Home » Warar »

Prof. Cabdi Samater “Buuga uu Qorey Raiisul Wasaaraha Cusub waa mid loogu gefey Labadii Madaxweyne ee ugu horeeyey Soomaaliya”

BUUGGII MURANKA DHALIYEY EE RA’IISUL WASAARAHA CUSUB KA AKHRI SOMALITALK

iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ka hadlay Buuga Muranka  dhaliyey oo uu Qoray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee la magacaabay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo….

DHEGEYSO Sheikh Shariif | DHEGEYSO Prof. Samatar

::: Buugga Muranka Dhaliyey Ka akhri HALKAN

Buugga Thesis-ka oo Faramaajo qoray 01 June 2009 cinwaankiisuna yahay “U.S. STRATEGIC INTEREST IN SOMALIA: From Cold War Era to War on Terror” Ka akhri linkigan: https://somalitalk.com/2010/farmaajo/

Tan iyo markii uu Madaxweynaha Dawladda Federaalka Kumeel-gaarka ah Shiikh Shariif uu Raiisul Wasaare u Magacaabey Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, oo muddo ku noolaa dalka Mareykanka,  ayaa waxaa isa soo taraya mucaarad aad u xoogan oo ka imaaneysa qaar ka mid Xildhibaanada Dowladda Federaalka, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa, waxaana ugu dambeeyey  Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Mareykanka ayaa si aad ah welwel uga muujiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ku tilmaamey nin aad ugu dheereeya Dhinaca Qabyaalada.

Prof. Cabdi Ismaaciil oo u waramayey Idaacada Alfurqaan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in u dhawaan Akhiriyey buug (Thesis) ee uu qorey qalin-jebintiisii June 2009 Ra’iisul Wasaaraha la magacaabay ee DFKMG Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo. Buugaas ayuu Prof. Cabdi Ismaaciil ku tilmaamay mid si aad ah loogu gafey qaar ka mid Qabaa’ilka Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu sheegey Cabdi Ismaaciil in Buugaas loogu gefey Labadii Madaxweyne ee ugu horeeyey ee Soomaaliya (Aadan Cadde iyo C/rashiid Sharmaarke) .

Waraysigii Prof. Samatar Halkan ka DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/alfurqaan_samatar.mp3]

Prof. Cabdi Ismaaciil Samater ayaa wuxuu kaloo uu sheegey in buugga “haddii uu mar horey Qori lahaa buugaas (Raiisul waasaaraha la magacaabay) markaas waa la iska hilmaami lahaa laakiin buugaan waxaa la qorey Dhawaan waana mid meel ka dhac ku ah taariikhda Soomaaliyeed” ayuu si kulul u yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samater.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samater wuxuu fajiciso ku tilmaamey in Madaxweyne Shiikh Shariif uu Raiisul Wasaare u magacaabo shaqsi ku xadgudbey Taariikhda Dalka iyo Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u soo jeediyey Shacabka Soomaaliyeed in isku duubnaan ka yeeshaan Raiisul Wasaaraha la magacaabay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, maadaama  ay Dhuuxiisa ka buuxaan meel ka dhacyadii uu u geystey Qabaailka Soomaaliyeed sidoo kale wuxuu ugu baaqey in ay meel uga wada jeestaan Dowladda Federaalka oo maalin kasta xasuuqaya Ummadda soomaaliyeed oo xitaa laga waayey in ay ka hadlaan xadgudubyadaas.

Buuga uu qorey Raiisul Wasaaraha la magacaabay ayaa buuq ka dhaliyey Golaha Baarlamaanka ka dib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliyeed ay ka dhawaajiyeen Gefefka ka buuxa buugaas, hase yeeshee Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif ayaa si aad ah u difaacey Buuga (Thesis-ka) ee uu qorey ra’iisul wasaaraha uu magacaabay, isagoo Arbacadii lahadlayey xubnaha baarlamaanka waxa uu sheegey in aan loo baahneyn in la siyaasadeeyo Buug Waxbarasho  isagoo ugu baaqey Xildhibaanada in ay iska Iloobaan waxyaabaha ku qoran Buugaas.

Sheikh Shariif waxa kale oo uu ka hadlay nidaamka 4.5 oo uu sheegay in aan laga leexan karin.

Khubadii uu Sheikh Shariif kaga hadlay buugga Halkan ka DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/sharif_iyo_farmaajo_thesis.mp3]

Maalintii Arbacada ahayd ayaa Raiisul Wasaaraha la magacaabay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa uu horyimid Golaha Baarlamaanka si uu weydiisto Codka Kalsoonida hase yeeshee kulankaas wuxuu ku dhamaadey Fowdo iyo Buuq ka dib markii la isku qabsadey laba qodob oo ah in codka uu noqdo Fartaag ama Qarsoodi waxayna dadka odorosa Siyaasada Soomaaliya ay sheegeen in haddi codka uu noqon lahaa Qarsoodi uu Ra’iisul Wasaaraha la magacaabay uu weyn lahaa codka kalsoonida,  laakiin haddi uu noqon lahaa Gacan taag waxa laga yaabi lahaa in uu Raiisul Wsaaraha uu helo Codka kalsoonida. Hadaba waxaa ka dhursugeynaa maalinka Sabtida sida ay xaaladu noqoto haddii Eebbe na gaarsiiyo, waxaan hadda Socda dadaal lagu badbaadinayo Raiisul Wasaaraha la magacaabay ee Dowladda Federaalka KMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo .

::: Buugga Muranka Dhaliyey Ka akhri HALKAN
https://somalitalk.com/2010/farmaajo/

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif Axmed ayaa October 14, 2010 waxa uu ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay Maxamed C. Maxamed Farmaajo si uu u bedelo Cumar C/rashiid Sharmaarke oo Is-casilaySeptember 21, 2010 kaddib markii khilaaf xooggan soo kala dhex galay Shariif iyo Sharmaarke.

Arbacadii October 20, 2010 ayaa ra’iisul wasaaraha la magacaabay waxa uu hor yimid baarlamaanka, laakiin buuq ka dhacay baarlamaanka awgeed ayaa kulankaas lagu kala dareeray ayadoo aan cod ansixinah loo qaadin.

Qaar kamid ah Khudbadihii Arbacadii hoos ka dhegeyso.

Khudbaddii Sheikh Shariif Halkan ka DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/sharif_iyo_farmaajo_thesis.mp3]

Qayb kale Khudbaddii Sheikh Shariif DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/sharif_oct20.mp3]

Khudbaddii Farmaajo oo dhamaystiran DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/farmaajo_20oct1o.mp3]

Khudbadihii Shariif Xasan, Cirro iyo C/raxmaan DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/sharifxasan_oct20.mp3]

Hadalkii Ra’iisal Wasaaraha la magacaabay ka yiri 4.5

Oct 18, 2010: “Caddaaladu waa lagama maarmaan, 4.5 ayaa la yiri, anigu ma arag meel ay ku qoran tahay 4.5, weligay aniga shaqadaydu waxay ahayd in aan difaaco xuquuqda dadka laga tirada badan yahay, caddaalad darro haddaad ku bilowdo iyo xaq darro meel ma gaareyso. Kuwii sameeyey 4.5 waxay ugu talo galeen inay Soomaali kala disho, oo la qaybiyo, oo la yiraahdo waad ka xuntihiin dadka kale, wax .5 layiraahdaa ma jiro, waa la siman yahay, waxaad ku calool fiyoobaataan marka ugu horeysa ee aan qabto xilkaas in aan magacaabi doono dad tayo leh, oo diyaar u ah iyagu in ay ahaadaan kuwa ugu dambeeya ee wax cuna.” Farmaajo.. DHEGEYSO.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/45_farmaajo.mp3]

Kalfadhigii Baarlamaanka DFKMG oo Buuq ka dhashay lagu kala dareeray ayadoo aan la ansixin ra’iisul wasaaraha AKHRI


Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

38 Jawaabood " Prof. Cabdi Samater “Buuga uu Qorey Raiisul Wasaaraha Cusub waa mid loogu gefey Labadii Madaxweyne ee ugu horeeyey Soomaaliya” "

  1. FARAX says:

    marka hore waxa an salamayaa inta ra,yigooda ka dhiibtay meeshan .salaan ka dib waxa an rabi lahaa in aan ka ifiyo fikirkayga ku aadan raysuwasaaraha madane maxamed cabdulaahi farmaajo , taa waxa aan ka leeyahay qof walbaa wax wuu qori karaa ku aadan fikirkiisa shaqsiyadeed balse waxa ila haboon in aan lala fiirsan marka uu xil soomaliyeed qaado, taa oo an ula jeedo maxaa loo arki waayay inta aan xilka loo magacaabin ka hor hadii aad qalad u aragteen waxa aan ula jeeda inta uu la qaldan yahay mr farmajo, ee waliba la joogay wadanka uu ku noola kuna qoray buuga , marka tas waxa aan u gartay ka raali ahaansho dhibaatada nagu raagtay hadii aan nahay ummadda soomaliyeed inay raali ka yihiin walibana ay jaanis siinayan wadamada jecel inay soomaliya noqotaa dad hawshooda ku dhamaato in la tirtiraa oo la dajiyaa dhulkeena qoom kale , marka aan fiiriyo muxuu uga hadli waayay dhibaatada gobolada waqooyi ama somaliland waa arin aan laga fiirsan dhibaatana soomaliya oo dhan waa ay ka dhacday waxa haboon in la fiiriyaa dawladda gaysatay dhibaatadaa yay ka koobnayd ma qolo mase soomali oo dhan , hadii ay kuu soo baxdo jawabta saxda ah qaarkod dambilayal qiil ha u yeelin , tan kale tusale yar mar waxa aan darema in soomali oo dhan u baahantahay midnimo guud maxaa yeelay maamulada jiraa waxa aad arkaysaa in ay u dhag taagan waxa ka soo yeera cadawga soomaliyeed ee waliba jecel in dawlad cagaheeda isku taagta aysan ka dhalan kaasoo ugu horeeyan wadamada dariska nala ah oo ay farxad u tahay qilaaf soo kala dhex gala soomali si ay qolaba meel ugu haystaan , marka midnimada waa qaali yurub ayaa baadi goobaysa inay hal maamul samaysataa xagee laynaga hayaa inagoo soomali isku af ,isku diin ,isku dhaqan iyo waliba isku midab ah maxaa ina kala durkinaya . waa in aan garanaa danta cadawgeena guud xitaa hadii ay wax ina kala gaaren soomaliyey. mr farmaajana aan jaanis siino waxa uu la yimaado anagoo aan ku qilaafayna nacaybka uu qabo caddowga soomaliyed waa qaar ka mida waddamada an dariska nahaye oo qaarkood muujiyay cadaawadooda ka magacaabidiisa kuna tilmamay waliba in cadadis la saray mudanayasha barlabaanka ,maxaa ka galay barlaman dal leeyahay inaga ma awoodna inan kooda ka hadalno waa ethipia e.
    ugu dambayn waxa aan ALLAH ka baryaynaa in uu towfiiqda ina waafajiyo.

  2. waaheen says:

    Samater runta badh uun buu ka sheegay, ninkan riysal wasaaraha loo magacaabay wuxuu ka dhax saaray taariikhda soomaalida dhibaatadii iyo xasuuqii uu gaystay Mohamed Siyaad Barre iyo dawladii uu horjoogaha ka ahaa, xasuuq badan ayuu gaystay kaligii taliyhii Mohamed Siyaad Barre oo badankeedu ka dhacday gobolada Waqooyi Galbeed(Soamliland). Hadaba waxaad moodaa in Farmajo uu u xilqarinayo qof bili aadnimada meel kaga dhacay oo dad Somali ah Nolosha ku gubay

  3. JAAMC DHEERE says:

    Cabdi ismaaciil Samatar waa nin soomali ah oo wax garad ah oo aqoonyahan ah ,in farmaajo ama R/wasaaraha cusub ee 2km ee 2 shariif Amisom ku waardiyeyso jagada u soo doontay waxba kamuu sheegin ee wuxuu cadeeyey waxa uu qoray,

    Cabdi ismaaciil samatar wadaniyadda ku jirta iyo xikmada ku jirta looma hayo qof u dhigma oo soomali ah oo haada nool ama arimaha somaliya ka hadla sanadahaan dambe marka halaga daayo dhaleecaybta iyo isku dharerina.

    wabillaahi tawfiiq.

  4. Du'aale says:

    KKKKKKKKKKK waa yaabka yaabkii, ilamo samater ilama aha in hada lala yaabo maxaa yeelay labaatankii sano ee aan burburka ku jirnay waxaay ka soo hadlayeen USA, mar waliba waxeey quus iyo naxdin u sheegi jireen Somaalida tabaleysan oo mar un sugaya in dhegahooda wax wanaagsan maqlaan.
    hadaba, maanta in uu wax xun ku sheego R. wasaaraha cusub oo aan la arkin wax qabadkiisa in uu aflagaadeyo waa caadada reer Samatar.
    Goorma ayaa ilmo Samatar laga maqli doona wax dadku ku farxaan.

  5. faarax says:

    Dadka ku doodaya in danbe wayn uu galay raisalwaraaha lamagacabay waxaay iloobeey in qaar badan oo ka mid ah barlamaanka ay ahaayeen hogaamiye kooxeedyo ama taageerayaashooda kuwaas oo ka qaybqaatay dagaalkii sokeeye ee soomaaliya ka socday ilaa iyo labaatan kiisano ee lasoodhaafay.
    Waxaa marka cajiib ah in ninkii dadka laayey ama dhacay ama barakiciyey uu yahay nin fiican oo wadani ah halka thesis warka ku qoran oo ubadan hadal taariikh ah uu yahay khalad aad uwayn oo aan marna lacafinkaraynin.

    Mahadsanidin

  6. Salaan kadib,
    Dr. Samatar fikirkiisa xaq buu u leeyahay ee yaan lala dirirn. Eedeynta uu u soo jeediyey ina Farmaajona sal ma laha. Qoralka Farmaajo qoray wuxuu ku salaysan yahay dhacdooyinka taarikheed ee Soomaaliya, haddii uu taariikhda qalad ka sheegayna waa lagu qabsan karaa. Anigu Thesiska uu Farmaajo qoray kuma arag meel aflagaado loogu geystay labadii madaxweyne ee dowladdii Moxamed Siyaad Barre ka horreysay.

  7. Sakariiye says:

    Farmaajo, wax badan oo run ah ayuu sheegay. LAAKIIN. Xaqiiqo ma guurto ah ayuu indhaha ka qarsaday. Waa xariif xariif dhalay!

    Runtiisa dhabta ah waxay soo bixi doontaa marka baarlamaan mooryaaneedka uu doorto. Waxaana malaheyga daciifka ah i tusinayaa in laga shaleyn doono Farmaanjo

    Prof. Samatar Halyeey Soomaaliyeed Waligaa…

  8. Duran says:

    Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘Wixii uurku rabay, afkaa kaa xada’, waxa ay illa tahay waxba yaan macalinka la eryanin ee arinta si dhaba ha laga doodo. Mida kale; Miyaanay Geedi Shaabo, Gelina Waayeynin’. Farsaamajo isagaa gacantiisa isku gowracay marka laga yimaado Buuga uu ku qalin jebiyey. Halkii uu ka bilaabi lahaa inuu is barasho u dhaqaaqo ayuu intuu haweenkii u yeedhay ku yidhi ii mashxada anaa kuwan meesha fadhiya kala diraye, waxa ay ahay inuu sugo inta la ansixinayo.

    Waxa iyana seegtay inuu akhristo buugaagtii raggii ka horeeyey ee meesha soo maray, “Intaanad Faliin Ka Fiirso”. Waxa ay ila tahay waxba yaan macalinka Maraykan qaxootiga ku tegey yaan la xagxaganin hadduu boogta Farmaajo iftiimiyey.

  9. DHEERE says:

    Somalia President Sharif Sheikh Ahmed appointed a new Prime Minister Mohamed Abdullahi Mohamed a month after the resignation of prime minister Omar Abdirashid.

    The Prime Minister’s appointment faces strong resistance from most of Somali Parliament members. Especially, Power full Digil iyo Mirifle clan show disappointments with the newly appointed minister. Suldaan Madeey Abow of Digil and Mirif said “minister’s book show the truth about his personalaity” referring to Mr. Mohamed’s college thesis.

    Suldaan maadeey Abow and many others from Digil and Mirifle tribe feel the appointed minister would not bring fair government on the table. Hassan Daahir Shabiye, spokesman for the defeaded RRA (Rahanweyn Resistance Group) said “ On his book, the nominated prime minister calls the Digil iyo Mirifle very small minority, mainly farmers.” We are not small and I tell you none of our parliamentarians will vote for him states Mr. Shabiye.

    The parliamentarians meeting to approval PM was cancelled by the speaker for reason that there is a misunderstanding between the speaker and the president,” said one of the lawmakers.

    The Shebab al- Qaida-inspired group control large part of southern and central Somalia and have wrested control of much of the capital Mogadishu, where they have daily scheduled attacks government and African Union forces.
    http://somalitalk.com/2010/farmaajo/

    Somalia has had no functioning central government since a civil war erupted with the 1991 overthrow of president Mohamed Siad Barre.

  10. Ilma samatar ama labada prof. ee walaalaha ah ee mooday in dhaliishu wax toosinayso,isla markaana kii yimaada oo lakeenaba ay xumaan kusheegaan waa ayaan daro.cabdi samatar arinkan uu kahadlan bil xaqiiq ilama sahlana. maahan in aad meelo kale kumarmarsiyooto ee waa in aad taada uhadashaa.sida uu hadalka udhigayna maahan mid ila yara qurux badan, waayo waxa ladhisayaa waa wadan burburay loona baahan yahay in dhanka wanaagga arinka loo leexiyo.inamada degan maraykanka ee tii timaadaba ukala dheeraynaya waxkasheegoodana maahan ilbaxnimo iyo aqoon ee dib isku dhigid.ARINKA BUUGGA LAGU MASHQUULAYNA waxaan ka odhan lahaa,mid siyaasadaysan iyo rag xilka iyaga isla rabay oo sas kaqaaday magacaabiddisa wakhtina kulumiyey in ay baadhaan wixii ay kuwaxyeeli lahaayeeen.markaa yaan waxaan jirin labuunbuunin.ninkii xaqiiqada diidayana waa isaga.dee kii lehna annagaa xilka dhaxal uhelnayna waa meeshiisa.wanaagga wadankana sidaa lagu heli maayo iyo sidaasuu yidhi. ninka kuqiimee,waxa uu qabtay lkn afkaartiisa ha eegin. SAMATARADA waxaan ku odhan lahaa qabiilka haddaad diidaysaan yaan laydinku arkin meelaha ay kushirayaan reerihiinu ee kafogaada.kuwa aad difaacaysid iyo kuwa aad dhaliilaysaanba waa soomaali ee yaan indhaha lays qaban.

  11. Bashi says:

    Cabdi Samater waa nin ay ku dheertahay somalinimada jecelna midnimadeeda dad baa kula coloobay mowqifkiisa .
    Farmajo ma isagaa islahaa maalin baa R/wasare laguu magacaabi doonaa ee wax iskula har . ( Waa la doogi ee yaan la dacaroon ) .

  12. Waa tan hore eh, soomalidu ceeb bay leedahay oo ah: qofka ra’yigiisa ma ixtiraamaan, ee isla markiiba way xakumayaan. Xaq buu u leeyahay Dr. Samatar oo ah nin aqoonyahan ah inuu wax ka sheego nin jago loo dhiibay. Hase yeeshee, waxaan u malaynayaa inuu isagu isu rabay jagadaan laakiinse uu gafay. Waa dhicikartaa inaan qaldanahay. Tank kale, anigu waan akhriyey Thesis uu qoray Farmaajo, waa nin aqoonyahan siyaasadeed ah, khaladna waa yeelankaraa, laakiin qoraalkiisu run buu u badanyahay. Dad badan oo wax ku qoray meeshaan waxaan filayaa inayan akhrinba Farmaajo buugiisa.

  13. hawo says:

    mr issa war aaamus shut your mouth aaan ku dhahay sheeekada laga hadlayo la qabso waxaaaan lauuu dirsan ha dhex dhexdabaaalan okqabiilaaa kaaa buuuxa calooosha ka jiran tahay okninkaaas wuxuu ahaaaba waaaa la og yahay in uu ahhaaaaa halyeey geesiya ooo wadani ah fiiiqato fagato la sheekayso sxb ok

  14. Ibrahim Ali says:

    Taariikhda Soomaaliya iyo halgankii SYL, cidna been kama sheegi karto, Raysalwasaare Farmaajana waa ku ceeboobay, Professor, Abdi Samatar na waa ku saxsan yahay cabbirkiisa.

    Sheikh Sharif, dib ha isugu laabto oo hala yimaado cid wadi karta Dalkan dhibaatadu ku habsatay.

    Ibrahim Ali

  15. Jamaal says:

    Umadey miyaydaan wali ogaam Beenta iyo xiqdiga Samataro. Waligay maan arag Samataro oo sheegaya Siyaad Bare wax tarkiisii iyo dhaliishhisa toona. Waxaan kaliyoo maqlaa ayagoo been aaan jirin uun dhoodhoobayay. Waa ninkii meel maxfal ah ka yiri Siyaad Barre ayaan sedeetamaadkii madaxtooyada kula soo murmay. Ninmankan waa niman aan Somalia tagi karin qof somali ahna wax ka aqrisanayn banaanada inay faantamaan mooyaane

  16. Ceelow says:

    ASCW, Cabdi samatarow miyaadan ogeyn farmajo qeyb qabiil inuu meesha ku tagey sharifna ku joogo, baarlamaankana lagu soo xushay qabiil, marka maxaa ku jaban haduu qabyaaladeyste yahay sidaada oo kale ileyn waa soomaali.

  17. suuriyaan says:

    marka hore waxaan mahad balaadhan u celin haay dhamaan walaalaha iskudayaya inay taqliiqiyaan buuga oo qoray farmaajo waxaana jeclahay inaan ragiyeena ku cabiri si aflagaado ayna ku ku jirin oo ay ku dheehantaahy inaan istusno inuu galay farmaajo khalad aha inuu muujistay wixii qalbigiisa ku jiray taasina ilahyba inoo sheegay oo quranka ayaa lagu sheegay dad badan oo umada islamka aha kala diri doona inay jiraan ama kalaba dira taas arinta farmaajo intaasi ayaan kaga gudbayaaye hadii aan usoo laabto prof samatar anigu waxaan qabaa inuu qof walba xor uyaahy fikirkiisa waxaa kale oo an anigu qabaa samatar inuuyahay nin dadaalaya oo isku dayaya sidii soomaliya nabad looga dhal;in lahaa inuu iskudayo dhamaan dhalinta waan salmaya sigaar aha ebyan aayns alamaya waxaana leeyahay walala cidna ha ujawabine ha ku ekaado tacliiqaagu tacliiq cilmiyasan maca slaamam

  18. A.S.C
    waar ina samatar waa cuqdad luga leh ee iska dhaafa
    anuu waxaan qabaa buuga ninkii akhriyey ayaa akhriyey
    se ina samar tiiyoo maanta somali laisku soo dhaweynoyo
    maxaa ku kalifay in uu wax qodqodo anuu waxaan qabaa
    xaga qabyaalada in uu 100% uu ku horeeyo ina samatar laakiin farmaajo weli waxba kama sheegi karno

    ina samar qabyaalad wax uu kaqabo ayuu aaskii hooyadii
    oo somaliland ku geeriyootay ALLAH ha na xariistee
    uu u iman waayey

    samatar AQOONYAHNA FASHILAN DHEH…?

    by bulshawi3c@hotmail.com

  19. Ali says:

    Assalamu Calaykum,,,

    Salaanta Islaamka ka dib, walaalayaal waxaa muhiim ah inaan cidna aragtideeda lagu colaadinin oo qof walbaa u xor u yahay aragtidiisa cidii ku raacdana ceeb ma’ahan ciddii ku diidana ceeb ma’ahan balse yaan laysku xadgudbin.

    Salaam

  20. hadii run la doonayo dad aan run isu sheegine run isuma ooyaane raiisal wasaaruhu haduu wax qorayo waxa u qumanayd in xaqiiqda qoro isagoo aan qabiilna difaacayn qabiilna eedaynay ileyn aakhiro qabiil ku raaci maayee camalkaaga ayuun baa ku raaci doonae kuwa mucaarad sana waxaan leeyahay u miyiriya wax badan miyir qabku waa wax weyn

  21. Cumar says:

    Asc.
    Salaan ka dib waad mahadsantihii kooxda Somalitalk. Qalin ku dirirka maqaalkan ayaaba cajiib ah. Ugu horeyn yaa ceeb ka saliim Soomaalida maanta?
    Dadka goormay waaci noqon doonaan? xuub caraa laysku heeystaa iyo xunbo dabeyl daran heyso. Wiilkan cusub haddii uu yahay ergay Washington ka socda ( wuuba yahaye) heesaha “country music” uu wato qoob ka ciyaar iyo sacab ayaa uraaci doono, waa sheekadii Jabuuti ee wadaadka u qeyla dhaaminaya ku yimid “nin dooran bey doorta na leeyihiin”.
    -DARDAARAN-
    DALKA IYO DADKA WAA LA BADBAADIN KARAA. WAA LA HESHIIN KARAA, NABADNA WAA LA HELI WAANA HUBANTI. Laakiin inta guul la moodayo dilka iyo silcinta walaalkaa iyo walaashaa, hadafkaa doontaba lahaw WaLaahi aadami kursi ku waaray caalamka lama arag, ama qandaraas haloo goobo ciqaabta iyo dulmiga dadkeena iyo dalka oo Afrikaan hakuu ciidamayo, Mareykan iyo xulafadiisa u qeyla dhaami ama mucaaradnimo iyo jihaad la marin habaabiyay sheego oo diinta lagu hoosaasinayo waLlaahi inaan lagu janno tegeyn.

  22. wadani says:

    Pro.abdi samatar waaa aqooyanhan soomaliyeed oo runta sheega. markaa dadka runtu damqaysoow ilaa aaad runta ogolaataaan soomaliya xal loo hilimaaayo.

  23. zaakiodey says:

    @ Dhaman Inta Faaladan ka qayb-gashey, Ka dib MAHADCELINTA Somalitalk, Haddi aan aragtitayda ku darsado waxay ila tahay Inta Qabyaadada DIIDAN iyo Qabyaalada difaacaysa mala helayaa hadii aan Soomaali nahay meel-dhexaad aanu isagu nimaadno labada dhinac Jawaabtu waa mayo, Waayo nolasheenna ayay ka qayb tahay, Hadii aan tusaale us oo qaato CABDI I. SAMATER-ka dhaliilaya nafsad ahaantiisa kama madhna mararka qaar Haybtiisa waa uu difaacaa qallinka.

  24. Waxaan aad ula yaabanahay sida loo buun-buuniyay sheekada buugan; maan wada akhrin buuga isaga ah, laakiin waxaan daalacday qeebaha la sheegay in qoraagu meel ka dhac ugu geestay qabaa’il Soomaali ah ama shakhsiyaad ictibaar ku leh bulshada Soomaaliyeed dhaxdeeda.Ulajeedada tacliiqeygaan ma aha inaan difaaco qalad uu galay Farmaajo. Laakiin waxaan rabaa inaan laba qodob xuso; midka koobaad buuga isaga ah sida wax looga sheegayo iyo waxa ku qoran isma laha, qof walba oo wax akhriyana waxaa ku filan inuu link-ga ku dhufto ka dibna uu go’aan ka gaaro waxa la sheegayo waxa ka run ah iyo waxi ka bad badis ah. Qodobka labaad aan rabo inaan xuso waxaa weeye, hadaanan been la isku sheegeen saan u dhannahay jiilka Soomaaliyeed ee hadda nool waxaan qayb ku leenahay, mid dadban ama mid toos ah, dhibka Soomaaliya ku habsaday; waxaana shaki la’aan ah marxaladdan madaw ay taariikhdeena marayso inay raad mad-madow nagu wada reebtay. Hadaba, xikmadda waxay sheegaysaa inaan toosh la iska daba qaadan. Waan isku raaci kaarnaa inuu Mr. Farmaajo yahay nin xun oo meel ka dhacyo sameeyay; su’aasheyda waxaa weeye YAA WEEYE NINKA WANAAGSAN?
    Fursad aan siino kan ugu roon kuwa xun xun.

    Ugu danbayn, Dr. Samatar, oo ah aqoon yahan Soomaaliyeed oo aan qadarin weyn u hayo, waxaan leeyahay waa sax inaad naqdisaa waxi qaloocan, toosisaana waxi qalad ah ee aad mujtamacaaga ku aragtid, laakiin waxay iila muuqataa wareysigi aad siisay idaacadaa xamar inuusan waxba soo kordhin; hadaan iraahdo waxaad ka kaluumeysaneysay biyaha cakiran, Soomaalida qayba ka mid ahna ha kuu mashxaradaan baad is laheyd, waxaan ka baqayaa inaan ku dambaabo.
    Waa Dhibaato hadaan noqonaa dad buris la taagan meel walbo oo duminta ku wada takhasusay.

    Dib aan isugu noqono saan si ma ahan!

    Cidi hadalkeyga dhibsatay waan ka raali gelinayaa, ma rabo bari ka maalin in idaacadda laga yiraahdo ninkaa reer hebel buu caayay!

  25. abdi aziz says:

    waxaan la yaabanahay waxa ku kalifay farmaajo inuu yidhaahdo kuma shaqeyn doono 4.5 maxaa ku dhacay ra,iisiwasaraha isagoon wali xafiski loo ansixin inuu sidaas uu hadlo maha waayo isagaba ku yimid sow maha mida buuga uu qoray farmaaajo waxaad ogaatan ninwalba oo calin jabin buug ku diyaariya waxyaalo badan buu ka tagaaa hadii ayna ahayn cilmi marka ninkan buuga uu qoray mahayn in la sii rad raaco waayo waxaa laga yaaba maclumaadka inta badan wuu qornaa

  26. yaabane says:

    Waxaan la yaabanahay sheekh sharif markiisa hore dadkii madax weynaha u dooratay waa burseelo wuxuuna helaa burseelayaasha kaliya ileen isagaa burseela ahe

  27. hanad says:

    marka hore waxan halkaan ka salaamaya dhamaan bahda somalitalk kadib hadaan ra yi ka dhiibto farmaajo ilama aha nin u qalma jagadaas maxaa yeeley reysal wazaara walba oo inasoo maray dagaaladan qudbadooda waxba laga dheefsan jirey midkan hadal isku toosan oo kii madaxda ahaa xitaa ma wato; marka runtii su aashu wexey thy qudbadaha ka dambeeya ee laga rabo inuu soo jeediyo mashariifkaa u qudbadeeynaayo; aniga ra yi ahaan haduu kheeyr noogu jira ala haku daaayo kursiga haduu shar watana baarlamankoo diido ala ha kaso;

  28. Layla says:

    Taariikhda aan la duugi karin

    President Abdirashid Ali Sharmarke

    The History of Unique President Dr Abdirashid Ali Sharmarke 1919- 1969

    Somalis reminds his famous speech during the war against Ethiopia 1964, “ Somalis reminds his famous speech during the war against Ethiopia 1964, Dr Sharmarke said: We join the elections and We are voting with our right hand, and with our left hand we took the rifle to defend the country from Ethiopians, our enemy, my dream is to liberate Somali who living under colonial power Ogaden, NFD, and Djabuti”

    Shermarke was born in 1919 to a wealthy family in the town of Harardhere in the district of Hobyo.

    Raised in Mogadishu, he attended Qur’anic schools and completed his elementary education in 1936. He then embarked on a career as a trader and later as a civil servant in the Italian colonial administration.

    In 1943, the year of its inauguration, Shermarke joined the incipient Somali Youth League political party. He entered the British administration’s civil service the following year.

    While still a civil servant, Shermarke completed his secondary education in 1953. He earned a scholarship to study at the prestigious Sapienza University of Rome, where he graduated in political science in 1958.

    Today The university has 21 faculties, 21 museums, 155 libraries and 130 institutions.

    Sapienza University of Rome

    The number of students is 147 000 and the number of teachers is 10 144 (www.SapienzaUniversity.com)

    “ Sapienza University of Rome Sapienza – Università di Roma; still widely known as Università di Roma “La Sapienza“ is a coeducational, autonomous state university in Rome, Italy. It is the largest European university and the most ancient of the city’s three state-funded universities; Sapienza was founded in 1303. In Italian, sapienza means “wisdom” or “knowledge”.

    Sapienza University of Rome ranks among top 20 European universities, recognized as the most prestigious Italian University, acknowledged among other elite institutes all around the world.

    “ A leader must have Knowledge in its field

    A leader must have a high level of knowledge in areas such as in their institution or in their company involved. It is clear that it may use the expertise most of people do not possess themselves, but we must have knowledge of working with.“

    http://www.youtube.com/watch?v=igu7Me0F0d4&feature=player_embedded

    Dr. Shermarke was a president with knowledge and genuine necessary skills to lead a country, knowledge about how to handle several million citizens, in answer to give them good health, education for children and young people, build infrastructure, build strong army, development opportunities for businesses, eradicate poverty.

    He took decisions with regard to the country and its citizens best, it means that he exercised his power, after consulting experts in the field although it was only a few who graduated as Sharmarke,

    When he involved with decisions, he considering with respect to wider support in parliamentary decision

    After returning from his studies abroad in Italy in 1959, Shermarke was elected to the Legislative Assembly.

    When Somalia gained its independence on July 1, 1960, he was appointed by then-incumbent President Aden Abdulle Osman as Prime Minister.

    Shermarke’s duties as Prime Minister saw him travel abroad extensively in pursuit of a non-aligned and neutral foreign policy. He remained Prime Minister until March 1964, when the first general elections were held and which saw him re-elected as a member of Parliament.

    In the 1967 presidential elections, Shermarke beat out Aden Abdulle Osman to become President of Somalia. He was sworn in to office on June 10, 1967.

    When Dr. Sharmarke won the presidential post, he nominated Mr. Mohamed Ibrahim Igal to Prime Minister becouse Shermarke manning an important goverment posts with regard to individuals’ education and its qaualifications

    He was educated, religious, modern, traditional, social, sometimes driving his car when he noticed that his driver is tired, he said: I am a driver and you are the President “when he jokes with him.

    On October 15, 1969, while paying a visit to the northern town of Las Anod, Shermarke was shot dead by one of his own bodyguards.

    Why he traveled to North Somalia :
    Cities in north Somalia suffered a prolonged dry 1969, livestock deaths due to dry, the people suffered from hunger. News wrote a lot about it. Then Dr. Shermarke decided to travel there, while his advisers suggest he would not trip, because there is a conspiracy in the same way against him and against democracy

    But he insisted to trip there, replied: I want to experience difficulties hit by my people, the feeling of pity prevent me not to travel. If i don`t travel there, then i feel that I have betrayed my people and my country, therefore it is my duty to take part of their difficulties, to get a correct assessment of the situation.

    When he arrived in the city Hargiesa he made a speech : Our country had got independence before 9 years ago, I came here as a state leader to show you my government´s sympathy.

    I have an obligation to ensure the size of the drought in my eyes, and then collect the government’s members to invest in the available resources to rescue people.

    His assassination was quickly followed by a Military Coup on October 21, 1969 (the day after his funeral), in which the army seized power without encountering opposition essentially a bloodless coup. The coup was spearheaded by Major General Muhammad Siad Barre, who was at the time the commander of the army.

  29. somali Legends says:

    President Aden Abdullah Osman:

    H.E. Aden Abdullah Osman was born at Belet Weyne (Hiran Region). After receiving education at State Schools, he acquired administrative experience in Government oficies.

    He subsequently devoted himself to his own business. In Febraury 1944, he joined the Somali Youth Club (subsequently called Somali Youth League), became a member of the party’s steering board and in 1946 was appointed Secreatry of the Belet Weyne section of the party.

    In 1951 the Regional Council of Mudug designated him for the Territorial Council on which he served uninterruptedly (up to February 1956) as the representative of the S.Y.L.

    In 1953 he was appointed Vice-President of the Territorial Council. In 1954 he became the President of the Somali Youth League and remained office untill 1956. Re-elected to the same position in May 1958, he occupied this post simultaneously with the post of the President of the Legislative Assembly until 1st July 1960.

    In 1956, when the Territorial Council was replaced by Legislative Assembly, he was elected member of the National Assembly for Belet Weyne District at the general political elections, and in meantime the Legislative Assembly appointed him its President.

    In the 1959 general political elections, he was again elected member of the National Assembly, which again appointed him Presedent. He maintained this post when the Legislative Assembly was converted into the Consituent Assembly.

    In his capacity as President of the Constituent Assembly, on 1st July 1960, he proclaimed the Independence of the Somali Republic and following the unification of the northern and southern territories – former British Somaliland and Italian Somaliland. The National Assembly chose him as Provisional President of the Republic for period of 1 year, and in 1961 re-elected him to the same mandate for 6 years.

    He devoted his interest to legal, social and economic studies. Besides Somali, he speaks Italian, English and Arabic.

    According to the Constitution of the Republic, the out-going President enjoyed life-membership of the Somali National Assembly (Article 51, paragraph 4).

    ______________________________

    MESSAGE FROM MR. LYNDON B. JOHNSON PRESIDENT OF THE U.S.A.

    ADDRESSED TO SOMALI PRESIDENT ADEN ABDULLE OSMAN.

    ABOUT THE WAR OF SOMALIA AND ETHIOPIA IN 1964.

    Document No. 285 Washington, February 21, 1964, 5:53 p.m.

    Please deliver following message from President Johnson to President Aden:

    Dear Mr. President:

    I have followed with deep concern events in the Horn of Africa during the past two weeks.

    I have been very disturbed to learn that these events may have created misunderstandings in the Somali Republic regarding the position of the United States.

    We have, as you know, a long history of friendship with Somalia. We value that friendship. We continue our interest in the independence, development, and democratic institutions of you country. Suggestions to the contrary come only from those who seek to disrupt our relationship. The fact of our friendship with Ethiopia in no way lessens our desire for continuing friendship and understanding with you and the Somali Republic.

    We have expressed strongly to you government our hope for an early end of the hostilities in the Horn. We have made equally strong expressions to the Government of Ethiopia. We are gratified that, through the efforts of other African Governments, an approach to peace has been made. We hope that the Lagos meeting of the AOU Foreign Ministers will result in the establishment of a still firmer basis for understanding.

    I am fully conscious of the serious problems which disturb the peace of the area. We are sympathetic and we will give our full support to sincere efforts to find peaceful and mutually satisfactory solutions to these problems in order to make possible concentration on development of the area in ways that truly benefit the people of the region.

    Please accept my personal good wishes during these difficult times and my strong hope that we may increase that understanding which is the key to friendly relations between nations. I should be pleased to have your further thoughts on these matters and on the means through which you interested friends might assist in furthering the peace and welfare of this region.

    Lyndon B. Johnson.

    Ball

  30. Qadra says:

    Waxaan weli aan xasuusteeyda ka tirmin dhibkii uu u geestay Mr. farmaajo adeerkiis dadkii siyaasiyiinta ahaa ee wadaadada, siyaasiyiintii xabsiga labaatan jiroow uu ku xiray mudo dheer, wax la dilo iyo wax masaafuriya uu ka dhigay. War miyuunan xishoonayn ninkan. Taariikhda ayada ayaa isa sheegto cid duugi karto maleh, hadii Siyaad Bare buugtiisa manaahijta somalia , been ku qoray ma wadadii uu suubiyaa raaceesaa ee beenta ku dhisneed. SYL ragii ahaa maxuu ku abaal mariyey waa la ogyahay suu ugalay. Wax naxariis ah Somalia adeerkaa uma gelin, waxuu u reebay maanta miraheeda ayaan wada guraneeynaa. Waa ninkii isku diray umada balaayadii uu afuufay Qabiilka ayaa wali laga baxsan karin oo laga bagsoon adigana waa sii wadaa walee hadaaban arkaa wax inaadan soo wadin, xasuuqii Somaliland maad hilmaamteen, iyo Kii Mudug aaway umadaad xasuuqdeen.

  31. Kamaaal says:

    Abyan farah, somalida waxay ku maahmaahdaa tuug intuusan tuug la oran ayuu adiga tuug ku yiraa…Abyan armaad adiga ku soo kortay guriigii laga abuuray qabyaada somaliya? meesha maxamed farmaajo abahii uu wadaka wax ka dhisayay adugana aabahaa wuxuu mash-quul ku ahaa duminta iyo burburinta qaranimadii somaliya…

    Marka qoraalkaaga waxaan u gartay inaad tahay wixii somaliya dhigay meeshay maanta taalo…buug waa la qori karaa lakiin nin fikirkiis maha inaad u gaartid aabo ilaa asaga shaqsiyan caydo marka taas waxay na tusaysaa inaad ku soo kortay hoyga qabyaalada….biig waxaa loo aqristaa educational purpose …ee maha inaad buug qabyaalad u rogto oo aad na tusto waxa kaa buuxa….

  32. Abdi Ismail Samatar waa halyey,wadani ah,isla markaana inta badana runta dul istaaga, laakiin marka ay timaado dowladihii rayidka marka uu ka hadlaayo, waxaan u arkaa in aanu sawir sax ah ka bixin ama aanu asiibin sawirka saxda ah ee ay lahaayeen dowladihii hore.

  33. mustaf says:

    Alla Samatar walaahi waa masiibo. bal beenta xadkaas la’eg maxay ku kordhinaysaa. it is absolute hypocrasy. waxa kaga daran the guy claims to be a professor. buuga uu qoray farmaajo waan aqriyay shaqsiyan, waxa dhabta ah ee ku yaalana waa wax source leh oo meela badan ayuu ka soo xigtay ma ahan wax uu uurkiisa ka soo go’ay waana wax jira qabiilna ma caayin taariiq somalina been kama sheegin. walaahi i was shocked to hear samatar’s baseless negative vibe. anigu waxaan oran lahaa (Samatar) you need to apologize….

  34. Somali4Ever says:

    Horta dadkiinaan iska hadlayo, ma akhrisateen buugga Cabdi Ismaaciil Samatar la sheegayo? Cabdi wuxuu isku sheegaa Soomaali haddase qaylaadad kama maqna hadalladiisu. Waxay ila tahay in uu isagu isku rabay jagadan ceebta ku dhisan. Soomaaliya waa dal la haysto ee xoreyn-u baahan: shisheeye, shabaab iyo shaydaannada qabyaaladda.

  35. Ebyan Farah says:

    Anigu lama yaabbani Mohamed Formaajo, waxaa la yaabayaa Madaxweynaha magacaabay . Moxamad wuxuu ku soo koray guri lagu soo dhisay qabiyaalad, Dawladnimadana intaas ayuu ka fahami karaa. Aabbihiis Abdullahi 1970 wuxuu ahaa darawal, 1971 wuxuu noqday madax Soomaali airlines ee garoonka dayuuradaha, 1980s wuxuu u dallacay guddoomiye ku xigeenka Somali Airlines. Mohamed Abdullahi markuu ka baxay dugsiga farsamada wuxu madax ka noqday Hantidhowrka W Arr. Dibedda, ka dibna wuxuu u dallacay diplomacy Soomalida u jooga Washington. Waxaa lagu soo ababiyey jeceel Maxamad Siyad iyo Neceeb madaxdii ka horreysey. Yaan waxba lagu eedin.

  36. waxaan jeclaanlaha inaad marka qof masuul ah xil loo magacaabo inaan markiiba la mucaaradin waayo maxaa yeelay taas wax ku xumaadaa mooyee wax kuma hagaagaa farmaajo fikrada cusub ee uu ka dhawaajiyey ee ah kuwa jeebabka waawayn shacabka u toshay oo xitaa aanay kujirin duub naxa in uu wax kaqabto
    qolada samater uu kamid yahay ee sidan ku eedaynaysa aqoonfiican ayaan uleeyahay wana rag aan doonayn in soomaliya nabad ka dhalato waxayn arabaan mashaariic inay dawlada maraykanka sidoodii uga qaataan uma baahna faahfaahin wa alayaqaanaa markaa waxaan idinka codsanayaa anoo ah aqristayaasha aadka u akhriya webka inaad wax fiican kusoo qortaan waad mahadsantihin

  37. AAD BAAN UGU BOGAY SIDA AY SOMALITALK UGU DADAALAYSO IN AY SOO BANDHIGTA XAQIIQDA RUN AHAANTII WAA WAX LAGA XUMAADO ARINTAAS UU KU KACAY FARMAAJO ISLA MARKAANA RABO IN UU XIL UQABTO SOMALIDA ANI HADAAN AHAAN LAHAA ISAGA ISMABA SHARAXEEN BARLAMAANKANA WAXAAN KULATALIN LAHAA IN AY KATASHTAAN DANAHA SOMALIDA IYO WIXII WAX QABANKARA

  38. Mr. Isse says:

    Waa wax aad looga xumaado nin aqoon sheeganayo oo hadana xaqiiqda aan wax ka qorin. waa cajiib ninkan bal see waddan u hogaaminayaa haduuba xaqiiqda taariiqda somalia duugay. Waxaan u sheegayaa Mr. Farmaajo sidii adeerkaa Siyad Bare waxuu isku dayey inuu duugo taariikhdii dowladii ka horeesay waxuu ka dhigay wax uu dilo iyo shacab uu xasuuqo, siyaasiin uu xabsiga ku hayey mudo dheer, taasna ma u suurta gelin inuu xaqiiqda duugo. Ee nin yahoow adeer kaa baa ku daalay taas la soco ee waxba ha is daalin .