Home » Faallo »

Burcad badeednimada oo ka gudubtay koox una dalacday Shirkado Ganacsi

Burburkii ku yimid Dowladdii dhexe ee Soomaaliya kadib waxaa soo if baxay waxyaabo badan oo ku cusub dadka Soomaaliyeed oo aysan caado iyo dhaqan toona u laheyn, xiligaan hadda la joogo waxaa si weyn looga xusi karaa xaajooyinka ugub ee Soomaaliya midda dhanka Burcad badeednimada ah, sida ay ku bilaabatay in badda laga qawleyso haddii la  yiraahdo ha laga hadlo waxay u baahan tahay qoraal dheer oo ku qotoma warbxino sal leh  laakiin dadka wax ka qoray arrinta burcad badeednimada waxay sheegeen in Burcad badeednimada soomaalidu ka soo jeedo intooda badan Kalluumeysato ka gadooday dhibaatada baahsan ee aan indhaha laga daboolan Karin ee ay Maraakiibta shisheeye ku hayaan Xeebaha Soomaaliya, hadda hawlaha Burcad badeenimada ee  Soomaaliya waxay marayaan heer caalami oo waxay ku dhiiradeen in ay masaafo dheer u galaan soo afduubashada maraakiibta iyagoo helay qalab casri  ah sidoo kale baaritaan uu sameeyey Ururka Uruurinta Warbixinada Burcad Badeeda Soomaaliyeed oo marka la soo gaabsho loo yaqaan  (SODIPO) ayaa lagu ogaaday in Burcad badeeda Soomaalidu wax ka bedeleen qaabkii hore iyagoo la soo baxay xirfado cusub  oo dhanka Burcad badeednimada ah taas oo suuragelisay in ay afduubtaan markiib aad u fara badan mudooyinkii ugu dambeeyey.

Ururka (SODIPO) oo fadhigiisu yahay dalka Yemen oo warbixin dheer ka dayaariyey Burcad Badeeda Soomaalida ayaa sheegay in hawsha burcad badeednimadu sii laba lixaadsatay iyadoo saddexdii bilood ee ugu dambeysay tiro koob la sameeyey ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida qaadeen ilaa iyo 60 weerar iyagoo ku guuleystay 25 ka mid ah isla markaana gacanta ku soo dhigay Maraakiib sodomeeyo kor u dhaafeysa oo uu ugu dambeeyey Markab ay ka soo qabsadeen Xeebaha Tanzania  oo ay saarnaayeen 15 shaqaale u dhashay dalka Hindiya. Burcad badeeda ayaa  la sheegay in ay ilaa iyo 6 markab sii daayeen saddexdii bilood ee ugu dambeysay kuwaas oo ay ka qaateen lacago madax furasho ah oo lagu qiyaasay 5 milyan oo Doolar. Warbixinta ayaa dhanka kale saadaalin ka bixisay in Burcad badeeda Soomaalida kororkoodu sii siyaadayo isla markaana bilaha soo socda laga fili karo weeraro ka badan intaan soo sheegnay mar haddii bad furankii la galay, waxayna dadka u dhuun daloola arrimaha burcad badeedda Soomaaliya sheegeen in markaan xitaa la fili karo qidado cusub oo ay la soo baxaan Burcad Badeeda Soomaalida, deegaanada ku dhow dhow Xeebaha koofurta Soomaaliya waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay wadaan kooxaha Burcadeeda Soomaalida iyagoo mashaariic dhismo ka fulinaya deegaano horey aan aad mashquul u aheyn balse hadda aad moodo in ay si aad ah u soo camirmeen, sidoo kale Burcad badeeda ayaa ka gudbay Koox is uruursatay oo hadafkoodu yahay in ay mar un Markab helaan oo ay lacag ka qaataan waxayna u dalaceen shirkad dhan oo hadafkeedu yahay in ay u shaqo tagto burcad badeednimo, waxaana hadda furmay shirkado badan oo ay leeyihiin burcad badeed oo shaqaaleysiisa cid kasta oo diyaar u ah in ay badda gasho,

Halhayska Koonfurta Soomaaliya ayaa hadda noqday ( Badda lugaha geli aad baramoostidee), waxaadna arkeysaa Gawaari dhaadheer oo ah kuwa xamuulka qaada oo ay gadaal uga qoran tahay (Badda lugaha geli), waxaa la yaab leh in magaca Burcad Badeednimo uu hadda yahay mid lagu faano koofurta Soomaaliya inkastoo loo qurxiyey magaca oo loogu yeero “Ragga Badda”, waxba waxaa ka daran waxaa hadda jirta in Haween loo diyaarinayo burcad badeednimo kadib markii ay si aad ah uga maseereen ragga burcad badeeda ah.

Koox ka tirsan Ragga Badda ayaan la kulmay waxaan hor dhigay waxa ku qasbay in ay Burcad badeed noqdaan, kooxdaas oo dhamaantood wada doonayey in ay ka jawaabaan su’aashaas madaama ay gacanta wada taageen waxay si isku dhow u yiraahdeen “Dalkeena dowlad ma leh, dhibaatada dowladda la’aantu keentay keliya ma ahan in dadka ay saameysay ee waxay kaloo saameysay dalkeena iyo badaheena, mar haddii wixii la doonayo laga sameysanayo, waad la socotaa in baddeenii aan xor ku noqon weynay oo shisheeye uu nala isticmaalayo, haddaan nahay soomaali baddeenu way nagu filnaan lahayd laakiin nalooma daynin ee waxaa xitaa naloogu daray in nalagu gumeysto, waxaan xasuusanaa in anaga oo koox kalluumeysato ah safar u baxnay anaga oo raadineyna dhegaha libaaxa, mudo markii aan badda ku jirnay oo aan soo helnay dhowr kilo oo dhego libaax ah ayaan ku nimid shamaag uu tuurtay markab shisheeye waxaana noqonay sidii malaay la dabayo, waxaana halkaasi ku gandontay mid ka mid ah doomihii aan wadanay, waan ka wada boodnay waxaana isugu tagnay doontii kale, halkaas waxaa nooga khasaaray dhego libaax oo ku fadhiya lacag badan, intaas nalooguma ekeynin balse waxa uu markabkaasi noogu daray rasaas ay waxyeelo ka soo gaartay rag ka mid ah asxaabteena, intaas waxaa noo dheeraa in baddeena wixii la doono lagu shubi jiray welina lagu shubo, suntan badda lagu daadiyo waxay waxyeelo weyn gaarsiisay kheyraadkii badda iyo waliba deegaanka, intaas oo dhan oo is biirsaday waxay nagu qasbeen in aan jawaab ka bixino dhibka nagula hayo”, kooxdii ayaan mar kale hor dhigay in ay la quman tahay in ay dhib dhib ku xaliyaan isla markaana xaqa ka maqan ee ay sheegayaan ay la haboonaatay in ay sidaan ku raadiyaan, ninbaa farta taagay oo yiri “Adigaan ku weydiinayaa ee hadda meel ma ku og tahay cid xaqeena noo dhicineysa, sidaad inadhaha u taageysaa ka gartaye waxba ma haysid, sidaas darteed maxay tahay wadada kale ee noo furan, haddii aan nahay dhallinyarada soomaaliyeed ee badda ka hawlgasha waxaan u aragnaa in sidaan aan xaqeena ku dhacsan karno”.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa aasaaskoodii hore lagu sheegay in ay ka dambeysay dhibaatada ay Maraakiibta shisheeye ku hayaan Soomaaliya, warbixinta uu saaray ururka SODIPO ayaa sidoo kale waxaa ku jirtay in dhawaan dalka Yemen lagu qabtay Markab weyn oo sida haamo sun ah kaas oo doonayey in uu Xeebaha Soomaaliya ku daadiyo suntaas inkastoo ay Dowladda Yemen sheegtay in xeebaheeda uu qayb suntaa ka mid ah ku daadiyey, tan ayaa qayb ka ah dhibaatada baahsan ee ka jirta dalka Soomaaliya taas oo looga faa’iideystay duruufaha la soo gudboonaaday Soomaaliya wixii ka dambeeyey burburkii Dowladdii dhexe, waxaaana hadda hadal haynta ugu badan ee Soomaaliya noqotay Burcad badeednimada oo sidaan horey u sheegay u xuub siibatay in ay soo baxaan Shirkado maalgashi ku sameysta Burcad Badeednimad.

Cabdiraxmaan Max’ed Adan (Dirham)

Cabdiraxmaandirham@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Burcad badeednimada oo ka gudubtay koox una dalacday Shirkado Ganacsi "

  1. ayaan wadani says:

    a s c wll waankusalaamay markahore salaankadib hadii aan fikirkayga kadiibto arinta burcadbadeednimada run ahaantii anigu waxaan leeyahay raga shaqadakadhigtay burcadbadeed nimada danbi malahan waayo dadka ay maraakiibta ka afduubanayaan waadadka kadanbeeya burburka somaliya oo kalagadaya hogaamiyaasha somalia si aanan hurmar ugaarin marka waankutaageersanahay burcadbadeeda in ay aqabad kunoqdaan caalamka waliba waxa aan jeclaan lahay in aysan ku ekaan madax furasho ookaliya ee ay gubaan maraakiibta qaar shaqaalahana ay dilaan si ay dhibaadata inahaysata noola dhadha miyaan cadowgeena oo ay ugu horeeyaan wadamada reer galbeedka iyo qaybabadan oo katirsan carabta marka waxaan leeyahay burcad badeeda halkaaka wada howshiina ileen caalamka hada kacabanaya burcadbadeeda waakuwa inakala qaybiyey oo noodiiday in aan yeelano dowlad marka ha arkaan dowlad la aanta somaliya samaynta ay caalamka ku yeelan karto waad mahadsantahay qoraaga webkaan