Home » Warar »

Sheikh Shariif oo magacaabay Raisulwasaare cusub ee DFKMG

Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) oo aah 48-jir oo loo magacaabay ra’iisul wasaaraha DFKMG….

Shirjaraa’id oo uu maanta (Oct 14, 2010)  ku qabtay xarunta madaxtooyada ee Vila Somalia madaxweynaha DFKMG sheikh shariif Shiikh Axmed ayaa waxa uu ku magacaabay Raisulwasaare cusub kaasi oo indhawaalaba la filayey in uu soo magacaabo.

Madaxweynaha dawlada FKMG soomaaliya ayaa waxa uu xarunta madaxtooyada isugu yeeray warbaahinta isagoona halkaasi ku magacaabay Raisulwaasaare cusub kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) .

Hadalkii Sheikh Shariif ee Magacaabista, iyo hadal kooban ee farmaajo HALKAN ka dhegeyso.

Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya sheikh shariif sheikh Axmed ayaa ninkan cusub oo hore u ahaan jirey dublomaasi safaaradii Soomaalida ee Washington u soo magacabaay Raisulwasaare cusub kaasi oo ah mid aan horay loo hadal hayn.


Sawirka korkiisa guji si aad u weynaysid
Xuquuqda sawirka: Aljazeera.net

Somali-American named Somalia’s prime minister

Xuseen Cabdulaahi Xasan

Xuseen339@hotmail.com

Kampala Uganda

Warark aug dambeeyey magacaabista oo (ENGLISH) AKHRI.….

Wararkii hore ee magacaabista Ra’isul Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka….

Iyadoo mudadii uu haystay Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif in uu ku soo magacaabo Ra’isul Wasaare Cusub oo ahayd mudo sodon maalmood ah ay ka harsan tahay maalmo yar ayaa waxaa xarunta madaxtoonyada ee Magaalada Muqdisho ka socda ololaha magacaabista Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee bedeli doona Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid oo isagu xilkaasi iska casilay.

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif ayaa maalmahan waday kullamo u badnaa latashiyo ku aadan magacaabista Ra’isul Wasaaraha cusub, waxayna wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray xarunta Madaxtoonyada ay sheegayaan  in Madaxweyne Sheekh Shariif ay ku adkaatay ciddii uu u magacaabi lahaa Ra’isul Wasaare waayo dhinacna waxaa ka jiidanaya beesha caalamka halka dhinaca kale ay ka jiidanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka oo iyagu ku hanjabey in aysan wax kalsooni ah sii doonin Raiisul wasaaraha cusub sidoo kale waxaa caqabad ku noqday beelaha isku haya xilkaasi oo mid waliba doonayo in Ra’isul Wasaaraha cusub uu dhankooda ka yimaado.

Shalay iyo maantaba waxaa dib loo celiyey Weriyaashii goob jooga ka noqon lahaa magacaabistaas, taasina waxay ku tusineysaa in Madaxweyne Sheekh Shariif ay ku adkaatay in uu xilkaasi ku dhawaaqo, waxaana musharaxiinta u taagan xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ay gaarayaan ilaa iyo dhowr iyo toban musharax, waxaana ugu cadcad rag ay ka mid yihiin C/qaadir Sheekh Cali Diini oo lagu tilmaamay in uu yahay nin xilkaasi ka bixi kara oo taageero badan ka haysta beelaha Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale la sheegay in uu taageere xoogan ka haysto beesha caalamka, waxaana uuna C/qaadir Sheekh Cali xarunta madaxtoonyada ka wadaa kullamo aad u balaaran oo uu kaga dhaadhicinayo Xildhibaanada Baarlamaanka, Beelaha Soomaaliyeed sidii Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif uu Ra’isul Wasaare ugu magacaabi lahaa.

Xubnaha kale ee iyana la hadal hayo waxaa ka mid ah nin iyana ay wataan maamul gobaleedka Puntland oo lagu magacaabo Max’ud Cali XajiXaashi waxa uuna isna olole ka wadaa xarunta Madaxtoonyada, sidoo kale waxaa isna ka mid ah ragga la hadal hayo nin lagu magacaabo Saacid isna la sheegay in uu taageere ka raadinayo qaybaha kala duwan ee bulshada, haddaba waxaa la filayaa in beri oo jimce ah uu Madaxweyne Sheekh Shariif ku dhawaaqo Ra’isul Wasaare cusub oo ay sugeyso hawl aad u balaarna oo dhinaca amniga ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail   amiinkhasaaro@hotmail.com

…….

Faysal Cali Waraabe “Sheekh Shariif wuxuu ka damqan lahaa Haweenka Yaanyada iibiya ee maalin walba ciidamada AMISOM ay ku xasuuqayaan Suuqayada ”

Faysal Cali Waraabe oo dhawaan looga guuleystay doorashooyinkii ka dhacay maamulka Somaliland ayaa wax laga weydiiyey xaaladda Soomaaliya iyo waliba Ra’isul Wasaaraha cusub ee la filayo in uu dhawaan ku dhawaaqo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uuna sheegay in ninka uu soo wado uu yahay nin dambiyo waaweyn ka galay maamulka Somaliland iyo waliba isagoo qayb ka ahaa dadkii ka dambeeyey xasuuqii ka dhacay deegaanka Jaziira xiligii uu madaxda ahaa Max’ed Siyaad Barre, waxa uuna Faysal Cali Waraabe uga digay Sheekh Shariif in ninkaasi uu u magacaabo ninkaasi Ra’isul Wasaare isagoo sheegay in uu dambiyo ka galay ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaa wanaagsanaan lahayd in uu Ra’isul Wasaare u magacaabo nin aan dalka iyo dadka dambi ka gelin ummaddana samatabixiya” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo wax laga weydiiyey sida uu u arko dadka xubnaha ka ah Dowladda Sheekh Shariif ee ka soo jeeda Gobalada waqooyi waxa uuna yiri “Dadkaasi waa kuwo dhankaas u shaqo tagay, marka wax la yaab leh ma ahan in ruuxu uu u shaqo tago meeshii ay dantiisu ku jirto”, sidoo kale Faysal ayaa wax laga weydiiyey sida uu u arko Madaxweyne Sheekh Shariif waxa uuna yiri “Taariikhda baal madow ayuu ka galay, waayo waxa uu ka damqan waayey Haweenka yaanyada ku gada suuqa Bakaaraha ee ay maalin walba madaafiicda la dhacayaan ciidamada Afrikaanka ah”, waxa uuna sii raaciyey “Xitaa waxa uu hilmaamay aakhiradiisii, waayo waxa uu noqday madaxweyne aan warba ka hayn bulshadiisa balse maalin walba dalxiis ku mara adduunka”.

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif ayaa ku hawlan sidii uu u soo magacaabi lahaa Ra’isul Wasaare cusub oo bedela Ra’isul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, waxaana xilka ra’isul wasaarenimada isku haysta xubno fara badan, waxaana ugu cad nin la yiraahdo C/qaadir Xaaji Cali Diini, sidoo kale waxaa ku jira ragga ugu cad cad nin la yiraahdo Saacid waxaa kale oo ka mid ah nin la yiraah C/qaair Iraad iyo ninka haatan sii haya xilka Ra’isul Wasaarenimada C/waaxid Cilmi Cumar Goonjeex iyo ninkale oo isna lagu magacaabo Siciid Qoorsheel, waxaana xarunta Madaxtoonyada ka socda olole aad u weyn oo ku aadan magacaabista Ra’isul Wasaaraha, waxaana Sheekh Shariif soo gaaraya fariimo fara badan oo uga imaanaya dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, iyadoo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif la sheegay in uu si aad ah ugu jahwareersan yahay magacaabista ninka uu u xulan lahaa ra’isul wasaarenimada Soomaaliya, waxayna maamulka Puntland laga soo xigtey in ay sheegeen in haddii aan la siin Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ay xiriirka u jari doonaan Dowladda Federaalka.

W/D Aiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

13 Jawaabood " Sheikh Shariif oo magacaabay Raisulwasaare cusub ee DFKMG "

  1. abdi rizak says:

    weligeen maxaa la magcaabay waan is wediina lakiin maxaa la qabtay isma wediino waxaan filaaya in aan magcaabid waxba soo kordhin karin ilaa iyo aan ka fekerno waxa dhabtaa, arintu waa nin buka 100 u tali

  2. Hussein says:

    Walaal ACW. Salaan kadib waxaan Salaamayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaan soo dhaweynayaa Ra’iisal Wasaaraha cusub ee la magacaabay asaga oo kusoo dhawaanaya meel burbursan, baaba’san wax dhaqan iyo wax dhisan aysan jirin isla markaana wax walba ay u baahan yihiin in eber laga bilaabo. Iyada oo ay sidaas tahay haddana Ra’iisal wasaaraha waxaa laga doonayaa inuu noqdo mid cadaalad ugu shaqeeya dalkiisa, diintiisa iyo dadkiisa isla markaana taga gobolada oo dhan isagoo baabuurkiisa ku maraaya, uguna khudbeeya dadka midnimo, wax wada qabsi iyo is taageerid isla markaana ay ka fogaadaan isdil, colaad, iyo dirir.

  3. Abdirisaq says:

    ASC.
    Raiisulwasaare waa la magacaabay. Wax lala fooshaba.
    Waa suaale wax ma soo kordhin karaa, waxna ma ka qaban karaa xaaladda cakiran ee Somalia?
    Inta aanan jawaab bixin: waa in aan isweydiinnaa maxaa ugu weyn oo caqabad ah oo hor taagan.
    1. Dawlad dhaqaale la’aan ah oo aan mushaar bixin karin .
    2. Askar faro badan tiro ahaan laakiin nadaamki askari ka maqantahay oo aan haysan hal xero ciidan oo askari habeen ku hoyan karo, iyo mushaar ku filan oo ay ku shaqo tagaan.noloshoodana ka raadsada suuqa.
    3.dal bar ay goosteen dawlad go’day oo madax bannani ku dhawaaqday qaybna ay qaateen dawlad goboleedyo.
    inta badan wixi soo hareyna ay maamulaan mucaarad aan dawladna amar ka qaadan ,aan aqoonsanayn beel caalm ,jamciyad quruumo ka dhexeeysa,dawlad wen midna.
    4. Dawlad dhexe oo meel yar oo cariiri ah ku dhex jirta haddana ayadi dhexdeedi dhawr nooc isu dhex fadhida.
    5. Caalam ku jahwareersan arrimaha dalka oo ninba dhan wax u wado haddii tiisa la diidana caro xaga kala soo jeesanayo oo raba in waxaba isla burburaan.#
    6. Dawlado diiday sidoodaba inay faraha kala baxaan meesha oo lagu xanto dano ayaga u gaar ah inay ku dhex wataan wax ka qabashada dalkaan.
    7. Adduunki oo diiday sidiisaba toos inuu ula macaamilo somalida oo marna hayado samafal kala hadalaya dalka arrimihiisa iyo wax ka qabashada dhibkiisa., marna dawlado deris ah marna dawlado saaxiib ah oo aad mooddo taladiba in ay gacan saddexaad soo marto oo wax toos isula shaqaynayo ay yartahay.
    8. Mucaarad diiday nafis yar oo salka dhulka lagu dhigo oo lagu fekero bal dalkaan wadadi loo jeexi lahaa iyo qaabki lagu maamuli lahaa. oo meeshiba ka dhigay geel diday waxaro lagama soo dhex qabto oo iska celi iyo ku rid ma ahee u diiday dawladdi nafis yaroo ay ku fekerto.
    Magaaladi caasimadda ahayd oo labaatan sano noqotey goob dagaal oo hadda ay ugu darantahay maanta oo suuqyadi kii wax haystana wax ku gadana lahaa,kii shaqo rabana nolol ka raadsan lahaa,kii wax soo gadanayana uu ka adeegan lahaa oo halbowlaha nolosha ah in obiativo yool loogu xirey Bm iyo hoobiye. kaas oo dawladdu ayna xaq ahayn in sidaas ay ku fiirsato.lagana rabay in ay dadka deggan meesha u sheegto in iska celiyaan cidii xabad suuqa kasoo tuureysa ,hadday dhahaan ma celin karno ay ahayd si cad dawladu in ay ugu sheegto maalintaas wixi ka dambeeya qofki meeshaas ku sugan waa kii xabbad soo ridaayay kii kalena waa in uu ka guraa.waa war cad.in suuqa wax kasta oo kasoo dhaca aan la taabanna waa arrin kale laakiin dadki oo nool oo dhex taagan suuqa in yool lagu xiro waa hawsha hor taalla raaisulwasaraha.
    9. Qaab awoodeedka aan kala qeexnayn ee asaga iyo madaxweynaha oo sababtey hadda ka hor in dhawr madaxweyne iyo r/wasare isku dhacaan sidi xal waara looga gaari lahaa.
    10. Ayada oo aan khasaare intaan kasii badan la gaarsiin shacbaka daalay ee qaxay,ee rafaaday ee Somaliyeed sidi hal maamul oo ay ku midaysan yihiin iyo nabad ay raalli ku wada yihiin loogu raadin lahaa,isla markaasna loo heli lahaa nolol dhallinyarada ku korey colaada ee aan weli hoos istaagin dawlad wax u qabata oo xabaada ka dhigta shaqo iyo nololna siisa.
    isla markaasna shacabka Somaliyeed loogu heli lahaa dawlad ay ayagu leeyihiin oo caddaalad ugu qaybisa kheyraadka dalkooda,ka ilaalisa cadwgooda,u ilaalisa sharaftooda,diintooda iyo madaxbannanidooda,u adeegta una dhega nugul oo u jajaban codkooda.kuna soo celisa maqaamki ay caalmka ku lahaayeen gaarsiisana horumar dhaqaale,ganacsi iyo aqooneed ay ku gaaraan danahooda in ay ayagu qabsadaan oo ka maarmaan hannala kaalmeeyo.

  4. Osman says:

    Walalkay cabqani:
    Ma ogtahay madaxweynihi Somaliland asaaskeedi lagu asaasay ee jabhadda SNM guddomiye kasoo noqday Silanyo ka hor, AUN Cabiraxman Tuur inuu u yimid Somalia midnimo asagoo raadinya. mase ogtahay inuu addis marki somalidu ku shirtey ee ugu horreysey khudbad uu jeediyey uu ku yiri Konfur iyo waqooyi in ay mar dambe isku soo noqdaan waa calaacashaydaas oo timo kasoo baxeen.weli waa duubanyahay warkaas.
    Sidoo kale ma ogtahay madaxweynihi Cabdiraxman tuur ku xigeyna AUN mudane maxamed Ibrahim Cigaal ma ogtahay inuu ahaa ninki qaranka Somalia asaasay kolki uu waqooyi iyo konfur isu geeyey asagu uuna ahaa ninki hogaaminayay midnimadi wafdigi ayaga oo calan leh oo xor ah qaaday calanki oo koonfur geeyey midnimadana dhidibbada uu aasay.
    Ha eegin Hadalka awrku kacsiga lo yaqaan ee siyaasiga ee meesha maskaxdiisu u shaqaynayso fiiri iyo ficilladiisa.

  5. Mustaf says:

    Faysal naguma cusbana hadaladiisa . Waa runtiis AMISOM xasuuq ayeey ku haysaa shacabka weli hadda waxaa la siiyey hub casri ah .
    Shariif iyo taageerayaashiisa raali ayey ka yihiin xasuuqa AMISOM mana ka hadlaan . Shalay Cabdullahi Yusuf markii uu joogay AMISOM iyo ITOOBIYA XABADOODA waxay ahayd Aargoosi Qabiil in ay u shaqeeyaan Cabdullahi Yusuf – Aaway baroortii -mise xabadda AMISOM waa xabad uu saaxiib soo tuuray . Shariifka iyo Kooxdiisa Somali indhaha ayey idinku haysaa xasuusta hadaladiini shalay .

  6. Xasuuqa somaliland waxa Gacan ku laha Madaxwaynihii hore ee somaliland Dahir Rayale maa loo qabsado danbiga General Cali samantar loo haysto mise Dahir rayale wa laandheere u dhashay Somaliland.?
    Tankale Xasuuqa somaliland haddii la xasuustay miyaa la’ilaaway dadkii masaakiinta aha ee mudug iyo sool halka ay iska galaan lagu xasuuqay ee baraagihii iyo ceelashii biyaha laga Awday
    Jabhaddii SNM dhibtii loogaystay kama Duwanayn Tii SSDF haddii reer hargaysa aysan adkaysi dagaal lahayn maxa markii hore dhibta ku watay.?

  7. @Osman sxb marka aad leedahay Faysal cali waraabe “Waa ninka keliya ee aanay la tegin Somaliland nimada waalan oo dad badan madax martey.
    Waa nin weli ay ku weyntahay Somalinimadii iyo midnimadii iyo qarannimadii umadda Somaliyeed’
    Miyad ilowday inuu yahay ninka kaliya ee u dhashay somaliland ee yiri
    Wiiilka ethopia ku dhashay iyo wiilka Muqdisho ku dhashay waxa ii sokeeya kan Ethopia u dhshay marka haduu ina adeerka yahay Taageeradiisa hala’iman Goobtan oo kale

  8. Osman says:

    Faysal Cali waraabe khayr Allaha siiyo.
    Waa ninka keliya ee aanay la tegin Somaliland nimada waalan oo dad badan madax martey.
    Waa nin weli ay ku weyntahay Somalinimadii iyo midnimadii iyo qarannimadii umadda Somaliyeed.
    Waxaan u arkaa xisbigiisa ucidna inuu danihiisa shaqsiga ah iyo jagadiisa ku raadsanayo ee aanu weli ka calool go’in maalinna dalkiisa Somalieed.
    Bal haddan been sheegayo arka Faysal inta jeer ee uu soo hadal qaaday Somalia iyo dhibkeeda iyo inta uu arrimaha Somaliland ka hadalay keebaa badan.
    Guulayso Faysal oo haka daalin weligaa inaad geed dheer iyo mid gaabanba u fuusho si toos ah iyo mid dadbanba danaha umadda Somaliyeed.
    Cid kasta oo isbuurburrtaana biyo meel godan ayay isugu soo ururi doonaan aakhirka.Somalia ha noolaato.thanx geesiyada daljirka dahsoon ee Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

  9. gurxan says:

    Carrab dalab leh,cagtii dalab leh,laga garan og,shalay ayay ahayd
    markii Faysal Cali waraabe lahaa wiilka XAMAR ku dhashay waxaa nooga sokeeya haddaanu LAANTA nahay wiilka ADDIS_ABABA ku dhashay,

    maxaa ka galay tolow maanta waa yaaabe xamar,muu ADDIS ka hadlo iyo sokeeyihiisa iyo isku shaandhayntii Zanawi iyo wasiiradiisii cusbaaa….

    dhinaca kale horaa loo yidhi sumaloow ida seeeg riyo seeeeeg,shariif aduun iyo aakhiroba seeeg,sidaan isleeyahay,dilalka iyo xasuuqqa shacabka haysta sababta ugu weyn isagaa leh,magaalo kasta oo soomaaliyeedna madfaca amisom ayay sugaysaa oo berri hadduu xamar qabsado,magaalo kale ayaa madfac iyo qax u diyaar garoobaysa….thanks walaalaha somali talk dadaalkiina ……

  10. hasan dahir says:

    xasuuqa somali land ma wax lagu qarabto oo raga siyasiyinta ah ey kursi ku donan miyu noqday . somali land kaliya lama xasuqin somali weyn o dhan dhibto aya so garty xiligi kacanka iyo xiliyadi ka danbeyay ba marka ayan umada dhiigeda lagu qaraban ee qof walibow si wanagsan kursiga ku raadso

  11. Ashaluul says:

    wadan ba’oow yaa ku leh, somali manata naf isuma hayso, dadka hada joogaa , ninkii xishoonayay ka dhex baxe fardahay yaacaya. fardahayna (politicians) been ku daaq weeye, nin walba ama lacag buu raadinayaa ama maga, hebel ha lagu yidhaahdo weeye. ina Ali warabe waabad fiicantahay in aad ku dhawaqdo ka nixida somalida, haday kaa furn tahay somali isku soo celiya , wadanka iyo dadka kala firdhay ee malin walba badaha u lada u naxa…. stop the fire, Somalia is already in ashes. May GOD BLESS SOMALIA…….

  12. umma says:

    allahu akbar! waxaan layaabanahay niman kaan siyaasadda waa shay oo iska dhigaya in asxaan u hayaan dumarka soomaliyeed.
    faysalow warkaaga horuu noo gaaray asxaan uma haysid dumar soomaaliyeed, waxaad ku caanbaxday soomaali-diid iyo in aad raali ka tahay in ay soomaali waligeed qaranideeda dib u soo ceshan, markaa waxaa dhihi lahaa ama afeef hore lahow ama adkaysin dambe lohow…soomaali soo raac ama iska aamus waxaa tahay nimamkii u horeeyay balaayada maanta tagan.

  13. T. Jama says:

    Iyadoo lawada ogyahay in labada musharax ee isugu soo haray jagada Raisal Wasaarenijada ay yihiin Dr. Hussein Khalif Xaaji-Jama iyo Col. C/casiis Sh. Dini, ayaa hadalka Faisal Waraabe yimid ee ku aadan Col. C/casiis.

    Arintaa lagu soo eedeeyay Kornaylka waxaan u daynayaa dadka taariikhda qora balse waxaa la yaab ah in Mr. Amiin Yuusuf Khasaaro oo ah qoraha maqaalkan uu iska indha tiray sheegidda Dr. Hussen Khalif oo intabadan la hadal hayo in uu yahay ninka koobaad ama labaad sadexdii cisho ee ina soo dhaaftay, kuna sugan aqalka madaxtooyada hadda.

    Mahadsanidiin