Home » Faallo »

Shiikh AL-Callaamah Abu Xasan AL- Nadawi (2) !!!!

Horudhac :

Culumadu waxay ka Dhaheen !!!(1)

Shiikh Yusuf AL- Qardhaawi oo ah Caalim weyn oo Masaari ah kuna nool Qadar ayaa kitaab ka qoray uu u bixiyey ( Shiikh Abu Xasan AL-Nadawi Sidaan ku Aqaanay )??
Wuxuu yiri Shiikh Qardhaawi , Wuxuu ahaa Shiikh AL-Callaamah AL-Nadawi mid ah :

Rabaani,Islaami, Quraani, Muxamadi.

Waa maxay Rabaani :

Culumada Salafku waxay ku sharxaan Caalimka Rabaaniga ah in uu isku darsaday inuu Cilmiga Diinta Islaamka barto oo uu ku Camal falo haddana uu dadka u sii gudbiyo. Ruuxa Diinta barta se aan ku camal falin Rabbaani laguna tilmaami karo ee wuxuu noqon qof la nool Cilmi aan anfac lahayn, Allaah ayaan ka magangalnee, Cilmiga aan naafica ahaynna waa Cilmigii uu Nabigu Allaah ka magan gali jiray. Ruuxa cilmiga barta ee haddana ku camal fala se aan dadka gaarsiinin isagana Rabbaani laguma tilmaami karo, sida ay Aayadda Quraanka ah sheegayso:

(Allaah wuxuu Culumada farayaa in ay noqdaan Rabbaaniyiin dadka cilmiga bara, haddana iyaguna barta) 3:79.

Haddaba Caalimka Rabbaaniga ahi waa kan seddexdaas shardi buuxiya oo isagu horta noqda mid Cilmiga barta kuna Camal fala, haddana dadka sii bara. Wuxuu Allaah Ruuxaas oo kale ku ammaanay Aayadan:
(Yaa ka hadal wanaagsan Ruux Allaah dartiis dadka ugu yeera, Camal wanaagsanna Sameeya, haddana yiraahda waxaan ahay Ruux Muslimiinta ka mid ah ) 41:33

وذلك في كتابه القيم المعبر (ربانية لا رهبانية) يريد به السلوك الخالص لوجه الله، السالم من البدع ومن المبالغات في الاعتقاد أو السلو
Wuxuu ahaa Shiikh Nadawi siduu ku sheegay kitaabkiisa ( Rabaaniyah laa Ruhbaaniyah) mid Dhaqankiisu uu yahay mid Allaah Cibaadada u Khaalis yeelaaya, oo ka nabad gashan Bidcooyinka iyo ictiqaadka baadilka ah.

ISLAAMI :

Wuxuu ahaa Islaami oo Islaamku uu yahay midka uu ilaaliyo oo toosiyo,midka uu wax ku bilaawdo ama ku dhameystiro, midka uu wax ku dhaweysto ama ku fogeeyo,midka uu mar walba ku shaqeeyo oo uu ku dhagan yahay,midka uu wax ka soo qaato, midka uu wax ku jeclaado ama wax ku naco,midka uu wax ku qoro ama wax ku Alifo,midka uu wax dadka ku baro ama ku Muxaadareeyo,midka uu ku safro ama ku nagaado,midka uu maalintii ku mashquulsan yahay ,habeenkiina uu ku dulqaato,waa midka uu sahay u qaato safarkiisa ,markuu joogana uu weheshado,waa mid Islaamka u jooga ama Islaamka u heelan markasta,Islaamka ayuu ka yimid asaga ayuuna ku socdaa .

Midka caqligiisa,Qalbigiisa,Waqtigiisa mashquulinaaya si joogto ah waa Islaamka.

Quraani :

Quraani ayuu ahaa Shiikh Abuu Xasan AL-Nadawi wuxuu ahaa Quraani oo ah Quraanka ayuu wax kasta ka soo qaadanaayey, asaga ayuuna Akhrintiisa ku cibaadeysanayaa,
asaga ayuuna ku macmacaansanayaa,asaga ayuuna ka soo dhex bixinayaa lu’ lu’ iyo Jawaahirta, Quraankana wuxuu ku soo qaataa kutubtiisa iyo Muxaadaraadkiisa ayadoo lala qabo caqli faker badan iyo Qalbi Quraanku raadeeyey !!! Wuxuu ahaa Ahlul Quraan .

MUXAMADI :

Kama wado oo kaliyah wuxuu ka soo jeedaa Nasabkii Nabi Muxamed NNKH oo Shiikhu Wuxuu galaa Nasabkii Xasan bin Cali R.C.

Kuwa Badan oo Nasabkaas gala ayaa jira se Nasabkoodu uusan Anfacin Sida uu Nabiguba yiri NNKH : ( Ninkii Camalkiisu uu dib Dhigo Nasabkiisu ma hormarsho )!!!

Wuxuu ahaa nin Nabiga ka dhigtay mid uu ku daydo ,hadyigiisa, Dhaqankiisa iyo noloshiisa oo dhanba !!! Wuxuu ahaa markaad aragto mid ku nool noloshii Salafka, waxaadba u maleyneysaa in aad aragtay Salmaan AL-Faaarisi ama Abuu Dardaa !!! Allaah kuligood ha u Naxariistee.

Sida uu Shiikhu u arko isbadelka Siyaasadda :

Shiikh Xasan AL-Nadawi wuxuu aaminsanaa in isbadel lagu keeni karo iimaanka iyo Akhlaaqda !!! ee aan lagu keeni karin Siyaasad iyo wax la mid ah sida ay qabaan Abuu Aclaa AL-mowduudi iyo Sayid Qudub oo ayagu qaba in Siyaasad wax lagu badalo .

Wuxuu Shiikhu Qoray kitaab magaciisa la yiraahdo (التفسير السياسي للإسلام) oo uu ku radinaayo Saxiibkiis Abuu Aclaa al mowduudi oo ay iskula jireen jamaacadiisa ( Aljamaaca Al-islaamiyah) iyo ardeygiisa Sayid Qudub.

Kitaabkaas oo ka xanaajiyey Ardeydii Abuu Aclaa oo ku jawaabay (التفسير الحقيقي للإسلام).Se Mowlaanaa Abuu Aclaa ma ka xanaaaqin Saaxiibkiisii hore se wuxuu ku qaabilay Qalbi waasic ah sida uu sheegay Shiikh Yusuf Qardhaawi.

Shiikh Abu Xasan ma aaminsaneyn in wax lagu badalo is jamaaceysi sida tan ka jirta Pakistaan ( Al-Jamaaca Al-islaamiyah) ama Tan Masar ee ( AL-akhwaan Al-muslimiin ) oo kale se wuxuu aaminsanaa Shiikh Abu Xasan in isbadelku ku yimaado in dadka Quluubtooda lagu beero iimaan iyo naseexo in lagu badelo Xukaamta Muslimiinta ah ee aan la sii eryin waana tan Aragtidiisa:أو أن الشيخ يرى أن طريق التغيير واحد لا شريك له، ولا بديل له وهو إما أن ينتقل الإيمان إلى قلوب الحاكمين أو ينتقل الإيمان إلى قلوب الحاكمين! أي هو طريق واحد، لا طريق غيره.

Wuxuu Shiikhu u arkaa in isbedel ku yimaado hal shay oon mid labaad laheyn ama mid badala laheyn taas oo ah in iimaanku u guuro Quluubta Xukaamta muslimiinta taas oo keensaneysa in uu uga sii gudbo Quluubta Muminiinta .

Abaalmarinaha uu ku guuleystay Shiikhu :

Abaalmarimo fara badan ayuu Shiikhu ku guuleystay oo lagu maamuusay waxaana ka mid ah :

jaa’izadii Boqor feysal. middii Mohamed ibnu Raashid AL-Maktuum iyo tii Suldaan Xasan AL-Balqiyah iyo middii Al-imaam Waliyu laahi Dalhawi.
تمَّ اختياره لجائزة الملك فيصل العالمية لخدمة الإسلام عام 1980م.
منح جائزة الشخصية الإسلامية لعام 1998م في رمضان 1419هـ وقدم اليه الجائزه ولي العهد لحكومة الإمارات العربيه المتحده سمو الشيخ محمد بن راشد المكتوم.
منح جائزة السلطان حسن البلقية العالمية في موضوع سير أعلام الفكر الإسلامي من مركز أكسفورد للدراسات الإسلامية عام 1998م (1419هـ)
منحه معهد الدراسات الموضوعية بالهند جائزة الإمام ولي الله الدهلوي لعام 1999م

Allaah ha u Naxariisto Al-Callaamah Al-Shiikh Abu AL-Xasan Ali AL-xasani, wuxuu ka mid ahaa Culumaddii waaweyneyd ee Qarnigii Tagay.

Ugu Danbeyntii waxaa Sideedii Caalim ee Qarnigii tagay nooga haray AL- Callaamah Al-Muxadisul Casri Shiikh Mohamed Naasir diin AL- Baanii oon Bishaan Dhamaadkeeda soo gudbin doono inshaa- Allah.

Waxaan kaloo Maqaalladaas ka sameyn Doonaa Cajalldo lagu dhageysto Guryahay,Baabuurta iyo sidoo kale lagu Qaato Ipodka oo meel kasta lagu dhageysto Insha_Allaah.

Qaybtii hore ka akhri https://somalitalk.com/tag/saahid/

FII AMAANI LAAH .
Shiikh Saahid Mohamned Yusuf
VA, USA.
sahidyusuf@yahoo.com
AL-mutakhasis fil xarakaat Al-islaamiyah.

1)Shiikh Abu Xasan AL-Nadawi Sidaan ku Aqaanay

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Shiikh AL-Callaamah Abu Xasan AL- Nadawi (2) !!!! "

  1. Asalaamu Caleykum,

    Sheykhunaa Saahid, Allah ha kaa abaalmariyo casharradaada qiimaha badan ee aad mar walba noo soo gudbiso, runtii waa kuwo aad u qiimo badan una macaan, aad bay muslimiintu ugu baahan yihiin inay bartaan taariikhda culumadoodii si ay uga dhigtaan xidigo ay ku daydaan! Soomaali haddaan nahayna waaban uga sii baahi badan nahay dadka kale inaan baranno oo akhrinno taariikhdii iyo noloshii culumada raasikhiinta ah ee cilmigu ku dagay!!!
    Shukran jaziilan sheekh Saahid mar kale, fadlan sii wad maqaalladaan oo noogu sii xiji culumadeenna Soomaaliyeed ee iyagu abaalka gaar ahaaneed nagu leh, cilmigana dalkeenna soo gaarsiiyay!!!!

    Salaaaaaaam

  2. Mh Mohammed says:

    Sheekhunaaa Saaahid Ilaahay hakaa abaal mariyo dadaaalkaaga, Sheekhunaa aad aayaan markasta ugu hammiyaa inaan si qaasa kuula soo xariiro laakiin waqtigaa ii diida insha alaah hadda wixii ka dambeeya waan kula soo xariiri doonaa.

  3. SCWXWB:
    Shukri Ardeyadda Qaaliga ah waan qaadaneynaa Taladaada inshaa Allaah,waxaana ka dhigi doonaa Buug la akhristo.
    Allaah ha ii fududeeyo in aan Dhameeyo Bishaan Dhamaadkeeda .

  4. Shukri sh. says:

    Aaww,
    Jazakalaah walaal sh. Saahid, waxad kale oo aad nooga samaysaa buug si aan uga aqrisano ayado taxane ah.
    Aaww