Home » Warar »

Jaamacada Moqdisho oo Xaflad Balaaran ku Qabatey Magaalada Boosaaso

Jaamacada  moqdisho ayaa maalintii axada taariikhdu markeey aheeyd 10_10_2010 ku qabatey magaalada boosaaso xaflad aay ku soo xirtey, waxa aay ugu magacdartey ee “cultural week” isbuuca hidaha iyo dhaqanka.isbuucaas oo ah isbuuc aay sanad weliba qabato jaaamacada moqdisho si aay u barto Ardadeeyda dhaqanka soomaaliyeed isla mar ahaantaasna wexeey kaloo isbuucaas ku bartaaan hanaanka iyo sharciga jaamacada moqdisho.

Halkan ka daawo Sawirada

isbuucaas ayaa waxaa casharo ka bixiyey macalimiin jaamacada wax ka dhigta iyo aqoonyahno ku hoowlan arimaha waxbarashada iyo dhaqanka soomalilyeed.xafladaas ayaa waxaa ka soo qeeyb galay madax kala duwan oo aay ka mid yihiin.ku xigeeynka waxbarashada gobolka  barri mudane:muuse jabriil caras iyo madax kaloo ka kala socotey hay’adaha waxbarasho ee k a howl gala puntland  sida hay’ada wadaniga ah ee Tadamun iyo dallada waxbarashada puntland “pen” kuwaasoo aad u cadeeyey In aay ku faraxsanyihiin waxqabadka jaamacada.waxaa kaloo goobta ka Hadley madax ka tirsan jaamacada moqdisho sida mudane : bashiir maxamed sheek  iyo mudane Aadam xuseen (xeroow) ayagoo sheegey in jaamacada moqdisho u taagantahay adeega bulshada soomaaliyeed ayagoo mudnaanta siineeysa waxbarashada iyo kor u qaadida dhaqanka iyo usluubta fiican.

ma aha markii ugu horeeysay ee jaamacada soo qaban qaabiso isbuucan oo kalle.balse sanad kasta biloowgiisa ayeey jaamacada moqdisho sameeysaa mashruucan ayadoo uga dan leh in aay kobciso caqliga ardayda cusub eek u soo biirey bahda waxbarasho ee jaamacada. Mid ka tirsan shaqaalaha jaamacada oo la yiraadho mudane :maxamed cabdi xaashi (Asad) ayaa wuxuu ku tilmaamey In sanadkaan howsha isbuuca dhaqanka iyo hidaha uu si habsami socod leh u fuley.hadii la firsho casharada iyo waxqabatka goobtaas ka fushey

Jaamacada moqdisho waa jaamacad wadani ah waxaa la furey sanadkii 1997.xarunteeyda ugu weeyn wexeey ku taala magaalada moqdisho wexeey xarun ku leedahay magaalada xeeybta ah ee boosaaaso ayadoo xaruntaas la furey 2008.

Qore

Cabdul fitah Nur Ahmed (Ashkir)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.