Home » Faallo »

Barakac aad u dheer: 1980-2010 | Amiin Yuusuf

Qoraalka oo Sawirro wata halkan ka daalaco (pdf)

Maalin dhaweyd aniga oo ka soo qaxaya agagaarka Black Sea ayaa hoos waxaan ka iri “ilaa iyo intee ayaan qaxaan ku jireynaa”, balse waxaan niyadda ku dejiyey in rajada Alle aan laga quusan insha allah mar ay ahaatana laga bixi doono xaaladan murugsan, waxaana bilaabay in Reerkii iyo Alaabti halkaas ka soo rarto oo aan raadiyo meel ka xasiloon meeshaan deganaa, markii aan degay oo yara nastey ayaan goostay in qoraal ku cabiro dhibaatada Qaxa gaar ahaan intii aan goob-jooga u ahaa oo laga soo bilaabo 1980 ilaa iyo 2010.

1980-kii aniga oo ku jira waxbarashadii Dugsiga sare oo aan ku jirno Baraare iyo Barwaaqo isla markaana degan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galguduud ayaa waxaa dhacday in Magaaladaasi ay soo weeraraan Diyaaradaha Xabashida, Aabahay waxa uu xiligaas ahaa Askari ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan qaybta 21-aad waxa uuna nagu yiri “Ka baxa Magaalada”, waxaana weydiiyey Aabe waxa magaalada looga baxayo, waxa uuna ii sheegay in ay soo gaartay in Keydkii Hubka ee qaybta 21-aad uu dab qabsday markii ay Diyaaradaha xabashidu ay ku tureen rasaasta Naabaalka, markiiba waxaan u sii sheegnay dadkii deriska ahaa, waxaana markaas dhegaheena ku soo dhacayey

rasaas yar yar oo xiligaasi gubaneysay , waxaana bilownay in aan cararno, waxaana cararno iyo waxaan cararno waxaana bilowday Qaraxa qoryaha waaweyn ee PM-ka ah oo isaga oo faniin ah dadka ku laynayey meelo ka fog Magaalada oo loo cararay, waxay indhaheygu qabteen dad mayd ah oo horteyda yaal, sidoo kale waxaa qarxay Miinooyin loogu talagalay in Dabaabaadka lagu qarxiyo, waxaana xaqiiqdii guryihii Magaalada intooda badan baabi’iyey qaraxyadaasi, markii mudo Shan maalmood ah aan ku jirnay duurka oo aan weynay wax aan cuno, iyadoo ay noo sii dheertay Haraad daran, mudo kadib waxaan dib ugu soo laabana Magaaladii waxaan u nimid guryaheenii oo albaabadu furan yihiin oo ay ilaalo ka hayaan ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, mid ka mid ah askartii ayaa igu yiri “Gurigaan miyaad leedihiin”, waxaana u sheegay in uu yahay gurigeena, askarigii waxa uu nagu wareejiyey gurigeenii oo waxba aysan ka maqneyn.

Waxaana dayactiraney guryaheenii waxaana dib si caadi ah ugu soo laabtay noloshii, dhowr bilood kadib ayaa Diyaaradihii Xabashida mar kale Magaalada duqeeyeen waxaana indha ka qaaday qoys ka koobnaa 11 qofood oo odeygii keliya ka badbaaday, waxaana qoyskaas ahayn deris oo aan ilmahooda dugsiga wada dhigan jirnay, waxaana sidoo kale goob joog u ahaa qoys kale oo iyana ka hareen labo carruur ah, mar kale ayaan cararnay oo duurka galnay waxayna ahayd maalin aad u murugo badan waayo waxaa geeriyooday qaar badan oo ka tirsan ardaydii aan wax wada dhigan jirnay. Mudo markii aan ku jirnay duurka ayaan dib u soo laabanay oo dib mar kale u kab-kabanay guryaheenii ay Diyaaraduhu waxyeeleeyeen, waxaana dib u soo laabtay Xarakaadkii nolosha, Magaaladiina way camirantay, mar saddexaad ayay Diyaaridihii Xabashida soo weerareen Gobalka, waxa uuna Gobalku markaan helay Lidka Diyaaradaha oo naga caabiyey weerarkii Diyaaradaha Xabashida, balse kama aynaan baaqsan Barakicii oo waxaan mar kale u cararnay hawdka Galguduud.

Markii aan dugsiga sare dhameystay ayaan soo gaaray Magaalada Muqdisho, halkaas oo aan ka bilaabay waxbarashadii Jaamacadda, hase yeeshee waxaa bilowday dagaalkii Jabhadaha, waxaana ka walwalay qoyskeygii oo deganaa Dhuusamareeb, balse mar dambe ayay halkaas ka soo carareen, waxayna soo gaareen Magaalada Muqdisho, waxaana 1990 ahayd markii uu si toos ah u bilowday kacdoonkii looga soo horjeeday Dowladdii Max’ed Siyaad Barre uu hogaanka u hayey, waxaa mar kale noo bilowday barakac cusub, waxaana maalin cad ka tagnay Degamada Waabari oo noogu yiil gurigeyna waxaana gaarnay halka lagu magacaabo Burka Diikow, waxaana nooga daba timid Dadaafiicdii, waxaana u sii cararnay deegaanka Huriwaa oo ay ku soo qaxeen dad fara badan, markii ay meesha ka baxday Dowladda Malitariga ahayd, waxay dadka badankiisu niyadda ku qabteen in ay nasan doonaan oo aysan barakac dambe geli doonin balse nasiib daro taasi ma dhicin oo waxaana isku dhacday jabhadihii gaar ahaan USC waxaana soo muuqday in barakac kii daran lugaha la gelin doono, waxaana subax hore ka soo cararnay degamadii Waabari oo aan ku soo laabanay markii hore, waxaana u cararnay dhinaca Black Sea, isla deegaankii aan u barakacnay ayaa waxaa ka bilowday dagaal beeleed, waan wareernay, waxaana garan weynay meel aan u dhaqaaqno balse waxaa markii dambe lagu taliyey in afka la saaro dhinaca Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose, intii aan sii soconay ayaa na loo sheegay in uu dhamaaday dagaal beeleedkii Black Sea ka jiray, waxaana dib ugu soo laabanay Magaalada Muqdisho, waxaa inoo bilaabatay nolol cusub oo dhibkeeda wadata waxaana xiligaasi socday dagaalkii loogu magacdaray Afar Biloodka, halkaas waxaana weynay Gabar walaashay ah oo qayb ka soo qaadatay waxbarashadeydii, waxaana inoogu war dambeysay iyada oo ku sugan gurigeeda oo ku yaalay Degmada Waabari oo iyada keligeed inooga hartay markii aan barakacnay, waxayna subax walba noogu imaan jirtay Black Sea balse subixii dambe ayaan weynay, waxaana bilownay raadinteeda hase yeeshee nooma suuragelin in aan helno, balse habeenkii la dilayey walaashay gabar maqleysay qayladeeda ayaa inoo timid waxayna noo sheegtay in la dilay loona adeegsaday dilkeeda Mindi lagu gawracay, waxaana isku daynay in aan helno Maydkeeda balse ilaa iyo hadda waan sugeynaa.

Dagaalkii afar biloodka markii uu dhamaaday ayaa waxaa dalka yimid ciidamada UNISOM, waxayna iyana faraha la galeen dagaal taasina waxay mar kale keentay in dad badan oo aan ka mid nahay ka barakacaan deegaanadoodii, hase yeeshee xiligaasi Barkaacu waxa uu ahaa in loo cararo hadba meeshii nabdoon isla magaalada gudaheeda. Markii ay baxeen ciidamadii UNISOM waxaa bilowday dagaalkii Hogaamiye kooxeedyada waxaana mar kale lala kulmay barakac kale inkastoo markaan dambe barakaca lala qabsaday oo nolosha ay iska caadi noqotay, waxay arrintu soo jiidanto waxaa aasaasmay Maxaakiimti islaami ah, waxayna markii dambe foodda is dareen isbahaysi ay

sameysteen hogaamiye kooxeeyadii Muqdisho, waxaana dagaalkaasi keenay barakac kale oo aan sidaasi u badneyn, balse waxay arrintu xumaatay oo barakac kii ugu badnaa la galay markii dagaal culus u ka dhex qarxay Midowgii Maxaakiimta iyo Dowladdii uu horkacayey C/llaahi Yuusuf oo garab ka heleysay ciidamada Itoobiya, waxaana dagaalkaasi ugu suuragashay C/llaahi Yuusuf iyo Dowladdiisii in ay la wareegaan guud ahaan Magaalada Muqdisho iyo gobolo badan oo koofurta ka tirsan, balse waxaa bilowday bilo kadib dagaal ku dhifo oo ka dhaqaaq ah oo sababay in uu bilowdo barakicii ugu weynaa Magaalada Muqdisho, waxayna dadka badankiisu u carareen duleedka Magaalada Muqdisho, qoyskeyga waxa uu u barakacay deegaanka Taleex oo markaan aan door bidayey dhanka nabadgelyada balse dadka deegaankaasi kama helin wax soo dhaweyn ah, waxayna si aad ah cirka ugu shareereen qiimaha guryaha, waan xasuustaa maalin baan haweenay a an guri ka kireysanayey ku iri “Waxaana nahay dad soo barakacay oo dhibaateysan, haddii aad sidaan noogu qaaliyeysaan guryaha oo aan la isku naxariisan waxaa dhici doona in aan ka sii wada barakacno deegaanka”, wax badan kama soo wareegan markii dhamaan dadkii deegaanka marka laga reebo in yar oo waardiye ah ay isaga barakaceen deegaankii, waxa uuna Alle qadaray in dadkii guryaha lahaa ay isaga carareen guryahoodii isla markaana ay guryo kiro ah ka degaan degaano kale oo iyana markooda aan wax asxaan loogu sameyn dhanka qarashka, markii ay ciidamadii itoobiya baxeen ayaan aniga iyo qoyska dib ugu laabanay halkii aan markii hore ka soo barakacnay ee xaafadda NBC, niyadeyda kuma soo dhicin in aan barakac kale uu ii haray hase yeeshee Todobaadkaan gudihiisa ayaan mar kale isaga soo cararay xafadda NBC waxaana barakac ku imid xafaadaddii ugu horeysay oo aan markaan xamar imid degay waa Xaafadda Waabari, balse weli waxaa moodaa in dadka aysan wax naxariis ah ku soo kordhin, waxaana qol yar oo cariiri ah la iiga kireeyey lacag badan oo aan la qaadi Karin, waxaana weli niyadda iiga taagan in haddii uusan Alle Faraj furin uu imaan karo barakac kale haddii aan la isku naxariisan waxaana barakaca dadka u wehliln doono dhibaato kale, sidaasi darteed dadka Muslimiinta ah waxaa laga doonayaa in ay isku naxariistaan sida ku cad qowlka alle oo yiri “Haddii aad dhexdiina isku Naxariisataan, Anigana waan idin Naxariisanayaa”.

Maalin dhexdaas ah ayaan booqday deegaanada loo barakacay ee Ceelasha Biyaha ayaan waxaan ku soo arkay in dadkii halkaas u Barkacay iyana mar kale la sii barakacinayo kadib markii ay yimaadeen dad ganacsato isku sheegay oo iibsanaya dhulkii ay dadka barakacay degeen, waxaana arkay hooyo qaylineysa oo dhaheysa “Hub lagu daray dano gaar ah ayaa horey noo soo barakiciyey, maanta waxaa na barakacinaya lacag, Allaa jooga”, waxaana xaqiiqo ah haddii aan loo naxariisan dadka tabaaleysan in dadka Alle u nicmeeyey maanta ay iyana markooda barakici doonaan, dib u xasuuso dad Daaro Dabaqyo ah oo ay Muqdisho ku lahaayeen isaga carareen oo ay bush ka dhisteen deegaanada lagu barakacay markii ay xooggaa soo kabsadeen ayay fiirin waayey dadkii ka hooseeyey, haddii aan sidaan wax laga bedelin waxay arrintu u eg tahay in la iska daba-wareego.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Barakac aad u dheer: 1980-2010 | Amiin Yuusuf "

  1. Magan says:

    Aamiinow run ahaantii barakacu waa arin dhibaatadeeda wadata maantana waxaad moodaa in ilaahay uu dadka ku kala saaraayo oo imtixaan ay tahay.
    dhibaatadu ma yara anigu mar baan la kulmay barakac oo waa kii dawladii ugu dambaysay ay ku dhacday ilaahbaana ogaa waxaan la kulmay waxaan ilaahay uga baryayaa inuu dhibkaan aan dhamaanaynin dadka somaliyeed ka qaado.
    Somalitalk waad ku mahad santihiin gaar ahaan Amiin qoraalkaan wanaagsan ee uu xaqiiqada uga waramay.
    Runtii hadii keena liita aan u naxariisanayno waxaan oo dhami nama soo gaareen, ilaahaybaana noo fududayn lahaa wax walba .

  2. waa arina aad looga naxo wiil yaroo oo soomaali
    ah oo hurdo ka soo kacay inuu nin sheekatay amaanka inuu ilaaliyo inuu saas yeelo lakiin maxay sabaabtu tahay ina saas loo dilo wiil
    yar oo soomali aha ay u dilaan police sacuudi waxaan filayaa ina lagead dharagsan yahay oo ay macanheedu tahay waxaa tahay malah diyo malihid dawlad malihid saas ayaan u fahmay maraka umad soomaaliyeed
    waxaa waajib ku aha inay ka fakarto mutaqbalak ilmahooda si wada jira aha nin aanan dawalad lahay aduunka maanta jooga kuma noolaan karayo

    bilaahi calakum sida aanu isu dhano walalayaal

  3. said says:

    dhaco xanuun badan oo kadhacday dalka sacuudiga taasoo loogeystay wiil soomali ah

    Ciidamadda ammaanka ee xaafadda damaam ee dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxay sixun u galeen wiil dhalinyaro oo Soomaaliya, kadib markii si hubaal la-aan ah ay kala dul dhaceen ciqaab xanuun badan.

    Waxaa la-sheegay in wiil dhalinyaro oo Soomaali uu kasoo degay Hotel uu degnaa, kadib wuxuu lacag kala cararay laba nin oo u kala dhalatay dalalka Yemen iyo Suuriya, kadib waxay waceen ciidamadda ammaanka ee magaaladda, durbadiiba waxaa goobtaasi soo gaaray ciidamadda ammaanka.

    Ciidamadda ammaanka ayaa raggii lacagta laga dafay u sheegay in ruuxa lacagta ka dafay uu dhalasho ahaan kasoo jeedo dalka Soomaaliya, hase yeeshee buuqa iyo sawaxanka ka taagnaa Hotelka hoostiisa ayaa waxaa kusoo kacay wiilkii lacagta dafay wiil kaloo la-dhashay, isla-markaana wuxuu ahaa ruux hurdo kasoo kacay.

    Wuxuu u soo degay hoos, isagoo doonaaya in uu ogaado waxa keenay buuqa iyo sawaxanka, hase yeeshee ciidamadda ammaanka oo horey loogu sheegay in ruuxii lacagta dafay uu ahaa nin Soomaali ah, ayaa waxay si garba duub ah ay u qabteen wiilkii Hotelka kasoo degay, isla-markaana waxay yiraahdeen ninka lacagta xoogay waaba ninkaan, dood iyo wada-hadal kadib ayay labadii nin ee u dhashay dalalka Yemen iyo Suuriya, sheegeen in uusan ahayn ruuxa lacag ka dafay shaqsiga ay ku dhagan yihiin, hase ahaatee ciidamadda ayaa waxay raggii ku yiraahdeen (Uskut Nacala ummah), oo ay ula jeedaan aamus nacalad baa hooyadaa ku taallee.

    waxay goobtaasi ka wadeen labadii nin ee lacagta laga dafay iyo wiilkii ay ku tuhmaayeen in uu lacagta dafay, labadii nin ee Carabta ayaa waxay fariisiyeen qol, halka wiilkii kalana ay la-galeen qol kale, waxaana la-sheegay in ay xiniyaha kaga qabteen koronto, tiiyoo ay u dheereed ceeji, cabaar kadib wiilkii yaraa ayaa nafta ka baxday, isla-markaana waxay meydkiisa kusoo tuureen Hotelkii uu degnaa hoostiisa.

    Dhanka kale aabaha dhalay wiilkaan ayaa wuxuu wiilkiisa geeyay xaruumaha caafimaadka, waxaana lasoo ogaaday in xiniyaha koronto looga xiray, sidoo kale wuxuu dhaqtarku sheegay in ceejina lagu qabtay.

    Aabaha dhalay wiilkaan ayaa wuxuu sheegay in uusan aasi doonin wiilkiisa, isagoo sheegay in raggii dilay uu la-kori doono maxkamad, hase ahaatee ciidamadda ammaanka ee xaafadda Damaam oo iyagu ku kacay ficilkaan ayaa taasi beeniyay, waxayna sheegeen in aysan waxba ku sameyn.

    Sidoo kale ninkii Yamaniga ahaa ayaa sheegay in ay qol la-galeen, isla-markaana uu maqlaayay qeylada wiilka yar, wuxuuna sheegay in waxa ay sameeyeen uu yahay fal ka baxsan Diintayna Suuban ee Islaamka.

    xigasho dhacdo.com