Home » Warar »

Khudbaddihii Shariif Axmed, Shariif Xasan iyo Farmaajo ka jeediyeen Baarlamaanka iyo buuqii ka dhashay

Kalfadhigii Baarlamaanka DFKMG oo Buuq ka dhashay lagu kala dareeray ayadoo aan la ansixin ra’iisul wasaaraha ..

Kulankii baarlamaanka DFKMG ayaa Arbacadii (Oct 20, 2010) lagu kala dareeray kaddib markii uu ka dhashay buuq ku saabsan qaabka loo ansixnayo ra’iisul wasaaraaha DFKMG (Gacan taag ama qarsoodi).

Kalfadhiga baarlamaanka oo ay ka soo qayb galeen xildhibaano lagu qiyaasay 381 xildhibaan ayaa waxaa kale oo kasoo qayb galay madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Axmed oo ka jeediyey khudbad uu ku dalbanayo in ra’iisul Wasaaraha uu soo magacaabay ay ansixiyaan.

Hadalkaas Sheikh Shariif Halkan ka DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/sharif_iyo_farmaajo_thesis.mp3]

Qaar kale oo kamid ah Khudbaddii Sheikh Shariif DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/sharif_oct20.mp3]

Waxaa sidoo kale kulanka joogey oo hadal ka soo jeediyey ra’iisul wasaaraaha la magacaabay Maxamed C. Maxamed Farmaajo oo weydiistey baarlamaanku inay codka kalsoonida siiyaan.

Khudbaddii Farmaajo oo dhamaystiran DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/farmaajo_20oct1o.mp3]

Kaddib ayaa waxaa laba mooshin oo midna taageersan yahay midna ka soo horjeedo ra’iisul wasaaraha waxaa soo jeediyey xildhibaano katirsan baarlamaanka. Waxaa qaar doonayaan in codka loo qaado hab qarsoodi ah, qaar kalena waxay doonayaan in si gacan taag ah loo qaado.

Waxaa labada Mooshan akhriyey laba xildhibaan oo kala ah Xildhibaan C/rashiid Cirro (oo akhriyey Mooshanka in codka gacan taag laga dhigo) iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame (oo akhriyey in codka Qarsoodi laga dhigo).

Shariif Xasan ayaa markaas go’aamiyey in codka loo qaado si qarsoodi ah. Waxana uu Shariif Xasan dalbay in la keeno sanduuqyada cod bixinta.

Hadalladii Shariif Xasan, Cirro iyo C/raxmaan DHEGEYSO

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/sharifxasan_oct20.mp3]

Arrintaas waxaa ka dhashay buuq xooggan, taas oo sababtay in guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan uu kalfadhiga xiray ayadoo aan wax cod ah loo qaadin Maxamed C. Maxamed Farmaajo.

Kooxda taageersan in gacan taag lagu ansixiyo waxaa la sheegay in doonayaan in la ansixiyo farmaajo si uu noqdo ra’iisul wasaaraha DFKMG, halka kuwa codka qarsoodiga doonaya la sheegay in ay ka soo horjeedaan ansixinta.

Waxaa la sheegay in Sabtida markale baarlamaanku kulan yeelan doonaan.

Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif Axmed ayaa October 14, 2010 waxa uu ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay Maxamed C. Maxamed Farmaajo si uu u bedelo Cumar C/rashiid Sharmaarke oo Is-casilay September 21, 2010 kaddib markii khilaaf xooggan soo kala dhex galay Shariif iyo Sharmaarke.

DFKMG ee uu hoggaamiyo Sheikh Shariif ayaa waxaa u harsan bilo intii ay hayn lahayd xilka.

Xarunta Baarlamaanka (1992) Sawirka: http://vindenes.nu/

###

Hadalkii Ra’iisal Wasaaraha la magacaabay ka yiri 4.5-ka

Oct 19, 2010: “Caddaaladu waa lagama maarmaan, 4.5 ayaa la yiri, anigu ma arag meel ay ku qoran tahay 4.5, weligay aniga shaqadaydu waxay ahayd in aan difaaco xuquuqda dadka laga tirada badan yahay, caddaalad darro haddaad ku bilowdo iyo xaq darro meel ma gaareyso. Kuwii sameeyey 4.5 waxay ugu talo galeen inay Soomaali kala disho, oo la qaybiyo, oo la yiraahdo waad ka xuntihiin dadka kale, wax .5 layiraahdaa ma jiro, waa la siman yahay, waxaad ku calool fiyoobaataan marka ugu horeysa ee aan qabto xilkaas in aan magacaabi

doono dad tayo leh, oo diyaar u ah iyagu in ay ahaadaan kuwa ugu dambeeya ee wax cuna.” Farmaajo, Oct 18.. DHEGEYSO.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/45_farmaajo.mp3]

Ra’isul Wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya ayaa ka laabtay hadalk uu horey u sheegay oo ahaa in uusan…

Ra’isul Wasaaraha cusub ee loo magacaabay DFKMG ee Soomaaliya Max’ed C/llaahi Max’ed (Farmaajo) ayaa markii laga soo xigtey in xukuumaddiisa uusan ku qaybin doonin wax la yiraahdo 4.5 waxaana arrintaasi si weyn u soo dhaweeyey shacabka Soomaaliyeed oo iyagu intooda badan diidan in wax lagu qaybiyo 4.5 balse ay doonayaan in qofkii karti leh oo aqoon u leh arrimaha maamulka loo dhiibo taas oo Soomaaliya u horseedi karta cadaalad iyo sinaan.

“Warkaasi waxaa si qaldan u faafiyey saxaafadda, waxaana ku tilmaamayaa mid abuureysa xaalad aan wanaagsaneyn” ayuu yiri Ra’isul Wasaarah ala magacaabay Farmaajo oo sheegay in uu aaminsan yahay Axdiga ku meel gaarka ah oo qoraya in wax lagu qaybsado 4.5 hase yeeshee waxa uu sheegay in loo baahan yahay in arrintaasi ay ka gudubto ummadda soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaaraha cusub ayaa markii hore hadalkaani ka soo yeeray mar uu la hadlayey ururo haween ah, isagoo sheegay in haweenka Soomaaliyeed ku dulman yihiin waxa la yiraahdo 4.5 hase yeeshee Farmaajo waxa uu sheegay in saxaafadda looga baahan yahay in hadalada sida loo yiri ay u sheegto.

Hadalkii hore ee uu 4.5 ka yiri DHEGEYSO.

Hadalka Ra’isul Wasaaraha la magacaabay ka soo yeeray oo ahaa in aysan habooneyn in 4.5 wax lagu qaybsado ayaa waxaa la sheegay in ka laabashadiisa ay ku timid markii cadaadis kaga yimid xubnaha Baarlamaanka iyo Beelaha Soomaaliyeed oo iyagu aaminsan 4.5. Waxaana jirtay in shirar horey u dhacay lagu go’aamiyey in wax lagu qaybsado 4.5 balse dadka Soomaaliyeed ayaa intooda badan aaminsan in 4.5 uu yahay xaqiraad la xaqirayo qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed, waxayna horey loo soo jeediyey in ay wanaagsan tahay in arrintaasi laga laabto si loo helo cadaalad iyo midnimo.

Ra’isul Wasaaraha la magacaabay oo laga sugayo in uu magacaabo Gole wasiirro ayaa waxaa la sheegay in ay ku adkaan doonto magacaabista xukuumadda maadaama beelaha Soomaliyeed ay doonayaan in ay iska wada arkaan xukuumadda la dhisayo, hase yeeshee Ra’isul Wasaaraha la magacaabay waxa uu horey u sheegay in uu soo dhisi doono Dowlad Tiro yar oo tayo leh oo shacabka ka saari karta xiliga adag ee lagu jiro (waa kaddib marka barlamaanku u codeeyaan ansixintiisa).

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhsaaro@hotmail.com
###

Warsaxaafadeed :Kala cadeyn hadalkii Ra’iisal Wasaaraha ee 4.5-ka

Oct 19, 2010: War saxaafadeedkan wuxuu daba socdaa hadalkii shalay (oct 18) ee ahaa in 4.5 wax la yiraahdo aanu aqoonsaneyn R/wasaaraha cusub, taasoo khalad loo fasirtay. War-saxaafadeedka oo qoran waa kan:

Waxaa soo tebiyey:

Garaad Salaad Xirsi
Communication Officer
Office of the Prime Minister TFG Somalia
Email: pmcommunicationoffice@gmail.com

..

Warbixintan hoose waxaa Oct 18, 2010 ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha la magacaabay

R/wasaaraha cusub oo maanta kulan balaaran la yeeshay haweenka Soomaaliyeed

“Halgankii SYL ayaa noo bilaabanaya haweenkuna kaalinta koowaad ayay kaga jiraan”

(Daawo Sawirada kulanka)

“Anigu Nolosheydii iyo nabadii aan heystay waxaan uga soo tegay sidii aan u samata bixin lahaa dadkeyga iyo dalkeyga”

“Halgankii SYL ayaa noo bilaabanaya haweenkuna kaalinta koowaad waa inay galaan”

“Musuq maasuq dambe waa dhamaaday ninkii jeeb weyn u toshay inuu ummadda dhoco jeeb yar ha tosho”
“Haddii Baarlamaanku I ansixiyo waxaan soo dhisi doonaa Xukuumad tayo leh oo dalka Samatabixisa”
“Wax la yiraahdo 4.5 waa ma jirto, dadkuna waa siman yihiin Alle agtiisna waa siman yihiin, qof walaalkay ahna kuma diidayo qabiil, qof kalena kuma fogeynayo”

“Dadka Dibaddaha ku nool, waxaan leeyahay anagaa safka hor ku jirnee adinku nagu soo kaalmeeyo wixii dhaqaale ah ee aad awoodaan, waxaana dhisi doonaa Guddi kaalmadiina soo uruuriya”

Eryadan waxay ka mid ahaayeen khudbo dheer oo uu maanta ka jeediyay Ra’iisal Wasaaraha cusub Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) kadib markii uu ku casuumay xafiiskiisa isla markaana kulan balaaran kula qaatay haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaana kuwa gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa kulankan ku wehliyay Guddoomiyaha gobolka Baanadir ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) iyo Eng. Yariisow oo ah Wasiirka Warfaafinta, waxaana kulankan ka soo qeyb galay boqolaal haween ah kuwaasoo lulayay caleemo qoyan iyo calanka Soomaaliyeed iyagoo si weyn u soo dhoweeyey R/wasaare Farmaajo oo ay sacab iyo sawaxan ku soo dhoweeyeen.

Haweenka halkaasi ka hadlay ayaa waxay si weyn u soo dhoweeyeen magacaabida R/wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo ay ku tilmaameen shaqsi ay in muddo ah sugayeen umadda Soomaaliyeed gaar ahaana haweenka oo ay sheegeen inay ku dulman yihiin maamulka iyo xilalka dowladda, waxayna tilmaameen inay aad ugu faraxsan yihiin inuu talaabadii koowaad ee uu dad ku casuumayo uu ka dhigo haweenka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Tarzan oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliyeed inuu si bilaa shuruud ah ugu codeeyo magacaabida Ra’iisal Wasaare Farmaajo maadaama buu yiri shacabka Soomaaliyeed ay taageero xoogan u muujiyeen meelo badan oo dalka ka tirsan banaanbaxyo waaweyn looga dhigay.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo xaflada soo xiray ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaana haweenka sida ay u taageereen magacaabistiisa wuxuuna u rajeeyay in sanadkan sanadkiisa uu filayo inuu dalka gaarsiiyo Midnimo, Nabad, Dib-u-heshiisiin, iyo Horumar.

Sidoo kale, R/wasaaraha ayaa u sheegay haweenka Soomaaliyeed inay yihiin laf dhabarka bulshada Soomaaliyeed ayna waajib tahay in dib loo soo celiyo xuquuqdoodii asaasiga aheyd, isagoo haweenkana ugu baaqay inay dhex u xirtaan dib u soo nooleynta sharafkiik, karaamadii, nabaddii iyo maamulkii dalka.

“Waad ogtihiin walaalayaal SYL waxay ahaayeen 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah waxaana gadaal ka taagnaa haween Soomaaliyeed oo hooyooyin ah oo dhiiragelinayay, kaligood waxba ma qaban karin, dadkaasina waxaa ka mid ahaa hooyadeey aniga oo dhexda u xiratay sidii ay SYL u guuleysan lahaayeen” ayuu yiri R/wasaaraha oo ugu baaqay in haweenka Soomaaliyeed ay dhexda u xirtaan sidii dalka nabadda dib loogu soo celin lahaa la isagana qaban lahaa kooxaha nabadda iyo dowladnimada diidan.

Halkan ka daawo sawirada kulanka

“Halgankii waa bilowday maanta laga bilaabo, haweenkana waxaa laga doonayaa inay qeybtooda ka qaataan halganka, ayna biyaha, caanaha iyo daawada ka daba wadaan wiilashooda safka hore ku jira” ayuu mar kale yiri isaga oo ku wargeliyay in haddii uu baaralamanku ansixiyo uu marka ugu horeysa ka bilaabo doono howlihiisa la dagaalanka musuq maasuqa iyo sixida habsami u socodka hay’addaha dhaqaalaha ee dowladda.

“Waxaan idiin balan qaadayaa Alle hortiisa in aysan dhici doonin in hantida Qaranka uu dhoco jeebweyne, waxaana leeyahay laga bilaabo maanta ninkii jeebka weynaayow tolo shaar jeebab yar yar wax dambe oo lagu guro ma jiraane” ayuu si adag u yiri R/wasaaraha oo u muuqday in ahmiyadda ugu weyn uu siinayo sixida dhaqaalaha dalka oo uu ka jiro tuhun badan in sida saxda ah aanan loo isticmaalin kharashaadka Dowladda.

Dhinaca kale, R/wasaaraha ayaa soo hadal qaaday arrinta ku saabsan awood qeybsiga 4.5-ka oo macnaheedu yahay in Somaalida wax loogu qeybiyo afar beelood iyo bar, taasoo uu sheegay in uusan weligiis arag meel looga dhaqmo marka laga reebo Soomaaliya isagoo si adagna u yiri.

“Wax la yiraahdo 4.5 ma jiro, mana arag meel adduunka looga dhaqmo oo aan dalkeena aheyn, waana wax Diinta aan meelna uga qorneyn, Alle agtiisna laguma kala sharaf badna ee waa loo siman yahay” ayuu yiri isagoo xusay inuu soo dhisi doono Gole wasiiro oo tayo leh isla markaana aqoon iyo khibrad u leh maamulka Dowladeed.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay xukuumada laga filnayo inuu soo dhiso, wuxuuna xusay inuu soo dhisi doono Xukuumad yar oo tayo leh oo dalka ka samatabixisa xaaladdahan adag.

Ugu dambeyntiina Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee qurba joogta ah inay taageeraan Dowladda kuna taageeraan dhaqaale, isagoo xusay inuu dhisi doono Guddi soo uruuriya kaalmada dhaqaale “Waan ka maaranaa kaalmada beesha caalamka haddii dadkeena Soomaaliyeed ee Dibaddaha qof kastaaba 1 Dollar ku taageero dowladda”.

Garaad Salaad Xirsi
Cummunication Officer
Email: pmcommunicationoffice@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Khudbaddihii Shariif Axmed, Shariif Xasan iyo Farmaajo ka jeediyeen Baarlamaanka iyo buuqii ka dhashay "

  1. suxufi says:

    WALIGAY ADUUNKA MID KAN IMA SOO MARIN…WARHEEDHE KANI SIDA U ISU XADAYO ISAGA HADALKIISA AYAA SOOMALI MUGDI KII HORE KA BADAN GALI DOONO WAAR KANI MID MAAHA KALHADLAYAAYE..ODAYGA FOOSHII AAD FOOLATAY DHICIS AYAAD KU DHASHAY AYAAN ODHANLAHAA EE BAL AAN EEGNO..MUGDIGA LABAAD EE SOMALI U BILAWDAY…

  2. yaab says:

    Yaa wax ka qaba aqoonta? Yaa diidan aqoonta? Haddalkaan ah waa in la keenaa qof aqoon leh oo wax qabta ee intaa soo noqnoqda waxaan aaminsanahay inuu yahay hadal eber ah oo aan fikrad ka danbeen. Shariif Hassan waa speaker of the house waana ninka masuuliyada wadanka gacantiisa galayso haddii madaxweynaha meesha ka baxo. Marka noo sheeg aqoontiisaa inta ay le’eg tahay? Madaxweynaha ruuxiisa noo sheeg aqoontiisa? raiisal wasaaraha cusub ee la magacaabay meel uu ku yiri Dr. ayaan ahay lama hayo haddana websiteyo caashaqsan ayaa intaa qoro inuu Dr. yahay. Arrintaa ma ahan mid iyaga kaliya ku ek. Waxaan xasuustaa Saciid Qorshel markii wasiir Puntland loo magacaabay isaga oo layiri waa Dr. Saciid waxaa shaki ku jiraa inuu xitaa dugsi sare dhameeyay. Kuwa hadda jaamacada wax ka dhiga ee mareykanka iyo meelaha kale jooga kuli aqoontooda waa eber oo kuli qabaa-iilo ayay dabada ku wada wataan. Marka aan dhalanteedka iska dayno Somali aqoon yahay ma leh ee qaabiilka aan dhaqaan aan wax ku qaybsano inta wadanka lugihii ku istaagayo oo siduu Muse Sudi yiri Mingiska nalaga wada tumaayo.

  3. Xassan Yare says:

    Markii aan ISHAAFALATO ku sameeyay labadii qudbadood oo uu soo Jeediyay Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) , waxaa
    ii soo shaacbaxay in aan laga sugeynin qorshe uu ku kala furdaaminkaro
    arrimahaan murugsan.
    Waxaay ila tahay in Madaxweynuhu uu mar labaad ku laabto FOOSHII…
    (Fooshaas oo ah sagaalka bilood oo u harsan).

    Warkii oo kooban, waxaan soo jeedin in uu RAISULWASAARE kale
    deg deg kusoo magacaabo.
    Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxuu isku banjariyay qudbaddiisii ugu horeysay.

  4. Magan says:

    Aniga waxay ila tahay maanta in laga gudbo nidaamka qabaliga oo loo eego qofka aqoontiisa iyo heerka muwaadin nimadiisu ay gaadh siisantahay. qof aan
    jeebwaynayn qof karti u leh inuu umaddii soomaliyeed ee qabiilku kala burburiyay isu keeno. qof aanan dano shisheeye wadin oo u damqanaaya masaakiinta habeen iyo maalinba qaxa iyo barakaca ku jira .