thesis.mp3]

Qayb kale Khudbaddii Sheikh Shariif DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/sharif_oct20.mp3]

Khudbaddii Farmaajo oo dhamaystiran DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/farmaajo_20oct1o.mp3]

Khudbadihii Shariif Xasan, Cirro iyo C/raxmaan DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/sharifxasan_oct20.mp3]

—–

FG. Khudbadda Sheikh Shariif waxaa qoraal ahaan u rogey S. Shire.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Khudbadii Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif uu kaga hadlay Qoraallada Farmaajo iyo 4.5 "

  1. qof walba oo aqriya Tixanaha Siyaasada Somaliya wuu garan karaa doorka weyn uu Talyaniga ku lahay xukumadihi Musuqa la dagay in kasto lo bahahay Reseach badan, si lo ogaada xaqiiqada lkn kama marna Talyaniga Somaliya xitaa xiligan hada la jogo,
    Talyaniga Door weyn kuma usan laheyn Somaliya xiligi dagaalki qaboba (Cold War ) wana xiligii Genaral Mohamed Siyaad Barre ka taliynayay waqtigan oo dowalada Somaliya qeyb ka aheyd Dagaalkas qaboob

  2. Duran says:

    Waa nasiib daro in maantana mid buka bulshada dhiban la horkeeno. Marka hore wuu kacaamaysan yahay sida khudbadiisa uu soo qoray e uu baarlamaanka ka hor akhriyey ka muuqata ama laga dhadhansan karo iyo kulankii caadifaysnaa ee uu haweenka la qaatay ee uu ku baabi’iyey qaybtii uu isagu meesha ku yimi, isna yidhi ku xodxodo haweenka Maxamed Siyaad-ba iyaguu ku meelmaraye. Waxay ahayd inuu arintaa la sugo inta uu codka baarlamanka dhaafayo.

    Ta labaad ee ugu khatarsani waa qoraalka uu ku qalin jebiyey ee ay xaqiraad, taariikh dib loo qoray, cuqdad, caytan iyo majara habaabis sooyaal. Colaad horlena way kicin kartaa.

    Magaabista Farmaajo waxa ay iila muuqataa mid lagu gefey, nin dad la horkeenana ma istaahilo, ninka beenta ku qalin jebiyey ma qabo inuu samo horseedi karo.

  3. afro ayanle says:

    kkk farmaajo buugisa wa xaqiiq becouse allah ha unaxaristo dadka dhintay oo dhane madaxdi hore e somalia talyaniga waylaso shaqeyen sida darted wa wax lo tuhmikao inay lug kulahayen siyasada italia e istcmarka ahed allmuhim runta yaa la baalmarin hoganka golaha fulintana halo codeyo oo halasiyo codka kalsonida qabiilada buuga uu kucanbareyay anigaba argti han sasa qaba dadka ceebtoda hadi la shego ma xaqa muwadinkia aya laguwayay muwadika somaiga xaq bu uleyhay inu xil qato waxu kuwayi kara oo kali ah danbi qaran oo maxkamda ku xukunto danigasana malagu hayo